SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO
Waraysi uu xildhibaan Barre Hiiraale kaga hadlayo aragtidiisa ku aadan kala qayebsanaata xubnaha baarlamaanka iyo sida uu u soo dhawaynayo keenista ciidamo shisheeye oo uu maanta siiyay shabakada warbaahinta Somalitalk 
  •  "...ilaa iyo haaatan magac uyaal weeye magacaabideyda dowladuna wali Nairobi baytaagantahay.." Barre Hiiraale

Somalitalk :Marka hore mudane barre hiiraale ku soo dhawoow shabakada warbaahinta ee SomaliTalk. 

Xildhibaan barre hiiraale: Waad mahadsantahay waana dhawahay adeer  

Somalitalk:: ugu horayen waxaan ku weydiinayaa mudane wasiirada amuuraha dibada ee IGAD waxay soo saareen go'aanka kama dambeys ah oo ka soo baxay kulankii labada maalin ay lahaayeen ee ku saabsanaa in ciidamada safka hore laga baajiyo wadanka soomaaliya islamarkaana lakeeno laba dal oo kamid ah IGAD sida  Uganda iyo Suudan sidee ayaad u aragtaa go'aankaasi ay gaaren wasiirada IGAD? 

Xildhibaan Barre: go'aankaas aad baan u soo dhoweynayaa waana waafaqsaanahay fikirkana in ay ciidamo keento IGAD waan rabnay  lakiin waxaan diidaneen dowladaha aan deriska nahay in ciidamadooda maanta soomaaliya lakeeno hadiise baarlamaankii taasi ansaxiyeen wasiirada IGADna ay aqbaleen waan soo dhoweynaynaa aad iyo aad baana ula shaqeeneynaa hadii alle idmo. 

Somalitalk: Kalsooni intee la eg baad ku qabtaa in dowladaha yugandha iyo suudaan ay wax ka qaban karaan xaalada murugsan ee soomaaliya ? 

Xildhibaan Barre: anigu horey baaban u cadeeyoo ciidamo ajnabi ah oo dhan waxan aaminsanahay in waxaanan  qaban ayasan qaban karin markaa kalsooni buuxada iyo mid bar ahba kuma qabo in laba dowladood ay soomaaliya arimaheeda xalin karto lakin soomaaliya ay xalin karto arimaheeda ,dowladbaa la dhisey nadaambaa loo sameeyey hadii ay iyagu ilaaliyaan ayagaa ku filan xalinta soomaaliya, hadiina ay na soo celiyaan kal dambeytoodii hubkana dhigaan iyagaaba ku filan ,taasaanba anigu aaminsanahy  in ay ku filantahay. 

Somalitalk: Raga kamidka ah labada gole ee dowlada kumeelgaarka ah ee doonayo in ciidamo safka hore ah la keeno soomaaliya waxay ku doodayaan in dowladaha safka hore ay aqoon uleeyihiin dalka iyo dadka laakiin yugandha iyo suudan ay san waxba ka qaban karin wadanka soomaaliya marka la eego howlaha nabad ilaalinta ee adiga sidee kuula muuqataa taas.

Xildhibaan barre: Anigu waaban sheegay waxaan soomaalidu qabsan cidna uma qabankarto lixdan iyo wax la jiro oo dowladeed ayaa isku dayey in ay soomaaliya xoog wax uga xaliyaa oo ku xalin kari waayey markaa labo iyo sedex iyo waxii lamid ah oo Africa ah in aaysan xalin Karin baan aaminsanhay xiligaan maanta ahna soomaaliya xoog uma baahno ,dhibaato ay kasoo daashaday  dagaalo horlehna waxba ma anfacayaan ,in laysu keeno la heshiisiiyo  , la dhexdhexaadiyo marka uu dhamaadan qilaafka dhexyaala waxaa dhamaanayaa mushkiladaha u baahan in ciidamo shisheeye lakeeno ,markaa anigu waxaan aaminsanahay in wax xoog wax oga xalinkara soomaaliya aysan jirin afrika ha noqoto ama dowlado kaloo ku soo kordho hanoqoto . 

Somalitalk : Wasiirada labada gole ee dowlada wey sii kordheysaa qilaafka u dhexeeya adiguna waxaad ku sugantahay magaalada labaad ee koonfurta soomaaliya markaa in tee buu la egyahay adiga xiriirka aad la leedahay masuuliyiinta dowlada ? 

Xildhibaan barre: Dowlada anigu waan ka tirsanahay labadeeda golaba sharafteeda iyo karaamadeedna waa ilaalinayaa  meelkastoo aan joogana ayada shaqadeeda baan ka hayaa hadii ayagoo nayroobi joogana ay noqdeen laba garab dabcan waxaan raacayaa kan u dhow nadaamka iyo kala dambeenta ,waxaana iyaga kula dardaarmayaa in ay tanaasulaad isu sameeyaa ilaaliyaana tasturkaasi. 

Somalitalk: Markaa loo eego wadamada dagaaladu ay aafeyen adigu wasaarada aad iminka tahay ee dib udhiska iyo dib udejinta  waxay ku jirtaa shanta wasaradood ee ugu horeya dalka marka lixda bilood oo ay dowlada dhisantahay maxaad qabatay  majiraanse talaaboyin kuu qorsheysan oo kamid ah dib udhiska iyo dib u dejinta?. 

Xildhibaan barre: Maya maya ilaa iyo haaatan magac uyaal weeye magacaabideyda dowladuna wali nayroobi baytaagantahay waxaan umalaynayaa markay wadanka soo gasho umbaan waxi dhaqaala ah iyo waxii la dhisayo arkaynaa. 

Somalitalk: Sidee ayey isu qaadanayaan in aad tiraahdo waxaan ahay wasiirka kaliya ee shaqeya iyo wasaarada lay magacaabay waa magac uyaal ? 

Xildhibaan barre: Maya magac u yaalku waaxaa weeye maanta wasiir waajibaadkisii haysta majiro sababtuna waa waxaa layiri dib udhiska iyo dib u dejinta waxayna ubaahantahay in dowladu ay dalka soo gasho mashaaraadki la dejiyo ,xafiisyadii loo sameyo ,wasaaradahoodii la sameeyo cida ka kaalmaynaysa ama gacan ka siinaysa la ogaado dhaqaalaha wax lagu dejinayo ama wax lagu dhisayona la helo. Markasaa anaga ayaa nala dhihi kara maxaa la dejiyey maxaa lagu darikaraa. 

Somalitalk: Ugu dambeyntii wasiir waxaad joogtaa gobalka ugu dadka badan gobolada soomaaliya  shacabkuna waxay u baahanyihiin dowlad, Rajo inte la egbaa ka qabtaa in dowlada ay ka howlgasho gudaha dalka somaaliya.? 

Xildhibaan barre: Walaahi lama saadaalin karo laakiin waxaan ogahay in dhib badan uu ka jiro dalka horeyna waan utilmaamay soomaaliya shan iyo toban sano ayey dagaalo iyo dhibaatooyin ku dhex jireen markaa shan iyo toban sana waa waqti dheer markaa dagaaladaasi sidii loo soo afjari lahaa waxay u baahantahay dhaqaalo aad u farabadan.

Somalitalk: aad iyo aad ayaad u mahadsantahay mudane xildhibaan  

xildhibaan barre: Adinkaa mudan  

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo somaliya
Email: cabdiqadar@somalitalk.com ama cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 20, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD