Agaasimihii Idaacada Daljir oo Shil Gaari
Ku GeeriyoodeyGaalkacyo | March
30, 2005 | isha warka: Daljir radio
Adam
Nuur Maxamed Islam - Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi
Raajicuun!
Dhammaan
Shaqaalaha Radio Daljir iyo Bahda Saxaafadda Puntland oo
ka tiiraanyaysan geerida naxdinta leh ee Adam Nuur
Maxamed Islam oo saacado ka hor ku geeriyooday shil
gaari, waxaa ay tacsi u diriyaan Ehelka, Qaraabada &
Asxaabta marxuumka.
Eebe
ha u Naxariistee, Adam Nuur Maxamed waxaa uu dawr waafi
ah ka soo qaatay dhismaha saxaafadda Puntland isaga oo
soo qabtay xilal kala duwan. Adam labadii sano ee la soo
dhaafay waxaa uu ahaa Agaasimaha Radio Daljir ee
saldhigiisu yahay Galkacyo. Waxaa uu laga soo bilaabo
sannadihii sagaashanaadkii hormood u ahaa saxaafadda ka
hawlgasha gobollada Puntland isaga oo ka mid ahaa
shaqaalaha Radio Galkacyo tan iyo sannadkii 1993-kii,
uuna ka ahaa Madaxa Barnaamijyada.
Eebe
ha u Naxariistee, Adam waxaa uu ahaa Madaxa iyo
Tifatiraha Jariiradda Yamayska oo ka soo baxda magaalada
Galkacyo. Waxaa uu ka mid ahaa suxufiyiintii dhidibada u
taagay Shabakada Suxufiyiinta Puntland ee PUMANET, uuna
ka mid ahaa hawl-wadeenadeeda PUMANET; waxaana uu
cilaaqaad wada-shaqayn ah la lahaa suxufiyiinta ka
hawlgasha Gobollada Somaliya.
Allaha u Naxariistee, Adam waxaa uu ahaa nin karmeed
bulshay ah, hufan, karti iyo dad la socod qiimi lehna ay
asxaabtiisu ku barteen.?
Adam
waxaa uu ifka kaga tagay xaas iyo 2 caruur ah (wiil &
gabar) - Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun!
Isha:
Radio Daljir