SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


  • C/Laahi Yuusuf & Geeddi oo La Kulamy Mwai Kibaaki
  • Figrada Keenista ciidamo shisheeye ee Soomaaliya ayaa Noqotay  Muranka ugu badan ee Ergooyinka ku sugan Nairobi wali xubnaha Baarlamaanku uma codayn,

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa Galinkii Danbe ee Maanta la Kulmay Dhigiisa Kenya Mwai Kibaki, Prof Geedi aya  kulankaa ku wehliyay Labada Madaxwayne

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)
Xarunta Madaxtooyada Dalka Kenya-Nairobi

Axmeddheere65@hotmail.com


C/lahi Yuusuf (bidix) iyo Kibaki (Dhexda) ... [Photo File]

Kulankan waxaa uu dhaxmaray Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Raysulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi iyo Madaxwaynaha Wadanka Kenya Mwai Kipaki.

Kulanka oo ahaa mid albaabada loo xiray ayaan wali wax wara laga helin oo ku saabsan Ajandaha kulankooda hase yeeshee warar lagu kalsoonyahay waxa ay cadeeynayaan in looga hadlay kulankaa Xiriirka Saaxiibtinimo ee Labada Wadan Kenya& Soomaaliya.

Waxa kaloo kulankaa lagu gorfeeyay sidii hore loogu sii wadilahaa mirihii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay wadanka Kenya iyadoo dhinaca kallena looga wada hadlay qaabkii Xukuumada Soomaaliyeed ee Ugubka ah looga taageeri lahaa dhinacyada Siyaasada iyo Dhaqaalaha.

Waxa kaloo kulanka looga hadlay Safarkii Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Raysulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi ku gaareen Soomaaliya iyo wixii ay kala soo kulmen Wadanka Soomaaliya iyagoo Madaxwaynaha Kenya ugudbiyay Fariintii umada Soomaaliyeed ay ka sideen.

Dhinaca kalle waxaa la filayaa in Raysul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi saacadaha Fooda inagu soo haya uduulo Magaalada Jabuuti ee Wadanka Djabuuti isaga uu halkaa kulamo kula yeelan doona Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Waxaa kaloo la filayaa in u ambabaxo wadanka Yugandha wasiirka gaashaan dhiga xukuumada Federaalka ee Soomaaliy isaga oo halkaa uga qaybgalaya shirkii wasiirada IGAD ee Dhigiisa waa Gaashaandhigee shirkaa oo lagu gorfaynaya qaabka Soomaaliya loo googa dhigaya Hubka, Dibna ay ugu soo biiri lahayd beesha caalamka Dadka Soomaaliyeedna ay ugu wada noolaan lahayen nabad waarta looga mira dhalinlahaa Shirkii Soomaalidu mudada uga Socday Dalka Kenya.

Waxaa kaloo la filayaa Maalmaha Fooda inagu soo haya in Madaxwaynaha Wadanka Kenya Mwa kipaki u duuli doono Wadanka Itoobiya isaga oo la tashiyo la samayn doona Madax Afrikaana si Arimaha Soomaaliya Dhinaca Ciidamada looga Gaaro Xal waara.


Figrada Keenista ciidamo shisheeye ee Soomaaliya ayaa Noqotay  Muranka ugu badan ee Ergooyinka ku sugan Nairobi wali xubnaha Baarlamaanku uma codayn,

Wali xal waara looma helin arinka muranka dhaliyay ee ah in Soomaaliya la keeno ciidamo ilaaliya nabada Soomaalidana Hubka dhiga kuna sameeya dhaqan celin maleeshiyada aan iyagu helin nidaam dowladeed 14 Sanadood ee na soo dhaafay,

Muranka ku aadan amuurtani waxa uu ku biloowday Figrado Sadex ah oo kalla ahaa

  1. qolo aaminsan in aan Soomaaliya ka keenin Ciidamo shisheeya oo iyagu qabay in qarashka ku baxaya Ciidamo shisheeya la siiyo maleeshiyada Soomaalida waxaana Hormuud u ahaa Wasiirka Ganacsiga Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxoow, iyo Wasiirka Hoowlaha Guud iyo Guryeenta Cusmaan Xasan Cali Caato,
  2. 2-qaybtan kalle iyadu waxa ay aaminsanayn in wadanka la keeno Ciidamo ilaaliya Nabada lana Cayimo hoowsha ay qabanayaan sidoo kalle aysan Ciidamadaasi noqon Wadamada Dariska ah sida Itoobiya ,Kenya,Jabuuti iyaga oo ku edaynaya in wadamada Dariska Soomaaliya la ah ay Dano Gaar ahaaneed ka leeyihiin Soomaaliya ayna la kalla safnaayeen Ururadii Siyaasadeed ee Soomaaliya Qaybtaa waxaa hurmuud u ahaa Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax,
  3. Qaybtan Sadaxaad waxa ay iyadu qabtay in Soomaaliya la keeno Ciidamo Hubka dhiga oo gaaray ilaa iyo 25 Kun kana Socda Afrika iyo Caalamka maadaama ay Soomaalidu Dagaalsanayd Sanado badan aysana is aamini karin iyagoo dhinaca kalle sheegaya in aysan Hoboonayn in la dayaco Abaalkii wadamada Dariska ah oo iyagu Soomaaliya uqabtay shirar Gaaraya 14 Shir oo dhamaantood ay Qabteen Jabuuti,Itoobiya,Kenya marka laga rebo Shirar ay qabteen Masar,Liibiya,iyo Yaman, ragan waxaa Hogaaminayay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane CabdulaahioYusuf Axmed,

Baarlamaanka Soomaaliya oo ah Hay ada ugu saraysa Sharci dajinta Dalka wali amuurtan kama uusanDoodin dhinacna uma bixin iyadoo la isku soo qaaday marar badan in amuurtan dhinac loo bixiyo hadana waxaa lagu kalla duwanyahay sidii loo xalin lahaa,

Marka aad dhax qaado xubnaha Baarlamaanka Soomaalida waxaad arkaysaa sida ay ugu kalla duwanyihiin keenista Ciidamo shisheeye waloow aad moodo in maalmahan aan la isku qilaafsanayn in Dalka loo diro ciidam hadana waxaa wali taagan Ciidamada xagee laga keenyaa?waa meeqa Tiradooda?Maxay Qabanayaan?

Go aan ka gaarida keenista Ciidamo shisheeye oo ay xaq uleeyihiin Xubnaha Baarlamaanka Soomaalida ayaa muranka taaganyahay qaabkii ay umaarayn lahaayeen iyagoo kalla qaba figrado kalla gadisan oo ka kooban sadexdan qolo,

1-in la sugo Xukuumada inta ay horkenayso Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo iyaguu ku doodaya Baarlamaanka waxa u ka doodaa Waxii ka yimaada dhinaca Xukuumada Amuurtaan Ciidamaduna Markii hore waxa ay naga soo gashay dhinaca Xukuumada,

2-Qolo qabta Baarlamaanku waa Awooda ugu Saraysa Dalka waxaana ka saaran mas uuliyad Buuxda Wadanka sidaa darteed waa in aan inagu go aaminaa una codayna amuurtan ah Ciidamada,

3-qolo qabta maadaama Amuurta ciidamada ay soo fara Galiyeen Beesha Caalamka oo Dowlada Maraykanku ka hadashay halaga warsugu iyaga iyo sida ay umaareeyaan balse Sanadka Qoolkaa ayaa ah mid aad udaciifa oo aaysan Qabin Xubno badan oo ka tirsan Baarlamaanka,

Amuurtan oo muran badan dhalisay ayeey Figrado badan ka bixinayaan Soomaalida iyagoo reer Muqdisho qaba in aan la keenin Ciidamo Safka hore ah Wadaadada Diinta iyo Ciidamada Xooga Dalka ee ku Sugan Muqdisho ayaa Gaashaanka ku dhuftay Amuurtaas,

Shaqsiyaad magac iyo Sumcad badan ku leh Soomaaliya ayaa iyaguna Diiday oo uu ka mid Yahay Madaxwaynihi Hore ee Soomaaliya Dr C/qaasin Salaad Xasan,Raysulwasaarihii C/saaq Xaaji Xuseen,Dr Cali Qaliif Galayr Madaxwaynihii Hore ee Cali Mahdi Maxamed,

Dhinaca kalle waxaa iyagu diiday in aan Soomaaliya la keenin Ciidamada Safka hore Doowlada Maraykanka waxaa kaloo isaguna hadlay Raysulwasaaraha Itoobiya Milezasanawi, isagoo sheegay in hadii aysan Soomaalidu rabin in aan lagu qasbayn Ciidamada Itoobiyan

Dhinaca kalle Xukuumadda Kenyana ayaa sheegtay in aysan Ciidamadedu ka mid noqonayn kuwa Hubka ka dhiga Soomaalida Balse sheegay in ay Soomaalida ka Taakulayn doonaan dhinacyada kalle ee Soomaalidu ka baahi qabto,

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Sh Xasan Sh Adan aya ayiday Qorshaha Xukuumada Maraykanka oo sheegay in Hadalka Maraykanku ku soo aaday Xili soomaalidu ubaahi qabtay,

Hogaamiyaasha Soomaalida ee Hubaysan ayaa iyaguna soo dhaweeyay Baaqa Ameerikaanka iyago war Saxafadeed ay ka soo saaren Nairobi 43 Xidhibaano & Wasiiro ku sheegay in Xukuumada Maraykanku Tahay Xukuumada ay dhibayso Arimaha Murugsan ee Soomaalida,

Dhinaca kalle Dadwaynaha Caadiga ah ayaa Amuurtan kukalo duwan iyagoo kuu shegaya in Hadii Soomaliya la keeno wadamada Safka Hore aytahay Dagaal Mahurto Qaar waxa ay kuu shegayaan in Qolyaha Diidan ciidamada Safka Hore yihiin kuwo haysta Goobo sharci daro ah oo aan iyagu rabin in sharciga la hor keeno o aan iyagu rabin nidaan Doowladeed,

Qaar kalle waxa ay kuu sheegayaan kola Soomaaliya waxaa lala Doonayaa Gumaysi Cusube Soomaalidu ma iska Celinkaraan Ameerika maadaama Ameerikaanku damacsanyahay in uu Soomaaliya ku yeesho Dano Joogta ah,

Waxaa jira wadamo badan oola sheego in ay Soomaaliya ka leeyihiin Dano Siyaasadeed iyo mid dhaqaalle

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 7, 2005

Shir ka dhacay London, UK oo looga hadlay Keenista Ciidamo Shisheeye
»Bannaanbax lagu Taageerayo Warkii W/A/dibada USA
»Xafladii Gabagabada Tartankii Quraanka Gobolada PL
»Kalfadhigii baarlamaanka DGPL oo soo Gabagaboobay
»Dhaca Baabuurta oo kusoo badanaya Kismaayo
Warka oo dhan akhri... Guji...

»AWOODA BAARLAMAANKA OO LA DHIMAY

Xubnaha Labada Gole ee Beesha Hawiye ayaa Taageeray Go'aankii Xukuumada USA
Duqii Degmada Qardho Cusmaan Buux oo Xilkii iska Casilay.
Boosaaso oo Lagu soo gabagabeeyey Tartankii Quraanka
Marka oo munaasabad loogu qabtay Samafaladdii Varena

Wararka oo dhan akhri... Guji... March 5

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD