Yaa ah argagixiso?
Kalmadda argagixiso waxa ay sanadadahaan dambe ka mid
noqotay kuwa loogu isticmaal badan yahay warbaahinta
adduunka. Kalmaddan oo soo baxday waqti hadda laga joogo
200 oo sano, ayaan illaa iyo hadda adduunku isku
raacsanayn macnaheeda. Dowladaha qaar ayaa waxa ay
argagixisada ku macnnayn jireen isticmaalka fal rabsho
wata oo bulshada argagax galiya. Isticmaalka falalka
noocaas ah waxaa aad loo guubaabiyey waqtigii kacaankii
Faransiiska. Dhamaadkii qarnigii 19aad waxaa kale oo
falka argagaxa isticmaali jiray kooxo kasoo horjeedey
nidaamka oo ka jiray Maraykanka, Yurubta Galbeed iyo
Ruushka iyaga oo dili jiray dadka masuuliyadda haya.
Dilkii ugu caansanaa wuxuu ahaa kii lagu qaaday 1914kii
Archduke Ferdinand-kii Austaria oo ka dhacay Sarajevo,
kaas oo bilaabay dagaalkii 1aad ee dunida oo yurub ka
bilowday xiliggaas.
Adduunku waxa uu isku raacay in ay falalka noocaas ah
oo bulshada argagaxa galinayey dhib weyn ku hayaan
bulshada caalamka. Markaas ayaa waxaa timid baahi ah in
laysla afgarto macne laysku raacsanyahay oo ay yeelato
kalmadda argagixiso. Tallaabaddii ugu horaysay oo
arrintaas xal loogu raadinayo waxa ay ahayd, shir
caalami ah oo uu abaabulay Ururkii Qaramada ( League of
Nations) sanadkii 1937dii . Shirkaas waxaa laysku dayey
in la gaaro heshiis guud oo macne isku mid ahna loo helo
waxa loo yaqaanno argagixisada. Heshiiskaas ma hirgelin
oo waa lagu heshiin waayey.
Dagaalkii labaad kadib, ayaa mar kale laysku dayey in la
qeexo waxa loogu yeeri karo argagixiso. Kala
duwanaashihii u dhexeeyey dowladihii reer galbeedka oo
wax gumaysan jiray iyo wadamada kale ayaa keenay in la
heshiin waayo. Sababta oo ahayd waddamada wax gumaysta
waxa ay u ololaynayeen in falalka xoogagga
xoriyad-u-dirirku u gaystaan ciidamada gumaysiga loogu
yeero ‘ falal argagixiso’. Taas oo ujeedadeedu ahayd in
dagaalladii lagu doonayey in heeryada gumaysiga layskaga
rogo ay ku tilmaamaan argagixiso. Waana marka uu baxay
hadalka caanka noqday “ Qof argagixisadiis waa qof
kale xoriyad u dirirkiis”. Taas ayaana keentay in
laysku raaci waayo macne mid ah oo ay yeelato kalmadda
argagixiso. Madaxweynhii hore ee Koofur Afrika, Nelson
Mandela, ayaa hadda ka hor dowladdii midabtakoorku
maxkamad soo saartay, isaga oo lagu tilmaamay ‘argagixiso’.Mandela
waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in lagu
tilmaamo ‘argagixiso’, haddii taas macnaheedu yahay u
dagaallanka xoriyadda dadkiisa.
Macnaha keli ah oo illaa hadda la dhihi karo adduunku
waa isku raacsan yahay waa mid ku jiray qaraar ka soo
baxay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay(QM) sanadkii
1999kii kaas oo ahaa “ Fal dambiyeed loogu
talogalay ama loo qorsheeyey in uu xaalad argagax ka
abuuro bulsho weynta dhexdeeda ama koox ama shaqsi khaas
ah si loogu gaaro hadaf siyaasadeed….” (GA Res.
51/210 Measures to eliminate international terrorism).
Sababta aan u leennahay waa laysku raacsanyahay waxa
weeye, Golaga Guud ee QM waa gole ay xubin ka yihiin
dowladaha ku jira QM oo dhan. Go’aanka ay gaaraanna
waxaa la dhihi karaa waxa uu ka tujumayaa fikirka
adduunka.
Isku
daygii ugu dambeeyey si macne laysku raacsan yahay loogu
helo kalmadda argagixisada waxa uu ahaa shirkii ay
iskugu yimaadeen madaxda adduunka oo dhan oo lagu
xusayey 60 guuraddii ka soo wareegtay aas’aaskii
Qaramada Midoobay, ee la qabtay bishii Sebtembar
2005ta. Dowladaha adduunkuna waa ku guuldaraysteen in ay
isla meel dhigaan macne hal ah oo laysku raacsan yahay.
Illaa hadana waxaa weli taagan fikirkii ahaa “ qof
argagixisadiis waa qof kale xaq u dirirkiis”. Bal aan
hadana eegno siyaasadda waddamada kala duwan ee ku
wajahan argagixisada – waa qofba sidii uu u yaqaane.
Siyaasadda aduunka iyo
argagixisada
Maadaama ayna jirin hal macne oo adduunku u yaqaanno
argagixisada oo lagu wada qanacsanyahay, waddamada
adduunka ayaa isticmaala siyaasado kala duwan oo ku
wajahan falalka ay ku sifeynayaan ‘argaxixisada’.
Waddan walbana waxa uu sameeyaa arrinta uu isleeyahay
waxaa ku jirta danta waddankaaga.
Tusaale ahaan, jabhadda IRAda ayaa waxa ay waqti dheer
u dagaallamaysay in ay Waqooyiga Ireland ka goyso
Boqortooyada Ingiriiska kuna biiriso Jamhuuriyadda
Ireland. Falalka dagaalka ay carriga Ingiriirka ka
gaystaan jabhaddaasi ayaa dowladda Ingiriirku ugu yeeri
jirtay “ falal argagixiso”. Madaxda siyaasadda ee
jabhaddaas waxa ay si joogto ah olole lacag aruurin ah
oo aan qarsoonayn ka samaysan jireen dadka u dhashay
Irishka oo u arkay dad xoriyad u dirir ah. Dowladda
maraykankuna arintaas waqti dhow ka hor ma faragashan
jiirn.
Sidoo
kale, jabhadda ka dhisan wadanka Isbayn oo u dagaallanta
xoriyadda dhulka Basque ayaa dalkaasi ugu yeeraa
argagixiso. Wadammo kalana waxa ay ka gaabsadaan in ay
dhexgalaan arimaha gudaha ee Isbayn. Tusaale kale ayaa
ah in madaxweynihii Maraykanka ee siddeetameeyaddii
Ronald Reagan markii uu taageero maal iyo militariba
siiyey mucaaradkii Nicaragwa waxa uu ugu yeeri jiray
xoogagga xoriyad u dirirka ah , halka dowladda
Nicaragwana ay xoogaggaas ugu yeeri jirtay argagixiso.
Sidoo
kale waddammo badan ayaa jabhadaha ka soo horjeeda ugu
yeeri jiray/ yeera argagixiso, taas oo kooxahaas ka
dhigayn/ dhigi jirin tilmaamaha ay ugu yeertay dowladda
ay iska soo horjeedaan.
Muslimiinta iyo
Argagixisada
Sida
la ogyahay waddammo badan oo ay dagganyihiin dad
muslimiin ah ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin ay ku
hayaan waddammo kale ama dowladaha waddamada ay deggan
yihiin. Tusaalaha u horeeya ayaa ah dhulka Falastiin oo
ay Israel xoogga iyo sharci darrada ku haysato. Qaramada
Midoobay ayaa qaraarro kala duwan ku amartay dowladda
Israel in ay ka baxdo dhulkaas ay xoogga ku haysato, una
ogolaato dadka reer Falastiin in ay xoriyaddooda qaataan
oo aayahooda ka tashadaan. Israel arintaas wey ka dhaga
adaygtay iyada oo taageero dhaqaale iyo milatariba ka
helaysa wadammo ay ugu horayso Maraykanku. Jabhadaha
Xoraynta reer Falastiin ayaa sidii jabhadihii wanammada
kale oo gumaysiga ku hoos jiray bilaabay dhaqdhaqaq
hubaysan oo ay kula dagaalamayaan gumaysaigaas. Dowladda
Israel ayaa sidii dowladaha gumaysiga lagu yaqaannay
waxa ay ugu yeertay xoogaggaas xoriyaddooda u
dagaalamaya “ kooxo argagixiso” ah. Addunyaduna weli
sidii ayey ugu kala qaybsan tahay arintan , oo wanammo
badan waxa ay taageersan yihiin xorriyad u dirirka dadka
reer Falastiin, halka ay dalal kalana taageeraan
mowqifka Israel. Waxaa la yaab leh in warbaahinta
taageerta fikirka Israel in xadgudubka xaquuqda aadanaha
iyo dhibaatooyinka kale oo loo gaysto reer falastiin ay
ugu yeeraan ‘howlgal milatari’. Isla warbaahintaas ayaa
markii qof reer falastiin ah uu wax gaysto waxa ay ugu
yeerayaan ‘ fal argagixiso”.
Tusaalaha labaad ayaa ah markii is afgaranwaagu ka
dhexdhacay dadka reer Chechniya iyo wadanka Ruuska in
ciidamada Ruushku burburiyeen dalka Chechniya , iyaga oo
gaystay tacaddi ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Magaalooyin badan oo ay ka mid tahay magaalo madaxda
ayaa ciidamada Ruushku cagta mariyeen, iyaga oo halkaas
ku laayey shacab aad u farabadan oo aan waxba galabsan.
Dowladda ruuska waxa ay xoogagga reer Chechniya oo ka
soo horjeeda ugu yeeraan kooxo argagixiso. Laakiin
haddii lafiiriyo waxa falalka argagixisada ee ugu badan
ka gaystay cariga Chechniya waa ciidamada Ruuska.
Arrinta kale oo qof kasta ka yaabisay ayaa ah markii
Maraykanka iyo xulafadiisu sida sharci darada ah ugu
duuleen wadanka Ciraaq, taas oo sababtay dhimasho dad
reer Ciraaq ah oo lagu qiyaasay ugu yaraan 100,000 oo
qof. Falalka ay gaysteen/gaystaan ciidamadda xoogga ku
haysta waddanka Ciraaq warbaahinta inta badani uguma
yeeraan falal argagixiso. Laakiin kooxaha wax iska
caabinta ee reer Ciraaq falkii ay u gaystaan ciidamada
xoogga ku haysta dalkooda waxaa loogu yeeraa argagixiso.
Arrintaas oo ah mid xaqiiqada iyo cadaaladdaba ka fog.
Kadib
weerarraddii lala beegsaday wadanka Maraykanka sanadkii
2001dii ayaa waxa aad mooddaa in macne cusub loo helay
kalmadda argagixisada, iyada oo dadka Muslimiinta ah si
gooni ah loogu isticmaalo kalmaddaas. Dowladda
maraykanka ayaa waxa ay bilowday waxa ay ugu yeertay
dagaalka caalamku kula jiro argagixisada. Taas
macneheedu inta badan waxa uu yahay in dadka
muslimiinta ah oo dagaalka kula jira si ay u helaan
xoriyaddooda in loo aqoonsado argagixiso. Halka falalka
muslimiinta ka dhanka lagu macneeyo dagaal lagula jiro
argagixisada.
Dalal
badan ayaa arintaas ka faa’iidaysatay, iyaga oo qofkii
muslim ah oo ka soo horjeesta ugu yaara argagixiso. Waa
arin aan qofna inkiri karin in falal badan oo dad
muslimiin ahi gaystaan lagu tilmaami karo argagixiso.
Laakiin waa in fal kasta oo soo buuxiya shuruudaha
guud ee qaraarkii Golaha Guud ee QM lagu tilaamaa
argagixiso, iyada oo aan la eegayn qofka ama dalka
gaysta. Madaxweynaha kaligi taliyaha ah ee dalka
Azerbayjan ayaa mar uu xirxiray, qaarna dilay dad
siyaasad ahaan uga soo horjeeday waxa uu ku andacooday
in ay dadkaasi ahaayeen “ argagixiso islaami ah”. Sidoo
kale, maxaxweynihii hore ee Yugoslafiya , Milosevic,
ayaa mar maxkamaddii dacwadiisa qaadaysay ku eedaysay
xasuuq uu u gaystay dad reer Albanian ah, waxa uu yiri,
“ waxa aan la dagaalayey muslimiin argagixiso ah”.
Soomaalida iyo
argagixisada
Waayahan dambe waxaa soo baxday kooxo iyo shakhsiyaad
Soomaali iyo ajnabiba iskugu jira oo ku andacooda in
Soomaaliya ay joogto ‘ argagixiso’, loona baahan yahay
in adduunku la dagaallamo. Kooxahaas waxaa ugu badan
qabqablayaasha dagaalka iyo waddammo ama ururro dano
gaar ah ka leh Soomaaliya. Argagixisada ay sheegayaanna
waa kooxaha diinta oo Soomaaliya jooga.
Haddii aan raacno macnaha lagu qeexay argagixiso ee
qaraarkii Golaha Guud Qaramada midoobay, waxaa dhab ah
in ay Soomaaliya argagixiso joogto, xoogna ku leedahay.
Soomaaliya argagixisada dhabta ah oo joogta waa
qabqablayaasha dagaalka magacii ay rabaan ha
qaateene. Qabqablayaasha dagaalka waxa ay shacabka
Soomaaliyeed oo jooga gobollada kala duwan ee dalka si
joogto ah ugu gaysteen/gaystaan falal dambiyeed argagax
galiyey shacabka Soomaaliyeed, oo ujeeddadiisu ahayd/tahay
in lagu gaaro hadaf siyaasadeed. Falal dambiyeedka
qabqablayaasha dagaalka iyo taageerayaashoodu u gaystaan
shacabka Soomaaliyeed waa falal argagixiso. Waxaa
xaqiiqo ah in shacabka Soomaaliyeed taageerayaan
dagaalka lagula jiro argagixada adduunka, haddii uu
yahay mid looga qabanayo qabqablayaasha dhiigga
shacabkooda darajada iyo sharafta ku raadiya.
Gabababo
Sida
ku cad qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, fal
dambiyeed kasta oo loogu talo galay ama loo qorsheeyey
in uu xaalad argagax ka abuuro bulsho weynta dhexdeeda
ama koox ama shaqsi khaas ah si loogu gaaro hadaf
siyaasadeed, waa in loo aqoonsadaa fal argagixiso. Waa
in aan la fiirin qofka falka gaystay ama dhibbanaha
diintiisa ama jinsiyaddiisa, ee waa in falkasta oo soo
buuxiya shuruuddaas loo aqoonsado ‘fal argagixiso’.
Warbaahinta adduunka iyo gaar ahaan tan Soomaaliyeedna
waxaa la gudboon in aysan soo minguurin kalmado aan la
aqoon macnahooda oo ay dad kale ka leeyihhiin dano gaar
ah iyo siyaasad fog, si aad ahna uga foojignaadaan in
aysan noqon kuwo loo adeegsado waxyeelleynta magaca
fiican ee diinta Islaamka.
Axmed Cali Maxamed (Khayre)
Tifaftirka Samaddoon.com
Samaddoon@samaddoon.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Nov 6, 2005
Sixid (Update): Qoraalka
waxaa qoray
Axmed Cali Maxamed (Khayre),
waxaase soo tebiyey:
Inj. Maxamed C. Cibaar [Mohamed_ebar@hotmail.com]
|