SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

WARARKA MAANTA:::
  • Gudoomiyaha Baarlaamanka iyo wasaarada arrimaha dibada Sweden oo shir alaabada loo xiray yeeshay.
  • Cabdi Qeybdiid oo qareen cusub loo qabtay 
  • Banaanbax looga soo horjeedo Xarigga Cabdi Qaybdiid oo saaka ka dhacay
  • Muuse Suudi “Xariga Cabdi qaybdiid waa afduub laga maleegay
  • Qanyare “Cabdulahi Yuusuf maa la xiro isagaa qirtey ..
  • Hayadaha Inxa iyo Gogwa oo si taxader leh uga Hadley Xariga Cabdi Qaybdiid

Gudoomiyaha Baarlaamanka iyo wasaarada arrimaha dibada Sweden oo shir alaabada loo xiray yeeshay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa maalintiii shalay aheyd isagu la qaatay shir albaabada loo xiray wasaaradda arrimaha dibada Sweden, inkastoo kulankaasi wixii kasoo baxay aan haba yaraatee Shariifku siin saxaafada ayaa hadana la runsan yahay iney ugu badneyn arrimaha laha wadahalay xarriga Col Cabdi qeybdiid oo baryahan noqotay hadal heyntii ugu badneyd ee laga hadlo.
Saaka sagaalkii arroornimana ayaa Shariifka iyo xubnihii la socdaywaxey Baarlamaanka Sweden kula kulmeen xildhibaanada iyo madaxda wadankan. Kulankan oo ahaa mid ay isku weydaarsanayeen labada dhinac isbadaladdii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya iyo Natiijadii Shirkii muddda labada sanno ee qaatay ee aakhirkii lugu soo dhisay dowlada madaxada ka yahay madaxweyne C/laahi Yuusuf. Dhinaca dowlada Sweden ayaa wararku sheegayaan iney ku faraxsan tahay kulanka ay la qaateen masuulkii ugu sareeyey ee dalka Soomaaliya. Waxaana ay balan qaadeen iney iskaashi iyo wadashaqeyn dhex mari doono.
 
Aabirihii kowdii iyo barkii duhurnimo ayaa wefdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ka dhoofeen magaalada Stockholm ee caasimada wadanka Sweden iyagoo ku sii jeeda magalaada London ee dalka Ingiriiska halkaasoo la sheegay iney shirweyne caalami ah oo baarlamaanada adduunka ka dhacaya ka qeyb galayaan.
 
Cabdi Qeybdiid oo qareen cusub loo qabtay 
 
Sidda ay qortay jariirdada afka dheer ee Gothenburg Post ayaa shaaca ka qaaday in Col Cabdi Qeybdiid loo qabtay qareen cusub oo difaaci doona.Tan iyo maalinimadii isniintii ayaa ninka la yiraahdo Pieter Kjessler u ahaa qareenka arrimihiisa ku howlanaa haatanse uu dalban karro qareenka uu ku kalsoon yahay. Cabdi Qeybdiid ayaa cosaday in qareenada kala ah Leif Silbersky och Thomas Olsson ay kiiskiisa la wareegan, balse ay maxkamada maanta go'aan ku gaartay in Thomas Olsson noqdo qareenka u doodaya.
 
"Maanta gelinka dambe ayaan gudo geli doona kiiskan, beritana waxaan u baxayaa magaalada Göteborg oo aan kula kulmayaa ninkan dembiga lugu soo eedeeyey islamarkaasina aan dhiniciisa wareysan doona. Beritana waxaa lugu wadaa iney noqoto maalinta ugu dambeysa la guddo gallo kiiskan ka hor intaan la siideyn" ayuu yiri Thomas Olsson oo intaas ku daray in berito ay go'aano kasoo baxayaan baaritaanka haatan lugu howlan yahay ee la xirriirta eedeymaha loo heysto ee ah inuu ku lug lahaa xasuuq la sheegay in sagaashameeyadii ka dhaceen agagaarka tuulada Jamaame ee gobolka Jubadda Hoose ee dalka Soomaaliya.
 
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalist.com
 

Banaanbax looga soo horjeedo Xarigga Cabdi Qaybdiid oo saaka ka dhacay

Crowds protest in Mogadishu about the arrest of Col Abdi Qeybdid in SwedenBanaanbax aad u ballaaran oo lagaga soo hor jeedo xarigga dalka Sweden lagu xirey Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid ayaa maalinimadii shalay ka dhacay fagaaraha  Tirbunka.

            Banaanbaxan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tira badan oo ka kala socdey Ardeyda Dugsiyada GlBanaadir, Ganacsatada, Ururo Haween ah iyo dhallin-yaro ayaa ammaanka goobta waxaa ilaalinayay qaar ka mid Ciidamada Boliiska Gobolka Banaadir oo ku hubaysnaa Gaadiidka Dagaalka ee loo yaqaan Tiknikada.

            Banaanbaxaas ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Mas’uuliyiinta labada Gole ee Muqdisha ku sugan iyadoo halkaasi ay ka hadleen qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii xukuumadda Federalka Somaliya ee Banaanbaxa joogtay, waxaana ugu horreynba halkaa ka hadlay Siyaasiinta ay ka mid yihiin Maxamed Faarax Jimcaale, Ibraahim Sabriye Shaaweeye, Cabdullaahi Firimbi iyo Cabdullaahi Shiikh Xasan kuwaasoo muujiyay sida ay uga xun yihiin xarrigga loo geystay Mr Cabdi-Qayb-diid iyagoo codsaday in si aan shuruudi ku xirneyn loo sii daayo xoriyaddiisana loogu soo celiyo.

            Waxaa kaloo iyaguna halkaa ka hadlay xildhibaanada ay ka mid yihiin CumarXaashi iyo Xil-dhibaan Xaabsade kuwaasoo iyaguna fikirkooda ku biiriyay aragtidii laga qabay Xarigga Cabdi-Qaybdiid..

Muuse Suudi “Xariga Cabdi qaybdiid waa afduub laga maleegay 

::VIDEO::::


Video ay soo bandhigtay shabakada aftonbladet.. Guji

Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxow ayaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusf ku Eedeeyay inuu ka dambeeyey Xariggii dalka Swedhen lagu xiray Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid’.

            Wasiirka oo maalinimadii shalay ahaa ka hadlayay dibad bax ay isugu yimaadeen dadweynaha Soomaaliyeed oo dareenkooda ku muujinayay sida ay uga xun yihiin xarigga Cabdi Qayb-diid ayaa ereyo uu halkaa ka soo jeediyay ku sheegay in xukuumadda Swedhen ayan wax lug ah ku lahayn xarigga Qaybdiid balse ay jireen dad arrintaa ka dambeeya oo Soomaaliya ku sugan, gaar ahaan Magaalada Jowhar waa sida uu warka u yiriye.

             Xaaji Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray inayn u dul qaadan doonin falka shirqoolka ah ee lagula kacay Cabdi Qaybdiid Tallaaba la yaqaana ay qaadi doonaan haddii dhaqsiyo loo soo deyn. 

Qanyare “Cabdulahi Yuusuf maa la xiro isagaa qirtey ..

Col. Cabdi Qeybdiid oo ay Gacanta ku Dhigeen Ciidamada Booliiska Sweden
Xalay habeenimadii waqti-dambe ayaa Booliiska Dalka Sweden waxay qabteen Cabdi-Qeybdiid iyagoo amar ka helay Xeer-ilaaliyaasha Caalamiga ee Magaalada Gothenberg. Qeybdiid ayaa booqasho ku joogay Sweden... Guji... Oct 17, 2004

Wasiirka Amaanka Qaranka Maxamed Qan-Yare Afrax oo isaguna ka mid ahaa Wasiiradii Banaanbaxaas ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ay hadda ka hor ku balameen in Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed markii uu arrintaa soo ban=dhigayna ay uga baxeen ballantii taasoo uu ku sheegay inay yihiin Khaa’imiin waa sida uu warka u yiriye.

            Mr Qan-yare oo hadalkiisa sii wata ayaa si cad u yiri “Cayaari waa Gelin Dambe”, falka Qaybdiid lagu shir qooleyna la isaga harimaayo isagoo dhinaca kalena farta ku fiiqay in Cabdullaahi Yuusuf uu hadda ka hor qirtay in isagu uu ahaa Ninkii ugu horeeyey ee Xabbad Rida, Ninkii ugu horreeyay ee dagaal qaada sidaa darteed isagaaba qirtaye maa isaga la qabto ayuu Md Qan-Yare is weeydiiyay.

            Wasiirka ayaa ku goodiyay in hadda iyo wixii ka dambeeya Sweden la isku sugayo, London la isku sugayo, Ameerikana la isku sugi doono waa siduu hadalka u yiriye taasoo uu ula jeeday in Xubnaha ay Fikirka isaga soo hor jeedaan ay u dhaxayn doonto in farta la isku fiiqo.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Cismaan Xasan Cali  Caato oo ka Hadley Banaanbaxaas ayaa sheegay in xariga Cabdi Qaybdiid laga abaabuley magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeeladda Dhexe  wuxuuna farta ku fiiqay in uu ka dambeeyey  Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf

Hayadaha Inxa iyo Gogwa oo si taxader leh uga Hadley Xariga Cabdi Qaybdiid

NINKII QEYRKIIS LOO XIIRAYOW ADNA SOO QOOYSO!!!
Bal magaca eeg. Waa Qaybdiid! Waa waxba kuuma ogoli! Waa anigaa wada raba, anigaa iska leh, anigaa ku xukuma, anigaa ku leh!. Waxaa argagax kugu ridaya cajalad laga soo duubay Dagaalkii Sokeeye ee lagu buunbuuninayey Mooryaantii kufsiga, dilka, dhaca iyo boobka ka soo bilowday Xamar ilaa Gedo iyo Kismaayo. Waxaa Mooryaantaa hogaaminayey Jenaraal Caydiid, waxaase inta badan hogaanka hoose hayey niman uu ka mid ahaa Korneyl Qaybdiid. Waxaa wax laga naxo ah sida marka ay shirarka isugu yimaadaan Odayaasha Beelahiisu ay cadaawada, afxumada iyo nacaybka u muujinayaan.  GUJI.....

Hay’adaha GOGWO iyo INXA ayaa waxa ay sheegeen in muhimad weyn ay u leedahay Shacabka dib u heshisiinta Soomaaliyeed  iyadoo  sheegay in la ogyahay in Soomaaliya ay ka jireen dagaalo sokeeye oo aan kala go; lahayn muddo 15 Sanno ah.

            Hay’aduhu waxay sheegeen in la soo gaaray waqtigii la soo   af jari lahaa dagaaladaasi  iyadoo dib u heshiisiin buuxdo la dhex dhigayo qaybihii dagaaladu ay u dhaxeeyeen taasoo xil ballaaran uu ka saaran yahay Mu’sasaadka Dawladda Federaalka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Ururada bulshada iyadoon loo kala harin Ugu dambayntii Hay’adaha Gogwo iyo Inxa si wadajir ah ugu soo jeediyeen in xubnaha sar sare ee Dawladda ay  heshiiyaan wadajirna u gutaan waajibaadka culus ee bulshada ka saaran,  in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool ay kaalintooda ka qaataan hawlaha dib u heshiisiinta Qaranka ee dalka gudihiisa ka socda ayna ka waantoobaan wax kasta oo keeni kar is qab qabsi iyo dagaalo sokeeye oo hor leh.

            In dhaqso loo magacaabo guddi Qaran oo xaqiiqa raadis ah oo baaris qoto dheer ku soo sameeya dhibkii baaxadda lahaa ee kala gaaray Ummadda Soomaaliyeed mudadii ay socdeen dagaalada sokeeye una gogal xaaraan sidii loo taaba gelin lahaa dib u heshiisiin Qaran oo dhamaystiran iyo is cafis guud.

            In si dhaqsa ah loo hawl galiyo Haya’dihii Garsoorka si dadka dembiga ka galaa dadweynaha dariiqyada u meereysan iyagoo xor ah, waxayna Hay’adahan si taxader leh uga hadleen xarriga Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in la helo Caddaalad dadku u siman yahay, waxaana ku saxiixa war saxaafadeedka ay soo saareen Hay’adahan, Guddmiyaha Hay’adda INXA Cabdi Naasir Axmed Cusmaan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Gogwo Marwo Maryan Yuusuf Shiikh

W/D Amiin Yuusuf khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com  .  

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19,2005

OCT 18: Wararka iyo Maqaalada Laga Qoray Xariga Col. Qaybdiid
  • Wasaarada Arrimaha Dibada Sweden oo la sheegayo iney la wareegeyso arrimaha Qeybdiid. 
  • Qaybdiid  Milosevic Miyaa?
  • Haku waana  qaateen ragii ku  xadgudbey  bulshada Soomaaliyeed xadhiga cabdi  qaybdiid:
  • Golaha Badbaadinta Shacabka J/Hoose Qabashada Qaybdiid...
  • Qaybdiid oo Jeegada la Qabtay iyo Koneylka oo “Dowladda” Garqaadaya 
  • XARIGA INA-QAYBDIID, WAA GUUL U SOO HOYATAY INTA CADAALADA JECEL,
  • Xariga Cabdi Qaybdiid Yaa ka danbayay? 
  • Akhri halkan akhri.............

Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD