SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Wafdigii Madaxwaynaha & Rasulwasaaraha Soomaaliya ayaa Caawa la kulmay Xog-haya guud ee ururka Saaxil iyo Saxaraa Maxamed Badi Al Bashar
  • Xubno ka tirasan Beesha Digil & Mirif ayaa ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya in ay mas uul ka tahay Dagaalada Baydhabo
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Baaqnabadeed Udiray Raga ku hartamaya Gacan ku haynta Baydhabo

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com

Wafdigii Madaxwaynaha & Rasulwasaaraha Soomaaliya ayaa Caawa la kulmay Xog-haya guud ee ururka Saaxil iyo Saxaraa Maxamed Badi Al Bashar

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed & wafdi uu hogaaminayo oo isagu ku sugnaa Magaalo Madaxda Liibya maalmihii ina dhaafay ka dib markii uu ka qaybgalay shirkii Madaxda Carabta ee Aljaris shirkaa oo Soomaaliya si aada loogu taageeray,

Waxaa Caaway 7.30 Xiliga Afrikada Bari Isla wadanka Liibaya gaaray Wafdi uu horkacaya Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi Wafdigaa waxaa ka mid ahaa Rasulwasaare ku Xigeen ahna Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Nabadaynta Muqdisho Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, Raysulwasaare ku Xigeen ahna Wasiirka Maaliyada Dr Saalim Caliyoow Ibroow iyo Huseen Ceelaabe Faahiye Afayeenka Xukuumada C/rixmaan Maxamed Nuur Diinaari iyo Xubno kalle.

Hadaba sida u iigu warama Afayeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo igula soo Xariray Taleefoonka isaga oo ku sugan Hotelka ay Daganyihiin Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa, Cabdirixmaan Nuur Diinaaro waxa uu sheegay in ay Caawa ku qaabileen Hotelka Al Kabiir Xog-haya guud ee ururka Saaxil iyo Saxaraa Maxamed Badi Al Bashar waxaana kulankaa Xaadir ku ahaa Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed

Rasulwaraaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed GeediXigeen ahna Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Nabadaynta Muqdisho Eng Xuseen Maxamed Faarax Xasan Caydiid, Raysulwasaare ku Xigeen ahna Wasiirka Maaliyada Dr Saalim Caliyoow Ibroow iyo Huseen Ceelaabe Faahiye Afayeenka Xukuumada C/rixmaan Maxamed Nuur Diinaari ,

Afayeenka Xukuumada waxa uu sheegay in Xoghaya guud ee ururka Saaxil iyo Saxaraa Maxamed Badi Al Bashar u si aada u soo dhaweeyay Xukuumada Soomaaliya isaga oo sheegay in laga Caawin Doono dhinacyada Dhaqaalaha Siyaasada iyo Arimaha Bulshada, waxa uuna Balan qaaday in ururka Saaxil&Saxaraa ay inta ay ka awoodaan Dadka& Dalka Soomaaliyeed caawin doonaan. dhinaca kalle waxaa halkaa ka hadlay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo isagu sheegay in ay Xukuumada Soomaalidu tahay Xukuumad Uguba,

Sidoo kalle waxa uu sheegay Madaxwaynaha Soomaaliya in ay Doonayaan in la helo Dhaqaale loogu someeyo Amkaaniyaad ama Dhaqan celin iyo shaqo abuur maleshiyada Soomaaliyeed waxaa kaloo Madaxwaynaha Soomaaliya xusay in Doorkii wadamada Carabta ay Shacabka Soomaaliyeed sugayan,

Xubno ka tirasan Beesha Digil & Mirif ayaa ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya in ay mas uul ka tahay Dagaalada Baydhabo

Anagoo kalla ah Xidhibaanada Magacyadooda ay hoos ku qoranyihiin Waxaan warbaahinta ku wargalinaynaa in ay nasiib daro tahay doowladi lagu dhisay shirkii dib uheshiisiinta ee ka socday Dalka Kenaya mudadii labada Sano& Barka ahayd kuna magacwaney Doowlad Dib uheshiiseenayd,

Warsaxaafadedku waxa uu sheegay in ay Xukuumada Federaalka dhaqaalo badan ku bixisay in ay Dagaalo badani ka dhacaan gobolada Bay iyo Bakool toos oo bay yiraahdeen dagaalada lagu hoobtay ee Iminka Socdaa ay marqaati ka yihiin,

Dhinaca kalle waxa ay sheegeen Xidhibaanadani markii uu booqanayay Madaxwaynaha iyo Rasulwasaaraha Soomaaliya magaalada Baydhabo in ay aad uxasilonayd iyagoo sheegay in ay Madaxwaynaha iyo Rasulwasaaruhu labaduba ay dhaqaalo ku bixiyeen kalla qaybinta Bulshada Gobolada Bay& Bakool

waxa aan aad uga xunahay Dagaalada bay Yiraahdeen in Dagaalo laga Abuuro Gobolo shalay xasilanaa walibana loo isticmaalo hantidii qaranku lahaa looguna talo galay in lagu badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed Gobolada Dalkana lagu dhiso,

waxa ay sheegeen in warkii Shalay ka sooyeeray Wakiilka Shaati guduud ee ahaa in ay Difaacayaan Go aanka xukuumada oo ahaa dib udajinta Xukuumada ee Magaalada Baydhabo waxaa nasiib daro ah in umada lagu dagaal galiyo wax aan sharci ahayn,

Xubnahani waxa ay Xuseen in hadii Caasimada Qaranka labadalo waxa ay ubaahantahay Go aanka Golaha Baarlamaanka ee ah 2/3 Xubnaha Golaha Baarlamaanka

Baaq Nabadee

Waxaan ugu baqaynaa Dadwaynaha ku Nool Gobolada Bay& Bakool in ay ka shaqeeyaan Xasilinta iyo is xaqdhowraka isla markaana ay ka fakaraan dhiiga daadanaya in uu ka daadanayo dadkooda waxaa kaloo ay Baaq nabaded udireen Xubnahani dagmooyinka Qansaxdheere, Gobolka Bay Gobolka Rabbdhuure,

Warsaxaafadeedkan waxaa ku saxiixnaa Xidhibaanada kalla ah

  • 1-Muumin Ibraahin Isaaq
  • 2-Cabdulaahi Adan Axmed
  • 3- Maxamed Xuseen Isaaq
  • 4- Sh Nuur Cali Adan
  • 5-Maxamed Isaq Cismaan
  • 6- Macalin Maxamuud Maxamed Jiis
  • 7- Cismaan Libaax Ibraahin
  • 8- Sh ADAN Macalin Isaaq
  • 9-Cabduqaadir Sh Maxamed Nuur
  • 10- Isaaq Maxamed Nuur Daqare
  • 11- Cabdulaahi Adan Cali
  • 12-Muna Ibraahin Abiikar
  • 13- Caasha Cabdi Shiikh
  • 14- Cabdulqaadir Adan Jabaar
  • 15-Luul Cabdi Adan

Wali waxwara ma aysan Bixin Sh Adan Madoobe Shaati Guduud,iyokiishburo

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Baaqnabadeed Udiray Raga ku hartamaya Gacan ku haynta Baydhabo

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Xasan Sh Adan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed garahaan shacabka Walaalaha ah ee Gobolada Bay iyo Bakool in ay Colaada Joojiyaan isla markaana ay ku dhameeyaan wada hadal murankooda,

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan waxa uu xusay in Dagaal wiil ku dhinta mooyee uusan wiil ku dhalan loona baahanyahay in la taageero nabada iyo is fahanka umada waxa uu xusay in Soomaaliya hada aysan ubaahnayn Colaad iyo Dagaalo Sokeeye,

Dhinaca kalle Rasulwasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka Maaliyada Dr Saalim Caliyoow Ibroow aya isaguna ugu baaqay shacabka walaalaha ah ee wada dagan gobolada Bay iyo Bakool in ay ku dhameeyaan Arimahooda Wada hadal,

Dhinaca kalle waxa uu xasuusiyay Dadka hurinaya Colaada in ay eegaan ama Xasuustaan 14 Sanadood ee Coladaada iyo Dagaalada Sokeeye ee Soomaaliya iyo wixii laga dhaxlay isaga oo sheegay in umada walaalaha ah ee Bay iyo Bakool aysan ubahnayn Colad isaga oo xusay in la joogo xiligii caqliga,

WARARKA TODOBAADKA EE SOOMAALIYA
»Gudoomiyaha baarlamaanka oo diray baaq nabadeed...
»Xubno ka mid ah DFKMG: "baydhabo itixaad ayaa qabsaday"
»Xidhibaan black oo dagaalka Baydhabo ku eedeeyey DFKMG
»Sh. Aweys oo ka digay ciidamo la geeyo Soomaaliya..
Dhammaan ka akhri halkan... Maarso 27

8 Maxaabiis ah oo Maanta Lagu Wareejiyey Beesha Saleebaan
»Dagaal Maanta ka Dhacay Gelinsoor
»Shir ay Gaalkacyo Ku Yeesheen Beelaha Cayr iyo Saleebaan
»Waraysiyo: Gudoomiyaha dagmada cadaado
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Maarso 27

Xashiishad lagu Gubey Kismaayo
Waxaa daroogadan meel fagaare ah si wada jir ah ugu gubey maamulka degmada iyo kan maxkamada islaamiga Guji Mar 27

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 27, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD