SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Nairobi: Baarlamaanka oo ansaxiyay in dowladu dagto baydhabo iyo jowhar
  • Kenya: ciidamo ka socda Midawga afrika oo Mogadishu ka bilaaba howlgalkoda ugu horeeya.
  • PUNTLAND OO BEENISAY IN CIIDAMO AY LEEDAHAY AY UDIRTAY GOBOLO KATIRSAN SOOMAALIYA
  • SHILGAARI OO AY KU DHINTEEN SADEX RUUX.
  • Kismaayo: Colaado ka socdey tuulada kaanjiroon oo lagu guuleystey in la joojiyo

Baarlamaanka oo ansaxiyay in dowladu dagto baydhabo iyo jowhar iyo ciidamo ka socda Midawga afrika oo Mogadishu ka bilaabaya howlgalkoda ugu horeeya.

C.llaahi Yusuf: waxaan iskugu kiin yeeray maanta markaan taag u waayay Gudoomiyihiini.
C/llaahi Yuusuf: Sharci yaqaano ayaa ii xaqiijiyay in Shariifku ku qaldanaa ku dhawaaqidii go'aankii 17-kii maarso ee dagaalka ka dhex abuuray BFKMG, dhibkaasna waxa uu isaga soo xiray Qol.
Cali Geddi: Ciidamada IGAD waxa ay ka howlgalayaan Mogadishu oo ah meel culus xagga amaanka ka dibna gobolada dalka ayay ku faafi doonaan.
Cali Geddi: Labaatan casho ayaan sii joogi doonaa Nairobi waan soconaa ogaada.
Prof Dhalxa:Talo:Baarlamaanku waa inuu ogaado halka uu ku bixinayo codkiisa ka hor inta aanan ku dhawaaqin natiijada faataxadda noo mara in Alle umaddeena badbaadiyo.(maxaa lagu diiday faataxadi Dalxa.)
 
Somali President Abdullahi Yusuf AhmedKadib Shir xalay saacado badan qaatay, oo ka dhacay halka uu dagan yahay Gudoomiyaha baarlamaanka shariif Xasan Sheikh Aden magaalada Nairobi (Grand Regency) oo ay la yeesheen Madaxweynaha, Ra'iisul wasaaraha iyo Xubno ka socday IGAD ujeedadiisuna ay ahayd in shariifku aqbalo inuu shir iskugu yeero Golaha baarlamanka FKMG ah kuna dhamaaday natiijo la'aan ayaa keentay in maanta galinkii dambe Xildhibaanada baarlamaanka intooda ku sugan Nairobi uu Madaxweynuhu iskugu yeero Shir aan caadi ahayn dag dagna ahaa.
 
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmad oo caro badani ay ka muuqatay maanta intii aan arkayay ayaa baarlamaanka kulankan maanta kala hadlay sidii ay ugu codayn lahaayeen barnaamij ay dowladdu wadatay oo ahaa in loo codeeyo magaalooyinkii ay horay wasiiradu ansaxiyeen in dowladdu dagto ee BAYDHABO iyo JOWHAR iyo ciidamada ka socda Midawga afrika(suudaan iyo ugandha oo ay ku jiraan kuwo jaamacada carabta iyo AU.da.)
 
Kulankan aan caadiga ahayn waxaa maanta uu ka dhacay Aqalka Kenyatta International Conference, Shirkan waxaa ka soo qayb galay diblomaasiyiin kala duwan, xubno ka socday IGAD, Jaamacada Carabta, AU iyo wadamo kale iyo warbaahinta dalka Kenya iyo caalamkaba.
 
Xildhibaanada soo xaadiray oo u badnaa Golaha wasiiradda Dowladda FKMG ah ayaa gaarayay 152 xildhibaan, waxaana wajiyadooda ka muuqday farxad iyo caro la isku daray, laakiin isku miisaaman, dhinac waxa ay ahaayeen xilidhibaanadii mowshinka ula yimid Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan balse uu ka aqbali waayay, dhinac kalena waxa ay ka xumaayeen sababta uu Gudoomiyahoodu u imaan waayay waxay ku faraxsanaan lahaayeen in shariifka maqashiiyaan mowshiinkoodi oo loo ogolaaday.
 
Shir gudoomiyuhu waxa uu ahaa Prof Maxamad Cumar dhalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, waxaa loogu doortay kadib markii gudoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in maanta uusan iskugu yeeri karin baarlamaanka ee shirka uu qaban doona 17/05/05 (kuna beegan arbacada soo socota) waxaana loo arkayay dhica dowladda marka aan ka hadlayno inuu diidan yahay sinaba inuu qabto shir baarlamaan oo looga soo horjeedo kii uu ku dhawaaqay bishii Maarso 17-keedii.
 
Si kastaba ha ahaado xaalkuye, waxaa ugu horeyn furay shirka Madaxweynaha Dowladda FKMG ah C/llaahi Yuusuf  oo isagu lahaa dalabka la iskugu keenay baarlamaanka, waxa uuna u sheegay isagoo yiri "waxaan iskugu kiin yeeray maanta kadib markaan u taag waayay gudoomiyiinii oo muddo aan ka dalbanayay in uu shirkan qabto, isagoo waliba ka dhaga adaygan xildhibaano gaaraya 100 mowshin xal raadis ahaa oo ay ula yimaadeen, laakiin qol isku soo qafilay kadib markii uu baarlamaanka dhib iyo kala gayn ka dhex sameeyey" waadna ku mahadsan tihiin sida aad iiga aqbasheen dalabkayga ayuu intaas ku daray Mr.yusuf.
 

Prof. Dalxa
Intaas kadib waxa uu C/llaahi Yuusuf ku wareejiyay makrafoonka Shir gudoomiye Dalxa oo sheegay in maanta loo codaynayo dalbaka dowladda ay la timid iyadoo loo qaadi doono cod fartaag ah, balse ka hor codayntaas waxaa khudbad jeediyay Ra'iisulwasaare Cali Geeddi oo ka waramay safarkii uu dhawaan u tagay Mogadishu, isagoo xusay in safarkaasi uu ahaa mid jawi wanaagsan ku dhamaaday, si wayna looga soo dhaweeyay xamar, caalamka in lagu qaldi jiray ayaan ogaaday ayuu yiri caasimada Dowladda lagama rabo warkaas waa mid aysan waxba ka jirin ayuu yiri.
 
Waxaa kadib la guda galay codayntii waxaana baarlamaanka horyaalay labada mowshin oo kala ahaa in labada gole dagaan Baydhabo iyo Jowhar, xamarna laga furo xafiis, iyo in ciidamada Ugandha iyo suudaan in ay ka howlgalaan caasimadda markooda ugu horaysa kadibna ku fidaan qaybaha dalka Soomaaliya (gobolada dalka) in loo codeeyo labadaas qodob.
 

Xuseen Caydiid
Ugu horeyn waxaa u akhriyay xildhibanada barnaamijka dowladda W/arrimaha guddaha ahna Ra'iisul wasare ku xigeen Xuseen Maxamad Caydiid, kadibna waxaa loo codeeyay kii ahaa in ciidamadu ay galaan xamar,ciidamaas loo coddeeyya maahan kaliya Sudan iyo Ugandha ee waxaa ku jira Jaamacada Carabta,Iyo midawga afrika sidaasna waxaa cod ugu ogolaaday 145 ka mid ah 152 dii joogtay goobta shirka.
 
Qodobkii labaad oo dhib badan ka yimid ahaana in loo codeeyo halka dowladdu dagayso baydhabo ama jowhar,waa iska cadayd in loo codaynayo sababtuna ahayd in baarlamaanka shirayaa ay yihiin ama u badnaayeen gollaha wasiiraddi horay ugu codeeyay Go'aankan,laakiin waxaa tala ahaan u soo jeediyay wasiirka koowad in lakala qaado oo midba mar loo codeeyo.
 
Dood dheer kadib waxaa la isku raacay in kan kalena loo codeeyo,si hal mar la isku dhaafiyo hadii kale la waayi doono tiro wax ansaxisa oo hadda lagu soo helay dhib,waxaana codkooda ku ansaxiyay in dowladda dagto baydhabo iyo jowhar iyo jowhar xamarna ka furato xafiis siyaasadeed.
 
Ku dhawaaqidda natiijadda qodobkan intii aan la gaarin ayaa hadal kooban soo jeediyay shir gudoomiyihii shirka Dalxa oo sheegay in maslaxadda soomaaliya ay ka wayn tahay mucaaradnimo wax lagu ansaxiyo mar kalena ay macquul noqon karto in xildhibaanku uu ka shalaayo,waxa uuna intaas raaciyay in uusan isaga ku ahayn shariifka mucaarad laakiin uu u yimid shirka tixgalin uu siinayo xildhibaanada iyo dowladda,waxa uuna tala ahaan usoo jeediyay in Madaxweynuhu uusan ku dagdagin hadaladiisa ee uu ka fiirsado isagoo keenayo waddo isku soo dhawaansho,shariifkuna maahan ayuu yiri malaa'ik waa qaldmi karaa ee kii saxayay waa inaad ahaato.waxa uuna ka dalbaday baarlamaanka in ay faataxadda maraan ka hor inta uusan ku dhawaaqin laakiin waxaa ka hor yimid qaar badan iyagoo sheegay in uu ka xun yahay dalxa ahaan waxa la go'aaminayo.
 
Ugu dambayn kulankan waxaa soo xiray Madaxweynaha oo sheegay in uu ku faraxsan yahay go'aanka ay qaateen,"waxaan ogaaday inaad tihiin kuwo daacad ah oo wadankooda nabad la raba,uma fadhin doono shariifka haduu qaldmay qaran dhisidiisna qalad shaqsi ku socdo u joogin mayn,xamarna xafiiska aan ka furayno waxaan u diri doonaa ragg aan dabacsanayn ee ad adag ayuu ku soo xiray Madaxweyne C/llaahi yuusuf Shirkii uu maanta iskugu yeeray baarlamaanka,sidaas aya aqriste lagu ansaxiyay maanta jowhar iyo baydhabo la dajiyo labada Golle muddo ay naga xigto 20 casho,iyo ciidamado la geeyo todobaad ka dib xamar oo laga sheegayo dhib badan iyo amaan xumo xafiisna laga furayo kadiba ciidamaas ay kaga sii gudbi doonaan gobolada dalka sida uu sheegay.

MINNESOTA: Taageero go'aankii xubanha baarlamaanka ee ay ku ansixiyeen labada qodob ee taariikhiga noqday. 

Is-faham daro ka dhex taagan mas'uuliyiinta ugu saraysa labada Gole

Warbixintii Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya
Email: canabmumtaz@yahoo.com


PUNTLAND OO BEENISAY IN CIIDAMO AY LEEDAHAY AY UDIRTAY GOBOLO KATIRSAN SOOMAALIYA

Garoowe (Somalitalk). | Sahro Sheikh | sahrosiglan@hotmail.com

Wednesday, May 11, 2005.

Waxaa maalmahanba la isla dhexmarayay in ciidamo ka tirsan DGSPL, ay gaareen gobolada bay, ayadoo la sheegayo in ciidamadan looga golleeyahay in ay weerar ku qabsadaan magaalada Baydhabo, isla markaana ay ka saaraan ciidamada Shaati Gaduud iyo Sh, Aadan Madoobe.

Wararkan ayaa maalmahanba waxaa laga helayay Idaacadaha iyo qaybaha kale ee warbahinta waxaana hadalhaynteeda ay ku badatay shacbka Soomaaliyeed, hadaba waxaa arintan ah in ciidamo katirsan DGSPL, ay ku suganyihiin magaalada Baydhabo beeniyay Wasiirka Warfaafinta DGSPL, C/Saaq Yaasiin Geesood' waxa uuna sheegay in taasi ay tahay mid aan loo dulqaadankarin ayna gaf ku tahay cidii ay ka soo yeertay in ciidamo Putlandar ah ay gaareen ama dagaal ku qaadayaan meelo katirsan koofurta Soomaaliya' balse PL, ay tahay dad lagu yaqaan Nabad jacayl, dariswanaag ayna wali ku jirto kana qayb qaadanayso xal uraadinta Nabadaynta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa maanta mar uu la hadlayay saxaafadda U sheegay in ay diyaar u yihiin waxwalba oo ka soo yeera DFKS oo codsi ah in ay diyaar uyihiin hadii ciidamo looga baahdana ay sidoo kale ku taageerayaan codsiga iyo wadashaqaynta DFKS.

Arintan ku saabsan in Baydhabo ay joogaan ciidamo Pl ka tirsan oo doonaya in ay qabsadaan, ayaa la sheegayaa in ay ka soo yeertay qaar kamida xubnaha DFKS, balse aan si toosa loo carabbaabin magacooda iyo Muqdisho ama Nayrobi goobta ay warkaasi ka soo saareen' walow aan warar xansi ah ku helayno in ay qaarkood ka midyihiin kuwa kusugan Magaalada Muqdisho.

SHILGAARI OO AY KU DHINTEEN SADEX RUUX.

Gaari noociisuyahay kuwa xamuulka qaadka ayaa ku rogmaday wadada dheer ee u dhexaysa Qardho iyo Boosaao , Gaarigan ayaa waxaa markiiba ku dhintay Sadex ruux oo kala ahaa darawalkii gaariga iyo labo kale oo iyana saaraa gaarigaasi.

Gaarigan ayaa la sheegay in marka shilku dhacayo in uusan saarayn qaad-badan uuna badi kusoo kala qaybiyay deegaanadii uu soo dhaafay, sidoo kale waxaa la shaacinayaa in gaariga xiliga uu gadoomayay uu xowli kusocday meelgoolad ahna ay ku timid kabibna shilku uu sidaa udhacay.

Gaarigan ayaa ka anbabaxay subaxnimadii magaalada Galkacyo, oo ah goobta jaadku sida tooska ah ay diyaaradda ukeento kadibna ay gawaarida ugudbiyaan Gobolada kale, waxaana maalinwalba kabaxa magaalada illaa 4'gaari oo ah nooca qaadka usafriya magaalooyinka Garoowe, Qardho, Laascaano iyo Boosaaso, waxayna marwalba ama bishiiba ugu yaraan sadex goor shil ku galaan wadooyinka gaar ahaanna inta isku xirta Garoowe iyo Boosaaso.

Sidoo kale gawaaridan ayaa badanaa noqda kuwo bada lagu daro xiliga ay rogmadaan maadaama aysan farsamadooda iyo badalka biraha noocooda aan badi lagahelin Soomaaliya, kadibna ay noqdaan kuwo wax kuma ool ah, isla markiiba dadka leh gawaarida ayaa waxay soodagsadaan isla noocii oo kale waxayna dib u qabsadaan una shaqaaleeyaan inta dhimatay in le,eg oo dhooban oogta ama waqda jaadka 'Nin dhintay waxa uu booska u baneeyaa Nin nool'

Gawaaridan ayaa waxaa mulki ahaan uleh haween, waana kuwa jaadka sida tooska ah ay diyaaradaha qaadka ugu kiraysanyihiin, waxaana lagu magacaabaa diyaaradahan oo loogu magacdaraa haweenka uu jaadku u soodago, ayadoo lagu dhawaaqo, Maanta madiyaaradii ina Heblaa mise waatii ina Hebla, Waxaana ku xisaabtama haweenka kale ee iyagu jaadka lafariista suuqa.

Badi darawalada PL ayaa u badan kuwo aan lahayn xirfad darawalnimo oo sidaa usiifog waxayna kubartaan wadida baabuurta mudo gaaban gudahood, waxaana kamid ah darawaladaas caruur ay da,doodu tahay 13-15-18, waxaana ceeb dadka dhalay caruurtaa ay kutahay in ay kadhigaan gawaarida, halka qaarkoodna aysan lahayn ehelo kawacyi galisa in ay sifiican isugu taxalujiyaan wadida iyo daganaanshaha in uu yahay midka ugu wanaagsan.

Sahro Sheikh | sahrosiglan@hotmail.com


Colaado ka socdey tuulada kaanjiroon oo 75 KM kaga begankoonfur galbeed kismayo oo lagu guuleystey in la joojiyo

colaadaan ayaa waxa ay udhaxeysey labo belood oo ood wadaag ah oo halkaasi wada dago iyadoo ay ku dhinteen dad gaarayo 5 qof tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeyn. Hase yeeshee taliyaha ciidamada isbahaysiga dooxada jubba maxamed rooble jimcaale goobaale ayaa halkaasi tagey maalinimadi taladada ahayed si uu dhaxdhaxaadiyo maleeshiyooyinka halkaasi ku dagaalmaya isla markaana ka tirsan ciidamada ka arimiya gobolada jubbooyinka. 

Dagaalkaan ayaa salka ku hayo aargoosi qabiil sida wararka ay xaqiijinayaan, bale habeenimadii xaley ayaa taliyaha ciidamada isbaheysiga dooxada juba waxa uu isugu yeerey odayaasha labada beelood ee halkaasi isku hayey. kulan dheer kadib ayaa waxaa la isku raacey shan qodob oo ah:

  1. in lasameeyo xabad joojin
  2. in lakala qaado ciidamada labada dhinac
  3. in maatadii lagu soo celiyo goobahoodii
  4. in lookala qaado wixii dhibaato ahaa ee halkaasi ka dhacey
  5. in ay shirweyne isugu yimaadaan labada beelood waxgaradkooda islamarkaan isbaheysiga dooxada juba ay goob joog ka ahaan doonaan

Sikastaba ha ahaataba waxaa si rasmi ah la isku raacey shantaan qodob lana filayaa in ay dhaqan galiyaan wax garadka beelaha halkaas ay dirirtu ku dhex martay , ayadoo uu halkaa ka si anba bixi doono taliyaha ciidamada isbahaysiga dooxada jubba mudane goobaale. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2005


Rayaale oo Kabadbaaday Maamuus kaxayuubin
Shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa kudhawaaqay in goluhu galayo fasax mudo 45 cisho ah, kaas oo.. Guji..

Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD