SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DOOH! DOOH! DOOH!

(WAAR AMAY HEERYADA DHIGAAN!) 

Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com

Mahad Ilaah baa leh, Nabad iyo Naxariisna Nebi Maxamed korkiisa ha ahaato. 

Khamiistii la soo dhaafay 17/03/2005, wixii ka dhacay goobtii kulanka iyo doodda ee Golaha Shacabka Kumeelgaarka Soomaaliyeed wuxuu ahaa faldanbiyeed. Wuxuu ahaa wixii laga filayey in ay ku kacaan ragga damiirkoodu dhintay dadkeennuse xalka ka sugayaan. Waxaa afarta gees ee dunida laga daawaday hardankii, hurdankii iyo hangool isla dhicii hawlwadeennada Golaha Shacabka ee Kumeelgaarka ah. 

DSC03282Minneapolis:: Shir Lagu Taageerayey Go'aankii Baarlamaanka DFKMG
Kulankaas oo ku dhammaaday buuq, waxaana goobtii kulanka yimid booliska oo...
Guji...

Waxaase nasiib wanaag ahayd in halwadeennada Golaha Shacabka Kumeelgaarka ah oo ku caanbaxay 15kii sano ee la soo dhaafay ku dagaallanka  gantaallada riddada dheer, hoobiyaha culus iyo AK47 ay markaan hurdan iyo haraati ku hawl yareysteen!!. Maya, maya, arrintu sidaa maaha. War wuxuu joogaa markii Xamar la iskula noqdo, waayo Nairobi ciiddankooda lugtu masoo gaarin, saadkiyo rasaastiina waa laga soo fogaaday. 

Mid waa la dareemi karaa, in raggu laba ra’yi oo kala duwan qabeen, laba qorshe oo kala duwanna ka duulayeen. Waxaase nasiib darro ah in gacanta la isula tago. Waxaad mooddaa in ragga laga sugayo in ay nidaam iyo kala danbeyn dalkii kusoo celiyaan ay iyagu nidaam iyo kala danbeyn barasho u baahan yihiin.  

Qoraalkaygaan ma aha mid aan ku lafagurayo gunta ama wixii dhaliyey gacan ka adalkaan. Labadii qodob ee la isku qabtay iyo qaabkii looga dooday midna uma socdo in aan ka garsooro ama dhalleeceeyo waayo waa arrimo caalamkoo dhan isku khilaafsan yahay. Waa aragtiyo Soomaalidu ku kala qaybsantahay. Cidda laga sugayey in ay isu soo dhaweyso oo xal dhexdhexaad ah ka gaartana waa ragga bakooradaha, kuraasta iyo tumburyada iskala daalay!! Ah! Ah! Aah! Waar wuxu ma bilis carootay baa?? 

Waxaanse jeclahay bal in aan wixii aragtidayda ah ama awooddayda ah uga talo bixiyo sidii ay u dareemi lahaayeen labada gole iyo madaxweynuhu waajibka saaran.  

  • Odayaal dadkeennu iyo dalkeennu waxay ku jiraan kuwa dunida ugu saboolsan (adinku xoogaa waa ladantiihiin ee danyarta il naxariis leh ku eegga).
  • Odayaal dadkeenna iyo dalkeenna nabad waxaa ugu danbeysay 25 sano ka hor (tan cid idiinka waramaysaa ma jirto oo habeen dheexaa cabsi waad ku seexateen).
  • Odayaal dadkeenna iyo dalkeennu waxay qabaan cudurro daalshaday, oo fuustooyin sun ah baa meelkasta kusoo caariyey (tan aad ulama socotaan waayo kiinna xanuunsadaa dibadduu u dhoofaa ee bal dadka kale weydiiya!!)
  • Odayaal ogaada in mas’uuliyadda ummaddaan ay maanta dushiinna saaran tahay. Haddii raggii idinka horeeyey aad eedeyn jirteenna, maanta adinka ayey idin hoostaallaa.
  • Odayaal “maan rag waa mudacyo” oo isku meel uma wada jeesto, ee miyir iyo xaqdhowr yeesha.
  • Odayaal “geesigu waa kan marka uu caroodo naxariista” ee ma aha kan aargoosta.
  • Odayaal haddii aad dawladdaan fashilisaan dhibka ka yimaada waa mid ubadkeenna iyo jiritaankeenna danbe halis gelin kara, ee dulqaad iyo samir muujiya.
  • Odayaal haddii la kala adkaan karo horay baa loo kala bixi lahaa, ee dagaal iyo burbur hor leh ha inoo celinina. Haddii ay idinku jiraan kuwo xalka iyo xasiloonida aan rabin ha lagula dhaqmo “kaadi badane waa loo gogol badiyaa” ee yaan hogga iyo halaagga uu rabo lagula dhicin.

Sansaanka muuqda ma aha mid farxad gelinaya maquustayaasha Soomaaliyeed ee 29 bilood dawlad loo dhan yahay ka sugayey meeshii Khamiistii la soo dhaafay hurdanka iyo hangoolka la iskula dhacay!! 

Dooh! Dooh! Dooh! Waar xamuul xulus baa idin saaran ee heeryada iyo haamaha ha daadinnina! Nin walboow dib u liq candhuuftaada oo iska ilaali in aad ku dhacdo dabin aadan ka fiirsan!. Dawladda iyo Baarlamaanku meeshii ay tegi lahaayeen iyo qorshaha keenista ciiddammo nabadda suga waxaa ka horeeya in aad ujeeddada iyo waxqabadka midaysaan. Haddii kale dhibkii aad rabteen in aad xallisaan ayaad sii kordhineysaan. 

Dooh! Dooh! Dooh! Guddoomiyaha Golaha Shacabka, nin xil qaaday eed qaad! Oday xanaaqa dhin, xal raadi, wax isku xanja-xanjee, arrintuna yeysan noqon mid shaqsiyeed ama xiniinyo taabasho. Haddii laguu gefo dulqaado, haddii lagu dirqiyo ha yeelin, isku duub sharafta iyo jiritaanka qaranka sidii aad isugu duubtay sanduuqii codbixinta habeenkii madaxweynaha la dooranayey markii nalku demay! Ogowna bini’aadan baa tahay oo markasta ra’yigaagu sax maaha ee talo ha moogaan. 

Dooh! Dooh! Dooh! Madaxweynaha dalka, nin xil qaaday eed qaad! Oday ragga kala qabo, dhexgalka iyo dhexdhexaadinta badi, ujeeddadu ha noqoto wax qabad ee yeysan noqon waxaad rabto marso. “Xoog waxaa ugu liita kan xarigga kaa gooya” ee xeelad iyo dulqaad ha moogaan. Hadday dawladdaan hagaagto sharaftaada, hadday burburto ama dhib soo kordhisana  sharaf-dhacaaga. Nin weyna wadkiis waa yaqaan Walwaalna wadaan la’aan looma arooro. 

Dooh! Dooh! Dooh! Wasiirka Koowaad, nin xil qaaday eed qaad! Oday xasaradda iyo digashada yaree. Waxa aad waddo waa wax rag kaala dhexeeya. Xaalxaal-mastuur ku wad hawsha, xuuraansina ha moogaan. Hadal intuu afkaaga ku jiro buu ammaantaa yahay. Nin carooday laga bedi, xanaaq iyo cabasho labadaba iska ogow! 

Dooh! Dooh! Dooh! Golaha shacabka iyo golaha wasiirada nin xil qaaday eed qaad. Haddii aad wada shaqaysaan oo dalkii nabad iyo kala danbeyn ku soo dabashaan waa idiin guul iyo sharaf. Haddii aad hurdanka iyo haraatida sii waddaan, colaad sii hurisaan dalkiinnana sii burburisaan, waxaad sugtaanba waa wadkiina iyo xisaabtii aakhiro!! Intaad nooshihiinna sharaf darro iyo ihaano adduun u dulqaata. Ninkii taas shaki ka qabaana ha weydiiyo Xaaji Muuse Suudi Yalaxow wixii uu kala kulmay xabsigii shalay, isagoo weliba ah wasiir iyo xildhibaan!! sharaftii qaran looga haybeysto oo ka maqan darteed!! 

Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan...

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 20, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD