SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Shirkii golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee maanta ka dhacay Nairobi...
  • Tubman oo sheegay in la tixgaliyo Go'aanka Baarlamanku uu gaaro.

Shirkii golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee maanta ka dhacay Nairobi...

Shirkan waxaa Gudoominayay Rasulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxaana ku Soo xaadiray73 iskugu Jiray Rasulwasaare ku Xigeeno Wasiiro wasiiro ku xigeeno & Wasiiru doowlayaal shirku waxa uu biloowday 11.30 Daqiiqo Saacada Nairobi,

Shirku waxa uu ku biloowday Afkaaro ay iswaydaarsanayaan Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya iyagoo ay halkaa ka hadleen ku dhawaad 42 Xubnood, wasiiradu waxaa la siiyay 10 Daqiiqo oo ay ku cabiiraan afkaartooda iyagoo ka dooday halka ay xukuumadu uguurilahayd ,

Hadaba shirkaa markii Raysulwasaare Geedi ku dhawaaaqay in la codeeya ayaa waxaa shirka ka baxay 10 Wasiir oo uu ku jiro Raysulwasaare ku Xigeen ahna Wasiirka Warfaafinta iyo Afhayeenka Xukuumada Federaalka Dr Maxamuud Jaamac Sifir, Wasiirka Aminga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax iyo XaajiMuusse iyo Xubnokalle,

Markii ay xubnahani shirka ka baxeen ayuu raysulwaarse Gedi xubnihii kalle ee Wasiirada ka codsaday in cod loo qaado iyagoo 63 Wasiiro iyo wasiiro ku xigeeni wasiiru doowlayaal iskugu jiraa ucodeeyeen in Xukuumadu ay Dagto Jawhar & Baydhabo,

Waxaa kaloo la go aamiyay in Xafiis laga Furo Muqdisho isla Markaana Nabadgalyada Magaalada Muqdisho lagu Sugo ilaa iyo 3-4 Bilood.

Xubnaha Shirkan ka baxay waxa ay sheegayaan in ay sharci daro tahay in Golaha Wasiiradu ay iyagu Axdi qarameedka wax ka badalaan ayna tahay Arin utaala Baarlamaanka Soomaaliya waxaa kaloo ay Daliishanayaan in Qodobka 52 la jabiyay oo aysan sharci ahayn in Wasiiro ku xigeenadu ay fariistaan shirka Golaha Wasiirada,

Wasiirka Ganacsiga Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow waaxa uuii sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan war saxaafadeed ka turjumaya go aanka ay qaadan doonaan.

Golaha Wasiirada waxa ay 5 Bishan ansixiyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka Socda Midoowga Afrika oo aan loo kalla saarin Saf hore iyo Mid Danbe waxaa kaloo ay go aamiyeen in la keeno Ciidamo ka Socda Jaamacada Carabta,

Hase yeeshee Amuurtaas waxaa Gaashaanka ku dhuftay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu sheegay in aan Soomaaliya looga Baahnayn Ciidamo ka socda Safka hore waloow Ansixintaa dhiigBadani ku Daatay,

Lama oga tilaabada Xigta iyo Samaynta ay ku yeelan Doonto Xubnaha Doowlada Amuurtani waxaase maalmahan soo ifbaxay Khilaafyo hareeyay Xubnaha Doowlada

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com


Tubman oo sheegay in la tixgaliyo Go'aanka Baarlamanku uu gaaro.

Ridwaan Xaaji C/Wali.

 
Winston Tubman oo kamid ah mas'uuliyiinta in muda ah ka shaqaynayay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo wakiil uga ahaa Qaramada Midsoobay ayaa sheegay in ay muhim tahay in shacabka soomaaliyeed ay taageeraan Dawladda cusub isla markaana dalka daganaanshihiisa dib loo soo celiyo.
 
Winston oo aan waraysi la yeeshay isagoo ku sugnaa London waxaa uu sheegay in ay muhim tahay in Dawladda Soomaaliyeed ay tix galiso aragtida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay muhim tahay isla markaana ay ka gudbaan khilaafka dhexdooda ah si loo taaba galiyo hanaanka dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya.
 
Waxaa kaloo winston Tubman aan ka waraystay rajada uu ka qabo in uu ku guulaysto doorashada Madaxwaynanimada dalkiisa Liberia ee bisha October sanadkan ka dhici doonta dalkaasi oo ay u taaganyihiin in ka badan 20 Musharax ayaa waxaa uu sheegay in uu ku guulaysan doono mar hadii inta badan dalkaasi ay taageerayaan.
 
Waxaana lagu wadaa Tubman oo ah nin Magac wayn ku leh dalkaasi in ay isku soo haraan isaga iyo George Weah oo ahaa Ciyaaryahan aad looga yaqaanay dalkaasi oo ka ciyaari jiray kooxda AC Milan ee dalkaasi Talyaaniga oo dalkaasi isna aad looga yaqaano.
 
Waxaa uu sheegay in Soomaaliya uu sii wadi doono dib u heshiisiinteeda iyo xiriirka uu la leeyahay soomaalida hadii uu ku guulaysto doorashada Dalkaasi.
 
Tubman mudadii uu joogay London waxaa uu la kulmay Somali Concern Group oo ay ka wada hadleen kaalinta loo baahanyahay in Soomaalida qurbaha ay ka qaataan dib-udhiska dalkaasi oo in muda ah bur bur uu soo wajahay.

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 21, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD