SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

15 Mar. 2005

  •       Dad badan oo bilaa sabab  lagu xidhxidhay magaalada Awaare.
  •        Itoobiya oo isu diyaarinaysa inay qabsato deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.
  •       Dalalka Afrika ugu awoodda badan oo laga dalbay inay Soomaaliya ciidamo u diraan.
  •       Itoobiya oo ciidamo soo dhoobtay xadka Soomaaliya.
  •       Dowladda Eritereya oo Qaramada Midoobey ka codsatay in Itoobiya la cadaadiyo.
  •        Iyo Barnaamij gaar oo aan ugu magac daray: Dad aan rabin in lagumaysto lama gumaysan karo.

====================== 

Dad badan oo bilaa sabab  lagu xidhxidhay magaalada Awaare. 

 Ciidanka nolol-diidka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dad badan oo rayad ah ku xidhxidhay magaalada Awaare ee gobolka Jarar. 

Dadkan oo tiradoodu gaadhayso labaatan ruux ayaa la xidhxidhay intii u dhexaysay 5-7 bishan Maarso, ilaa iyo haddana ciidammada gumaysiga lagama hayo ama ma ayna sheegin sababaha ay dadkaas u xidhxidheen.

Dadka ay magacyadoodu ilaa iyo hadda na soo gaadheen waxay kala yihiin:

  • 1-     Sacda Gurey Baaruud
  • 2-     Malko Shugri Aaden
  • 3-     Cabdi-Qaadir Abshir Daahir
  • 4-     Axmed Amiir Axmed-kirix
  • 5-     Aw Muuse Xaaji
  • 6-     Iyo Fardawsa Xawayaan

Itoobiya oo isu diyaarinaysa inay qabsato deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya. 

Ciidamada Itoobiya ayaa isu diyaarinaya inay gacanta ku dhigaan deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyagoo ku marmarsoonaya inay dhexdhexaadinayaan beelo soomaali ah oo ku dagaallamaya gobollada dhexe. 

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee faragelintan samaynaya ayaan haba-yaraatee wax oggolaansho ah ka haysanin dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya. 

Todobo sargaal oo Itoobiyaan ah ayaa dhawr maalmood ka hor soo gaadhay magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo u yimid arrimo la xidhiidha diyaargarowga ay Itoobiya ugu jirto inay qabsato qaar ka mid ah deegaannada gobollada dhexe ee Soomaaliya. 

Ma aha markii ugu horraysay ee ciidamada Itoobiya ay amar la’aan soo galaan gudaha Soomaaliya, hase yeeshee waa markii ugu horraysay ee ciidamo Itoobiyaan ahi ay si badheedh ah u yimaadaan meelo Soomaaliya ka mid ah, intii uu keligii taliye Meles Zenawi ballanqaaday in ciidamadiisu ayna Soomaaliya soo geli doonin iyagoo oggolaansho ka helin dawlada Soomaaliya. 

Todobadan sargaal ee Itoobiyaanka ah ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, iyagoo sheegay inay u yimaadeen sidii waanwaan uga dhex abuuri lahaayeen beelaha ku dagaallamaya gobollada dhexe, isla markaana ay  u ogaan lahaayeen cidda jabisay heshiis ay beelahani hadda ka hor isla gaadheen. 

Wax-garadka soomaaliyeed ayaa ku tilmaamey wax aan la qaadan karin faragalinta Itoobiyaanku ku hayaan arrimaha Soomaaliya, waxayna tilmaameen in tallaabadan ay Itoobiya qaadday ay tahay mid muujinaysa damaca Itoobiya ee ku saabsan inay qabsato dhulka Soomaaliya. 

Iimaan Xasan Jiiroow oo ah guddoomiyaha guddiga nabadaynta ee gobollada dhexe ayaa idaacaddaHornAfrik u sheegay inaanuu jiri doonin wax kulan ah oo odayaasha labada beelood la yeelanayaan saraakiisha Itoobiyaanka ah, isla markaana ayna suuragal ahayn inay la kulmaan dad shisheeye ah oo dalka sharci darro ku jooga. 

Dalalka Afrika ugu awoodda badan oo laga dalbay inay Soomaaliya ciidamo u diraan. 

Dalalka ugu cududa roon Qaaradda Afrika ayaa laga dalbay inay ciidamo nabad ilaalin ah u soo diraan dalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa dalalka Koonfur Afrika iyo Nayjeeriya ka codsaday inay Soomaaliya u soo diraan ciidan nabad ilaalineed oo looga maarmi karo ciidamo ka socda dalalka safka hore ee IGAD.

Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa safiirada labadaas dal u fadhiya Kenya waydiistay inay dawladahooda kala soo hadlaan sidii ay ciidamo Soomaaliya ugu diri lahaayeen. 

Qaar ka mid ah xildhibaannada soomaalida oo safiirradaas la kulmay ayaa sheegay in safiirradu ay soo gaadhsiiyeen in dawladahoodu aqbali doonaan soo jeedintan, isla markaana ciidamo u soo diri doonaan dalkaSoomaaliya.

Dadka Soomaalida ah ayaa aad uga soo horjeeda in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda dalalka IGAD, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya.
 
Dhinaca kale dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa si wayn ugu kala fogaaday in Soomaaliya la geeyo ciidamo ka socda dalalkan, oo loo yaqaano dalalka safka hore.


Marka laga reebo dalalka Yugandha iyo Itoobiya waxay dalalka IGAD danaynayaan inaan ciidamo ka socda dalalka safka hore la keenin Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki uu si gaar ah ugu ololaynayo in dalalka safka hore oo ay dawladdiisu ku jirto aanay lug ku yeelan ciidamada nabad ilaalinta loo gaynayo dalka Soomaaliya.

Itoobiya oo ciidamo soo dhoobtay xadka Soomaaliya.

Xukuumadda Itoobiya ayaa ciidamo fara badan ku uruurinaysa xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ogaadeenya. Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa la keenay magaalooyinka Qallaafo, Mustaxiil iyo Feer-feer, waxaana la sheegayaa inay xidhay isu socodkii labada dhinac.  

Wadayaasha gaadiidkii isaga dhex shaqayn jiray gobolka Hiiraan ee Soomaaliya iyo Ogaadeenya ayaa sheegay in loo diiday inay xadka ka gudbaan, waxaana baabuur badan oo badeeco wadday lagu qasbay inay rarkooda ku dejiyaan degmada Feer-feer. 

Wadayaasha baabuurta xamuulka ah ee nawaaxigaas ka shaqaysan jiray ayaa sheegay in ciidamada itoobiyaanka ee xadka la soo dhoobay ay yihiin kuwii ugu badnaa ee halkaas la keeno.

Daqdhaqaaqa ciidammada Itoobiya ayaa laga dareemay toddobaadyadii la soo dhaafay gobollada Soomaaliya ee xadka la leh Ogaadeenya oo dhan, waxaana la sheegayaa in magaalada Xudur ay hadda ku sugan yihiin saraakiil itoobiyaan ah oo u gogol xaadhaya sidii ay ciidamo itoobiyaan ahi nawaaxigaas u soo gali lahaayeen.             

Dowladda Eritereya oo Qaramada Midoobey ka codsatay in Itoobiya la cadaadiyo. 

Dawlada Eritereya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu baaqday inuu xukuumadda Itoobiya ku cadaadiyo inay fuliso heshiiskii xabbad joojinta ee lagu soo dhammeeyay dagaalkii labada dhinac dhex maray sannadihii 1998-2000. 

Xubnaha Golaha Ammaanku waa inay Itoobiya ku cadaadiyaan inay u hooggaansanto xukunkii maxkamadda adduunka ee ku saabsanaa xadka Itoobiya iyo Eritereya, marka ay maalmaha soo socda go’aanka ka gaadhayaan in xilliga loo kordhiyo ciidamada Qaramada Midoobey ee nabad ilaalinta u jooga xadka uu muranku ka taagan yahay, sidaas waxaa sheegay masuul sare oo ka tirsan dawlada Eritereya. 

Agaasimaha xafiiska madaxwaynaha Eritereya Yemane Ghebremeskel ayaa isaguna yidhi:Golaha Ammaanku waa inuu Itoobiya ka dalbo inay aqbasho xukunkii Qaramada Midoobey, oggolaatana in xadka la asteeyo, isla markaana ay ciidammadeeda ka qaadato xadka labada dal u dhexeeyo.

Radio Xoriyo

15 Mar. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 16, 2005

 


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD