SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Garoowe: Wasiirka Ciyaaraha Puntland Oo magacaabay Masuuliyiin Kuwo kalana Xilkii kaqaaday Maanta.
  • Caaqilka Reer Maxamed Faarax Oo Eedaymo Iyo dhaliilo Dusha Looga tuuray, Asagoo Jooga Magaalada Neyrobi.

Garoowe: Wasiirka Ciyaaraha Puntland Oo magacaabay Masuuliyiin Kuwo kalana Xilkii kaqaaday Maanta.

Garoowe: (Somalitalk)

Thursday, March 31, 2005

Wasiirka ayaa masuuliyiin cusub u magacaabay gobolda Mudug iyo Bari.

Wasiirka shaqada shaqaalaha Sportiga iyo dhallinyarada Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) ayaa  maanta xafiiskiisa ka soo saaray laba dikreeto oo kala ah mid uu xilka ugu  magacaabayo midna uu masuuliyiin xilka uga qaadayo.

 

Wasiirka ayaa jagadii iyo xilalkii ay kala hayeen ka qaaday guddoomiyeyaashii Sportiga ee gobolladda Mudug, Bari iyo xoghayihii Sportiga gobolka Mudug .

 

Waxayna dikreetooyinka uu Wasiirku soo saaray u qoraayeen sidatan  

 

Dawlad goboleedka Puntland Puntland State of Somalia

Wasaaradda Sh/Sh/sbor. Ministry of Labor, Youth and Sport.

 

Xafiiska Wasiirka

Office of the Minister.

Ref: WW/Sh/Dh/Isb/7405

Ku:- Wasaaradda Maaliyadda DGPL Groowe

Og: Xisaabiyaha Guud ee DGPL Garoowe.

Og: Hanti dhowrka guud DGPL Garoowe.

Og:Agaasimayaasha Guud ee dhalinyarada Isboortiga. Garoowe.

Og: Guddoomiyeyaasha G/Bari ,G/Mudug. Rugtooda .

 

Ujeeddo: Ruqsayn Shaqaalaha kala ah

1. Ismaaciil Maxamed Maxamud ahaana /Gudd hore /isbooritga G/Bari.

2. Ilyaas C/nuur Xirsi ahaana /Gudd hore Isboortiga G/Mudug.

3.Cabdi Cali Ibraahim ahaana Xoghayihii hore /Isbooritga G/Mudug.

 

Tixraac Warqadda sumaddeedu tahay AG/W/Isb/001/05 kuna taariikhaysanayd 26/03/2005, xanbaarsanaydna talo soo jeedinta kusaabsanayd xil ka qaadista xubnaha kor kuxusan , taasoo ay caddaatay eedayntooda kusaabsan hagrasho shaqo iyo dacaayad liddi ku ah waxqabadka wasaaradda .

 

Sidaa darteed , maadaama la galay xilli cusub lana rabo in la xoojiyo shaqada dawladda waxay wasaaradda shaqada dhallinyarada iyo Isboortiga DGPL ay bilowday lafa gurka iyo ukuurgalka heerka waxqabad , aqooneed iyo waajibaad gudasho ee Shaqaalaha Isboortiga.

Hadaba wa, markaan la tashadaay wasiir kuxigeenka wasaradda waxaan go'aamiyay in la ruqseeyo sahqaalaha magacayadoodu kor ku xusan yihiin.

Waxaan madaxda warqaddani sida tooska ah ugu socoto iyo ogaysiintaba leh ugu socoto laga codsanayaa inay ka qabsadaan wixii ka quseeya ruqsayntan.

 

Siciid Jaamac Cali (Qorshel)

Wasiirka Shaqada shaqaalaha dhallinyarada iyo Sportiga


Wasiirka shaqada shaqaalaha Sportiga iyo dhallinyarada Puntland Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) ayaa maanta xafiiskiisa mar kala kasoo saaray dikreeto uu xilal ugu magacaabayo SPortiga gobollada Puntland.

 

Mud: Qoorsheel ayaa Siddeed Masuul u magacaabay xilal kala duwan , dikreetadii uu ku magacaabayna waxay u qornayd sidan:-

Dawlad goboleedka Puntland Puntland State of Somalia

 

Wasaaradda Sh/sh/dh/Isbor Ministry of Labour Youth and Sport.

 

Office of The Minister.

Ministry of lbor , youth and Sport

Wasaaradda Shaqada shaqaalaha Isbooritga iyo dhallinyarada

Ku: Wasaaradda Maaliyadda DGPL Garoowe.

Ku: Shaqaalaha lamagacaabay Rugtooda.

Og: Agaasimaha guud ee Dh iyo Isportiga Puntland Garoowe.

Og: Ag/waaxda Isbooritga Garoowe.

Og: Xisaabiyaha guud ee DGPL Garoowe.

Og: Hantidhowrka guud DGPL Garoowe.

Og: Guddoomiyeyaasha gobollada Rugtooda

 

Ujeeddo: U magacaabid Xil.

 

Markaan arkay dastuurka DGPL

Markaan tixgaliyay baahida loo qabo dar dargalinta shaqada dawladda .

Markaan eegay qaab dhismeedka wasaaradda Sh, Dh, iyo Sportiga .

Markaan la tashaday wasiir kuxigeenka wasaaradda.

 

Waxaan go'aamiyay in loo magacaabo xilalkaan kala ah:-

1. Mustafe C/raxmaan Xasan Guddoomiyaha SPortiga gobolka Bari .

2.Siciid Maxamed Sheekh Cusmaan Guddoomiyaha Sportiga gobolka Mudug.

3. Cabdihodan Dayaxleef. Xog-hayaha Sportiga gobolka Mudug.

4.C/qaadir Cali Daahir. Guddoomiyaha Sportiga gobolka Nugaal.

5.Daa'uud Aadan Rooble Guddoomiye kuxigeenka Sporitga G/Nugal.

6.Maxamed Yuusuf Caamir(Jarco) Guddoomiyaha Sportiga gobolka Karkaar.

7.Maxamuud Axmed Shire (Gacamey) Xoghayaha Sportiga Karkaar.

8. Maxamed Maxamuud Jaamac Guddoomiyaha Sportiga G/Haylaan

 

Sidaas daraadeed waxaan madaxda warqaddani tooska ugu socoto iyo ogaysiintaba ugu socoto laga codsanayaa inay ka qabsadaan wixii ka quseeya magacaabiddan .

 

Sidoo kale waxaan masuuliyiinta loo magacaabay xilalka kala duwan la farayaa inay sideg deg ah utagaan goobaha shaqada lana wareegaan qalab xafiiseedka iyo Dukumintiyada Shaqo.

 

Fulin Wacan

Siciid Jaamac Qoorsheel

Wasiirka Shaqada Sh/Sportiga iyo Dhallinyarada Puntland
 

###


Caaqilka Reer Maxamed Faarax Oo Eedaymo Iyo dhaliilo Dusha Looga tuuray, Asagoo Jooga Magaalada Neyrobi.

Galkacyo:(Somalitalk).

Khamiis,31,03,05

Waxaa in mudo ahaydba uu muran ka taagnaa hadalhaynta Suldaanka Beesha Reer Maxamed Faarax (Reer Cali Maxamed) Suldaan Cabdiwahaab Maxamuud Guray.

Suldaanka ayaa waxaa lagu ee deeyay in uu ku jiro waxyaabo aan dan u ahayn dhalinyarada Reer Maxamed Faarax ayadoo ay ka mid ahaayeen wax yaabaha lagu eedaynayo in ay yihiin kutumasho iyo xadgudub kadib markii uusan soo ogaysiin waxyaabo badan oo dhalinta ay u baahnaayeen la socodsiinteeda ama ka doodideeda.

dhalinta ayaa sheegtay ama uga digtay in uu isaga haro waxyaabaha uu ka fulinayo gudaha gobolka, ayna sheegeen in ay ka mid yihiin xil ka qaadis uu horay ugu sameeyay Xildhibaankii beesha Reer Maxamed Faarax, Sh, Maxamed Cabdulaahi Cali, asagoo ku badalay ayay yirahdeen nid aan u qalmin xilka loo dhiibay oo ay ku sheegeen in uu yahay reer miyi ama aan lahayn aqoontii uu lahaa xildhibaankii hore. 

Hadaba qaar kamida dhalinta oo ay somalitalk wax ka waydiisay waxa dhaliyay muranka haatan maadaama la soo dhaafay xiligeedii laga doodi lahaa waxa hadda ku curiyay? ayay ku jawaabeen sidatan'

waxaan uga doodaynaa xiligan oo nagu curiyay waxay tahay waxa aan aaminsanayn in uu yahay mid noo dadaalaya, balse waxaan aragnay in uu dibindaabyo nagu wado ayna garab ku siinayaan qaar kamida odayaasha beesha oo ayagu caadaystay laaluush in ay qaataan ogolaadanna in uu wax walba ku dhaqaaqo marka anagu madoonayno in aan faahfaahino hadda waxa calooshayada ku jira ee waxaan la sugaynaa xiliga ay ku haboontahay.

Su,aal: Mid kamida isla dhalinta oo magaciisii ka gaabsaday ayaan sidoo kale wax ka waydiiyay in ay jiraan eedaymaha iyo dhaliilaha loo soo jeedinayo Caaqilka in ay wax ka jiraan?

Jawaab: Haa wax way ka jiraan waayo kuuma xog waranneen oo masheegneen wax kutiri kuteen ah ee sida uu saaxiibkay horay kuugu sheegay anagu waxaan ku eedaynaynaa in uu yahay mid anfaca oo doonaya danihiisa oo kaliya balse aan anaga wax aan ku raacno aysan nooga muuqan qofkana waxaa laraaci karaa oo kaliya marka uu fulinayo tiisa iyo tan dadka kale.

S: Adigu maxaad cadayna oo haysaa?

J: Taa cadayn uma baahna waayo waxaa ka mida oo aad adiguba ogtahay in oo xildhibaan nooga dhigay Xirsi Cabdi Oog oo wax uu yaqaan aysan jirin markii uu dooranayayna ama magacaabayay oo laaluushay wax qarsoon oo aan haatan qarinayno taa maaha ee wax yaabo kale ayuu gabood fallo noogu gaystat. hadaan tu saale kuu siiyo waxaa jiray in labo wiil oo da,doodu ahayd 9, iyo 13, jir ay ku dhinteen yamayska biyaha ee Galkacyo waxaan waydiisanay in uu nasiiyo gawaari aan ku ilaalino maydka maadaama ay habayn ahayd oo aan la raadinkarin xiliga la,ogaaday balse mid laga soo saaray xilli hore, hadaba waxa aan ugu tagnay asagoo aroos ah gurigiisa waxa uuna noogu jawaabay iska seexda waydhinteen ciyaalku uma baahna wax ilaalo ah anagoo aad u caraysan ayaan ka soo tagnay; marka waxay taa natustay in danihiisa oo kaliya uu matalayo.

S: Maxaad xiligan uu maqanyahay u soo bandhigteen dhibaatada uu idiin gaystay?

J: Anagu kama baqayno haduujoogo iyo haduu maqanyahay ee tani mar la sheegaba waxaan u malaynayaa in uu ku sanyahay oo qofku waa uu ogsoonyahay wax walba oo uu gaysto haduu garanwaayo waxa uu falayna asaga ayay doqonnimo u tahay.

S: Adinku soo laftiina idinma dhibayso waxaydan u dulqaadanayn in aad qaadataan oo marka la qabto oo lafuliyo howsha' aad banaanada ka hadashaan adinkoo aysan idin horjoogin cidda aad danbiga u haysataan.?

J: Haa! lakin maaha in markiiba la soo bandhigo ee waxaa lala sugaa xiligeeda lakin waxaa jira waxyaabo aad soo gocanayso oo afku uusan xajin karin in uu xafido.

S: Yaa kula qaba arintaan?

J: Dhaliyaro badan oo laftooda eed ka tirsanaysa iyo waliba odayaal uu suuqa ku ceebaystay, xitaa waxaad arkaysaa in dad badan oo familada daga Galkacyo ay ka eed sheeganayaan oo hadda aysan maqli katin.

S: Adigu ma waxaad aragtaa mise wa laguu sheegay in ay dad badan eedaynayaan mise waa waxaad maqashay.?

J: Maya waa waxaan xaqiiqdeeda hayo ama aniga aan ahaado ama cid kale ha,ahaato oo arintaa wayjirtaa cidkalana lama su,aalayo.

S: Ma,ogaysiiseen qaybaha kale ee beesha aan ka dhalateen.?

J: Haa!

S: Maxay idiinku jawaabeen?

J: Horta qaarkood waa tuug kalkaal iyo kuwo aan iyadu haysan qarash waayo waxay barteen suldaan, caaqil iyo mid lahalmaalaba laaluush in ay ku shaqeeyaan oo taas ayaa iska jirta lakin looma joojinayo xiliga aan soo jeesano.

Su,aal: Haatan waxa uu joogaa neyrobi howlaha uu ku maqanyahay waxaad kala socotaa?

J: Wax aan kala socono ama kala socdo majiraan lakin cid uu wax ugu maqanyahay majiraan oo waxaan u malaynayaan awalba tiisa ayuu dhamaysanjiray ee inuu haatanna ku maqanyay oo waxaa jiray maqaalna nagu soo gaaray in uu soo dhamaysanayo dokomintiyo uu doonayo in uu kula wareego Iskuulka Cbdulaahi Bincabaas oo kamida waxyaabaha oo doonayo in uu ku habsado wuxuuna kamidtahay waxyaabaha been abuurka uu ku doonayo oo haatan aan ku haysano. 

S: Maxaad u soo jeedinaysaa dhalinta Reer Maxamed Faarax ee daalacata Somalitalk?

J: Waxaan u soo jeedinayaa in la iska celiyo lagana hortago dhamaan laaluush qaatayaasha ayadoon loo aabo yeelin caaqil iyo mid la halmaalaba.

sahro sheikh | sahrosiglan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 31, 2005

Madaxweynaha Liibiya oo Maanta La Kulmay Waftiga DFKMG
Madaxwaynaha & Raysulwasaaraha Soomaaliya iyo waftigoodii ayaa Madaxtooyada Liibiya kula Kulmay... Guji Mar 31


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD