SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  RA'YI
ALAY'LEHE KALA MUDAN KALANA MAGAC ROON!!!!!

mursalW/D:Mursal Max'ed Max'uud(Garaad) Email stethy1@yahoo.com

    Nin walba wuxuu galo iyo wuxuu gaystaba Taariikhada ayaa xusi doonta, Diiwaanka ayeeyna u geli doontaa Xummaan, sammaan,khiyaano, iyo Daacadnimo hadba tii uu ku shaqeeyo. Taariikhduna waa taxane silsilad ah oon marnaba duugoobayn.

    Sida aan kawada warhayno, waxaa jiray Qorshe lagu doonayey in Dalka lagu keeno Ciidamo ka socda Xukuumadda Tigreega, qorshahaas oo laga lahaa dano gurracan oo ay ka mid ahayd in lagu gummaado Ummadda Soomaaliyeed laguna hoys geeyo Xukuumadda Tigreega ayaa marka laga reebo Koox Xilmadhibaano ihi ay dhammaan inta kale Dadku si isku mid ah  uga dhiidhiyeen ugana horyimaadeen Qorshaha Gummaysiga.

    Waxay soo jiitantaba, Gudoomiyaha Barlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aaden ayaa 17kii bishan march iskugu yeeray Golaha Barlamaanka Fadhi looga hadlayey Qorshaha lagu geynayo Soomaaliya Ciidamada Xabashida, waloow Xubno u adeegayey Cadawga iyo Dowladda Keny-ba ay isku dayeen in ay dib u dhigaan Kalfadhiga Golaha Barlamaanka haddana nasiib wanaag taasi ma'aanay dhicin, oo go'aankiisii ayuu Gudoomiyuhu ku adkaystay isagoona xitaa sheegay in ay shirka ku qabsan doonaan Hoteelada Nairobi, haddii loo diido Xaruntii ay ku shirijireen ee Mpagathi.

    Shirkii Barlamaanka sidii uu Qorshuhu ahaaba lama baajin wuxuuna qabsoomay 17kii bishaan Maarso, isagoona ka dhacay Hoteelka Grand Regency. Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen ilaa 217 Xildhibaan ayaa sidoo kale waxaa fadhiyey RW Cali Max'ed Geeddi oo isagu soo gudbiyey motion-kii Dowladdu ay wadatey ee Tigreega loogu kacan gelinayey Soomaaliya. Hase yeeshee motion kale oo kaas dhinac socday ayeey 30 ka mid ah Mudanayaasha Barlamaanku ay soo gudbiyeen, wuxuuna sheegayey Mooshinkaas danbe in loo baahanyahay Ciidamo ka socda J/Carabta, Midowga Africa iyo IGAD oo aysan ku jiran Wadamadda sofka hore(front-line states) Ilaa 100 iyo dhowr isku qoray in ay ka qayb qaataan Doodaas ayaa70 ka mid ihi wxay ka horyimaadeen in la keeno Ciidamadda Tigreega, 20kalena waxay sheegayn in loo hadlay halka tirada kaloo yarna ay sheegayn in loo baahanyahay Ciidamadda Safka hore.

    Hadaba markii ay Dooddii soo  gaban gabowday ayaa Gudoomiyaha Barlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aaden wuxuu sheegay in Cod sir ah lagelinayo si loo kala baxo. Gudoomiyuhu wuxuu soo bandhigay 2-ba Warqadood oo ay ku kala qoranyaayeen " waxaan raacsanahay in la keeno Ciidamo kasocda Midowga Africa, J.Carabta iyo IGAD" iyo mid kale oo ay ku qornayd " Waxaan raacsanahay in lakeeno Ciidamo ka socda Midowga Africa, J.Carabta iyo IGAD oo aanay ku jirin kuwa Safka hore" sida caadiga ahba kolkii uu damcay Gudoomiyuhu in uu codbixinta bilaabo oo uu isagu kiisa dhiibto ayaa Kooxdii Amxaaro raaca ahayd oo runtii aad looga badnaa ay abuurayn Fowdo iyagoo isku gadaamay Santuuqii Codbixinta. Kooxdaan ayaa horay ugu soo tala galay in ay Arbushaad sameeyaan haddii ay u muuqato in Codka looga adkaanayo, si Gudoomiyuhu uu dib ugu dhigo fadhiga Baarlamaanka xili kale. Hase yeeshee Gudoomiyaha Barlamaanku markuu arkayey sida ay wax u socdaan iyo hadafka Gummaysi kalkaalka ayaa wuxuu qaatay go'aan deg-deg ah oo geesinimo oo aad ay ugu bogayn inta badan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo amray in markan doorashadu ay tahay gacantaag! 156 xildhibaan ayaana sidaas ugu codaysay in aan lagayn Xabashi Dhulka Soomaaliyeed, halka 55-na ay u codeeyeen in la keeno Askarta Tigreega, iyadoo 6-da soo hartayna ay ka aamuseen. Mudane Shariif Xasan Sh. Aaden ayaa loo aqoon saday Halyeeyga Soomaaliyeed ee 2005-ta kadib markii aanu kalaba labayn go'aankiisii wax ku oolka ahaa ee uu ku badbaadinayey Dalkiisa. Waxaan hubaa in mudane Shariif Xasan Sh. Aaden uu baal dahab ah ka galay Taariikhda laguna xasuusan doono wixii uu Ummaddiisa u qabtay, ILAAHAY-na ka abaal marin doono.

    JAWAABTII GEEDDI OO MAS'UULIYAD DARRO KA MUUQATAY

     RW Geeddi oo ka hadlayey sida uu u arko go'aanka u gaary Barlamanka Soomaaliyeed ayaa si ka fiirsasho la'aan lagu tilmaami karay ku sheegay in aanu aqoonsanayn natiijadii Barlamaanka, isagoona ku daray " Waxa dhacay Gudoomiyaha ayaa ka danbeeyey, iska celiya buu lahaa  waa markii 2aad ee uu mugdi ku horkaco Xildhibaanada"

    Hadaba waxii ka dhex dhacay Barlamaanka 17kii bishaan iyo sidii ay ku bilaabmayn waxaa lagala socday shaashadaha Caalamka, laakiinse kaba soo qaad Doodda Geeddi in ay saxtahay oo shariifku yiri iska celiya!  Waxay tahay in la'iswaydiiyo Ereyga "iskaceliya" goorma ayuu yimaadaa? Dabcan markaca Daad(biyo)soo baxsaday aad iska moosaysid, marka Col soo duulaan ah aad ka hortegayso amaba haddii naftaada laguugu yimaado aad wax iska caabin galaysid. Hadaba Geeddi, wuxuu doonayey miyaa in Kooxda qaska wadayaasha ahaa ee bilaabay Dagaalka in gacmaha laga laabto si wixii ay rabeen ay ku marsiiyaan?....Qaabka gacan iskula tagga Barlamaanka ma'ahan wax lala yaabi karo, oo wuxuu ka dhacaa Caalamka oo idil, waxaanse dhihi lahaa Amxaaro wadayaashu wayba mudnaayeen in la karbaasho.

    Sidoo kale Mr. Geeddi oo la hadlayey Warfidiyeenada wuxuu yiri " Mucaaradku kama sii  mid ahaan doonaan Golaha Xukuumadda, talaabo ded-deg ah ayaan ka qaadi doonaa, ma jiro Nin awood ku leh Soomaaliya". Sow akhristoow ma moodid in Geeddi ay wax iskaga khaldanyihiin oo uu ku xisaabtamayo awood aan jirin oo khiyaali ah?...Waa in sifiican loo fahmaa sababta ay Xildhibaano iyo Wasiiro u yihiin Ragga hubaysani. a) aqoontooda kuma aanay noqon Wasiir iyo Xildhibaan, oo qaarkood ayaa lagu xantaa in aanay wax qorin. b) Xushmad iyo karaamo ay Bulshadda ku dhexleeyihiin kuma aanay gelin Dowladda, oo wixii dhacayba iyaga ayaa loo eedaynayaa. C) Jagooyinka Hoggaamiyayaasha hubaysan kuma dhisna qaabka wax qaybsiga Beelaha, oo 2 iyo ka badan oo isku jufo hoose ah ayaa Wasiiro iyo Xildhibaanaba noqday. Hagaag imminka dhammaanteen waxaa noo muuqada in Raggaasi lagu tixgelshay Hubkooda si Dib u heshiisiintu ku hirgasho....halka uu Geeddi ka hanjabi lahaa, miyaanay wannaag sanayn in uu Maslaxad iyo wada hadal wax ku xaliyo, raacana halka ay Ummaddu u badan tahay, islamarkaasna ayido rabitankooda ka dhanka ah Gummaysiga?

    Dhanka kale waa nasiib darro ah in Mr. Geeddi, uu markasta u gefo Barlamaanka iyo Guddoonkiisaba. Dec 11, 2004. Golaha Barlammaanku wuxuu Cod ku riday Xukuumaddii uu soo dhisay Mr, Geedd. sidaan oo kalena wuxuu ku hadlay wax aan marnaba laga filayn isagoo leh " Shaqadayda waan sii wadanayaa, Dadkii gacmaha taag taagay waxay ahaayeen Soomaali laga soo ururiyey Xaafadda Islii iyo Suxufiyiintii goobta ku sugnaa" wxuuna sida hadda uu sammeeyey oo kale eedda dusha uga tuuray Gudoomiyaha Barlamanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aaden, Jawaabta Shacabkuse waa "Kala mudan kalana maggac roon"

 XARIGGA XAAJIGA OO LOO XAGLINAYO XUBNAHA SARE

    Waxaa wax aad loola yaabo noqday in Kenya xirto Mudane ka tirsan Barlamaanka Soomaaliyeed iyadoo shuruucda u degsan Caalamkuna aanay taa ogolaanaynin. 17kii Bishaan march wixii ka dhacay Gudaha Barlammaanka Soomaaliya, Boliiska Kenya goobjoog buu ka ahaa, kalama aanu dhexgelin kolkii ay dagaalamayeen Xubnaha Barlamaanku, markii la waydiiyeyna waxay sheegayn in aanay fara gashanaynin Arinta Barlamaanka. Haddaba maxaa keenay in maalin kadib ay ku xadgudbaan Sharafta qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliyeed?.Taasi way iska caddahay oo laaluush ayeey sidaasi ku dhacday. Xaajiga waxaa lagu ogaa in uu aad uga soo horjeeday in Dalka la keeno Ciidamo ka socda Safka hore,isagoo ahaa mid ka mid ah raggii ugu hadalka kululaa Dooddii uu yeeshay Barlamaanku. Waxaa la ogyahay Mudanayaal gaaraya 100 iyo dhowr oo uu ku jiro Gudoomiyaha Barlamaanku in ay u galeen dadaal wayn sidii Raggaas lagu sii dayn lahaa, iyagoo markii danbena ku guulaystay. Su'aashuse waxay tahay Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaarihiisu dadaal intee la eg ayeey ka gaystayn?...iska dhaaf dadaale waxaa la ogyahay in xittaa aanay ka hadlin, taas maxaad akhristoow adiguba u qaadan lahayd?..Xaajiga sida uu sheegayba waxay u tahay sharaf isagoo ka horjeeda Cadawga Soomaaliyeed in loo xiro. isaga iyo Gacma dheerana Shacabku waxay leeyihiin "Kala mudan kalana magac roon"

    Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegay in Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sh. Aaden la soo gaarsiiyey Warqad loogu sheego in uu isaga guuro Hoteelkii uu ka degganaa Nairobi ee Grand Regency ,taasi waxay marqaati cad ka tahay in kenya aanay raali ka ahayn Qaran Soomaaliyeed oo dhisma, ugu yaraana ay aqbali karto hoggaan iyaga iyo Ethiopia u daba dhilifeeya. Arinta Kenya ay ku dhaqaaqday waxay na soo xusuusinaysaa hadalkii Madaxweyihii hore ee kenya Mr. Moi uu ku sheegay in Wadamadda Deriska la ah Soomaaliya aanay marnaba raali ka ahayn Qaran soomaaliyeed oo dhisma, xili uu khudbad ka jeedinayey Jaamicada American Defense University ee Magaaladda Washinton. Haddaba Guddoomiye Shariif Xasan waxaa la gudboon in uu go'aan kale oo Taariikhi ah qaato kaas oo uu si deg-deg ah ugu laabanayo Caasimaddii. Anigoo huba in si kawayn sidii hore loo soo dhawayn doono, waxaana muuqata in Durbaba Sawiradda Shariifka lagu dhejiyey Gidaarada, Gaadiidka Dadwaynaha iyo Meelaha ay Bulshadu ku kulmaan.   Ugu danbayntii hamalyo ayaan leeyahay Mudane Shariif Xasan, halyeeyga 2005-ta. 

W/D:Mursal Max'ed Max'uud(Garaad) Email stethy1@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 22, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD