SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Daabaco Boggan | Print
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.


Aragtidii Dadweynaha SOOL, SANAAG, & BUUHOODLE ee Sannadkii 2001...
KA AKHRI HALKAN... GUJI....

XASUUQII WAGALA :: Sannadkii 1984 waxaa magaalada Wajir lagu xasuuqay in ka badan 400 oo nin oo Soomaali ah.. (Tiradaas waxaa taariikhyahanadu gaarsiiyaan in ay ahayd 2000 oo qof oo la xasuuqay). Xasuuqyada kale ee Kenya u geystey dadka ay gumeysato waxaa kamid ah Xasuuqyadii: Malkamari ee 1976,  Garissa ee 1980, Madogashe ee 1982, Bagala ee 1998.. EEG HALKAN


ARAGTIDII DADWEYUHU KA QOREEN ITOOBIYA 2001.... Guji...


  • Gen. Morgan oo loo xukmiyay Beertii Labaad ee ku taal..

  • Dowladda Imaaraadka oo baaritaan ku sameyneysa lacag..

  • Xildhibaan Xasan Dhimbil “Ra’isul Wasaare Geedi waxaa uu ku xad gudbay..

  • Muuse Suudi, Cumar Finish iyo Bashiir Raage oo kulan Albaabadu u xiran yihiin..

  • Maamulihii Madbacadda Daahir-Printing oo lagu diley Gurigiisa oo ku yaal..

  • 1540 qoys oo gaajo, biyo la’aan iyo macluul ku haysa..

Gen. Morgan oo loo xukmiyay Beertii Labaad ee ku taal..

            Maxkamad ku taala Magaalada Marka ee Gobalka Sh/hoose ayaa shalay u xukmisay Gen, Max’ed Siciid Xirsi (Morgan) in dib loogu celiyo beer uu ku lahaa deegaanka Busley Daa’uud.

            Beertaan oo ah 50 Hektar ayaa waxaa xukunkeeda qaaday garsoore xasan Maxamuud Cabdi, markii uu ridayay Xukunka waxa uu dhex taagnaa beerta dib loogu celiyay Gen, Morga isagoo halkaasi caddeeyay in beerta uu leeyahay Gen, Morgan.

            Garsooruhu waxa uu sheegay in markii ay sameeyeen baaritaan dheer isla markaana ay heleen markhaatiyaal badan ayuu wuxuu sheegay in ay ogaadeen in beerta uu leeyahay Gen, Morgan uu horey uga iibsaday nin Ganacsato ah.

            Beertaan oo ay ku beernaayeen dalagyo kala duwan ayaa waxay u qaybsaneyd qaybo qyabo iyagoo qaybo ka mid ah dadkii laga qaaday beertaas ay ku andacoonayeen in iyagu ay leeyihiin beerta, hase yeeshee garsoorihii Maxkamadda ayaa waxa uu sheegay in Dukumentiyadii ay keenay dadkaasi ay yihin kuwo been abuur ah.

            Waa beertii labaad oo Gen, Morgan dib loogu celiyo labo todobaad gudahood, waxaana horey loogu celiyay beer ka koobneyd 100-Hiktar oo iyana ku taalay Gobalka Sh/hoose .    

Xildhibaan Xasan Dhimbil “Ra’isul Wasaare Geedi waxaa uu ku xad gudbay..

            Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame ayaa shalay soo hor dhigay Golaha Baarlamaanka Mooshin uu ku leeyahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu ku xadgudbay axdigii Qaranka isla markaana uu galay khiyaano Qaran, sidoo kale waxa uu sheegay in Xubnaha Dowladda ay soo daabacdeen lacago been abuur ah oo doraad lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Dubai.

            Xasan oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Ra’isul Wasaaraha uu afkiisa kaga dhawaaqay in uu aqoonsanayo maamulka Somaliland, haddii ay aqoonsi hesho taasoo Xasan Dhimbil ku tilmaamay mid jabineysa lahaanshihii dhuleed ee Soomaaliya iyo waliba midnimada ummaadda Soomaalieed, isagoo hadalka Ra’isul Wasaaraha ku tilmaamay mid ah khiyaano Qaran oo uu ka galay bulshada Soomaaliyeed.

            Waxaa kaloo uu ka dalbaday Golaha Baarlamaanka in ay baaritaan ku sameeyaan lacago been abuur ah oo ay soo daabacatay Dowladda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Magaalada Jowhar laguna qabtay dalka Imaaraadka Carabta, lacagtaas oo uu sheegay in ay qaadi lahayd diyaarad lagu magacaabo Mudan una qaadi lahayd Magaalada Boosaaso.

            “Ma garan karo in Dowladdu ay leedahay iyo in Ganacsato leeyihiin, laakiin waxaan codsanayaa in baaritaan lagu sameeyo” ayuu yiri Xasan Dhimbil Warsame.       [War dheeraad ah oo lacagtaas ku saabsan hoos ka akhri].

Dowladda Imaaraadka oo baaritaan ku sameyneysa lacag..

Wararka naga dalka Imaaraadka Carabta waxay sheegayaan in todobaadkii hore aakhirkiisii Garoonka Diyaaradaha ee Dubai lagu qabtay lacag shillin Soomaali ah oo been abuur ah, waxaana lacagtaasi la sheegay in uu watay nin ganacsade ah oo ku soo jeeda Gobalada Puntland. Lacagta oo ku jirtay baakado ayaa waxaa loo qaadi rabay Magaalada Boosaaso iyadoo la doonay in lagu raro Diyaarad lagu Magacaabo Mudan Airlines EX-Damal. Ilaa iyo hadda lama oga cidda sida rasmiga ah u leh lacagtaasi, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in Diyaaradaasi ay ku soo jeeday Magaalada Jowhar oo ay ku sugan xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in haatan ay baaritaan ku hayso lacagtaasi, waxaana lagu waramay in Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku sii jeedaan dalka Imaaraadka si loo furdaamiyo lacagtaasi. Xubnaha Labada Gole ee ku sugan Muqdisho ayaa shalay la soo hor dhigay qabashada lacagtaasi, waxaana soo hor dhigay Xildhibaan Xasan dhimbil Warsame oo sheegay in Dowaadda Federaalka ay ku howlan tahay soo daabicidda lacago been abuur ah, isagoo tilmaamay in Garoonka Diyaaradaha ee Dubai lagu qabtay lacagtaas, taasoo uu sheegay in la doonayo in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed oo muddo 15 sano ah ku jiray dhibaato iyo dagaalo sokeeye, ilaa iyo haatanna Dowladda Federaalka garabkeeda Jowhar iyo maamul Gobaleedka Puntland kama aysan hadlin qabashada lacagtaasi.    

Muuse Suudi, Cumar Finish iyo Bashiir Raage oo kulan Albaabadu u xiran yihiin..

            Maalintii shalay ahayd xarunta Muuse Suudi uu ku leeyahay Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshey Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirka Owqaafta iyo Arimaha Diinta Cumar Finish, iyo Ganacsade Bashiir Raage waxaana kulaankaan la sheegay in uu ahaa mid la doonayo in lagu soo afjaro wixii khilaafaad ah ee u dhexeeyay mas’uuliyiintaasi, ha noqoto dagaaladii horey u dhex maray.

            Waxaa kalloo lagu waramay in kulankaan la iskula soo qaaday qaabka ugu haboon ee Beesha Mudulood u qaybsan karto 13-ka xubnood ee beesha Mudulood kaga soo aaday Golaha Baarlamaanka ee Gobalka Banaadir, sidoo kale waxaa kalloo la isku afgartay in si wada jir ah looga shaqeeyo sidii loo furi lahaa wadooyinka xirxiran ee ku yaala deegaano ka tirsan Degmada Kaaraan iyo Degmada Madiina ee sababay dagaaladii dhex maray mas’uuliyiintaasi. 

Maamulihii Madbacadda Daahir-Printing oo lagu diley Gurigiisa oo ku yaal..

            Shalay galabnimadii ayaa kooxo dabley ah oo ka koobneyd afar nin waxay horey u galeen guri uu deganaa Maamulihii Madbacadda Daahir-Printing oo lagu magacaabo Daahir Ibraahim Cabdi.

            Markii ay in cabbaar ah ku jireen kooxdaasi, ayaa waxaa la maqlay rasaas, iyagoo u soo cararay Gaari Garoolo ah oo u yaalay albaabka Guriga, markii gudaha loo sii galay ayaa waxaa loo tagay Daahir oo Meyd ah, goobtiina ku ruux baxay.

            Kooxdii Dableyda ahayd waa ay fakatay ila iy haddana lama garanayo sababixii loo dilay Daahir-Printing, waxaana dilkiisa si aad uga xumaaday dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho oo iyagu weli dhegahooda ka sii yereyso Wiilkii uu dhalay Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Qadar Cismaan Cilmi Boqore.

            Dilalka lala beegsanayo dadka muhiimka u ah bulshada ayaa maalmahan dameb ku soo badanayay Magaalada Muqdisho ila iyo haddana lama hayo cid loo qabtay dilalkaasi.

            Sidoo kale xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaan ilaa iyo hadda aan waxba ka qaban dilalkaasi oo ah barnaamij dhabar-jab ku ah xubnaha Dowladda ee kus ugan Muqdisho

1540 qoys oo gaajo, biyo la’aan iyo macluul ku haysa..

            Odoyaal, Waxgarad, Culuma’udiin ka tirsan Beesha Garre ee fadhigeedu yahay Magaalooyinka Afgooye iyo Ow-Dheegle ee Gobalka Sh/hoose ayaa waxay ka codsanayaan haya’adaha samafalka Caalami-ga iyo Deeq bixiyayaasha in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan 1540 qoys oo gaajo, biyo la’aan iyo macluul ku hayso 11 tuulo oo ka tirsan Degmooyinka Afgooye iyo Ow-Dheegel. Waxgaradku waxay sheegeen in qoysaskaasi ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan gaajo, macluul iyo biyo la’aan, sidoo kale waxay sheegeen in ay u dheertay hoy la’aan, iyagoo sheegay in ay jiifaan meelo qorax ah, waxaana ka mid ah Tuulooyinkaasi madeyta, Xawaal Waare,  Buuxow, Dheeg, Duduble, Deg Barwaaqo, Warhoor, Buulo Kulan, Deg Dhaaraan, Ilkooleey iyo Misiq Baduuq, waxana ka mid ah Odoyaasha saaray baaqaan Nabadoon Xuseen Xasan Ganey, C/llaahi Ibraahim Cabid, Shiikh Aadan Max’ed, Maxamuud Maxaad, Cismaan Aadan Cabdi, Ibraahim Af-Cadde iyo Max’ed Aadan Barake.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2005


Rabshado Ka Dhacay Kampala, Uganda
kadib markii xabsiga loo taxaabay Hogaamiyaha FDC Guji..

Shiikh Shariif: Dagaalka Yaaqshiid waa mid Siyaasadeed
»Xamar: Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii shalay
»Xaaji Abuukar “waa in maamul loo sameeyo G/Banaadir
»Geedi oo siimaray Itoobiya, una sii safraya dalka Belgium...
»Cambarayn loo soo jeediyey dilkii wiilkii uu dhalay Boqore..
Wararka oodhan ka akhri halkan... Guji... Nov 14  


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD