SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Caasimadaha Addis-ababa iyo Muqdisho oo diiday Xukunka Zenaawe

Taliska Meles Zenewi oo 14kii sano ee la soo dhaafay gacan bira ku hayay Dalka Itoobiya iyo qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa hadda u muuqda mid gabalkiisu sii dhacayo, waxaana talis sii libdhaya lagu gartaa marka xarumaha dalkoo xukumo laga dareemo shucuurta dadka.

 
Haddaan ku horayno Caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis-ababa oo iyagu fursad u heleen inaan la xadi karin codkooda maadaama ay Goob-joogayaal caalami ihi korjoogteenayeen, waxaase nasiib-darro ah inaan goobaha kale ee aan Caasimadda ahayn ee ka fog fog magaalooyinka aan la tagin taasoo fursad u siinaysa in daaquud Zenaawi uu ku shubto, ayadoon wali la gaarinna tirintii codadka uu sheegtay inuu ku guulaystay codadkii dhulalka ka durugsan caasimadda. Waxaa wakaaladaha wararku xaqiijiyeen in askarta majixinjixiyaalka ah ee u adeega Zenaawi ay ku dileen meelo doora dad metelayay xisbiyada mucaaradka sida xisbiga CUD, oo aqlibiyad badan dalka ku leh.
 

Dhegeyso ururada mucaaradka oo si kulul u eedeeyey habkii doorashada Itoobiya u dhacday Axadii lasoo dhaafay | VOA


Caasimadda Dalka Itoobiya oo ay ku kulmaan dhammaan qoomiyadaha dega wadankaas ayaa ku yiri Meles Zenaawi "Na dhaaf 5 sano oo dhib iyo tacadi kale marabnee". Xitaa qoomiyadda uu ka dhashay ee Tigre waa diideen kalliye talisnimadiisa aan sii waarayn. Meles Zenewi oo u dhaqma caadada ah Qaybi oo Xukun ayaa hadda waxaa uu u muuqda mid naf la caariya oo xitaa mamnuucay in la isu yimaado isagoo ka baqaya kicitaan dadwayne marka uu xoog ku meel marsado goobaha aan la tegin oo ka durugsan caasimadda, isagoo la wareegay dhammaan howlihii ciidanka  amar degdegana ku soo rogay dalka. Ururada  ilaalinayay doorashada ayaa cambaareeyey sheegashadii Zenewi ee ahayd inuu ku guulaystay codadkii gobolo badan uuna soo dhisi karo xukuumad cusub, ayadoon la tirin wali gobalada ka durugsan Addis-ababa.
 
Dadka ku dhaqan wadanka Itoobiya oo taariikh aan la inkiri karin leh ayaa hadda ku nool faqiirnimo midda ugu hooseysa caalamka aan ku noolnahay, waxaa ka jira dalkoo dhan shaqo la,aan baahday oo kor u dhaaftay 75%, waxaa khayraadkii dalka oo dhan la geliyay hub iyo ciidan uu ku ilaashado xukunkiisa iyo mid lagu sii halaago wadamada deriska la'ah siiba dalka Soomaaliya oo ay la degtay qabyaalad sumaysan.
 
Dalka Itoobiya oo aan laga aqoon hayb isu laynta waxuu Meles Zenewi kala dhexdhigay cadaawad aan dhamaanayn isagoo labo labo isugu jeediyay si uu ugu raago kali talisnimadiisa. waxuu samaystay xayndaabyo uu ku lugooyo qoomiyadaha  kuna magacawday ismaamul aan waxba ka jirin isagoo wakiilo isaga metela dhigtay gobalada kii uu ubogi waayana daqiiqad ka tuuro. 
 
 
Dhinac kale magaalada Muqdisho oo 14 sano ee la soo dhaafay ka madax banaanayd taliska Zenewi inkastoo dalkii ay caasimadda u ahayd badi ay gacanta ugu jirtay isaga, oo wakiilo  la mid ah kuwa ismaamulkiisa uu ku ilaashanayay sida Cabdillaahi Yuusuf, Maxamed Dheere,Riyaale,Aden-madoobe, Qalaad, Maxamuud Sayid Aden, Cabdillaahi Shiikh Ismaaciil, Shaatigaduud,Cabdi Casiis Sh.Yuusuf,iyo markii dambe Ina Caydiid, ayaa waxuu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii uu mar gacantiisa usoo gelin lahaa magaalada Muqdisho isagoo ka dib markii uu is xisaabiyay basaasintiisuna u sheegeen siday uga midaysan yihiin inay isaga iyo kuwoo wato reer Muqdisho necebyihiin uuna ku muquunin karin xoog maadaama 2-da milyan ee ku nool hal mar qoriga qaadayaan markay maqlaan askarta iyo daaquudyada uu naasnuujiyo Meles Zenawi ,ayuu waxuu maciin biday inuu adduunyada ku beerlaxawsado argagixiso ayaa Xamar ka talisa oo ku nool, isagoo ujeeda dadka diintooda iyo dalkooda aaminay ee aan qofna uga hibaysanayn Kitaabka quraanka iyo Sunnaha Suubanaheenna Muxamad (NNKH). Argagixiso waxaa ah Zenewiga iyo kuwuu ku quudiyo hubka aan waxba ka dambayn ee la yiri orda ku soo laaya caruurtiina iyo hooyooyinkiina rafaadsan, Argagixiso waxaa ah kuwa dadka iyagoo nool gubaya ama godka ku ridaya sida Meles Zenewi.
Argagixiso waxaa ah kuwa Qaran dumis ku sheegaya kuwa diiday dabadhilfnimada Zenewi, argagixiso waxaa ah kuwa culimada iyo dhabana khadlayaasha raacay sunnadii nabiga (NNKH) caayaya.argagixiso waxaa ah kuwadhibaya maatada iyo danyarta. 
 
Meles Zenewi Nayrobina waxuu ka leeyahay soomaali ayaan ku heshiisiin, Beletwaynana laba hogaamiyaal kooxeed ayuu 3 dii bilood ee lasoo dhaafay ka sameeyay. Maxaa Soomaaliyay loogala jeeda Mid-land. maxaa loogala Jeeda Galbeed Hiiraan ?. Hubkii asbuucyadii la soo dhaafay  uu soo diray Zenewi ayaa suuq Bakaaraha harqiyay oo lagu kala gadanayaa. kuwa hoos ordayaw waligiin ma aragteen Zenewi oo kiish badar ah bixinya, Miino iyo Ak47 deeqsi ayuu ku yahay. qofkii Gar dheer leh oo ilaahay yaqaana wuu necebyahay,kii dadka laaya qaadka ruuga wuu jecelyahay.
Kuwa dadkooda neceb oo gabdhahooda xijaaban yiraa waa argagixsi ayuu jecelyahay.
Intaan Zenewi dabadhilif u noqon lahayn aan ku dawlad la'aano. 
 
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2005


Hawlgallo millatari oo ciidammada xoreynta Ogadeenya fuliyeen
Keligii taliye Zinawi oo mamnuucay in wax bannaanbax ah la qabto...  Guji... May 17

Siminaar Loo Furay maamulka & ciidanka nabadgalyada Airpor-ka kismayo
Siminaarkaas oo socon doona muddo 7 cish ah waxaa... Guji

Isimada Sanaag, Sool Iyo Cayn oo Beeniyey hadal Aysiideysey L/Afka Soomaaliga ee BBC
»Kismaayo & Galkacyo: Munaasabado lagu xusay SYL
»Boosaaso: Cadde Muuso oo kormeeray xarumaha dawlada
»Balcad: Degmada Hodan oo ka badisay degmada Balcad...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 15


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD