SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Garyaqaano madax banaan oo loo saarayo dalabkii madaxweynaha ee la xiriiray go'aankii baarlamaanka.
  • Shirkii Jamacada Carabta oo u ahaa fursad dawlada Soomaaliya si ay kulana gaar gaara ula yeelato madax sar sare oo kala duwan.
  • 24 kii  saac ee ugu danbeesay  howl gal lagu soo qabqabnayay  burcada ka qowlaysata suuqyada waaweyn ee magaalada kismaayo Ayaa lagu soo Qabqabtay xabsigana lasoo dhigay 7 qof oo ku eedaysan arimo burcad nimo ah.

Garyaqaano madax banaan oo loo saarayo dalabkii madaxweynaha ee la xiriiray go'aankii baarlamaanka.

  • Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 22, 2005
    EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com 

Madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi yuusuf Axmad ayaa gudoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sh aadan ka dalbaday in uu soo celiyo doodii baarlamaanka ee looga dooday ciidamada safka hore khamiistii la soo dhaafay.
 
Madaxweynuhu waxa uu u cuskaday soo celinta doodi baarlamaanka Qodobka 36-aad ee dastuurka oo sheegaya in madaxweynuhu soo celin karo hindise uu soo jeediyay ama dowladdu soo jeedisay hal mar, qodobkaas isagoo raacaya ayuu ka dalbaday gudoomiyaha ka hor intii uusan u duulin dalka aljeeriya.
 
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka oo aan arrintan wax ka waydiiyay soo celinteeda in la dhaqan galinayo ayaa ii sheegay in madaxweynuhu sida uu u fahmay qodobkan aysan ahayn, waxa la soo celin karaa waxa uu yahay ayuu yiri gudoomiyuhu hindise aan sharci iyo go'aan ka gaaris u baahnayn laakiin kan uu baarlamanka ansaxiyay waa mid ahaa go'aan mana la soo celin karo ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka 2aad ee BFKMG ah ee soomaaliya Boqore.
 
Warar ka imaanaya dhinaca gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sh aadan ayaa sheegaya in arrinta ah dalabka madaxweynaha loo saarayo Qubaro sharci yaqaano madax banaan si ay uga doodaan kadibna ay uga soo saaraan waxii sharciga waafaqsan ee ku saabsan sidda ay doodu u dhacday iyo soo  celinteedaba.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 18, 2005
EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com 


24 kii  saac ee ugu danbeesay howl gal lagu soo qabqabnayay  burcada ka qowlaysata suuqyada waaweyn ee magaalada kismaayo Ayaa lagu soo Qabqabtay xabsigana lasoo dhigay 7 qof oo ku eedaysan arimo burcad nimo ah. 

Howl galkaan oo ay fulinayeen ciidamada amaanka ee isbahaysiga dooxada jubba ee ka arimiya gobolkaan ayaa waxa  uu yimid kadib markii uu gudoomiyaha isbahaysiga xildhibaan Barre hiiraale uu ku dhawaaqay in ay si toos ah ay ciidanka u bilaabayaan howl galo burcda looga sifaynayo baraha muhiimka ah ee ay dadku ku badanyahiin ee lagu ganacsado ayadoo lasheegay in qofkii lagu soo qabtaa burcadnimada xabsiga la dhigi doono dabadeedna maxakamad lasoo taagi doono. 

Kadib hadalkii xildhbaan bare hiiraale uu  sheegay in burcada lasoo qabqabanayo ayaa waxaad ka dareemaysaa magaalada kismaayo heegan buuxa oo ay ku jiraan ciidamada amaanka ee isbahaysiga oo gaaf wareegaya dhamaan xaafadaha magaalada kismaayo iyo waliba goobaha ay maleeshiyaadka hubaysani ka qaadaan lacagta loo yaqaano leejada tasoo uu hada si toos ah oga soo horjeestay maamulka isbahaysiga. 

Talaabadaan ayaa waxay timid kadib markii ay caqabad xoogan kala kulmaan maamulka isbahaysiga qaadida lacagaha canshuuraha oo ay dhawaantan ka bilaabeen suuqyada magaalada kismaayo tasoo qalqal galisay lacago kale oo  leejo ah oo ay ka feer wadaan maleeshiyada hubaysani lagana qaadayo dadka ku ganacsada suuqyada magaalada, kadibna ay qaylo xoogan kasoo yeertay dadka ku ganacsana suuqyadaasi taasina ay dhalisay in ay haatan ku baraarugaan isbahaysiga talaabo ka qaadistaan laga qaadayo burcada ka qowleysata suuqyada. 

Dhanka kale waxaa baryahaan jiray isku dayo ay isbahaysiga ku doonayaan in ay hubka kaga aruuriyaan dadka shacabka ah ee ku dhex sida hubka  bartamaha magaalada tasoo ay sheegeen in ay yihiin hubkaas gacanta ugu jira dadka kan ugu badan ee lagu wax yeelyeeyo dadka islamarkaana mudan in wax laga qabto .

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya

cabdiqada84@hotmail.com


Shirkii Jamacada Carabta oo u ahaa fursad dawlada Soomaaliya si ay kulana gaar gaara ula yeelato madax sar sare oo kala duwan.

  • Waxaa soo ururiyey SomaliTalk, Qaahira, Masar

Shirkii shalay uga furmay madaxda carbeed magaaalada casimada dalka jazaa'ir, ayaa waxaa ay unoqotay wafdigii dowlada somaliya oo uu hogaaminayay madaxwanaha soomaalia cabdulahi yusuf ahamad , fursad wayn in ay la yeeshaan kulama gaar gaar ah madaxda dowladaha carabta , kuwaasoo ku bilaamay kulan gaara oo uu madaxwaynuhu la yeeshay dhigiisa ee Abdelaziz Bouteflika waa madaxwaynaha wadanka jazaa ir , kasoo uu madaxwaynuhu uu hordhigay xaalada ay haatan marayso somalia iyo is badalka haatan socda oo dawladu ay ugu jirto sida ay ugu guuri lahayd somalia isla markaana ay u hawl galaan sidii loo xasilin lahaa xaalada nabadeed ee somalia.

Hadaba sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dalka Aljeeriya kulan kaas ayaa ahaa mid si wanaagsan loogu bandhigay madaxda dalka si ay ula socdan xaalada nabadeed ee somaliya , kaas oo ay sheegtay wakaaladu in ayan imaan wadankaan aljeeriya madax ka socota somalia muda ku siman haatan 25 sano .

Isla kulamadaas uu madaxwaynaha somalia la yeeshay madaxdii isugu yimid shirka ayaa waxaa ka mid ahaa kulan gaara uu la yeeshay ra,isul wasaraha wadanka kuwait jabir al sabaax , kasoo udhacay si wanaagsan isla markaana uu ufidiyay al sabaax casumaad in uu soo booqdo madaxwaynaha somalia kuwait si ay utaakuleeyaan dowlada somalia.

Joornaalka al watan ee wadanka kuwait kasoo baxa ayaa ku tilmaamay kulankaasi mid u ah muhim dowlada Kuwait si ay ula taaba qaado dowlada somalia oo uu ku tilmaamay mid walaal la ah wadanka kuwait , isla markaa ayaa ay balan qaaday kuwait taakulayn ballaaran dowlada iyadoo uu sheegay wasiirka arimaha dibada ee dalka kuwait in sanduuqa kuwait ee taakuleeya wadamada dunida sadexaad ee muslimka ah sanadka bajadkii loogu tala galay loogu deeq doono dowlada somalia isla markaana booqashada la filayo in uu madaxwanaha somalia ku yimaado kuwait , looga wada hadli doono sida iyo goorta lagu wareejinayo taakuladaas dawlada somalia.

Kulanadaas gaar gaar ah ayaa waxaa iyaguna kamid ahaa kii uu la yeeshay madaxwaynaha somalia ,xoghaya siyaasada dibada ee midowga yurub ninka la yiraahdo khafeir sulana , iyo xoghaya midowga africa mr. omar alfa konari, oo labadooduba ahaa marti sharaf kasoo qayb galay shirka wadamada carabta uga socda aljeeriya.

Khudbadii uu ka jeediyay camar muuse furitaankii shirka ee shalay ayaa uu ku nuux nuuxsaday muhimada ay leedahay in la garab is taago dowlada somalia udhalatay isagoo halkaa ka hadlaya ayaa uu yiri: maanta somalidii waa hishiisay iyagoo aan cid kale soo dhex galin ayay gaareen hishiis hadaba waxaa madaxda carabta looga baahan yahay in ayan somalia cidla ku sii dayn oo ay dowlada wax la qabtaan . isagoo sheegay wada hadal uu la yeeshay madaxda somalia ayaa uu ka dareemay sida ay uga go'antahay in somalia ay dib uhabeeyaan , waxaana uu tilmaamay in somalia ay tahay wadan carab ah oo muhimad wayn leh.

Kalmadaha ay madaxda carabtu ka jeediyeeen shirka ayaa badanaa waxaa ay ku soo qaadeen tageerada ay u hayaan dawlada somalia iyo in ay la shaqaynayaaan , iyadoo la filayo kulanka galabta dhacaya oo noqon doona mid albaabadu u xiran yihiin in ay kasoo bixi doonaan go'aano somalia khuseeya waana markii ugu horaysay oo shir carabi yeelato somalia go'aan laga soo saaray.

[waxaan kasoo arurinay wakaaladaha carabta intii maanta ay qoreen oo somalia ku saabsanayd.

SomaliTalk Qaahira, Masar

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 22, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD