SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  BUUHOODLE

Suldaan cusub oo ay doratay beel ka mida beelaha la hayb sooco

Tan iyo qarniyaal badan ayaa ummadaha la hayb socaa waxaay ahayeen kuwo mar wlba ku kala baahsan qabiilada ay degaan wadaaga yihiin. Taasina waxay sababtay inay lumiso xuquuqdii iyo xaqii ay la wadageen bulshada ay ku dhex nool yihiin, isla markaana ka dhigtay dad aan ku  heyn xaq, xaquuq  qabaa’ilada ay ku hoos nool yihiin ama ilaa hada aysan ku lahayn wadanka Soomaaliya dhul si gooniya loogu magacaabo qoomiyadahan la hayb sooco. Intii ka dan beysay bur burkii qarankii Soomaaliyeed 1991-dii ayaa waxaa hirgalay ina ay suldaamada, malaaqyada, ugaasyada, garaadyada iyo duubabku ay noqdeen xubno firfircoon oo ka taliya sidii qarankii Soomaaliyeed ee burburey loo soo celin lahaa, waxayna ka qayb qaateen soona abaabuleen shirar badan oo lagaga wada hadlayo aayaha qarankii Soomaaliyeed, taasina waxay sii kordhisay in lagu ixtiraamo bulshada dhexdeeda.

Hadaba taariikhdu markay ahayd February 15, 2005 waxaa lagu abaabulay magaalada Buuhoodle ee waqooyiga Soomaaliya shir balaadhan oo ay soo qaban qabisay bahweynta Siciid-Kuul oo ka mida beesha Maxaad-Barre ee beelaha la hayb sooco. Shirkaasi oo socday ilaa mudo ku dhaw laba bilood, ayna ka qayb qaateen dhamaan beesha dagan wadanka gudihiisa iyo dabadiisaba. Shirkaasina wuxuu ku dhamaaday si guul ah iyadoo aysan ka dhicin wax khilaafa doorashada ugaaska, iyadoo si wada jira oo cadaalad iyo niyad sami  ku jirto loo doortay "Suldaan DAKIR XASAN KHALIIF”. Doorashadana waxaa sababay baahi beeshu u qabto suldaan metela isla markaana dib u soo celiya xaqii iyo xaquuqdii kaga maqnayd qabaa’ilada Soomaaliyeed ee ay beeshu dagaan wadaaga la leedahay iyo sidii ay beeshu ugula noolaan lahayd si nabadgalyo ah beelaha ay dhex dagan tahay. Intii ay madasha doorashadani socotay waxaa lagu marti qaday beelaha kale ee ay beeshu degaan wadaaga la tahay.

Ugu dambayn waxaanu ka codsanaynaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dowladda federaaliga ah ee Soomaaliya, dowdal goboleedyada, ugaasyada, boqorada, garaadada, idaacadaha ku hadla afka Soomaliga ee ka jira wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba, wargaysyada iyo websaydyadaba inay aqoonsadaan Suldaan Daakir Xassan Khalif siiyaana qadarinta iyo xushmada ay u hayaan dhamaanba umada Soomaaliyeed gaar ahaana oday dhaqameedyada kale si uu howshiisa ugu guto si habsami ah, sidoo kale waxaanu Illaahay uga baryaynaa in Suldaan Daakir uu u fududeeyo xilkaan culayska badan.

  1. Saleebaan Cumar Maxamed (Saleeban Hindi) USA
  2. Nabadoon Ismaacil Cali Maxauud--- USA.
  3. Nabadoon Maxamed Cumar Maxamed-USA.
  4. Nabadood Cali Yaabarag-Norway.
  5. Marwo Khadiija Jaamac Qambi--USA.
  6. Marwo Shamis Tarrax--USA.
  7. Marwo Saafi  Salax Ducaale --USA
  8. Marwo Cadar Aw-Cali Sirad--USA
  9. Marwo Aamina Cali Maxamed--USA
  10. Nabadoon Maxamuud Caraabe-dheere--Buuhoodle.
  11. Nabadood Aadam tarabi Yusuf--Buuhoodle.
  12. Nabadoon Ismaacil Cabdi Amusane--Buuhoodle.
  13. Haybe Cali Jabane--Buuhoodle.
  14. Cabdilaahi Saalax Ducaale--Buuhoodle.
  15. Jaamac Sandoon--Boosaaso
  16. Cabdulqaadir Sabeeye--Buuhoodle
  17. Rashiid Cabdi Xoosh--Sacuudiga
  18. Maxamed Cabdi Cali jabane(Bucurde)--Sucuudiga.
  19. Xuseen Cabdi Cali Jabane--Muqdisho.
  20. Cabdirashiid Maxamed Aw-cali Siraad--UK
  21. Cabdiraxman Maxamed Aw-cabdi--UK
  22. Sh. Cabdiraxman Caynab--UK
  23. Iskandar Maxamed Aw-Cali Siraad--UK
  24. Caydaruus Maxamed Dhuux--USA
  25. Cabdi Caydiid Xiirey--USA
  26. Maxamed Jaamac Cawil (Ina-Cudur)--USA
  27. Muse  Adam Xirey--USA
  28. Deeq Maxamed Cumar--USA
  29. Jamal Maxamed Aw-Cali Siraad--USA
  30. Siciid Cabdi Aw-Cali Siraad--USA
  31. Sh. Cali Cumar Ismaacil--USA
  32. Sh. Maxamed Cumar Ismaaciil--USA
  33. Nuuradiin Maxamed Aw-Cabdi--USA
  34. Xassan Abokar Cali--USA
  35. Dr. Mustafe Abokar Cali--USA
  36. Maxamuud Maxamed Xiirey (jeeri)--USA
  37. Suuban Faandhe--Sweden
  38. Maxamuud Cige Dalab--Boorama.

Iyo dhamaan culimo u diinka, odayaasha, haweenka, aqoonyahanka beesha ee ku farxay doorashada suldaanka una taakan sidii ay beeshu u noqon lahayd beel wax la qaysata beelaha kale ee Soomaliyeed.

Waxaa soo gudbiyay oo soo diyaariyay
Mohamed Adan Warsame (Xiireey)
E-mail:
hirey@msn.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD