SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Cashar ku saabsan sida uu baarlamaan u shaqeeyo.

Hordhac

Sida ay soomaalida inteeda badani la socdaan waxaa uu dagaal dhex maray xubnaha baarlamaanka soomalida. Arintaasi waxaa ay dhacday 17 maarso 2005-ta. Waxyaalaha laysu adeegsaday waxaa ka mid ahaa kuraas, ulo, feer iyo weliba wax alla iyo waxii la tuuri karey ee halkaas yaaley. Ceebtaas iyo fowdadaas ay xubnaha baarlamaanku ku kaceen waxaa laga daawaday aduunka oo dhan. Waxaa la arkaayey rag badan oo dhiig ka qulqulayo, kuwo dhulka yaala oo darbo lala dhacayo iyo kuwo sii cararaayo. Qofka soomaaliga ah meel kasta oo uu aduunka ka joogoba waxaa soo foodsaaray waji gabax iyo niyad xubo aan la soo koobi karin. Haddaba anigoo arinkaas tixraacaayo waxaan doonayaa inaan wax yar ka qoro siyaabaha ay baarlamaanadu u shaqeeyaan.

Shaqada baarlamaanka

Nidaamka siyaasadeed ee wadan waxaa uu ku saleysnaan karaa qaab baarlamaan ama qaab madaxweyne. Waxaan halkaan kaga hadli doonaa qaabka siyaasadeed ee baarlamaanka ku dhisan. Baarlamaanku waxaa uu ka koobnaan karaa cadad la isla garto oo xubno baarlamaan ah. Xubnahaasi waxaa ay ka imaanayaan xisbiyada kala duwan ee wadanka. Waxaa ugu xubno badnaanaya xisbiga hela coddadka ugu badan ee doorsashada, waxaa ku xigaya xisbiya gala kaalinta labaad. Sidaas ayeyna ku soconeysaa ilaa xisbi walbaa uu helo tiro u dhiganta inta uu ka helay doorashadii guud ee wadanka. Kolkii xubnahaas baarlamaanku soo wada xeroodaan ayna buuxsanto tiradii baarlamaanka laga doonaayey, waxaa uu baarlamaanku gudagelayaa shaqadiisii.Shaqada ugu horeysaa waxaa weeyaan iyadoo uu baarlamaanku isu qaybiyo waaxo yar-yar. Waax welibana waxaa ay qaabilsan tahay howlo gaar ah.

Tusaale ahaan, waaxda arimaha dibada, waaxda difaaca, waaxda cafimaadka iyo arimaha bulshada iwm. Waaxahaas yar-yari waxaa ay ka kooban yihiin xisbiyadii baarlamaanka ku jirey. Hadii ay waaxdu ka kooban tahay 15 qof, waxaa ugu xubno badnaanaya xisbiga ugu badan baarlamaanka, waxaa ku xigsanaya xisbiga labaad sidaas ayeyna ku soconeysaa ilaa la qaybasado 15-kii xubnood. Kolkii hadaba la doonayo in arin goàan laga gaaro waxa la eegayaa ugu horeyn arintu nooca ay tahay. Tusaale ahaan haddii ay tahay arin ku saabsan difaaca waxaa la geynayaa waaxdii difaaca, si ay u falanqeeyaan. Maadaama ay waaxdu ka kooban tahay xisbiyada baarlamaanka ku jira oo dhan, waxaa halkaa laga garan karaa taageerada ay umuurtaasi ka heli karto baarlamaanka.

Haddii uu xisbiga arinta soo bandhigay arko in aanu cod ku filan heli karin, waxaa uu gelayaa sidii uu ugu ololayn lahaa fikirkiisa. Kolkii la soo jilciyo arinta,lana ogaado taageerada loo heli karo inta ay leègtahay ayaa baarlamaanka la soo hor dhigayaa.

Marna dowladu ma keeneyso baarlamaanka arin ay hubto in la diidaayo, maxaa yeelay ma dooneyso in facshar uu halkaas ka raaco. Mar-mar waa dhici kartaa in xunaha arinka raacsan iyo kuwa diidani ay isku dhow yihiin. Kolkaas xisbiga dowlada hayaa waa laga yaabaa inuu khamaar sameeyo, oo arinkii soo hor dhig baarlamaanka. Balse waa ogsoon yahay xisbigu in ay diidmo ama yeelis noqon karto arintu. Waxaana diyaar u ah qorshihii labaad ee uu arinkas kaga gudbi lahaa.

Kolkii qorshaha la soo hor dhigo baarlamaanka, waxaa ka doodaayo xubnaha baarlamaanka. Xisbi walbana dad la soo qorsheyey ayaa arinta uga hadli doona.

Ka dib dood dheer oo ka hadleysa sababaha uu qof walbaa u doonaayo ama u diidaayo arinta, waxaa cod loo qaadayaa umuurtii mudada la falanqeynaayey. Siyaabo kala duwan ayey codbixintu u dhacdaa, balse wadama horey u maray waxaa codka lagu qaada qaabka computerada.Kaas oo xubin kasta oo baarlamaai ahi ay tuujiso meel ay ku qoran tahay: Haa ama maya. Ka dibna iyada oo aan muran lahayn ayaa natiijadii laga daawadaa muraajad weyn oo ku taalo baarlamaanka dhexdiisa. Codqadista waxaa maamulkeeda iska leh, gudoomiyaha baarlamaanka. Waxaase muhimad mudan ineynu xusno, in gudoomiyaha baarlamaanku uu yahay mid dhexdhexaad ka ah arimaha laga doodayo. Lama ogola inuu koox ama xisbi taageero. Haddii taasi dhacdo waxaa ay noqoneysaa inuu shaqdiisii ku waayo ama ay dhunto kalsoonidiii ay xisbiyadu ku qabeen.

Sidaas ayey u shaqeyaan baarlamaanada aduunka ee caalamiga ah. Howshooduna ma aha mid dhib badan maadaama ay hab xisbiyeed ku saleysan tahay, dadka xubnaha baarlamaanka ka ahna ay yihiin dad bishil oo ay aqoontooda siyaasaded sarayso. Haddaba kolkaan u soo leexdo baarlamaanka soomalida waxaa dhacay qaladaad badan. Waana mida keentay in dagaal aan naxariis lahayn oo aan waxba laysula harini ka dhaco gudaha baarlamaanka. Qaladka ugu horeeyaa waxaa weeyaan, kolkii la yiri qaab qabiil baarlamaanka ha lagu saleeyo. Taasi waxaa ay dhalisay in xubnaha baarlamaanka ku jiraa lahayn wax hadaf ah. Maadaama aanu jirin qorshe (program) siyaasadeed oo qabiilku inta ay fariisteen isla dejiyeen.

Ma jiro qorshe uu qabiilku ku mideysan yahay oo ka hadlaayo: Arimaha difaaca, waxbarashada, dhaqaalaha, caafimaadka iwm.Waxaa keliya oo qabiilka muhiim u ah intaas oo jago ayaan helay.

Waxaa kale oo iyana qalad ahayd habka loo xulay xubnaha baarlamaanka. Iyadoo haba yaraatee aaney jirin wax shuruudo ah oo baarlamaanka lagu galo. Tusaale ahaan waxbarashada laga doonayo xubinta baarlamaanka, qibrada siyaasadeed, da`da iwm. Shuruuda keliya ee lagu soo geli karey baarlamaanka waxaa ay ahayd in qabiilkaagu ku soo diray. Taasi waxaa ay keentay in baarlamaankii ay ka soo buuxsameen dad tayadoodawaxbarasho ay liidato aana aqoon u lahayn qaabka uu baarlamaan u shaqeeyo.Waxaa dhici karta maanta iney baarlamaanka soomaalida ay ku jiraan dad aan haba yaraatee wax iskool ah dhigan ama aaney waxbarshadoodu dhaafsiisnayn dugsi dhexe. Xubinta baarlamaan ee noocaas oo kale ahi, muxuu qaban karaa? Fikirkiisase ma ku gudbisan karaa hab dood ah ee aan feer iyo laad ahayn? Mase u bisil yahay inuu taanaasulaad sameeyo? Maku fekerayaa inuu danta dalka iyo dadka eego? Suàalahaas jawaabtooda waxaan u deynayaa dadka soomaaliyeed.

Mahadsanidin

Cabdirisaq Maxamed Xuseen.
habdirisak@hotmail.com
University of Gävle- Sweden

Buugta aan isticmaalay: How parliament works( McChenesty Robert W), Citizens guide to democracy(Jon Stewart mm), Knowledge based parliament( hjälmeskog Karin)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 22, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD