Waa kuma halyeyga soomaaliyeed ee sanadkan?
(Sawir)


Dad badan oo somaliyeed ayaa ka murugeysnaa
arinta soomaaliya ee aan irid loo baxa laheyn, dadkan ayaa intooda badan is
weydiinaya waxa sababay in qarankii jiray ee soomaaliyeed uu sidaan u
burburo, hadana magaca soomaaliyeed iyo dalkaba uu noqdo mid cid walba ay
soo haweysato, sida dalal run ahaantii wayihii hore gadaal danbe aan u soo
fiirin jirnay oo hada aadba dareemeyso sida fudud ay noogu soo
bax’baxsanayaan, waa cajiib oo aduunka ayaaba kalaguur ah is daba qabadna
nagama muuqdo waloow maqaalkan loogu magac daray, Waa kuma halyeyga
soomaaliyeed ee sanadkan.? Waa su’aal da’ weyn oo madaxa daalineysee eyna
ula jeedadu tahay iney jiraan dad muwaadinimaduba waxey tahay aan ka war
heyn oo hadana hogaan sare ku hardamaya.
Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa noqoday
halyeyga sanadakan iyo dhamaan xildhibaanadii is garab taagay ka dib markii
go'aanku uu noqday Somaliya Ethopia ha hoos tagto iyo geeri baan ka xignaa,
ama somaliya godkaan qotada dheer aan ka soo bixino, iyo aan ku sii
xabaalno. Si kastaba ha ahaatee Shariifka ayey dad badan ku tilmaamayaan in
hadii aanan lagu baxsan laheyn ay somalidu u gacan geli laheed dowlado
shiisheeye oo cadow ku ah dalka iyo diinta, waxaasa shariifka la xasuustaa
in hanjabaado badan loo geystay C/laaahi yussufna isku dayay kuna dhumiyay
waqti badan oo uu dadka wax ugu qaban lahaa inuu wax uga dhaadhiciyo sidii
Geedi oo kale, balsa ay shariifku muwaadinimada wax walba kala weynaatay.
Kama maqna nimanka ayaga la oran jiray hogaamiya kooxedyadii dadku ay ku
duceysan jireen yaa inaga hor wado kuwaas, oo run ahaanti ku dadaalay sidii
shacabka ay uga raali galin lahaayeen wax kasto oo ey hormarsadeen, halka
rag kalana ay hada kusoo caan baxayaan muwaadinimo la dirir iyo gumeysi
doon, kuwa kalana ayba ku dhimanayaan.
Sida nooga muuqata sawirka sare Shariifka ayaa
dhulka feer la dhigay Meles zenewi, oo uu halkaas ku qaatay bilad geesi,
halka ninkii la tartamaayayna uu sheegay inuusan sidaas ku hareeyn
natiijadana ku qanacsaneeyn, waloow eey meesha joogeen suxufiyiin badan.
Mustafe Cabdul
Wariye Indhoos
talaado@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Mar 28, 2005
Waraysi Samsam
iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u
gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com