SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Isbaarada Wasiirka 

Isbaaradu waxay ka mid tahay dhaqamada dhawr iyo tobankii sano ee qaran-jabka kaddib dalka sida aadka ah ugu baahay, Beled iyo Baadiyana saameeyay, waxay qayb ka tahay hababka qof weliba kan uu ka xoog badan yahay amaba ka hub badan yahay hantidiisa uga meersado si dhib yar.
Muddadaas iyada ah waxaa soo baxayay maalinba maalinta ka dambaysa noocyo kala duwan iyo tabo kala jaad ah oo isbaarada ka mid ah, taasna waxaa keenay ayaan filayaa Fawdadii oo badatay, dadka isbaaradu xirfadda u tahay o kordhay iyo dadkii oo u nuglaaday inay bixiyaan hantidooda si ay Naftooda u bad baadiyaan.

Isbaaradu waxay noqotay Xirfadaha lagu shaqaysto kuwa ugu Dakhliga badan, waa lakala gataa isbaarooyinka, ama la kala kiraystaa, oo la kala dhaxlaa, mararka qaarna waxaa dhici karta in xildhibaannimo, Wasiirnimo amaba madaxweyne nimo lagu helo.
 
Jaadadka isbaaradu u qaybsanto hadaan u leexanno; mar waxaa loo qaybiyaa mid guurta iyo mid degan, mar kalana tan beledka iyo tan baadiyaha, Mar saddexaadna tan Badda, tan Barriga iyo tan Barri-biyoodka ( Tan dambana waxaa loola jeedaa tan Webiyada la dhigto ee dad iyo duunyo wixii ka cabba ama ka dhaansadaba Lacagta baadda ah looga qaato), Mar Afraadna waxaa loo qaybiyaa Isbaarooyinka Marba inta Jid oo soo gasaha, oo Isbaarada sadex Jidleyda ah waa laga jecel yahay tan halka ama labada jid soo galaan, qaybinta shanaadna waa hadba sida ay u kala weynyihiin iyo hadba baaxaddeedu inta ay le'eg tahay.
Mararka qaar waxaa dhacda in Gobol ama magaalo dhan iyo dadka ku nooli ay qof u isbaaraysan yihiin, hantida kasoo baxda isbaarooyinkaasna asaga khasnaddiisa ay ku dhacaan, ayagoo kuwa hubaysan ee aruurinayaana ay ku leeyihiin qaadkooda iyo Qadadooda ayadoo laga yaabo marar badan inay u dhintaan aruurinta hantidaas.

Degaannada soomaalida qaar waxaa ka jira wax aan ku magacaabi karno Isbaarada Taranka taasoo ah in qofkii reer dhista ama ilmo u dhashaan laga qaado lacag khasab ah oo galaysa khasnada hadba dagaal-oogaha goobtaas ku amar ku taagleeya, haddii uu bixin waayana wuxuu mutaysanayaa ciqaab u dhaxaysa xarig, Jirdil iyo Toogasho taasoo ku xiran kolba jifada uu ka dhashay xoogga lagu malaynayo.
 
Isbaaradu waxay ka mid tahay caqabadaha hor taagan xal u heliddda dhibka dalka ka jira, waxay qayb ka yatay ilaha dhaqaalaha ee ay ku tiirsan yihiin qab qablayaasha dalku u kala oodan yahay, taas waxaad ka ogaan kartaa Daraasad ay dhawaan Idaacadda Horn Afrik samaysay ayay ku qiyaastay in dhaqaalaha maalintii kasoo gala Isbaarooyinka  magaalada muqdisho uu yahay ilaa 40000$ ( Afartan Kun oo Doollar) Maalintiiba, waxaase laga yaabaa daraasaddu inay ku ekayd Isbarooyinka kuwooda degan ee halka goob joogtada ku ah,  ayadoo laga yaabo haddii lagu dari lahaa qiyaasta kuwa Guur guura ee hadba qof ama reer xoolaha ka meersada inay qiyaastu intaas ka badan lahayd.

Dagaalladii soomaalida reer-miyiga ah haddii ay ku salasnaayeen daaqa iyo Biyaha kuwa hada dhaca badankoodna waxaa sal u ah gacan ku haynta isbaarooyinka iyo la kali noqoshada lacagta xoogga ah ee dadka laga qaadayo, inta badanna hogaamiye-kooxeedyadu waxay u kala hub iyo hanti badanyihiin hadba sida ay u kala Isbaaroooyin badan yihiin.
 
Haddaba markii dawladda lagu dhisay dalka Kenya, inta badanna lagu saleeyay in kuwii dalka ugu isbaarooyin badnaa lagu qanciyo nidaamka dawladnimo iyo kala dambaynta, laguna heshiiyay xeerka qoran ee la degsaday in lagu wada shaqeeyo, ayaa waxaa muuqata in caqligii siyaasadda isbaarada ka bilaabay uu halkii taagan yahay, taasna waxaadba ka ogaan kartaa weli ma ma maqashay Wasiir hebel ama xildhibaan hebel isbaarooyinkiisii wuu qaaday ?, rajo lagama qabo.
Waxaabad mooddaa inay kusoo kordheen kuwa hor leh oo magacyo kala duwan wata, aan tusaale usoo qaadanno labo dhacdo: 
 

Xamar inta isbaaro dhex taal waxay noqdeen afartan iyo seddex (43 isbaaro) oo gaadiidka iyo dadkaba lacag..Guji

Isbaaradu waa canshuur shacabka lagu leeyahay|Xasan Kashka

Koowaad: waa shirkii baarlamaanka ee dhacay 17 Maarso 2005 markii la damcay in qodobo laysku hayay cod loo qaado, halkii loo batana la ogolaado, ayaa waxay arintaasi ka degi wayday xubno rumaysnaa in hadii codka la qaado aragtida dhinaca kale loo badanayo, taasoo dabadeed noqon doonta qaanuun aan la gudbi karin, waxay is waydiiyeen arintaas sida ugu haboon ee lagu baajin karo, allaylehe Isbaaro ha dhigteen !, Miiskii sanduuqa codka lagu ridayay saarnaa ayay isku gadaameen, korna ugu dhawaaqeen "ruux codayn karaa ma jiro"  in kastoo arintaas dadkii ku madax adaygay eedeen, badan koodna isbitaal la dhigay,  dhiig aan yaraynna daatay, haddana gudoomiyaha Baarlamaanka oo intii ragaan isbaarooyinku u yaalleen ganacsade ahaa, wax badana ka yaqaan sida isbaarooyinka looga xeeladaysto ayaa codkii gacan taag u beddelay si' uu dhibka u yareeyo maadaama uusan joojin karin. Taasina waxay noqotay Isbaaradii cod-bixinta, oo ah mid kusoo korortay noocyadii isbarada ee aan awel u taag la' ayn.
 
Labaad: waa fadhigii baarlaamnka ee dhacay 11 May 2005 kaas oo qaar ka mid ah xildhibaannadu markii ay ogaadeen wax yaabaha loo codayn doono ay go'aan ku gaareen inayan tagin fadhigaba si' aan loo helin tiradii uu ku qabsoomi lahaa fadhiga baarlaamanku maadaama xildhibaanno badan ayan joogin Nairobi oo ah halka xarunta u ah DFKM ah, xubnihii kale markay qabteen shirkiina waxay ku xujeeyeen inayan imaan tiradii Dastuurku xadiday sidaas darteedna waxay soo saareen oo idili yahay hal Bacaad lagu lisay, Taasina waxay noqotay Isbaaradii Kooremka, oo ah mid kusoo korortay noocyadii isbarada ee yarayntooda lagu taamayay.
 
Labadaas tusaale waxaan ka garanaynaa in garaadkii siyaasadeed ee Isbaaradu gun-dhiga u ahayd halkii taagan yahay, haday dhacdo in xukuumaddani hawl gasahana aan arki doono  noocyo kale oo isbaarooyinka ka mid ah, taasoo ka bilaaban doonta Isbaarada Miisaaniyadda, waa hadii loo arko in aan Miisaaniyadda Wasaaradaha loo qaybin 4.5 , maadaama la yiri wasaarad hebla waxaa leh reer Hebel, taasoo ah halka sartuba ka quruntay.
 
Dhacdooyinkaas foosha xun ee aan tilmaamay waxay markhaati u yihiin in xalka dalku uusan ku jirin midaynta Isbaarooyinka iyo isu gaynta Isbaarolayda, dagaal-oogayasha isbaarada ku dallacayna aan dawladnimo iyo kala dambayn marna looga fadhin, dhibkuna uu dheeraanayo inta qof walba lagu qiimaynayo inta uu dilay iyo tirada isbaarooyinkisa, arintuna ay weli taagan tahay:
Xabagtii waxaa cunay  kuwii,  xaawo gawracay.
 
C/nuur F. Cali.
Qaahira, Masar
cabdi2067@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2005

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD