SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

Bush: Kursi aan ka Siibeey Saadaamkaas, Ina-Sanaawi Saari maa

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Sanadkii 1980-kii ayaa dhegaheygu qabteen nin aanan geeridiis maqal oo leh: waxaa la sheegay korneyl C/hi Yuusuf oo la socda janankii Midowga Soofeeti u dhashay ee Afganistaan qabsaday! Markaas waxaan meesha ku dhegeysaneynay Raadiyoow Kulmis. Ninku booliiska Soomaaliyeed buu u shaqeynayey. Micnuhu waa, waxay labada nin ka wada shaqeynayaan sidii uu Xamar ugu qaban lahaa! Intii shirkii Mbagathi socday ayaan isla sheekadaas oo kale maqlay laakiin la leeyahay haddii korneylka loo doorto madaxweyne, waxaa Soomaaliya u qabanaya Maraykanka! Dadkeennii la socday boggagga Soomaalida, waxaa u soo baxaya, in boggagga taageeraa ay oran jireen wuxuu martiqaad ka helay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka; wuxuuna halkaas ku qaabilidoonaa madaxweyne Bush. 

Waxaa aad iiga yaabinjiray sida dadkeygu, korneylka wax ula rabaan, isna uu Puntland ka dhigay wax uu dilo iyo meel argagixiso lagu sheego. Xitaa magaaladii Gaalkacyo, makhaayadaha iyo dabokaayooyinka ay haystaan dumarka raggoodii dagaalladii sokeeye ku le’deen, wuxuu ku sheegay in Usaama Bin Laadan uu maalgeliyo! Saasooy tahay, xitaa haddii Xabashi loo keenana waa ku raalli. Dabcan dadkoo dhami Xabashi ma rabaan laakiin cid aamustay micno ma leh. 

Dad badan baa u heystay, haddii korneylka madaxweyne loo magacaabo inuu Puntland iyo dadkeeda faraha kali bixi doono laakiin waxaa maalmahan la leeyahay, wuxuu isimadii qoladiisa Maxamuud Saleebaan ka codsaday inay baarlamaanka ka saaraan seddexda nin ee kala ah: 

  1. Jaamac Cali Jaamac
  2. Cabdi Cabdulle (Jinni-boqor)
  3. Xirsi Bulxan

Haddii nabaddoonno qolodaas ahaa oo muddo aan dheereyn xijaabtey joogi lahaayeen waxay korneylka ku oran lahaayeen: horta haddaan isimmo nahay, goormaa gacanta wax noogu jireen ama wax nala weydiin jiray? Miyaadan duhur cad, dariiqa nagu leyn? Teeda kale, xildhibaannadaba waxaa magacaabay dagaal-oogayaal, IGAD iyo Beesha Caalamka; marka waxaanaan magacaabin markii horaba waxba kama qaban karno. Haddii arrintaasi run noqoto, waxaa halkaas ka cad, in odeygaan ka sugeyno inuu Soomaali wax ka qabto uu dhaafi la’yahay seddex oday oo qabiilkiisa ah. Inkastooyna isimadu waxba ka qabin karin arrintaas laakiin haddey shireen maxay oran? Ma seddexda nin, Xabashey diideenne, xilka halaga xayuubiyaa? 

Ruushkiiba miriqdiisii la waaye maxaa loo leeyahay Maraykan baa korneylka Soomaaliya u qaban? Waxaan siinayaa tusaalooyin  dadka aamminsan in Maraykanku kala jecelyahay Soomaalida iyo masaajiddey kukala tukadaan iyo inuu kala jecelyahay dad u dhashay Afrika oo muslim amo gaalo ah. Markuu dhacay qaraxyadii loo geystay Maraykanka, waxaa muddo la hakiyey diyaaradihii u kala gooshayey Maraykan dhexdiisa iyo weliba kuwii soo gelayey ama ka baxayey waddankaas. Iyadoo Bush, waa Bush aabbihiise uu ku xannibanyahay gobol, diyaarad la’aan awgeed, ayaa qoyska uu Usama Bin ka dhashay waxaa diyaarad khaas ah loo saaray Sacuudiga! 

Imisa sanuu Joon Garaan la dagaalayey Xukuumadda Suudaan? Muddooyinkii ugu dambeeyey, Maraykanku waxay si adag ula dhaqmayeen xukuumadda Suudaan ilaa ay gaareen heer ay dukheeyaan warshad daawo! Ileyn Joon Garaan iyo ciidankiisa badankoodu waa kiristaanne, maxaa Suudaan loogu qaban waayey? Ogoow, reer Galbeedku waxay Joon ku taageeri jireen hub iyo maal. Markay reer Galbeedku rabaan iney qabsadaan waddan, waa inay jirto arrin kaloo dheer diinta sida dhaqaalaha. Soomaaliya iyo Ruwaanda lama kala jecla. Waxaad arkeysaa Shaaroon iyo Xusni Mubaarak oo wadashiraya halka aad arkeysid Qadaafi iyo boqor Fahad oo gafuurka isu buuraya oon isla hadleyn. 

Gabay ku qornaan jiray buugta Afsoomaaliga iyo Suugaanta dugsiyada dhexe ayaan ka xasuustaa: 

  • Calanyahow walhanayaa adaan kuu warramayaaye
  • Mid wasaaraddiisii gabtoo weeran baad tahay
  • Laguu waa’ wakiil sida Jamaal waabsha gaalada e’
  • Wallaahiye anigu kuuma ogi wiilal kuu maqane
  • Waddankaad ku dheeraan lahayd waa iibsadaye
  • Raggii adiga waax kugu lahaa waa la weecsadaye
  • Wasiirkii baxsani maalintuu Waashitoon ka hadlaayey
  • Suxufigu waraaqduu qoroo weedha fidinaayey
  • Warkii dunida lagu faafshey waad wada maqleyseene
  • NFD wareeggiidii hore waa horuu dhacaye
  • Wiglada iyo heesaha markii lagugu waalaayey
  • Heestay wilaanwilinayeen wey waddacayeene
  • Goortii walaal garab galiyo wehelba loo waayey
  • Haadkiyo waraabuhu ka dhereg walaqtankoodiiye
  • Waxba kama if joogaan kuwii galeyey Waajeere

Waxay iigu darneyd markaan arkey Soomaali ku faraxsaneyd in dagaal-ooge laayo ehelkood oo haddana hurdankii iyo feerkii ka dhexdhacay xildhibaannada ka soo qaadaya wax weyn. Wallaahi, intay inta dhexfariistaan “Golaha Sacabka” ay iska sacbinlahaayeen wax kastoo madaxweynuhu dhaho ayaa ka liidata hurdanka iyo feerka. Waligaa ma aragtay madaxweyne golaha shacabka ku leh: dugaag baad tihiin oo haddana hadalkaas u sacbinaya”? Ama madaxweyne aflagaadeynaya hooyooyin Soomaaliyeed, oo waxa dhegeysanaya aan laga heli karin hal qof oo dhaha war madaxweyne xishood oo dumarka daa. Haddii xildhibaannadii la doortay u dhaqmi lahaayeen sida “Golaha Sacabka” yaa hor istaagi lahaa mooshinkii, Xabashida waddanka lagu keeni lahaa? 

Maxaa kala heysta Dimuqraadiyadda Maraykanka iyo Mela Zenawi 

Waxaa i dhibiya shacabkii Soomaaliyeed oo sidii dhurwaa silsilad ku dhacay, markii reer Galbeedku dhahaba Soomaaliya yaan loo dirin ciidamo shisheeye, aad arkeyso shacabkoo soo qaata calanka waddanka qofkii hadalkaas yiri xitaa hadday nifaaq iyo siyaasad ka tahay. Ileyn Soomaalidaa tiraahda markii dhurwaagu dabin ku dhaco wuxuu isu badiyaa dhanka qofkii yiraahda war ka daaya. Qofkii u qaba in Maraykanku Soomaali muxubbo u hayo haka fiirsado. Hadalladaan ka soo yeeraya Maraykanka waxaa ku khasbay danta. Maxuu Maraykanku ka dheefay Afganistaan iyo Ciraaq? Soow hadda ma lahan: waan ku degdegnay Ciraaq? Waxay is lahaayeen, waxaa la idin ku soo dhoweyn caleemo qoyan sida Zenawi heysata oo kale. Nool iyo noodka uga baxa Maraykan halkaas, ma ahan wax maskaxdaadu suureysan karto. 

Waxaa kaloo jira in Maraykanku wado qorshe kale oo la yiraahdo: qorshaha weyn ee Bariga Dhexe laga leeyahay (dimuqraadiyad). Haddii Mele Zenawi qabsado Soomaaliya, waxay Carabuhu helayaan fursad ay ku hor istaagaan mashruucaas iyagoo leh: waxaad waddaa kiristaameyn maxaa yeelay Ciraaqna adaa weeraray, Soomaaliyana Zenawi. Marka waxay noqoneysaa in xukaamta Carabtu helaan fursad ay shacabka ku sii xukumaan oo ah: shacaboow, Maraykan waxuu rabaa inaad diinta masiixiyadda qaadataan! Haddee shacab muslim ah oo saas lagu yiri maxaad ka fili? Waxaa la arki lahaa iyagoo xukaamtaas ku sheegaya mujaahidiin iyo “amiirro mu’miniin”. 

Waxaa kaloo meesha ka marneyn danaha reer Galbeedka. Ka warran haddii Talyaanigu yiraahdo: Maraykan, intaas baan siyaasad iyo ciidanba kutu taageeray markaasaad waddankii yarka ahaa oo aan gumeysan jiray, Soomaalida aad ku fasaxday Zenawi?  

Ka warran haddii ciidamadda “IGAD” xal u helaan Soomaaliya? Soomaaliya waxaa ka quustay ciidamadii adduunkoo dhan oo Maraykan horboodayo marka haddii Itoobiya, Uganda iyo Suudaan ay xalliyaan Soomaaliya, waxaan filayaa in loo diri doono meelaha dhibaatadu ka jirto sida Bariga Dhexe oo kale. Waxaanna aamminsanahay in Maraykanku IGAD ka dalbandoono inay xalliyaan arrinta hubka nukliyeerka ah ee Iiraan iyo Waqooyiga Kuuriya! Ma u maleyneysaa in Maraykanku raali ka noqondoono in Suudaan iyo isagu wada noqdaan booliiska adduunka? Siday mucaarad Ciraaq ahaa oo ka soo cararay Saddaam ay Maraykanka been ugu sheegeen, mar dambe Marakaykanku ma aamminidoono cid kale. Hadduu Maraykanku ogyahay in Itoobiya iyo Jibuuti ay waddan kale la xaalikaraan, marna ciidan 5000 gaaraya ma geeyeen Jibuuti. Siday Itoobiya u lahayd waxaa dhulkeenna jooga Al-Qaaciddo, ayaa Maraykanku Soomaaligalbeed ku soo arkey dad qaarna gaajo u bakhtiyey, qaarna addoonsi ku jira. 

Wuxuu xooggii Maraykanku noqday sidii bur shiilshiilkii (Bariga Afrika waxaa looga yaqaan Mandazi). Burkaas, markiisa hore waa buuranyahay oo weynyahay laakiin markaad ilkaha saarto ayaa waxaa ka soo baxaya hawo kaarboon labo-ogsaydh ah. Nin reer Bari ah ayaa la sheegaa inuu burkaas uga digay nin kale isagoo leh: boowe aa been. Hadda hankii Maraykanka waxaa wiiqay Ciraaq marka ma jirto degdeg dambe. 

Waxaan u maleynayaa, horay baan u maqli jirnay dad badan oo qaarkood reer Muqdisho yahay oo eedeynaya Xasan Bariise, waa mid ka mid ah weriyaasha laanta Afsoomaaliga u jooga Xamar. Waxaa dhicikarta in mar dhow ay eedeyndoonaan haweenta ah wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda oo ee Maraykanka oo iyadu lafteedu Ina-bariise ah; markey ka waayaan inay taageerto dagaaloogahooda. Horta haweentaasi waa firfircoontahay, sidoo kalana madaxweyne Bush wuu maqlaa hadalkeeda. Waxaa dhici karta inay Bush ku tiraahdo: caqligee Sadaamna ku tuurtay haddana aad korneylka iyo Mele Zenawi ugu ogolaaneysaa inay qabsadaan Soomaaliya? Seese Carabta ula xaali doontaa? Haweentaas waxaaba dhici karta inay tiraahdo muxuu yahay madaxweynaha aan tegi karin seddexdii magaalo oo Soomaaliya ugu waaweynaa? Xamar, Hargeysa iyo Kismaayo. Waxaa dhici karta inuu Bush yiraahdo soow magaalo madaxda Soomaaliya ma ahan Ari-caddeeye? Iyaduna tiraahdo maya, ee waa Muqdisho. Bushna uu yiraahdo maya, maxaa yeelay dagaallaa ka dhacay, meesha keliya oo dagaalladu ka dhacaanna waa magaalo-madaxda. 

Ka warran hadday haweyneydaasi Bush u sheegto in Geeddi u dhashay USA ayna habboontahay in qof kastoo u dhashay USA uu shirbi karo. Haweeneydaasi waxay Bush u sheegikartaa inuu jiro nin Soomaalida USA ah oon Soomaali ku shirbi karin laakiin Ingiriis ku shirba; marka adiguna Ingiriis kuma shirbi kartide  waa inaad maanta Soomaali ku shiribtaa. Bush oo leh hoooooooooooooooooy: 

Kursi aan ka siibay Saadaamkaas, Ina-sanaawi saari maa.

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 28, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD