SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -RA'YI

Samaan-fare 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


 Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ilaahay waa Same-fare. Nabiyaashii Ilaahay iyo dadka ehlu-kheyrka ahiba waa samaan-farayaal. Soomaali badan baa nalalka baabuurta kala hagta “traffic light” ugu yeera samaan-fare! 

Ilaahay waxuu sheegay inuu wax kasta lammaaniyey – wanaag iyo xumaan, xaq iyo baaddil; cir iyo dhul; rag iyo dumar; noole iyo manoole, iwm. Waa asagii hal-abuurkii Soomaaliyeed lahaa:waxaa ceynba ceyn looga dhigay ha iscajabiyeene. Wuxu hadduusan caksi lahayn lama fahmi karo. Haddaan cudur jireen, caafimaad lama fahmeen. Waxaan anigu ka fahmayaa abuurista sharka iyo sheydaanka inay tahay inaan wanaaga aragno oo xagga wanaaga u cararno. 

Waagii dowladdii Kacaanku jirtay waxaan xasuustaa annagoo qofkii kubbadda kor ka mariya goolka ugu yeerna “shimbirolaaye” ama dhahna meeday Waxool. Waxaa laga waday ninkaasi shimbirahuu khatar ku hayaa marka miyuusan ogeyn inay jirto wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo mas’uul ah xayawaankaas?! Dhallinyaradaas ama dhallaankaasi waxay ogaayeen inay jirto maamul iyo kala-dambeyn. Sidoo kale, qofka iyadoo la shabbaaxtamayo (dhagax ama xabbad) key rabto ha ahaatee isna kor ka mariya hadafka sidaas oo kale ayaa la oranjiray. Qofkaan wax ka aqoon cilmiga bulshada wuxuu u qaadanayaa in hadaaqa iyo hadalada noocaas ahi ay macno la’aan ahaayeen laakiin haddaad Xamar jalleecdid, suuqyada qoryaha iyo rasaasta lagu iibiyo waxaa loo yaqaan cir-toogte! Sabab? Dhallaanka, dhallinyarada iyo dadkoo dhan waa ogyahay in dadka binu Aadamkaa sabab la’aan la iskaga dilo Xamar gudaheeda; marka qofkii shimbiro iyo Waxool ka hadla wuxuu noqonayaa qof aan la socon waaqica lagu jiro. 

Markii xukun iyo dariiq la raaco laga hadlayo waxaan jeclahay inaan tusaale u soo qaato samaan-faraha (traffic light). Fidrada waan ku soo aragnay. Qofkii diinta Islaamka yaqaani wuxuu ogaanayaa in Ilaahay iyo rasuulkiisu (SCW) ay waxna diidaan waxna ogalaadaan. Sidii saxaabi weyn laga sheegay wuxuu yiri: Markastoon maqalno “YAA AYUHALLADIINA AAMANUU” waxaan ogaan jirnay inay nagu soo foolleedahay wax nala amrayo inaan sameyno ama naloo diidayo. 

Si adduunku u jiro oo loo kala badbaado waa inay jiraan kala-dambeyn iyo wax la sameyn karo iyo waxaan la samayn karin. Haddii la yiraahdo jaantaa furan ma jirto wax kala soconaya. Soow samaan-faraha kuma aragno baabuurtii oo qaarna loo ogolaaday inay socdaan qaarna loo diiday oo taagan? Ka warran haddii samaan-faraha laga wada dhigo cagaar ama guduud/casaan? Waxay i xasuusineysaa Hadadlkii Ilaahay ee micnihiisu ahaa haddaan ka yeelno waqtigoo dhan maalin, yaa idiin keeni lahaa Ilaahay sokodi habeen aad degtaan oo raaxeysataan? Haddii aan waqtigoo dhan ka yeelilahayn habeyn, yaa idiin keeni lahaa Ilaah sokodi maalin aad risqigiinna raadsataan? 

Markii xukunkan Soomaali waalay laga hadlayo, Islaamku, dadka qaarna waa u ogolaaday, qaarna waa u diiday oo nal guduudan/cas buu u shiday. Adiga, aniga iyo dagaal-oogayaashu waxaan ahaan lahayn kuwo nalkaas guduudan loo shiday oon u qalmin inay wax xukumaan haddii fidrada la raaci lahaa. Laakiin markii qof aan u qalmin ama qof kasta yiraahdo anaa hogaamiye noqonaya waxaa dhacaya qiyaamaha na heysta. 

Ilaah baan ku dhaartee waxaa iga yaabiyey arrinta Soomaalida. Haddaan dhahno war qof Ilaah yaqaan aan hogaamiye ka dhiganno waxaa dad badan oranayaa: suurtogal ma ahan waqtigan lagu jiro maxaa yeelay Itoobiya, Mareykan, Yurub iyo adduunkoo dhan baan nala rabin qof Ilaah yaqaan! Horta yaa wax raba ma Soomaali mise adduun kale? Welise ma keensanay qof wanaagsan bal inta naloo diidayo? Waa hadalkii Qureyshi dhihi jirtay si ay nabiga (SCW) iyo xaqa u diidaan. Iyagoo Ilaahay dejiyey dhulkii aamminka ahaa oo Carabtoo dhami tixgelin jireen bay cududaar been ah la imaan jireen. 

Soomaalidu qofkii soo bartay jeermisyada, dullinka, shimbiraha, luuqadaha ay Baantuuga ama Aboorjinka Ustareeliya ku hadlaan waxay u yaqaannaan aqoon-yahan; kii soo bartay shareecada Islaamkana waxay ugu yeeraan wadaad. Qof soo bartay xannaanada dadka iyo duunyada (shariifka ama sheekha) iyo mid soo bartay dullinka ama xoolaha kee aqoon badan? Kolley inteenna badan waan naqaan sidii nabi Muxamed (SCW) dadka ula dhaqmee bal sidee buu uga damqan jiray dhibka loo geysto xayawaanka? 

Imisa Xaddiis baa ka hadleya in xayaawaanka loo asxaan falo? Meeyey Xaddiiskii uu nabigu ku yiri: naag jirkeeda ka ganacsan jirtay baa janno ku gashay eey ay waraabisay? Meeyey Xaddiiskii ahaa: haweeney baa cadaab ku gashay mukulaad ay meel iskaga xirtay ooy gaajo u dhishay? Meeyey Xaddiiskii inta nabigu (SCW) arkey rati ooynaya inta usoo dhawaaday oo xoodshay uu u yeeray ninkii watay oo ku yiri: Ilaahay uga baq xayawaankan oo u tur. Miyaan nabigu (SCW) nacaladin qofkii xoolaha wejiga ka sumada? Miyaan Islaamku diidin in xoolaha ficil xun lagu sameeyo? Miyaan Islaamku diidin inaan lagu shabbaaxtamin wax nool? Miyaan Islaamku nagu boorrin in xitaa markii xayawaanka aan manaafacaadsaneyno in si dhaqso ah loo bireeyo oo qalab af fiican leh la isticmaalo? Marka diinta sidaas xayawaanka u tixgelineysa miyaa dad ka shakisanyahay? Qofkii diinta Islaamka yaqaan baa wax u tara dadka, xayawaanka iyo degaankaba. Soow Cumar Binu Khitaab (RC) ma ahayn ninkii lahaa waxaan ka baqaa in aakhiro la ii qabsado geela ku turaanturooda Ciraaq oo la i dhaho maxaad jidad ugu sameynweyday! Ilaah baan ku dhaartee wakaas hogaamiye.  

Maalin dhoweyd oo labada mas’uul oo Soomaaliya ugu sarreeya ay booqasho ku tageen gobollo ka mid ah Soomaaliya waxay dhinac mareen magaalo-madaxdii waddanka. Waxaa ka sii daran waxay booqdeen seddex gobol oo dhib ka soo gaaray bad-gariirkii Sunaamida. Waxaa iigu yaab badnaa, labadaas nini ma soo booqan magaalooyinkii ay dhibtu ka dhacday sida Xaafuun, Eyl, Garacad iyo magaalooyin kale! Halka aan ka arkeyney madaxweynayaashii hore ee Maraykanka oo booqanaya waddamo ay dhibaato ka dhacday oon kooda ahayn. Nimanka dadkoodii oo dhibban u quuri waayey iney soo booqdaan ma ka fileysaan inay xayawaan iyo degaan wax u qabtaan? Xaafuun waxaa biyo u daadshay ciidamo ka mid ah kuwa Jarmalka maalmihii ugu horreeyey ee dhibku dhacay halka labadaas mas’uul, biyo ay u geeyaan iska daayee ay soo bariidinwaayeen! Meeday aqoonta nimankaasi sheeganayaan? 

Markii laguu garto inaad muslim tahay waxaa su’aalo kugu waalaya mushrikiin iyo diinlaawayaal badan. Kuwo sheegta inay yihiin dad furfuran oo xor ah ayaa igu dhaha muxuu Islaamku wax kasta u xaddidaa? Maxaad dadka diintiinna diida aad caddaab ugula orodaan? Soowse xaqdarro maaha cadaabkaasi? Waxaan farta ugu fiiqaa samaan-faraha ugu sokeeya markaasaan ku dhahaa maxaa nalalkoo dhami  cagaar uwada ahaan waayeen oo baabuurtoo dhami uwada soconwaayeen? Wuxuu ku oranayaa suurtogal ma aha oo dhibaataa ka imaaneysa! Marka maaddaama ay yihiin qolyo ku liita anshaxa waxaan dhahaa wax kasta waa sidaas oo waxay leeyihiin “do & undo”. Marka guur laga hadlayo waxaa nal cagaar u shidanyahay nin iyo haweeney oo keliya. Labo haween ah ama labo “lab” ah waxaa u shidan guduud/casaan. Qofkii arrintaas dhaafana waa qof gooyey nal guduudan marka aakhiro iyo adduunba ciqaab buu helayaa. Waxaan weydiiyaa haddii qof isagoo baabuur wada uu gooyo nal guduudan dabadeedna inta booliis arkey ganaaxay; ma xaqdarraa mise waa caddaalad? Waxay ku oranayaan waa caddaalad. Dabadeed waxaa dhahaa caddaabka Ilaahayna waa sidaas oo kale oo qofkii “seerihiisa usoo gala kadib markii loo digo buu carada saaraa”. 

Qaar kale waxay i weydiiyaan iyaga gaalada ah waxaa loo ogolyahay hal haweeney ah waa hadduu nin yahay ama hal sey hadday haween tahay marka maxaad nimankiinna muslimiintaa u guursataan afar haween ah? Inkastoo muslimiin badan iyo Soomaali badanba ku xadgudbeen xaqa dumarka laakiin muslimiinta intooda badani maba awoodaan inay haween badan guursadaan. Si kastaba ha ahaatee waxaan dhahaa: maxaa waddamada Yurubta ku midoobay loogu ogolaadaa iney visa la’aan ku galaan waddamadaas halka kuwa Soomaalida iyo kuwo badan oo dunida seddexaad ah aan loo ogoleyn ilaa ay visa heystaan? Waxaan dhahaa soow binu Aadan mawada ninhin? Waxay dhahaan wey yihiin binu Aadam laakiin waddamadaas ka mid ma ahan. Markaasaan ku dhahaa maxaa ku dabodhigay sharciga muslimiinta u yaal? Ma cid baa afar naagood kugu khasabtay? Marka haddaad awooddo inaad afar dumar guursato soo gal Islaamka haddaadan rabinna shuqul kuma lihid sharciga Islaamka sidaanaan shuqul ugu lahayn sharciga Yurub. 

Dumar aan muslin ahayn baa i weydiiya waxa aan dumarka muslimiinta u dadno. Waxaan ku dhahaa annagu sidaad u lacag jeceshihiin baan u dumar jecelnahay. Waxaan dhahaa halka ay dheemanka iyo jawaahirtu idiin ka joogaan bey dumarku noo joogaan. Runtii dumarka ka qaalisan waxaas laakiin waxbaan tusaaleynayaa. Marka waxaan iri waxaan xannaaneynaa dumar in ka badan jawaahirtaas. Waxaan weydiiyaa arrin ku saabsan khudaarta. Waxaan dhahaa kee fiican in la iibiyo mooska isagoo qubkiisa leh ama isagoo la fiiqay? Waxay dhaheen isagoon la fiiqin si aan jeermisku ugu dhicin. Waxaan dhahaa dumarka jirkoodu iib maaha oo haddii la qabo markey gurigeeda joogto oo ninkeeda la joogto bay la soo shirtageysaa quruxday heyso laakiin uma rabno inay diqsiyaashu ku dhacaan (fiirfiirsadaan). 

Waxaan aad ula yaabaa sida ay gaaladu uga faa’iideystaan fidrada iyo sharciyadii diimahii saxda ahaa salka ku haya. Markii iigu horraysay ee aan arko maxkamad weyn oo London ku taal oo la yiraahdo “Old Bailey” waxaa indhaheygu qabteen taallo saman haween u eg oo gacanta midigna ku heysata seef tan bidixna miisaan. Waxaa horay maskaxdeyda uga soo dhacay aayad ku jirta Suurat Al-Xaddiid -dhab ahaan baan ula dirray rasushayada xujooyin, waxaanna usoo dajinnay Kutub iyo caddaalad, si dadku ugu toosoo caddaalad; waxaanna soo dejinnay birta iyadoo shiddo ku dheehantahay iyo nacfi dadka iyo in Eebbe muujiyo cidda u gargaari Isaga (diinta) iyo rasushiisa iyagoon arkeynin; Eebbana waa Xoog-badane Adkaade ah. Taalladaasi waxay ka turjumeysaa aayaddaas oo caddaaladna waa taal, qofkii damiile ahna waxaa lagu qaban gacan-adag. Muslimiintu markey seef maqlaan waa iska fogeeyaan si aan loogu qaadan dad dambeeya! Halka bartamaha London, badi sanamyada ku yaal intooda badan qalab wada sitaan. 

Sidii aan warbaahinta ku arkeyney am ku maqleyney waxaa hadda socda dood ku saabsan sida loola dhaqmayo “argagixisada/muslimiinta” looga shaki qabo inay dhib u geystaan waddanka Ingiriiska. Qolyo aan la dooran oo ku jira aqal la yiraahdo “House of Lords” waxay gaashanka ku dhufteen dhowr jeer hindise ay dowladdu soo bandhigtay si dadkaas loola xaalo. Habeyn dhoweyd waxaa la iska gaaray 3:00 am waa waxyar Salaadda Subax ka hor. Isla subaxaasna waxay balansanaayeen 8:00 aroornimo. Bal ka warrama Baarlamaanka Soomaaliyeed? Xitaa dhowr saac ma iska arkeen arrinta ciidamada Itoobiya?  

Ummad dhan beynu nahaye diyaar ma u nahay inaan hogaamiye ka dhiganno qof samo-wade ah? War miyeynaan arag sida Talyaanigu u qaddariyo Pope John? Waa Boobkee. Axad kasta waxaa isusoo baxa kumanaan qof oo barako ka rabta ninkaas iska celinla’ hargabka! Boobku waa ka caansanyahay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga. Shiicadu waa sidoo kale oo waddaadka As-Sestaani waa ka dambeeyaan oo waa isagu soo baxaan. Soomaalidu waa ka faanaan qofka sheekha ah. Waxaa yar dad sidaas u qiimeeya culumada. Magaalooyinka qaarkood waad ku arkeysaa masaajid la buuxo ama Salaadaha Ciidda oo dad badani isagu soo baxayaan laakiin in si joogto ah loo qaddariyo culumada waa laga waayey. Imisa qof baa ka dambeeya Shariif C/Nuur iyo Sheekh Maxamed Nuur Qawi (Allaha labadaba xafidee)?

cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaag kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 13, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD