Xumaan Doone; Xabashina
la Diid; Shariif Xasanna Xurmo Hel
Ilaah baa mahad leh.
Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Gabyaagii Dharbaaxo-jaan
Allaha u naxariistee wuxuu SSDF iyo qabiilkii ugu badnaa ka yiri:
-
Gaagaabsha oo yaan la bixin gaalo-waranleyda!
Gabyaagu wuxuu heystay
korneyl C/hi iyo qabiilkiisii dagaalka u aaday Itoobiya. Maaddaama gabyaagii
SSDF (Khaliif Sh. Maxamuud Allaha u naxaristo) uu si toos ah Xabashi iskaga
fogeeyey ayaanan marna niyadda gashan in la arki doono qof Soomaaliyeed oo
aamminsan in Xabashi kheyr la rabto. Waxay iigu darneyd markii 1997-dii
magaalada London uu nin aqoonyahan lagu sheego oo ka soo jeeda “Puntland”
igu yiri: waxaan jeclaanlahaa in Kismaayo iyo Puntland aan ku darsanno
Itoobiya! Inta askari ooy ninkaas qaraabo ahaayeen oo ku dhimatay dagaalkii
1977-kii lama xisaabin karo. Maalintaas laga soo bilaabo waxaan gartay in
dadka Soomaaliyeed u baahanyihiin wacyi-gelin.
Oraahda Dharbaaxo-jaan,
waxaa ka turjumay weraysiyo ay BBC-da Laanteeda Afsoomaaligu ka qaaday
dadweyne ku nool qaar ka mid ah magaalooyinka Soomaaliyeed ka dib
farofootankii iyo gacan-ka-hadalkii dhexmaray xubnaha baarlamaanka. Dadkii
Axmed Kismaayo, weriyaha BBC-da ee Puntland, ka qaaday wereysigaas magaalada
Garoowe (intii idaacadda BBC-du sii deysay barnaamijkeedii galabtaas) waxay
dhammaantood aamminsanaayeen in ciidamo Itoobiya u dhashay la keeno
Soomaaliya. Waxay hadalka u dhaheen: yaan loo kala saarin saf hore iyo saf
dambe midna. Galabtaas waxaan iri “Ilaahoow reer tolkey u naxariiso, caqli
ma lahee”. Waxaa iga yaabiyey magaalooyinkii kale oon is lahaa waxay idiin
ka faro dhuudhuubanyihiin Itoobiya, oo shacabkii joogey qaarkood ay
mucaaradeen keenidda ciidamo Itoobiya ka socda. Magaalada Baladweyne, hal
qof maahee, dadka intiisii kale waxay diideen in ciidamo ka socda Itoobiya
la keeno Soomaaliya. Magaalada Baydhabo, 4 qof baa tiri hala keeno ciidamo
ka socda safka hore halka 3 kalana ay dhaheen yaan la keenin weliba iyagoo
xusay dhibtey Itoobiya u geysatay Soomaaliya ama ay haddaba ku heyso. Waxaa
Garoowe cagsigeeda noqday dadkii lagu wareystay Marka oo dhammaantood diiday
in ciidamo Itoobiya ka socda Soomaaliya la keeno. Waxaanan dhegeysan
ra’yigay ka dhiibteen arrintaas dadweynaha Soomaaliyeed ee jooga Hargeysa
iyo Nairobi oon filayo inay i dhaaftay ama ay ku sheegeen tii 11:00
barqanimo ama ay u dib dhigeen tii habaynkii ee maalintaas.
Hadalka Garoowe ka soo
yeeray, waxaa dheer, in Boosaaso lagu qabtay bannaanbax looga soo horjeedo
go’aankii inta badan xubnaha baarlamaanku gaareen. Dadka isu soo baxay waxay
sheegeen inay taageersanyihiin Geeddi! Lama yaabbani guulwadayaasha soo
abaabuley bannaanbaxaas ee waxaan la yaabay, meeye raggii qabay dumarkaas?
Meeye raggii dhalay carruurtaas sidii xoolihii la isku soo dumay?
Imisey le’egyihiin dadka
ay reer Puntland isku qabiilka yihiin ee Itoobiya hoos jooga? Laga soo
bilaabo Wardheer ilaa Gaalkacyo, Garoowe, Buuhoodle agtooda waxaa daadsan
dad ay dadka Puntland dhalasho wadaagaan. Waxay Itoobiya u qabanweydey dadka
hoos jooga miyey reer Garoowe iyo reer Boosaaso u qaban? Rumeyso ama ha
rumeysan, waxaa isku laayey dhulkaas aan sheegayo labo qabiil oo ka soo
jeeda Puntland 1995. Waxaa la isku isticmaalay hubka noocyadiisa kala duwan.
Waxaa ku dhintay boqolaal nin oo ilmo adeer, ilmo abti, ilmo eedo, xidid iyo
abtiyaal isu wada ah. Ogoow hadde markaas Zenawi waa joogee! Qabiil dhan baa
laga soo qaxiyey dhulkaas oo soo galay Soomaaliya oon dowlad lahayn! Waxaa
intaas dheer ma jirto wax haba yaraatee ay Itoobiya ka qabatay dagaalkaas.
Xitaa hal qof ama nabaddoon lama xirin! Islaan Maxamed Allaha u naxariistee
oo oday ka ahaa magaaladaas, dadkii joogay qaarkood leeyihiin Itoobiya hala
keeno, wuxuu ku jiray odayaashii isku deyey wax-ka-qabadkii dagaalkaas.
Fiiri, Islaankaa wax isku deyey halka aan Zenawi far dhaqaajin. Boowe mala
tahay reer Garoowe iyo Reer Bari in Zenawi uu C/hi Yuusuf iyo Muuse Suudi
kala jecelyahay?
Ragga Soomaaliyeed baa
dumarka ku caayi jiray inay xasuus daranyihiin ooysan ka dhiidhiyin wixii
soo gaara ama lagu falo. Waxaas waxaa isku fuuqsaday oo beeniyey
Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo u dagaalameysay inaan Xabashi la
keenin Soomaaliya halka 55 xildhibaan oo niman u badan ay rabeen in Xabashi
la keeno. Hadda xildhibaanad Caasha waxay rafcaan ka qaadaneysaa gabayadii
ka soo yeeray labo nin ooy isku qolo ka soo jeedaan. Waa Cali-dhuux Aadan
iyo Khaliif Sheekh Maxamuud. Cali-dhuux wuxuu yiri:
-
Naagahaan dhankii loo dhigiyo dhinacna diideyne
-
Dheddiggoonshahaa lagu arkiyo dhiigga caadada e’
-
Haddaysan dhiilka caanaha lahayn laguma dhaarteene
-
Wax ka dhigan gobtii dhowrsatoon ceeb ka dhiidhiyine.
Khaliif isna wuxuu
yiri:
- Gabar caalim kuu
meheriyey waa inaad caruustaaye
- Inay cayshka kuu
soo dhigtiyo gogol cas mooyaane
- Codkar lamaga
dhowriyo haween geesi caan baxaye.
Oo Cali-dhuux iyo
Khaliif Allaha labadaba u naxariistee maxay ku oran lahaayeen xildhibaannada
55-ta gaaray ee Xabashida raba?
Waxaa jiray nin
ganacsade ahaa oo dadka ku khiyaami jiray kafadaha iyo miisaanka isagoo
markuu alaab wareegsanayo ama dadka ku wareejinayaba ku khiyaama. Maalintii
dambaa lacag laga xaday markaasaa dad ku dhaheen iska samir waxaa laguu
saaridoonaa miisaankaaga aakhiree! Ninkii wuxuu yiri “ minal miizaani
suriqat” oo ah ma jiro ajar la ii saaridoono miisaanka aakhiro maxaa yeelay
lacagta lafteedaanba ku xaday miisaan! Maalintii dhoweyd, waxaa baroordiiq
joogay Geeddi oo yiri: maalin madow baa Soomaali u soo hoyatey. Waxaa dhici
karta in Geeddi isagoo booyaya uu korneylka u tegey dabadeedna korneylku ku
yiri: Geeddi is deji oo ha oran wixii baarlamaanku gaaray waa wax-kama-jiraan;
miyaadan ogeyn in baarlamaankaasi uu madaxweyne iga dhigay? Hadda wakaas
korneylka laga sheegayo isagoo leh waa in labada gole heshiiyaan ilayn sida
Geeddi ma dhihi karo baarlamaanku waa khaldameene. Waxaa la sheegayaa in
korneylku si hoose u damcay in labada guddoomiye ku-xigeen ee baarlamaanka
uu ku qalqaaliyo inay soo saaraan hadal ay ku burinayaan kii Shariif Xasan
laakiin waxaa la leeyahay waa diideen. Xitaa hadday isku deyi lahaayeen
waxay raaci lahaayeen 55-ta Xabashi-raac.
Haddaan xildhibaan Xirsi
Bulxan oo ugu da’ weyn xubnaha baarlamaanka kana soo jeeda Garoowe uusan
dhaheen Xabashi lama keeni karo Soomaaliya, waxay noqon lahayd in si toos ah
loo dacaayadeeyo reer Garoowe iyo reer Boosaaso. Marka madaxa Xirsi Bulxan
aan ku deyno.
Gobolada Banaadir,
Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinku waxay dhegeystaan idaacado dadka xasuusiya
xumaanta Itoobiya la rabto Soomaaliya halka kuwa ka jira Puntland ay la
midyihiin Radiyow Muqdisho. Maaddaama ay dadkaasi ka soo jeedaan mucaaradkii
hubeysnaa ee ugu horreeyey ee la dagaala Kacaanka, maxay hadda ugu
dhaqmayaan sidii dad madaxa looga taaganyahay oon xor ahayn?
Weligiin yaa arkay
Yuhuud, Hilter ama Jarmalka ammaaneysa ileyn reer Puntland, Xabashi, wanaag
ka sugeysa aragnee? Yuhuuddu waxay xadka ka saareen arrintii dadkoodii ay
laayeen Naasigii Jarmalka. Waxay gaareen heer ay qof kasta sanka ka geliyaan.
Wixii maaliyiin Afrikaan ah badweynta Atlaantik lagu guray, wixii intaas oo
waddan la addoonsaday lana dilay boqolaal Malyan oo dunida seddexaad ah;
wixii malaayiin qof ku dhintay dagaaladii 1-aad iyo 2-aad haddana waxaan
dilkii Yuhuudda ahayn ma maqleysid. Inkastoo Yuhuuddu aysan muslim ahayn
haddana waa dad fidrada ku taagan oo aan iloowin wixii loo geystay. Micnuhu
waa: Yuhuuddu ma ahan “umulo”. Dumarku raali ha ahaadeen waxaan u
danleeyahay xildhibaannada Xabashi-raaca ah iyo dadka reer Puntland ee
aamminsan in Xabashi la keeno. Ogoow dad badan oo reer Puntland ah baa
Xabashi diidan laakiin marba hadday aamuseen micno samayn meyso.
Waagaan dhallaanka ahayn
baan oran jirnay markii nin Xabashi ahi dhinto waxay qabriga la gashaan qori
iyagoo leh “Waaq” iskaga celi. Waa Ilaah iskaga celi. Yuhuuddana waxaan ka
sheegi jirnay inay carruurtooda ku ababiyaan nacaybka nabiga (SCW). Laakiin
waxaa hadda iga yaabiyey markii Yuhuuddu ay magaalada Quddus ka fureen
matxaf loogu talogalay in lagu xusuusto dilkii Naasigii Jarmalku ku faleen
dadkooda. Waxay rabaan inay weligood colaaddaas ku hayaan maanka iyo wadnaha.
Halka korneylka iyo wax-ma-garato iska dabogashay ay har iyo habeyn nagu
dhahaan, Itoobiya tii hore maaha! Jarmalkoon aragnay meeshuu ka gaaray
dimuqraadiyadda, ayaan marna Yuhuudda ka maqal iyagoo leh Jarmalku kii hore
maaha.
Muslim iyo gaalaba,
dadka dalkooda iyo qaddiyadooda u dagaalama waxaa lagu maamuusaa sharaf tan
ugu weyn. Mar haddaad maqashid saxaabigaasi Badar buu ku dhintay ama
xaadiray waa sharaf weyn. Wuxuu ka isyaaneysanyahay kuwa ku dhintay
dagaaladii ka dambeeyey ama xaadiray haddaysan awal Badar xaadirin.
Maalmahan waxaan ka arkeynay wiil madow oo ku jira ciidamada Ingiriiska kuna
dhashay jasiiradahaas Ameerika oo labo jeer lagu dhaawacay Ciraaq in la
siiyey bilad heer sare ah oo ku sheegeen “Victoria Cross”. Ogoow ciidamada
Ingiriisku markii horaba sharci-darro bey Ciraaq ku galeen haddana waxay ku
faraxsanyihiin sidii wiilkaas madoow uu ciidankiisii uga badbaadshay in dhib
intaas ka badan soo gaarto.
Soomaalidii hore waxay
xagga fidrada isku raaceen Yuhuudda. Intaysan Yuhuuddu matxafkaaska dhisin
Quddus, innagaa dhisney xero loo yaqaan Xalane. Maxaa xerada Xalane loo
dhisay? Haddaan su’aashaas u bandhigo Maxamed-dheere, Xuseen Caydiid, Cali
C/hi Cosoble iyo Gacmo-dheere, maxay ku jawaabin? Qasadka magacaas wuxuu
ahaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan inay jirto dowlad Itoobiya la dhaho oo
marka ay fursad u hesho rabta iney Soomaaliya qabsato. Si aysan Soomaalidu u
iloowin taariikhdaas waxaa naloo sheegayaa inuu jiray geesi Soomaaliyeed oo
naftiisa u huray ineysan Xabashi u gudbin hooyooyinka iyo gabdhaha
Soomaaliyeed. Ogoow xeradaas waxaa lagu xarayn jiray dadka laga sugayo
meekhaan sare sida macalimiinta, kaadiriyiintii Kacaanka iyo ciidanka
Soomaaliyeed si ay maanka ugu hayaan cadowga iyo cadow-raaca Soomaaliyeed.
Haddii xeradaas lagu xareeyo ciidan Xabashi ah waxay ka dhigantahay Yuhuudda
oo matxafkaas Qudus ku yaal ku ammaanta Hilter.
Maxamed Cumar Dage
Allaha u naxariistee waxaa laga sheegay;
-
Daka kale ha joogee warkaas Cali dareensiiya
-
Deel-qaafku waa ba’anyahee daacad ugu sheega
Hadda waxaan arrintaas
matxafkaas iyo xerada Xalane xasuusinayaa dad aqoonyahanno sheegtay oo
qaarkood magacyadooda laga hormariyey “professor & Doctor” iyagoo leh:
xubnaha baarlamaanku ha u codeeyeen in Xabashi waddanka la keeno. Waxaa
aqoon u baas lahaadey aqoonta dadkaasi leeyihiin! Soomaalidu waxay tiraahdaa:
xoog maahan kan xargaha kaa jara. Sidoo kale aqoon maahan midda waddankaaga
kusoo hogaamisa cadowgaaga.
Waxaa jiray labo wiil oo
walaalo ahaa oo doqommo ahaa. Waxaa loo sameeyey labo qool oo mid walba uu
isku garto midkuu yahay. Maalintii dambe ayaa labadii qool si uun ugu kala
badelmeen labadii wiil. Mid baa yiri: walaale, adigu waxaad tahay aniga ee
yaan anigu ahay?! Wuxuu arkey qoolkii uu xirnaan jiray oo walaalkiis
xiranyahay markaasuu hadalkaas kore yiri! Hadda wax faraq ah oo u dhaxeeya
mucaaradkii Puntland (GBP) iyo korneyl C/hi ma leh. Korneyl C/hi iyo
wasiirradiisu waxay oran jireen: Xabashidu kuwii hore maahan. Haddeer oo la
joogo Cadde Muuse iyo wasiirka horumarinta reer miyigu waxay qabaan in aysan
Xabashidu tii hore ahayn. Marka qoolalkii baa ukala badelmee ma jiraan wax
soo kordhey.
Waxaan dadka reer
Puntland kula talinlahaa iney akhlaaqda iyo anshaxa ilaaliyaan ee aan mar
dambe laga maqal Xabashi hala keeno ama tii hore maahan. Sidoo kale raggu
dumarkooda iyo carruurtooda ha ceshado.
Ugu dambeyntii waxaan
mahad ballaaran usoo jeedinayaa dhammaan xildhibaannadii u codeeyey inaan
Xabashi la keenin. Waxaa sharafta inteeda badan la dheelmanaya afhayeenka
Baarlamaanka Shariif Xasan iyo inta aan dagaal-oogayaasha ahayn. Markey
joogto qaddiyada Xabashida, dagaal-oogaha diiday Xabashida wuxuu ka helaya
sumcad; waxaana la rabaa inuu kaga faa’iideysto wuxuu horay ugu falay
shacabka Soomaaliyeed. Waxaa laga rabaa inuu ka toobad keeno wixii hore una
soo jeesto inay dhibtii ay geysteen ku bedelaan wanaag. Laakiin
dagaal-oogayaasha Xabashida raba waxaa usoo kordhey mugdi iyo hoog. Hadday
saas ku dhintaanna waa khaatumo xumo.
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan...
Faafin: Somalitalk.com | Maarso 20, 2005
Waraysi Samsam
iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u
gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com