SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


DOWLADDII QABQABLAYAASHU HOGAANKEEDA HAYEEN EE SOOMAALIYA OO BURBUR QARKA U SAARAN

Waxaa laga yaabaa in dadwayne farabadan oo soomaaliyeed is waydiinayaa su,aashan iyo kuwa farabada oo kale  hadaba inta aanan ka jawaabin waxaa haboon in aan guud mar ku samayno THE PAST aanan iloobi doonina  THE PRESENT oo ah xilagan aan ku jirno .

Waxaa la soo dhisay sida la sheegayo dawlad soomaaliyeed oo ay soo doorteen shacabka soomaaliyeed oo ka kooban qabqablayaasha dagaalka oo aan bulshada rayadka ah ku jirin mudo hadda laga joogo 8 bilood ka hor magaalada NAIROBI waxayna u kala jabeen laba kooxood oo isaga soo horjeeda hab militia hubaysan ah oo aan nidaamsanayn waana labada kooxood oo ah SRRC oo uu hogaamiye ABDULLAHI YUUSUF AHMED madaxwaynaha is magacaabay ee soomaaliya & ALI MOHAMED, MOHAMED SH ISMACIL oo isagana ka tirsan golahan ay ETHIOPIA naasnuujiso ee ka dhisan ADDIS ABABA caasimada dalkaas .

Abdullahi taariikh ahaan sheekadiisa looma baahna is tafaasiil dheerad laga bixiyo maxaa yeelay waa laga dharagsan yahay oo waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee xukun u dagaalama isgoo amaxaaro soo hogaamin jiray oo dhulka ka aas aasay jabahadii ugu horeesay oo hab qabiil ah ku socota oo aan taraxin  ilaa maanta waxa uu ku jiraa safaarada ethiopia ku leedahay magaalada LONDON ee carigaa UK oo markii uu yimid uu ka dhuuntay dadkii ubax yada qoyan ku soo dhawan lahaa ee tubnaa garooonka wayn ee HEATHROW AIRPORT IN LONDON todobaadkii hore oo markaas safaarada ethiopia ay baabuur gadaal kala baxeen dadkii soo dhwayn lahaana waa kii uga dhaqaaqay meel banaan.

Garoowe haweenkii & caruurtii uu ku gumaaday markii doorashadii xaqa ahayd uu kaga guulaysatay JAMAC ALI JAAMAC  waxaa kaloo la ogaa in uu doorashadaa aqbali waayay uuna la dagaalamay dadkii deganaa magaalada BOOSAASO & GAROOWE waxuuuna soo kaxaystay amxaaro uuna ku sheegay in uu la dagaalamo argagixiso joogta SHIMBIRAALE oo waa laga soo wayay kadib markii wariyayaal caalami ah tageen  hadda abduullhi gacantiisa ayuu ku burburinayaa dowladan .

DHINACA KALE EE SAMATA BIXINTU

Waa kuwama kuwan samata bixinta isku sheegaya ma rugcadaayo diinta & dadka wax u qabtaa mise waa dad u soo halgamay taariikhda umadda ma waxay yihiin SYL oo ahayd kuwii u soo halgamay madaxbaanida soomaaliya  maya ma ahan ee waa qabqablayaashii umadda soomaaliyeed hooga & halaaga soo mariyay burburiayayna qarankii soomaaliyeed ma aha oo kaliya inaan ka sheekayno isbaarada abdullahi yuusuf u taala soomaaliya gaar ahaa dhulka uu ka soo haajiray ee gaalkacyo ilaa boosaaso.

Waa dowlad ay soo dhiseen qabqablayaal dagaal oo diidanaa in soomaaliya ku soo noqto fagaarayaasha CAALAMIGA waxaa kaloo dhamaantood ay ahaayeen danaystayaal daba dhilif ethiopia & kuwa mukhaadaradaaka iyo qaadka ka ganacasada kan u horeeya ilaa laga gaaro kan ugu hooseeya waana kooxo ku heshiiyay baa,binta dalkooda & dadkooda waa cadow kal kaal mukaadarad kal kaal

kuwa muqdisho jooga ee ah wasiirada ahna qabqalayaasha ka jira koonfurta soomaaliya waxaa u yaala in ka badan 50 isbaaro kaliya magaalada muqdisho ciidamada la xareeyayna ma dhana inta isbaaro ee magaalada muqdisho waa kuwama kuwan GOLAHA SAMATABIXINTA

WAA KUWAN

CAATO
MUUSE SUUDI
MAHAMED QANYARE
BOOTAAN CIISE CAALIN
SEERAAR DHEERE
& KUWA KALE OO BADAN

oo shacabka soomaaliyeed riwaayad u dhigaya kadib markii ay is khilaafeen golaha  shacabka oo laba dhinac u kala jabay walaalayaa waa soo dhawynayaa kuwa ka soo horjeeda abdullahi yuusuf & cadowga ETHIOPIA  waxaanse ka soo horjeednaa in la yiraahdo nabad ayaan ka samaynayaynaa magaalada muqdisho laakiin isbaarooyin 50 kabadan oo aan canshuur ka qaadano ayaa inoo oolaysa si aan ugu masruufno malayshiyooyinkeena walaalayaal waa la yaab in aan aamino kii khaainka ahaa oo dadka dhacayay dadka dilayay oo riixno keena wadaadka ah islaamka ah oo allah SW ka baqa oo markaa BUSH aan raacno aan walaalaheen ku tilmaano ARAGAGXISO yaa soo doortay qabqablayaasha dagaalka yay matalaan dhamaantood waa tuug cid ay mataalaan ma mirto siday shalay amaxaarada u keeneen ayay maanta keenayaa .

Hala digtoonaado kuwan laga soo bilaabo abdullahi -ilaa bootaan ciise caalin waa khaa.,miin aan waxba qaban karin oo dadka soomaaliyeed lugoonaya

ALLAHU AKBAR
WABILAAHI TOWFIIQ

Mohamed Jamac Abdalle
alljubbaland@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2005

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD