SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Shariifka oo been ka sheegay cod bixinta!

Waxaan daawaday cajalad laga soo soo duubay fadhigii barlamaanka shabakadaha Somaalida qaarkoodna laga daawan karo. Haddaba markaad dhamneysato daawashada cajaladaas ayaad waxaa kuu soo baxaya been abuurka uu sameeyey Gudoomiyaha barlamaanka oo aan aheyn tii ugu horeeysay.Hadda ka horna , wuxuu been abuur sidaas oo kale ah ku sameeyey ansixintii Raíisal Wasaaraha wasiiraddii uu magacaabay oo laga soo jeediyey in isagaba xilka laga qaado lakiin taas uu hor istaagay madaxweynaha.

Khaladaadka Shariifna intaas oo kelya maaha ee wuxuuba kala saaray suxufiyiintii Somaalida aheyd si khiyaamada uu watay banaanka loo soo dhigin, sidaasna been aan jirirn ay BBCdu faafiso waloow ay CNNta ay runta ka sheegtaay , Reutersna daawasho kub dartay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la ogsoon yahay in 90 ku dhowaad ay diideen in ciidamada safka hore Somaalliya la keeno, halka 125 ay taageersanaayeen iyadoo lagu darin 60 meeyo Xildhibaan oo aan goob joog aheyn , una badnaa Rahanweyn iyo kuwo kaleba oo la fikrad ahaa dawladda. 

Marka waxay ila tahay in la joogo wakhtigii barlamaanka loo kala saari lahaa muáyad iyo mucaarad, dawladuna ay ka koobnaan laheyd inta isku fikirka ah si markaasna loo helo mucarad xoogan oo tooshka ku ifiya dhaliilaha dawladda inkastoo dadka aqoonta leh  ay ku yar yihiin kuwo hadda sheeganaya mucaaradnimada. Marnaba waxaan suurtoobi karin in Shariif uu sii ahaado Gudoomiye, waxaan haboon in tallaabo sharci ah laga qaado sida ugu dhaqsaha badan si dawkadda ugu tallaabsato hawlaha faraha badan ee sugaya!

A. Dirir
burashadley@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 22, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD