SHACAB DIIFAYSAN
IYO DAWLAD DIBAD
JOOG AH
Dawlad la’aantu
waxay ku bartaa qiimaha ay dawaldnimadu leedahay, taas ayaanan
filayaa inay u sabab tahay weedha ay Soomaalidu beryahan dambe sida
aadka ah ugu hal qabsato ee “dawlad xumi dawal la’aan bay dhaantaa”.
Taas macnaheedu
ma ahan in dadka Soomaaliyeed ay raali ka yihiin inay hogaanka u
qabato dawlad ku sheeg ku shaqaysa caddaalad darro, musuqmaasuq iyo
caddaadinta bulshada, balse waa arin kuu muujinaysa sida ay ugu
boholyoobeen nidaamkii dawladnimo ee 14kii sanno ee aan soo dhaafnay
ka maqnaa.
Hadaba shacabka
Soomaaliyeed iyagoo aan ku qanacsanayn natiijooyinkii shirkii dib u
heshiisiinta ee Nairobi, ayay hadana soo dhaweeyeen dawaladdii
shirkaas lagu soo dhoodhoobay, hase yeeshee niyadsamidaas iyo qalbi
furnaantaas ay muujiyeen waxay u muuqataa mid maalinba maalinta ka
dambeysa sii gudhaysa.
Dawladda FKMG ee
Soomaaliya oo ay ku bohoobeen shaqsiyaad ay colaad, shaki iyo is
aamin darro ka dhexeysay muddo dheer ayaa hadda u eg mid aan ka
dhabayn karin ujeedooyinkii loo dhisay, iyadoo isla markaana cagta
saartay dhabbihii guuldarra ee ay hore u mareen xukuumaddihii iyada
ka horeeyay.
Dawaladdani waa
isbahaysi aragti iyo ujeedooyin kala duwan leh oo dantu isku
qasabtay, wax yaalaha mideeya ee ay heshiiska ku yihiina ay ka
badantahay inta ay isku khilaafsanyihiin ee aanay ku heshiin
karayn.
Waa isbahaysi uu
loolan xoog lihi xubnihiisa u dheexeyay intii burburka ka dambaysay
iyo xilligii uu socday shirkii dib u heshiisiintuba iyadoo
shakhsiyaad miisaan leh oo ka dhex muuqda isbahaysiguna ay ku caan
baxeen sannadihii aan ka soo gudubnay is rog rog badan iyo marba
dhinac isku xaglin oo aanay lahayn mawqif loogu soo hagaago.
Waa isbahaysi ay
ka buuxaan shakhsiyaadkii 14kii sanno ee aan soo dhaafnay dhibaatada
weyn u geystay dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyagoo haddana weli u
muuqdaan kuwo aan ka waantoobin siyaasaddahoodii dagaal ooganimo
inkastoo ay markan xilal qaran dusha u riteen..
Waa isbahaysi
aanay wax macno leh ula muuqan dastuurka iyo shuruucda ay
samamysteen ajandahoodana aanay ku jirin waxa loo yaqaan tanaasul oo
la’aantii ayna suurto gal ahayn dhinacyo is hayaa inay heshiis ku
gaadhaan miiska wada xaajoodka.
Dawalad iyada
dhexdeeda u baahan in loo qabto shir dib u heshiisiineed siday dad
iyo dal tabaalaysan u samata bixin kartaa?.
Hadaba dhawr
bilood ka dib markii dawladdaas la dhisay ayaa weli waxay soo dhaafi
la’dahay magaalada Nairobi iyadoo ilaa haddana marti u ah wadanka
Kenya ee gogosha u dhigay Soomaalida, halkaasoo weli hoteelada
caanka ah lagu masruufo wasiiradeedii iyo xildhibaanadii inkastoo
caddaadis iyo cabashaba ka muujiyeen Kenyaanku.
Waxaa markii ugu
horeysay tan iyo intii ay xilalka qabteen booqasho ku tagay gobolo
ka mid ah Soomaaliya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dawladda
FGMG inkastoy ka maageen inay caasimadda tagaan.
Waxaa laga
yaabaa in qofka Soomaaliyeed aanay wax yaab ah ula muuqan in
madaxweynahoodu uu booqdo dalkiisa, hase yeeshee bal ka fakir haddii
lagu odhan lahaa madaxweyne Bush oo booqday Maraykanka ama Xusni
Mubaarak oo booqday dalka Masar.
Waxaan filayaa
in weedhaha kor ku xusani u muuqdaan kuwo gurracan laakiin inagu
waxaan maanta gaadhnay heer uu madaxweynaheenii uu booqdo
wadankiisii isagoo dibbad joog ku ah wadan shisheeye, aaminsanna
ciidamo shisheeye la’aantood in aanu dalka ku laaban karin!..
Arintaas aan kor
ku xusnay ayaa sababtay muran iyo is maandhaaf ka dhex abuurma
xubanaha dawladda gaar ahaan habkii ay uga haw geli lahayd
Soomaaliya, goobtii dawladda xarunta u noqon lahayd iyo keenidda
ciidamo nabad ilaalin oo Afrika ku deeqday.
Ku adkaysashada
hogaamiye xookeedyada Muqdisho in dawladda ay ka hawl gasho Xamar
iyagoo dhanka kale ka gaabiyay inay qaadaan tallaabooyinkii suurto
gelin lahaa arintaa ayaa dadka badankiisu u arkaan qorsho
ujeedadiisu tahay in lagu wiiqo awoodda dawladda ay xubnaha ka
yihiin.
Xaaladda Xamar
oo bilihii ugu dambeeyay soo jiidatay indhaha caalamka ka dib markii
ay ka dhaceen dilal qorshaysan oo lala beegsaday saraakiil ciidamada
ka tirsanaa iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo ay weheliso dhacdadii
dibadda loogu soo saaray maydadkii ku aasnaa xabaalaha Talyaaniga
ayaa ahaa arimo sawir aan fiicnayn inaga siinaya khatarta iyo ammaan
darrada ka jirta magaalada Muqdisho.
Maleeshiyooyinka
hubaysan ee aan cidna ka amar qaadan iyo hanjabaadda ka soo
yeedhaysa wadaadada mayalka adag ee fadhiisinada ku lah Muqdisho iyo
meelo kale oo ka mid ah dalka ayaa iyana ah airin aan la dhayalsan
karin.
Ismaan dhaafka
soo kala dhex galay shakhsiyaadka mihiimka ah ee dawladda iyadoo aan
weli hawsheediiba bilaabin oo dalka dibaddiisa ku sugan ayaa
ifafaale aan fiicanayn ka bixinaya mustaqbalka dawaldda iyo ku
guulaysiga hawalaheeda.
Dawladdan oo
shacabka badankiisu u arkayeen markii horeba abaal marin la
guddoonsiiyay dagaal oogayaashii dalka iyo dadka dhibaatada u
horseeday, halkii ay ka ahayd in sharciga la hor keeno ayaa aanay
hadana shaqsiyaadkaasi weli ka toobad keenin falalkoodii dulaynta
iyo ku danaysiga ummadda.
Hadaba xubnaha
dawladda oo hadda u qaybsamay laba garab oo ka qaba aragti kala
duwan keenista ciidamada iyo goobta ay dawladdu fadhiisin ka
dhiganayso ayaa sababi karta guuldarro weyn oo soo wajahda
dawladdan.
Sidoo kale
shacabka ayaad moodaa iyana inay ku kala daba safan yihiin
hogaamiyayaasha labadan fikraddood isku khilaafsan, waxaana
xaaladdan aad uga faa’idaysanaya kuwa aan rabin in dalka nidaamkii
dawladnimo iyo kala dambayntii lagu soo dabaalo oo iyaga aanay dani
ugu jirin in nidaam dawladnimo dhasho maadaama ay hanti badan oo
xaaraaan ahi soo gasho jeebkooda maalin walba.
Waxay kooxdani
boodhka ka tumayaan fikradihii gaboobay ee ay ku caano maalayeen
14kii sanno ee aan soo dhaafnay ee ahaa iska hor keenista beelaha
Soomaaliyeed ee walaalaha ah iyo soo cusboonaysiinta colaaddii iyo
dhibaatadii soo dhex martay sannadihii dawlad la’aanta iyagoo ku
hadaaqaya erayo ay ka mid yihiin aargoosi iyo reer hebel baa loo
danleeyahay.
Haya’adaha
dastuuriga ah ee dawaladda ayaa iyana ay durtaba ka muuqataa kala
daadsanaan iyo daciifnimo weyni, iyagoo isla markaana weli isla meel
dhigi la’ qorshe iyo hawl gal midaysan oo u suurto geliya inay si
dhakhso ah dalkii dib ugu laabtaan.
Waxaa wax lala
yaabo ah go’aanka adag ee ay qaateen xubnaha beesha USC ugu jira
xukuumadda iyo baarlamaanku kaasoo ina soo xasuusinaya gorgortankii
iyo sidii ay hadba kooxi shirka uga dudi jirtay si loogu meel mariyo
rabitaankooda xilligii uu socday shirka Soomaalida Kenya.
Sidee bay suurto
gal u tahay in beel Soomaaliyeed ay keligeed go’aamiso in arrin
baaarlamaanka lagaga doodi karo iyo in kale? Miyaanay ka fiicnaateen
in ay rabitaankooda u maraan hab waafaqsan dastuurka iyo shaciga
dalka?.
Dimuqraadiyadda
iyo u hogaansanaanta tirada badan ayaad moodaa inay weli maskaxdooda
geli la’dahay hogaamiye kooxeedyada Muqdisho, maadaama ay ahaayeen
kuwo awood iyo amar ku taaglayn ku soo dhaqmayay sannadihii dawlad
la’aanta iyo fawdada.
Baarlamaanka oo
ah haya’adda sharciyeed ee dalka ugu saraysa ayaa iska leh
go.aaminta haddii ciidamo shisheeye la keenayo dalka iyo haddii kale
iyo weliba wadamada ay ka imanayaan ciidamadaasi iyadoo loo
hogaansamayo rabitaanka inta badan.
Haddii uu xaalku
sida uu hadda yahay ku sii socdo oo aanay xubnaha dawladdani dib
isugu noqon kana fiirsan dhanka ay dhaanka u wadaan, shaki kuma jiro
in ay meesha ku kala tegi doonaan iyagoon Nairobi soo dhaafin.
Ismail A. Hassan
(khaliil)
khaliilha484@hotmail.com
Qoraaladii hore ee Khaliil...