Xildhibaanada Beesha Harti ee Baarlamaanka Somaliland oo sikulul u
weeraray siyaasadaha madaxweyne rayaale ee gobolada Bari.
- warbixin: Aadan yuusuf qodax hargaysa
| Maarso 18, 2005
email: aadanqodax@somalitalk.com ama qodax28@hotmail.com
Soddon xubnood oo kamida xildhibaadanada beesha harti kaga
jira golaha baarlamaanka somaliland ayaa sikulul uweeraray
siyaasadaha madaxweyne rayaale ee deegaamada bariga ee ay
kasoojeedaan, xildhibaanadan oo xalay soosaaray warsaxaafadeed
wuxuu warsaxaafadeedkoodu uqornaa:-
Uguhorayn markaynu sibalaadhan uwada ogsoonahay baahida balaadhan ee loo qabo nabada oo ka wada hanaqaada qaranka somaliland,
markaynu dib u jaleecno baaqyada nabaddoonka ah ee bilihii ugu danbeeyey
ka soo yeerayey caalamka gaar ahaan xoghayaha guud ee qaramada midoobey
Mr. koofi anan, midawga africa ,midawga yurub,jaamacada carabta ,garaadada
sool ,sanaag bari, iyo buuhoodle.
Markaynu ognahay rabitaanka madaxdhaqameedyada iyo bulsha weynta
somaliland gaar ahaan gobolada sool, sanaag ,togdheer, saaxil iyo hargaysa
iyo sida ay ugu heelan yihiin nabada lagusoodabaalo xurgufta kajirta
gobalada sool iyo sanaag bari.
markaynu dib uxasuusano sida ay somaliland ugu dhisantahay wada hadal,
isxaqdhowr, isqancin iyo waayeelnimo ku salaysan dhaqanka wanaagsan ee reer somaliland
saldhiga u ahaa ,lagagana soo gudbay marxalado badan oo somaliland ku
dhisantahay somalida kale iyo aduunkana dheer tahay somaliland. markaynu
dib u milicsano sida hagarla'aanta ahayd ee ay uga qaybqaateen
heshiissiintii cade muse iyo abdilahi yousuf iyo sida ay tan maanta
somaliland gudaheeda dhagaha uga furaysatay .
Markaan sidhab ah uxusno weftigii salaadiinta,siyaasiyiinta,iyo golaha
guurtidu ku tageen laascaanood iyo sidii ay ugusoodabaaleen in
deegaankaas maamulka lagu fidiyo iyo sidii hawsha yarayd ee rayaale
usooburburiyey maamulkii yaraa ee kajirayna uga sooraray , marka aan
kala quusaney in ciidamada qaranka ee deegaamada bari ku sugan ay
hogaamiso siyaasad qaran oo hor socota si ay u gaadhaan waajibaadkii ay
u tageen deegaanada bariga somaliland. marka aanu geed dheer iyo geed
gaaban u fuulnay in uu badelo siyaasada foosha xun ee uu cadaystay
maamulka xukumada maanta jirta ee ah dhaqaale lagu bixiyo maamul iyo
ciidan aan jirin oo sanad walba lagu daro miisaaniyada balse aan gaadhin
deeganada sool, sanaag bari iyo degmada buhoodle taas oo u jeedadoodu
tahay fogayn lagu fogeynayo deegaanada iyo dadka u dhashay.
Markaanu hoosta ka xariiqnay talooyinka axsaabta qaranka,goloyaasha
qaranka ,salaadiinta somaliland iyo cidkasta oo danaysa isu dhamaashaha
somaliland iyo sidaan daboolka looga qaadin ,markay noo cadaatay in
ha'yadahii samofalka ee somaliland joogay loogu ogolaadey in ay puntland
wax uga keenaan taas oo aan dhicin 14sano ee somaliland jirtay in
deegaanadaas mar qudha xagaas wax looga keeno maanta ka hor.
hadaba markaad eegto arimaha aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo
aanaan halkan ku xusinba waxaa ay noola muuqatay sidan :-
in madaxweynaha talada hayaa maanta somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba
si toos ah u kala go'nayo, iyadoo aanu qabno in uu dano gaar ah ka
leeyahay , danahaas oo aan somaliland u adeegayn, masuuliyadana aan cidi
la wadaagidoonin.
talo soojeedin :-
1. golaha guurtida ,salaadiinta ,axsaabta qaran,cuqaasha iyo waxgaradka
somaliland dibada iyo gudahaba waxaanu soo jeedinaynaa in si dhakhso ah
loo bilaabo hir galinta wada hadalka nabadeed ee ka soo geedhaya
madaxdhaqameedyada sool ,sanaag bari , iyo buuhoodle looguna cayimo
meeshii iyo maalintii ay soo codsadeen .
2 . in aan wada hadalkaa nabadeed cid danbe u darbanaan taas oo aan aragno
dhamaystirkii ugu danbeey ee somaliland ku dhamaystirmilahayd dad ahaan
iyo dhul ahaanba.
3. beesha caalamka gaar ahaan UNka IGAD,midawga yurub midawga africa
,jaamacada carabta iyo kuwa xuquuqul iinsaanka maraykanaka waxaanu
ugubaaqaynaa in ay nagu taageeraan nabada iyo dhamaystirka
dimuquraadiyada somaliland .
4. cade muuse madaxweynaha maamulka puntland waxaanu ugubaaqaynaa in uu
sibilaa shuruud ah uga soo daayo maxaabiista kuxidhan Garoowe uguna
wareejiyo isimada sool ,sanaag bari iyo degmada buuhoodle si ay kuwii
kalena ukaxeeyaan.
5. Daahir rayaale madaxweynaha somaliland waxaanu ku adkaynaynaa in aanu
dimuquraadiyadii iyo wada tashigii nabada somaliland saldhiga u ahaa
kubedelin digteeternimo dhaxalkeeda hore loo soo arkay.
6. ugu danbayntii raga kudhaw madaxweynaha ee lataliya talo aan somaliland
dan u ahayn ama qayb somaliland kamida fegaynaysa ,waxaanu usoojeedinayna
in ay kawaantoobaan majaraha qaloocan ee ay hayaan .
magagacyada mudanayaasha warsaxaafadeedka ku saxeexan:
1. cumar faarax budeeye
2. jibriil cali salaad
3.c/qaadir maxamed xasan
4.cali maxamad aadan
5.cawil c/laahi caydiid.
6.c/rashiid sheesh c/laahi
7.cusmaan xuseen gurxan
8.cali cumar axmed
9.cali ismaaciil jabaar
10.yaasiin ismaaciil cali
11. maxamed jamac cabdi
12. c/qaadir jamac xaamud
13.cabdi faarax ducaale
14. c/qadir jamac dheere
15.cabdisalaan maxamed siciid
16.xirsi ciise jaamac
17. muuse ciise faarax
18.maxamad hirad shirdag
19.maxamad xuseen huruuse
20.cismaan sharmaarke caamir.
21. c/risaaq warsame xayir
22.maxamad axmad maxamad
23. maxamad xirsi muslin
24. c/waaxid c/ qaadir c/ raxmaan
25. maxamad siciid dhiif
26.axmad xasan saalax
27.maxamad cali warsame
28.sh.cabdi faarax
29. axmed nuur
30. faysal ismaaciil.
alaa mahad leh
warbixin: aadan
yuusuf qodax
email : aadanqodax@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 18, 2005
Aniga
Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga
Sanaag iyo Buuhoodle:
Qoraal dheer oo uu soo saaray
C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in..
Guji..
Dec 7, 2004
Waraysi Samsam
iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo
Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u
gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com