SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Beerka ka ogsooni ( Xaaji Gabay-Xaddi )
 
W/Q: Axmed Iid Aadan


Inkasta oo sidii la rabay aan diirka looga qaadin, haddana markaynu eegno inta aynu hayno ee suugaan ah , waxaynu garowsanaynaa in ay Soomaalidu leedahay murti badan oo meel sare gaadhsiisan; murti bad ah, oo tix iyo tiraabba haddii loo kuurgalo aan qaybaheeda si hawl yar looga dhammaan karayn.

Gabayga oo ka mid ah jaadadka maanso ee ay xikmadda, mahadhada iyo waayo'aragnimada Soomaaliyeed ku dhan tahay ka ugu miisaanka culus, ayaa waxa uu waayadii hore kaalin sare kaga jiray, ilaa imikana door weyn ku leeyahay nolosha bulsho-weynta Soomaaliyeed.

Qoraaga sare ee Cabdi Yuusuf Ducaale "Boobe", ayaa waxa uu qoraalladiisa midkood ku sheegay in Lewis iyo Andrzejewski oo ah aqoon-baadheyaal ku xeeldheer Taariikhda iyo Suugaanta Soomaaliyeed ay 1994kii qoreen: in uu gabaygu kaalin mudan kaga jiro dhaqankeenna, lana wada daneeyo; in xirfaddiisu tahay wax la wada jecel yahay, isla-markaana aynu karti iyo awoodba u leenahay; iyo in dhaxalka suugaaneed ee dadkeennu uu yahay xoog nool, oo ku taxan dhalanrogga joogtada ah , ee ku socda nolosha bulshooyinkeenna.

Halkaas waxaynu ka garanaynaa in Soomaalida marka laga tago, ay xataa shisheeyuhu qirsan yihiin in ay suugaanteennu tahay xoog muhiim ah, oo xumaan iyo samaanba nolosha dadkeenna  raadad waaweyn ku dhiga; raadadkaas oo muuqan kara xilli kasta oo la joogo.

Haddaba waxaynu halkan ku soo bandhigaynaa Gabay aad iyo aad u qiime badan, oo aan inagu cusbayn, hase ahaatee suugaanta Soomaalida meel sare oo lama-illoowaan ah ka galay. Waa gabaygii caanka ahaa , ee uu halkudhiggiisu ahaa "Beerka ka ogsooni", uuna tiriyey Eebbe ha u naxariistee abwaankii weynaa ee Xaaji Gabay-Xaddi , oo haddii aanan gefsanayn aan filayo inuu daba-yaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad ama horraantii qarnigii tagay degi jiray Hawd ama gobolka maanta loo yaqaan Togdheer.

"Sow godobi surinkaad martoba, sabab qarsoon ma aha
 Sow  nabadi  gogoshaada  ood sida uun ma aha"

Labadaa beyd ee gabayga ah, waxaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen maansooyinkii qiimaha lahaa ee  uu tirin jiray abwaanku, dadkuna aadka u jeclaayeen.

Xaaji Gabay-Xaddi maanta suugaan badan kama hayno, hase ahaatee marka aynu dhuuxno tixihiisa inta aynu ka hayno, waxaa malaha qasab inagu noqonaysa in aynu qirno in uu Xaajigu ka mid ahaa abwaannadii Soomaaliyeed ee ay suugaantoodu qiimaha sare lahayd, loona han-weynaan jiray . Waxa aynaan ka fursanayn in aynu sheegno in maansada abwaanku xagga tayada sare iyo laxaadka murtiyeedba ay kala mid tahay maansooyinkii Salaan-Carrabey, Cali Jaamac Haabiil, Ina Jadeer, Gammuute, iyo Maxamed Nuur Fadal. Raggaas oo ahaa raggii casriyadoodii maansooyinka Soomaalida hoggaanka u hayey, dadweynuhuna ay afkooda ka dhawri jireen xikmad aan duugoobayn, ilaa inta ay Soomaali nooshahayna aan macaankeeda laga xiisa-dhacayn


Buugaagtii suugaanta ee dugsiyadii dalka manhajka u ahaan jiray mid ka mid ah, ayaa waxaa lagu qoray in Xaaji Gabay-Xaddi abwaannimada marka laga tago uu ahaa Garyaqaan, uuna ka mid ahaa niman guurti ah, oo dadka u garnaqi jiray.


Haddaba si ay wax u dhaceenba, waxaa la sheegay in maalin maalmaha ka mid ah, uu abwaanka qaddar asiibay, jabniinna uu lug ka gaadhay. Haddaba rag rajo kama idlaatee, inkastoo wanaaggii uu abwaanku rajeynayay ee uu mudnaa la mariyey, haddana waxaa dhacday in ay dadkii dhawr qaybood u kala baxeen.

Laba bulsho oo uu abwaanku beryahaa ka hor u garnaqay, ayaa qoladii garta laga helay sida la sheegay ay ku diirsatay dhibtii abwaanka soo gaadhay, sida gabayga ka muuqatana ay "Baga" tiri. Halka qoladii kale  wanaag iyo waxtar intii karoonkooda ahayd ay la garab joogsadeen. Dadkii kale ee abwaanka soo booqan jiray muddadii uu jiifay qaarbay booqashadoodu daacad ahayd, qaarna waxaa booqashadooda ku hoos lammaanaa -  sida ereyga "burunji" ee gabayga ku jira aynu ka dhadhansanayno -  dano kale. Qaarbaa dhul shisheeye ku maqnaa oo fursaddu u saamixi weyday in ay abwaanka guurtida ah soo booqdaan, hase ahaatee halkaa kala jiray, samona la jeclaa.

Haddaba tixdan "Beerka ka ogsooni" ee cajiibka ah, ayaa waxa uu abwaanku si farshaxannimo, garasho-dheeri, iyo wacyi sare dugsanaysa inoogu sheegayaa qolo kasta oo qaybahaa aan soo xusnay ka mid ahi waxa ay mudan tahay, abaalka loo ogyahay inta uu le'eg yahay iyo sida maanka  loogu hayo, oofintiisana loogu talo jiro. Waana kan gabaygii oo hadda intan hoos ku xusan uun laga hayaa:


Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa
Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye
Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni

Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey
Bah-Sadhaysna "baga" inay i tidhi, beerka ka ogsooni

Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey
Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni

Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey
Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni

Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay  beego

Abaal badh ah abaal bur ah  abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni .


________________________________
F.G: Inkasta oo magaca abwaanku sidii uu igu soo gaadhay aan u qoray, haddana waxa jira aqoonyahanno sheegay in abwaanka la odhan jiray Xaaji Axmed Gabay-Xaddi. Haddaba taariikh-nololeedkii abwaanka iyo murtidiisii inta maqanba waa in la raadiyaa. Waa hawl u taalla qof kasta oo suugaanta wax ka qora ama ku lug leh. 

Axmed Iid Aadan
30ka May, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2005

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD