SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR/MAQAALLO
Telefishan Barnaamij Dheer ka Diyaariyey Arimaha La xiriira Xarigii iyo Soodeyntii Cabdi Qaybdiid | Ka Daawo Halkan.... [Af Swedish]

Telefishanka SVT ee Sweden aaya barnaamijkiisa lagu magu magacabo AGENDA ee October 23, 2005 waxa uu ku soo qaatay arrimo la xiriira Xarigii iyo soo deyntii Cabdi Qaybdiid. Barnaamijkaas oo af Swedish ah Ka Daawo Halkan.... | Qoraalka TV-ga oo Swedish ah ka akahri halkan...


Qeybdiid oo si rasmi ah loo siidaayey 

Sweden | Oct 20, 2005

 

Ikraam Cali-kaar oo waraysaneysa Cabdi Qaybdiid
Caawa saacaddu xilliga Sweden markey aheyd lixdii fiidnimo ayuu xeer Illaaliyaha guud ee gobolkan  ninka la yiraahdo Mats Sällström shaaca ka qaaday inuu Col Cabdi Qeybdiid aanu aheyn dambiile kadib markii lugu waayey wax cadddeyn ah oo la xirriirta eedeymaha lugu soo oogay.
 
Ka hor intaanu ku dhawaaqin xeer ilaaliyaha go'aankiisi ku saabsana baaritaanka la xirriira dembiga lugu oogay  Cabdi Qeybdiid ayuu Thomas Olsson oo ah qareenkiisa u sheegay saxaafadda Sweden oo tan iyo saakay xaadir ku ahaa xarrunta booliska magaaladatan Gothenburg  in wakiilkiisa la diideynayo oo aan dembi lugu heyn. Waxa uu sheegay Thomas  Olsson in caddeyn buuxda meesha oolin sidaas aawadeed xeer Ilaaliyuhu amray in la siidaayo.
 
Markii la sii daayey Cabdi Qeybdiid ayuu jaaliyada Soomaalida oo la yiraahdo Urrurka saaxiibtinimada Sweden iyo Soomaalida yimid iyadoo uu halkaasi kula hadlay soomaalida halkaasi timid oo ugu waramay sida ay wax u dhaceen.
 
Wareysi aan ka qaaday ayuu iigu sheegay Qeybdiid iney aheyd mid layaab leh eedeymaha lugu heysto ee ah inuu lug ku lahaa xasuuq la sheegay iney ka dhaceen koonfurta Soomaaliya. Mar aan weydiiyey dareenkiisa sida uu yahay kadib go'aankii xeer ilaaliyaha ayuu sheegay iney dowlada Sweden ay cadaalad adeegsatay. Dhinaca kale Col Qeybdiid waxa uu eeda dusha ka saaray xarigiisa madaxweynaha dowlada KMG ah oo u sheegay iney ka dambeysay xarrigiisa iyo siyaasadda uga soo horjeedo.
 
 "Ma jirto cadeeyn buuxda oo aan aheyn cajalka Vedio-ga la sheegay taasoo loo arkayo ineysan mid la isku hubo ama lugu xirri karro" ayuu yiri Tohams Olsson oo ka hadlayey sida ay wax u dhaceen.
 
Lama oga waqtiga uu ka baxi doono dalka Col Cabdi Qeybdiid oo la sheegay fiiso dal ku galka dalkan Sweden ay ku ekeyd maalintii shalay aheyd. "Kedis bey igu aheyd markey booliska i qabteen mana aanan ogeyn sababta la igu qabtay" ayey kamid ahaayeen hadaladdiisi ugu horeeyey ee siiyey saxaafadda guud ahaanteed. Isku soo wada duub haatan Qeybdiid waa xor welina xarigiisa kama bixin tafaasiil marka laga reebo inuu hadallo koo kooban siiyayey saxaafada gudaha iyo dibadda.
 
 
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalist.com

Wararkii Hore ee Siideynta Qaybdiid::

Cabdi Qaybdiid oo Xabsiga Laga siidaayey


Abdi Hassan Awale (Cabdi Qaybdiid) oo ka sii baxaya Xarunta Booliska markii la siideysey, Sawirka: AP, Oct 20

Sawirka AP -

Soomalid ku mudaharaaday Sweden iyagoo kasoo horjeedey xariga Qaybdiid, Sawirka: AP Oct 20,05

Video ay daabacday Shabak Reer Sweden ah..

Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 20, 2005
Isha: www.somalitalk.com/newsindex/y.html

Wararka ka imanaya dalka Sweden ayaa tibaaxay in maanta oo Khamiis ah xabsiga laga sii daayey Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid).

Waxaa wararku intaas ku dareen in maxkamada degmada Goteborg ay sheegtay in aysan hayn cadaymo ku filan oo ay xabsiga ugu sii hayaan oo ku aadan fal-dembiyeedyada dagaalka (War Crime), sidaasna xabsiga looga sii daayey maanta oo Khamiis ah Oct 20, 2005.

Dhanka kale intii aan Qaybdiid xabsiga laga soo deyn waxaa maanta ay dad Soomaaliyeed ku mudahaaradaad Booliska Sweden iyagoo kasoo horjedey xariga Cabdi Qaybdiid.

WARBIXIN AY IKRAAM CALI KA SOO DIRTAY SWEDEN

Cabdi Qeybdiid oo la sii daayey

 

 
Lama soo koobi karro sida uu ahaa dareenkiisa col Cabdi Qeybdiid oo xeer ilaaliyaha maxkamadu sheegay inaan haba yaraatee dembiga lugu soo oogay lug ku laheyn. Markii uu banaanka u soo baxay Cabdi Qeybdiid ayaa la kulmay saxaafadda Sweden oo aan u kala harin ay hor jeegeen xarrunta booliska kuwaasoo tan iyo maanta duhurkii xaadir ku ahaa.
Hadaba Cabdi Qeybdiid oo haatan ku sugan jaaliyada soomaalida magaaladan ayaa lugu wadaa inuu qabto shir jaraa'id oo uu kaga hadli doono dareenkiisa ku aadan xarigii la xiray. Hadaba wixii arrintan kasoo kordha dib ayaan idiin kaga soo tebin doonaa. 
 
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalist.com

WARBIXIN UU MUQDISHO KASOO DIRAY AMIIN YUUSUF::

Cabdi Qaybdiid oo Xabsigga laga sii daayey

Waxaa caawa Magaaladda Gotenbarg laga sii daayay xabsigii uu uga jiray Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” oo hore Wasiirka Amniga Qaranka uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed, kaddib markii lagu waayay dambiyadii lagu soo oogay.

            Siideynta Taliyaha waxaa ka qeyb qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo Col. uu ka mid ahaa wafdigiisa iyo sidoo kale Banaan-baxyo ka dhacay halkii uu ku xirnaa Qeybdiid iyo gudaha Soomaaliya, iyadoo maalintii shalay aheyd Cabdi Qaybdiid la hor keenay Maxkamad ku tala wadanka Sweden, waxaana wax laga weydiiyay waxa uu ka ogyahay eedeymaha loo soo jeediyay, hase ahaatee waa uu beeniyay eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay mid aan waxa ka jirin.

            sababaha ugu weyn ee loo sii dayay Qaybdiid ayaa waxaa lagu sheegay iyadoo Sweden ay dooneysay in uusan burburin mirihii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiita ee mudada labada sano iyo barka ah ka socday dalka Kenya iyo qoraalo ka soo gaaray Sweden qeybaha kala duwan ee bulshada oo looga dalbanayay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo taliyaha.

            sida wararku ay sheegayaan dad Soomaaliyeed ayaa Cabdi Qeybdiid waxay ku soo eedeeyeen in uu xasuuq ka geystay dalka Soomaaliya markii ay socdeen dagaaladii sokeeye, hase ahaatee dadkaas ayaa la sheegay in ay keeni waayeen cadeymo rasmi ah oo la xiriira dacwadiisa.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro      
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Warbixin Ku saabsan Dagaalo dhexmarey Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Itoobiya.....
warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaaadeenya ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu faahfaahiyey dagaalo dhexmarey labada dhinac waxaana warsaxaafadeedkan soo saarey wakiilka Jabhadda ee Soomaaliya Cilmi Maxamuud waxayna dagaaladaas u dhaceen
Akhri....

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2005


Shiikh Indha-Cadde “Warbixintii Qaramada Midoobey waxay ahayd mid xaqiiqda ka fog
haddii aan nahay Maamulkana waxaan dagaal kula jirnaa Beerisa Xashiishka ”, sidaas waxa uu ka sheegay shir jaraa'id oo uu... Guji... Oct 20

VIDEO: Maxkamadii la soo taagey Saddam Xuseen| CBC

Canada oo Xabsiga u Taxaabtay nin Reer Rwanda ah
oo Lagu eedeeyey Fal-Dembiyeedyo Dagaal (Xasuq) uu Ka Geystey Rwanda Sannadkii 1994... Guji...

Muqdisho: Banaanbax looga soo horjeedey Xarigga Cabdi Qaybdiid
»Muuse Suudi “Xariga Qaybdiid waa afduub laga maleegay..
»Qanyare “Cabdulahi Yuusuf maa la xiro isagaa qirtey..
»Cabdi Qeybdiid oo qareen cusub loo qabtay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI...


Wararka iyo Maqaalada Laga Qoray Xariga Col. Qaybdiid

  • Wasaarada Arrimaha Dibada Sweden oo la sheegayo iney la wareegeyso arrimaha Qeybdiid. 
  • Qaybdiid  Milosevic Miyaa?
  • Haku waana  qaateen ragii ku  xadgudbey  bulshada Soomaaliyeed xadhiga cabdi  qaybdiid:
  • Golaha Badbaadinta Shacabka J/Hoose Qabashada Qaybdiid...
  • Qaybdiid oo Jeegada la Qabtay iyo Koneylka oo “Dowladda” Garqaadaya 
  • XARIGA INA-QAYBDIID, WAA GUUL U SOO HOYATAY INTA CADAALADA JECEL,
  • Xariga Cabdi Qaybdiid Yaa ka danbayay?  

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA.......

MUQDISHO: warar ku saabsan Xariga Cabdi Qaybdiid ka akhri halkan... GUJI...
.Imaamka C/llaalhi khaliif Rooble “xariga Cabd Qaybdiid wuxuu cirka ku shareerayaa dib u heshiisiinta .
.Shaqsiyaad Soomaali-yeed oo u ololeenaya sidii loo .
.imaan Xasan Jiirow “xariga Cabdi Qaybdiid Wuxuu dhabar jab ku ..
.Cabdi Qaybdiid oo gaashaanka ku dhiftay Eedeymihii loo soo j..

.Banaanbax looga soo horjeedo Xariga Cabdi Qaybdiid ..
.Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay oo ka hadashey..

.Safaarada Sweden ay ku leedahay Nairobi oo laga dalbadey.
Akhri Halkan......


Sawiro laga qaaday Vidio-ga ay daabacday aftonbladet

Wasaarada Arrimaha Dibada Sweden oo la sheegayo iney la wareegeyso arrimaha Qeybdiid. 

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalist.com
 
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya arrimaha la xirriira xariga ay booliska Sweden u geysteen Col. Cabdi Xassan Cawaalle (Cabdi Qeybdiid) oo haatan ku jira xabsiga magaalada Gothenburg ee dalkan Sweden oo isagu lugu eedeeyey inuu lug ku lahaa dad lugu laayey dalka Soomaaliya bilowgii 90-meeyadii.
 
Col. Cabdi Qeybdiid oo ay Gacanta ku Dhigeen Ciidamada Booliiska Sweden
Xalay habeenimadii waqti-dambe ayaa Booliiska Dalka Sweden waxay qabteen Cabdi-Qeybdiid iyagoo amar ka helay Xeer-ilaaliyaasha Caalamiga ee Magaalada Gothenberg. Qeybdiid ayaa booqasho ku joogay Sweden... Guji... Oct 17, 2004
Galabta saacaddu markey aheyd 3-dii galabnimo xilliga Sweden ayaan annagoo ka tirsan bahda saxaafada magalada Gothenburg tagnay xarrunta booliska ee ku xiran yahay  Cabdi Qeybdiid oo halkaas kula balanay sarkaalkii na balamiyey kadib markii aan maanteydii hore u sheegnay inaan nahay saxaafada Soomaalida ee magaalada. Xaqiiqdii sarkaalkaas oo weji fur furnaasho noo muuiyey kadib markii aan tusnay aqoonsigeenii saxaafadnimo Press card). Ninka la yiraahdo Mats Glans Berg oo isagu u qaabilsan xagga warbixinida (police information) ayaa wax weydiinay arrimaha eedeysanahan oo ku sheegay in loo xiray sababo laxirriira dawacwad lagu soo oogay kana timid xeer ilaaliyaha guud ee gobolkan Mats Sällström.
 
Wuxuu sidoo kale sheegay markey xirrayeen ay la kaashadeen wasaarada arrimaha dibada Sweden oo iyadu sheegtay in ninkaas la xirri karro sababo laxirriiro aqoonsi diblomaasiyadeed uusan dalkan ku laheyn. Dhinaca kale xirriir aan la sameeyey Wasiiru-dowlaha Dowlada Fedraalka iyo Baarlamaanka Proff. C/raxmaan IBBI ayaa sheegay in arrintiisa ay maanta u tageen wasarada arrimaha dibada walow uusan tafaasiil dheerad ka bixin  wixii ay kala soo kulmeen mas'uuliyiinta wasaaradaas hadana wuxuu hoosta ka xaqriiqay in wasaarada arrimaha dibada ay la wareegeyso arrimhiisa oo intaas ku daray hadalkiisa in wasaaradu sheegtay in wadankan aysan dhamaan hey'dihiisa dowladeed aaney wadashaqeyn oo qolo walba ay howsheeda gaar u leedahay xorna u tahay.
 
Si kastaaba ha ahaatee maalinta berito ah oo arbaca ah ama maalinta ayaa lugu wadaa in xeer ilaaliyaha guud ee gobolkan ku dhawaaqo go'aanka la xirriirta xariga Col Cabdi Qeybdiid. Taasoo noqon karta in dembiga lagu soo oogay loo xirro ama la sii daayo iyadoon aan wax dambi ah lugu helin ama kasoo bixin baaritaanka ay haatan wadaan qabiirada ku takhausay dadka lagu soo oogo dagaal dembiyada.
 
SAWIRADA VIDEDO-ga




ISHA SAWIRADA.... GUJI...
Dhinaca kale wararka la helayo qareenka Qeybdiid ayaa sheegaya inuu weli Mr Qeybdiid iska fogeynayo eedeymaha loo heysto."ninka aan wakiilka ka ahey wuxuu sheegay dadka dacwada ku soo oogay iney yihiin kuwo doonaya iney isaga meesha ka saaran, waana wax iska cad in  xaalka Soomaaliya ahaa mid aan caadi aheyn dagaalo lagu hoobtayna ay ka dhaceen  bilowgii 90-meeyaddii oo ay qof waliba qofka kale dileysay" ayuu yiri  Pieter Kjessler oo isagu ah qareenka hada u doodaya  Qeybdiid intaana ku daray inuu sugayo markale xeer ilaaliyaha sameeyo baaritaan hor leh oo arrimihiisa la xirriira balse marka hore tarjumanka qadiyadan ahaado mid Cabdi Qeybdiid ogolaansho siiyo.
 
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalist.com

Shariif Xasan oo ka Dhoofi Doona Sweden....

Wararka ka imanaya dalka Sweden ayaa tibaaxaya in afhayeenka Baarlanaamka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan, uu ka dhoofi doono Sweden kaddib markii ay u suurto geli weydey in uu madaxda Sweden ku qanciyo in la sii daayo Col. Qaybdiid oo kamid aha waftiga afhayeenka oo ka koobna lix qof, waxaana Qaybdiid laga xiray hoteel uu deganaa magaalada Lund, waxaan aloo gudbiyey magaalada Goterberg.

Col. Qaybdiid oo ah 57-jir weli si rasmi ah looguma soo oogin sababtii lagu xiray, waxaana wararka ka imanaya Sweden ay sheegayaan in ilaa khamiista laga yaabo in uu war arrintaas kusaasan ka soo baxo dawlada Sweden.


Qaybdiid  Milosevic Miyaa?

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro      
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

           Tan iyo markii ay soo yeertay xariga Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ee dalka Sweden ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxay isla dhex marayeen warar fara badan oo la xiriira xariga Cabdi Qaybdiid gaar ahaan ciddii ka dambeysay xarigiisa, waxayna wararkaa qaar ay lahaayeen waxaa xariga Cabdi Qaybdiid ka dambeeyay mas’uuliyiin sarsare oo oo ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, kuwo kale ayaa iyana waxay leeyihiin “waxaa ka dambeeyaba guddoomiyaha Baarlamanka isagoo u adeegaya shaqsiyaad Soomaaliyeed”, waxayna kuwaan hadalkooda ay ku lamaaniyeen “Haddii guddoomiyaha baarlamaanka ka dambeeyo xariga Cabdi Qaybdiid sidii ayuu ku imaan doonaa Magaalada Muqdisho.

            Kuwo kale ayaa iyagu waxay leeyihiin “waxaa la doonayaa in marka Cabdi Qaybdiid la xiro in Guddoomiyaha Baarlamaanka uusan taginba Magaalada Muqdisho, waana mu’aamarad laga soo maleegay Magaalada Jowhar, lana doonayo in lagu dhabar jabiyo nabad u sameyn gobalka Banaadir, maadaama Cabdi Qaybdiid uu ka mid yahay Ragga u ololeynaya maamul u sameynta Gobalka Banaadir”.

            Kuwo kale ayaa iyagu arrinta u saariyay arrimo qabiil waayo, waxay yiraahdeen “Cabdi Qaybdiid waxa uu ka qaybgalay dagaaladii sokeeye, dad u ciilqaba ayaa ka dambeeyay xariga Cabdi Qaybdiid ama ka xumaa xarig horey loogu geystey wadankaas kaasoo ahaa marxuum Gen Aadan Gabyow”.

    Dadka qaar ayaa fikrado midaan   ka duwan  qaba waxayna yiraahdeen “Cabdi Qaybdiid waxa uu ahaa raggii sida aadka uga hor yimid ciidamadii Mareykanka ee yimid dalka sanadkii 1992-dii wuxuuna xudun u ahaa bilowgii dagaalkii dhex maray Mareykanka iyo taageerayaashii Gen, Caydiid wuxuuna dhiirageliyay in ciidamada Mareykanka lagu jiido Magaalada Muqdisho dariiqyadeeda.

            Kuwo kale ayaa iyaguna waxa ay ku fadhi dirirayeen “waxaa ka dambeeya reer Gaalkacyadood iyagoo ka xun dagaaladii halkaas ku dhex maray beesha Cabdi Qaybdiid uu ka soo jeeda iyo kuwa ay halkaasi wada deganaayeen.

            Xariga Cabdi Qaybdii ayaa dadka Qaarkii waxay sheegeen in Dowladda Sweden ay ku saxsanaynd in ay qabato sarkaalkaasi maadaama ay ku tilmaameen in uu ahaa dambiile dagaal halka kuwo kale ay sheegeen in dowlada Sweden ay ku qaldanaynd xariga Cabdi Qaybdiid maadama dhamaan hoggaamiyiishii Soomaaliyeed ee dirirtu dhex martay ay ku heshiiyeen in wixii horey u dhacay laga soo qaado xalay dhalay.

            Kuwo kale ayaa la soo booday “Cabdi Qaybdiid waa in Maxkamad la soo taagaa sidii loo soo taagay hogaamiyihii hore Seerbiyiinta Milosevic maadaama labadooduba yihiin dambiilayal dagaal.

            Haddaba aan is barbar dhigno Cabdi Qaybdiid iyo Milosevic, aan ku horeyno Milosevic waxa uu ahaa nin aad u naxiir daran oo xitaa aan badbaadin jirin maxaabiista Dagaalka , halka Cabid Qaybdiid uu ahaa nin ku jiray dagaal sokeeye isla markaana xaq dhowri jiray maxaabiista la soo qabto, Milosevic waxa uu ahaa nin ku dagaalami jiray hub aad u culus oo ay ku jiraan diyaarado, halka Cabdi Qaybdiid qoriga ugu weyn ee uu ku dagaalami jiray uu ahaa Hoobiye, kaasoo waxyeeladiisu ay aad u yareyd marka loo fiiriyo kan Milosevic.

            Milosevic waxa uu ahaa nin si aad ah ugu tiirsan Dowlad aad u xoogan halka Cabdi Qaybdiid uu isagu ku tiirsanaa beeshiisa oo qura, Milosevic waxa uu ahaa nin ay raali ka ahaayeen dadkiisa, halka Cabdi Qaybdiid mararka qaarkood lagu canaan jiray in dagaalka uu joojiyo maadaama dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah, balse Milosevic waxaa laga dhaadhicin waayay in Boosniyiinta iyo Seerbiyiinta ay yihiin dad hal wadan wada ahaan jiray oo walaalo ah.

            Cabdi Qaybdiid lama dhihi karo waa Milosevic oo kale waayo Cabdi Qaybdiid waxa uu ka dhex muuqday dagaal beeleed, dagaal beeleed mar uu wadanka ka dhacana waxaa ugu dambeyntii lagu soo gunaanadaa in wixii horey la iska iloobo, hase yeeshee shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeedd ayaa wixii horey u dhacay lagu afjaray, hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed waxay leeyihiin waxa is cafiyay waa 275 xubnood ee waxaa habooneyd in shacabka Soomaaliyeed la weydiisto cafis si ay u timaado kalsooni iyo is aaminaad aad u balaaran

MUQDISHO: warar ku saabsan Xariga Cabdi Qaybdiid ka akhri halkan... GUJI...
Imaamka C/llaalhi khaliif Rooble “xariga Cabd Qaybdiid wuxuu cirka ku shareerayaa dib u heshiisiinta .
Shaqsiyaad Soomaali-yeed oo u ololeenaya sidii loo .
imaan Xasan Jiirow “xariga Cabdi Qaybdiid Wuxuu dhabar jab ku ..
Cabdi Qaybdiid oo gaashaanka ku dhiftay Eedeymihii loo soo j..

Banaanbax looga soo horjeedo Xariga Cabdi Qaybdiid ..
Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay oo ka hadashey..

Safaarada Sweden ay ku leedahay Nairobi oo laga dalbadey.
Akhri Halkan......

.W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro      
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


QORAAL KASOO BAXAY: GOLAHA BADBAADINTA SHACABKA IYO XORAYNTA J/HOOSE

Golaha Badbaadinta Shacabka iyo Xoraynta J/Hoose Waxay aad u soo dhaweynayaan qabashada laqabtay Gacan kudhiigle LABA XIDIGLE Cabdi Qeybdiid oo xasuuq ba'an ka geystey dacadiilkii lagu sameyey soomaali aad u farobadan oo ka dhacay muqdisho ilaa kismaayo oo waliba lahayo cadaymo rasmiah.

                 Hadaba Golaha Badbaadinta Shacbka iyo Xoraynta J/Hoose Waxay dawlada Swedhash ka codsanayaan in talaabo adag laga qaado Gacan ku dhiigle Cabdi Qeybdiid  oo asgu ugu cadcadaa ragii hogaanka xasuuqa kacanta kula jirey kana mid ahaa ragii dagaalka cululus ku qaaday Ciidamadii uu hogaaminayey Americanka oo lagu laayey Muqdisho.

                  Wuxuu ka mid ahaa  ninkii ugu horeyey oo dadka aan waxba galabsan marka loo keeno oran jirey maxaad igu keenteen maad soo kharajisaan ka dibna asagu intu istaago musbaarka madaxa kaga daloolin jirey astaantaasna asagaa bilaabay wuxuu kale oo ka mid ahaa Ragii xasuqa ba'an ka geystey Gobolka bay Baydhabo,Golaha Badbaadinta Shacabka J/Hoose wuxuu soo dhaweynayaa ciid allae iyo cidii gashay xadgudub lagula kacay shacab aan waxba galabsan aad iyo aad ayey u soo dhaweynaynaa,waxaana balan ku qaadeynaa in aan Taas lagu sameyey Cabdi Qeybdiid aanu ku soo ogno Laba Xarigle Barre Aden Shiire Hiiraale asagu ka mid ah raga hada ka wada xasuuqa  Goboolka J.Hoose Kismaayo,Hadaba Haddii aanahay Golaha Badbaadinta Shacabka J/Hoose waxaanu hanbalyo iyo Bogaadiin u Diraynaa Dawlada Swedash oo Maanta Meel ka soo baxday.


Cidiii u bahan Fahfahiin Dheeraad ah hakal soo xirireen
Gudoomiyaha Golaha Badbaadinta  Shacabka J/Hoose
MPLA-Minneapolis
Dr-Dahir Ali Hassan ( Dahir Hadal xaran)
d_yenka@yahoo.co.org 

Waxaa soo tebiyey: abdibarre ahmed | jabriil62@hotmail.com


Qaybdiid oo Jeegada la Qabtay iyo Koneylka oo “Dowladda” Garqaadaya 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

Qofkii Ilaah iyo Rasuulkiisa yaqaan dabadeedna soo joogay ama maqlay dambiyadii laga galay Soomaaliya iyo Soomaalida; ineysan meelna u diireyn xiridda iyo dulleynta Cabdi Qeybdiid iyo dagaaloogayaasha kale ee la halmaala. Sidoo kale, dadkii dhiig ku leh ama dhib kale ka soo gaartay dagaaloogayaasha, xaq bey u leeyihiin iney ku dacweynayaan ciddii ay isleeyihiin wax bay ka qaban kartaa waxay tabanayaan. Laakiin weli ma fahmin sababta korneyl C/hina dowladda u horboodayo, dagaaloogayaasha kalana loo xirxirayo. Miyaan korneylku imaan Ingiriis iyo Maraykan? Mise Sweden baa ka xaq jecel labadaas waddan? Sida horay loo yiri: Sweden waxay ku jirtaa dowladdaha qarash badan ku bixiyey in dagaaloogayaal ay qeybsadaan jagooyinka waddanka ugu sarreeya! Waxaan shaki lahayni in Sweden wax ku yeelan doonto dagaalada looga baqayo Soomaaliya ileyn iyagaa wax ka keenay dowlad lagu kala jabay. Waxay iigu darneyd markaan maqlay Xuseen Ceydiid iyo kooxdiisa oo madaxtooyada ugu dabbaaldegaya sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii korneylka lagu dhaarshay Kenya! 

Dowladdu dhacdhac badanaa! Xuseen Caydiid wuxuu yiri: waa in Sweden mas’uulkaas ku sii deysaa si sharuud la’aan ah halka Jeelle ka yiri: ninku waa gaashaanle ciidan ah laakiin ma jirto dowlad iyo cid uu metelo. Ogoow Xuseen iyo Jeelle hal (1) ka mid 4.5 bey qeyb ka yihiin. Soomaalidaa tiraahda: ninna deden buu dhashay; ninna daalacan. Argagixisada Soomaaliya joogta waa Xasan Daahir iyo Indho-cadde oo keliya! Dagaaloogayaasha wax soo xasuuqeyna waa Qanyare iyo Qeybdiid! 

Annaga dagaaloogahayaga yaa noo dacweeya. Waxaan arkayey website qortay in dad badan oo Soomaaliyeed oo Sweden jooga ay isu diiwaangasheen iney dacwo kusoo oogaan korneylka. Miyaan dadka shabakada Websiteku sheegeyo ahayn kuwa sanadguurada madaxweynaha ugu dabbaaldegay Jowhar iyo madaxtooyada ku taal Xamar? Ururro magac qabiil la baxay oo leh haddaan arrintan ka dhiidhiyeynaana meelahaas bey ku qoranyihiin. Ciyaarta siyaasaddu qaab loo dheelo bey leedahay. Haddaad fursadda iska lumiso waxay qaadaneysaa muddo inaad khadka kusoo noqoto. Hala siidaayo Cabdi Qeybdiid ama hala heysto laakiin waxaa jirta in rag badan oo halkaas (1) ka socda loo socdo sida Qanyare, Xasan Daahir Aweys iyo Indho-cadde. Maxaa yeelay waxaa la arkey hogaamiyayaal reer tolkood ah oo adduunka u sheegaya iney nimankaasi argagixiso iyo dagaaloogayaal yihiin marka nin ninkiisii farta ku fiiqayo miyaa laga filayaa in qabiil kale wanaajiyo? 

Inaan UN iyo cid kale dan kaa lahayn waxaa u daliil ah in UN-tu ka hadashay daroogo lagu beero Soomaaliya halka aysan wax ka qorin sunta lagu duugay Soomaaliya amaba ay beenisay. Marka daroogada iyo suntuba waa labo khatar laakiin waxaa shacabka Soomaaliyeed usii daran sunta oo noole oo dhan khatar ku ah halka laga yaabo in Soomaalida badankeedu aysan daroogo isticmaalin. Marka ninkii sunta duugeyna waa madaxweyne halka kii daroogo beeray uu keligi dambiile yahay. UN-ku waxay daroogada uga hadleysaa waxay u baqayaan dadka reer Galbeed ah oo aad u isticmaala. 

Maaddaama aynaan ka shacab ahaan ka celin karin ciddii dacwo u heysata dagaaloogayaasha laakiin weli waxaa naloo ka baahanyahay in waxa dowladda wadadhisanayaa ay yihiin dadkii shalay sidaas isu galay; waxaa jira waxyaalo badan oo haddii wanaag lagu gaarayo u baahan in isha laga qarsado. Anigu waxaan aammisnahay in dacwada Cabdi Qeybdiid ay bilaabi doonto in qabiilooyinka kalana bilaabaan iney dacwo ku soo oogaan dagaaloogayaasha qabiilooyinka kale. Haddii taasi dhacdo, waxaan sina u shaqeyneyn dowladda Zenawi gadaal ka wado. 

NINKII QEYRKIIS LOO XIIRAYOW ADNA SOO QOOYSO!!!
Bal magaca eeg. Waa Qaybdiid! Waa waxba kuuma ogoli! Waa anigaa wada raba, anigaa iska leh, anigaa ku xukuma, anigaa ku leh!. Waxaa argagax kugu ridaya cajalad laga soo duubay Dagaalkii Sokeeye ee lagu buunbuuninayey Mooryaantii kufsiga, dilka, dhaca iyo boobka ka soo bilowday Xamar ilaa Gedo iyo Kismaayo. Waxaa Mooryaantaa hogaaminayey Jenaraal Caydiid, waxaase inta badan hogaanka hoose hayey niman uu ka mid ahaa Korneyl Qaybdiid. Waxaa wax laga naxo ah sida marka ay shirarka isugu yimaadaan Odayaasha Beelahiisu ay cadaawada, afxumada iyo nacaybka u muujinayaan.  GUJI.....

Ceebta ugu darran waxay joogtaa markii la arko qolyaha dacweeyey Qeybdiid iyagoo Xuseen Caydiid ku soo dhoweynaya Sweden ama meelo kale. Keliya wuxuusan mucaaradin korneylka! Waxaan kaloo qabiilooyinka kale xasuusinayaa inay heystaan waxay ka hadli karaan sida dagaaloogayaal kale oo Puntland jooga oo iibsaday Puntland, ra’iisul wasaarihii oo soo jeeda. Waxaan maalin dhoweyd akhrineynay jariidad ka soo baxda Australia oo sheegtay in shirkadi tiri: ma jirto cid ugu heysata kheyraadka “Puntland”. Toloow ma Zenawi baa siiyey shirkaddaas? Jariidaddu waxay soo qortay in Geeddi  hoos uga diray warqad uu ugu sheegayo in shirkaddaasi ka waantowdo sheekadaas. Laakiin Geeddi ku dhici waa inuu korneylka hortiisa ka akhriyo warkaas. Maxaa qolyaha Xamar jooga u diiday iney arrintaas ka hadlaan oo baarlamaanka horgeeyaan? 

Waxaan leeyahay: barbarkey ka baxdaa waa bakeylo qaleen. Marka qoladii aan dagaaloogaha qolada kale maxkamad horkeenin ma aha qolo jirta.

Cabdulwaaxid Khaliif  |   cabdulwaxid@hotmail.com 


XARIGA INA-QAYBDIID, WAA GUUL U SOO HOYATAY INTA CADAALADA JECEL, WAANA HADIYAD UU EEBE BISHA RAMADAAN  UGU TALAGAY DULMANAYAASHA SOOMAALIYEED!!! 

Soomaaliya tan iyo intii maamulka kaligii taliska ahaa ee Ina Siyad qabsaday talada xukunka, waxaa shacabka Soomaaliyeed lagu hayay xasuuqyo isdaba joog ah, xasuuqaas qaar waxaa gaystay askartii ka Amarqaadan jirtay Ina Siyad iyo saraakiishiisii.  Askartaasi waxay lahayd qabiilkasta oo cid maanta orankarta reer hebel ayay ahaayeen ama reer hebel baa ka maqnaa majirto, walaw ay u badnaayeen qolooyin mucayin ah. 

Xasuuqyadaasi dowlad kusheegii xiligaasi u gaysatay shacabka Soomaaliyeed waxay badan koodu ka dhaceen Gobolada waqooyi bari (Mudug iyo Nugaal) iyo Wagooyi galbeed (Hargeisa, Burco iyo Berbera). Shacabka labadaas deegaan waxaa lagula kacay ficilooyin bahdil ah, sida kufsi, dhac, ladagalan dhaqaale, waxbarasho, xoriyadeed, ceel dumis, xabsi, jidh dil, toogasho iyo xasuuq aan xad lahayn.  Magaalooyin ayaa loo adeegsaday awoodii dowlada ee loogu talagalay in shacabka looga difaaco cadowga dibada, sida dabaabado, madaafiic iyo diyaarado ay wadaan calooshood u shaqaystayaal. 

Hadaba burburkii ku yimid dowlad ku sheegii ina Siyaad bare, kadib waxaa bilowday dagaalo lagu doonayay in lagu dabargooyo qabiilo katirsan shacabka Soomaaliyeed.  Dagaaladaasi kuwo leh mabda Islaanimo, siyaasad xisbi ama urur iyo aragti aadane midna may ahayn marka laga reebo inay ahaayeen dagaalo ka duulaya ama xambaarsan nacayb qibiil iyo isku day dabargoyn shacabka aan hubaysnayn ee ku noolaa koonfurta Soomaaliya.  Xasuuqaasi meelihii u darnaa ee uu ka dhacay ilaa maantana ka socdo waxaa ka mid  Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Marka, Baraawe, Jilib, Afgooye, Dafeed, Qoryoolay, salaanbood, Jnaale, Dhnaane, iyo Dhooblay, iwm.   

Xasuuqyadaasi waxay sababeen inay ku nafwaayaan 600,000 oo nafta daahirka ah ee Islaamka ah ee Soomaaliyeed.  Ragii xasuuqaas Islaanimada iyo Ibn aadanimada ka soo horjeeda gaystayna waa raga maanta shacabka Soomaaliyeed ka hortaagan, xoriyada, aaya kataliska, dowladnimada, iyo in Soomaaliya ay dib markale ugu soo biirto beesha caalamka ee nabada jecel. 

Waxaa jira kumanaan dhalinyaro ah oo lagu hordilay waalidkood, kumanaan hooyooyin Soomaaliyeed oo lagu gablamiyay ifka, Kunamaan waalid oo owlaadoodii aan qaanka gaarin la gowracay, kumanaan gabdhoor oo la faraxumeeyay, dhamaan dadkaasi maanta waxay ku sugan yihiin badankoodu qurbaha, waxayna iyagoo wakiilka ah malaayiinta Soomaaliyeed ee maanta deegaamadooda lagu silicdilyeeyo, wacad eebe ku galeen inay cod u noqdaan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dadka ficilooyinkaas waxashnimo gaystay ilaa maantana wada ee aan ka waantoobin.  Waxay habeen iyo dharaar sujuuda Salaada Eebe ku waydiistaan inuu ciribgooyo, oo xididada u siibo , aduunkana silic iyo duli , aakhirana xisaab iyo jaxiima iyo haaweeya geeyo kuwa gaystay xasuuqyadaasi ilaa maantana ku haya dulmiga shacabka laga tirade badan yahay ee koonfur Soomaaliya.  Allahna , sida uu nabigu inoo sheegay degdeg ayuu ducooyinka madluumka u ajiibaa. 

Hadaba, waxa Ina Qaybdiid ku haysta dalka Sweden waa cadaaladii Eebe oo shaqaynaysa, jawaabtii Alle ee ducada kuwa dulman oo ifka ku soo degdegtay, waa xukunkii Xaakimka wayne, waa qadartii oo bisha Ramadaan la idmay.   

Soomaalidu waxay tiraahdaa, nin asaagiis loo xiirow adna soo qoysa, ama nin qayrkii loo xiiroow maxaad sugi.   

Ula jeedada Maqaalkayku maahaa mid ku aadan cid gaar ah, laakiin waa mid ku socda qofkasta oo Shacabka Soomaaliyeed dulmi ku sameeyay oo ku gabood falay, shacabkaasi ciduu doono ha noqdee, ama gabood faluhu cidii doono haka soo jeedee, midabkuu koono halahaadee: Qabiilkii iyo beeshii ay doonaan ha ahadeene... Iwm…..  

Qofkii u barooranaya ina Qaybdiid, qofkii jaahiliyada iyo anaaniyada qabyaaladu weli haysoow,  daawada Cajilada Fiidiyooga ah, taas oo uu waraysanayo laba wiil oo aan qaan gaarin, kuwaas oo deegaamadooda, qabiilkooda, iyo qoysaskoodaba weerar aan geed loogu soo gaban, xaq daro ah, xeerka iyo Islaanimadana ka fog ku hogaaminayay ina-qaybdiid iyo mooryaanta aan maskaxdooda adeegsan maandooriyaha mooyaane, wiilashaas oo uu hayb qabiil iyo waraysi dhow suàalood kadib amyray in latoogto.  Taasi waa haldhacdo oo markhaanti madoonta ah, waxa intaa ka sii daran inta dhacdo oo markhaantiyadoodii maanta qurbaha ku kala firiqsan yihiin, kuwaas oo u heelan sida cadaalada Eebe ku ogyahay inay ugu markhaanti furaaan gacan ku dhiigle, ina Qaybdiid. 

Yaa maanta filayay in dal yurub ku yaal uu cadaalada Eeba Raxmaan u adeegi, laakiin waa sida uu eebe Quraankiisa ku sheegaye (laa yaclamu junuudu rabika ilaa Huwa) askarta eebe cidina ma taqaan isaga mooyaane!!!! 

Hargaisa iyo Burco, Garoowe iyo Galkacayo, Baladwayne iyo Jalalaqsi, Muqdhisho iyo Marka, Shalaanbood iyo Qoryoolay, Baraawe iyo Buulo Xaaji, Dhooblay iyo Dhanaane,  Baydhabo iyo Baardheere, Kismaayo iyo Kunturwaaray, Afgooye iyo Daafeed, Jilib iyo Jamaame, Luuq iyo Baladxaawo,  intii xasuuqa ka gaysatay, intii ku faraxday, intii dhaqaalaha ku bixisay, iyo intii niyada kala jirtayba, Ifkana Xusuus aan Ilowsho lahayn, iyo dadkii ka soo haray xasuuqyadaas iyo Eheladooda iyo inta Cadaalada jecel oo cagta cagta idiin saari, fursad kasta oo ay helaan oo cadaalada la idinku horkeenina adeegsan doona, Aakhirana, Raxmaanka waynee macbuudka ah, iyo xisaabtiisa aan la inkiri Karin,markhaanti beenaale iyo dhaar been ah agtiisa ka socon Karin, iyo ciribtiisa oo xisaab dhakhso ah iyo cadaab kulul.

Wabilaahi Towfiiq, 

Jabarti Osman
jabarti2020@hotmail.com

Waxaan xubin ka ahayn malaayiinta maatada ah ee Soomaaliyeed ee uu  Allah kasoo badbaadshay xasuuqyadii Ina Siyaad iyo Ina Qaybdiid iyo inta la midka ah.  Walow Eheladaydii inbadani ay ku nafwayday.  Inaa Lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun.


Xariga Cabdi Qaybdiid Yaa ka danbayay?  

 Abdalle   Ibrahim   Osman(saajinka)      Political analyst.
Abdallei@yahoo.com

 

 

             Waxaa  taariikhdu markii  ay  ahayd  17th/oct/2005 ciidanka Policeka ee   wadanka  Sweden   xabsiga   dhigeen Col  Cabdi  Qaybdiid  oo  ka  mid  ah  qabqablayaasha  Shacabka  Somaliyeed  xasuuqay  kuwa  ugu  cadcad, Hadaba  waxaa  lays  weydiinayaa  cida  kadamaysay   Xariga  Loo  gaystay  Cornelka, Iyo  cida kusoo  oogtay  dacwada  loo  haysto  una  gudbisay  Case kan  Policeka Wadanka Sweden?.

 

Col  Cabdi  Qaybdiid  waxaa  uu  ka  mid  ahaa  Warlords kii Xasuuqa  ka  gaystay Somalia 15 sano Gaar  ahaan  meelaha la leeyahay waxa uu ka qaybqaata

gumadkii  ka  dhacay   waxaa  ka  mid  ahaa    Muqdisho, Baydhabo, Barawe, Kismayo  iyo Kalkacyo,  Marka halkaan  waxaanu  ka  dareemaynaa  inaanay  cid  gaara  ah aan farta lagu  fiiqi  Karin   oo  aan la  orankarin cidaas  ayaa falkaas soo  maleegay, waana dacwad ay si wada jir ah u gudbiyeen dhamaan dadkii eheladooda lagu laayay ama ay wax ku  gaareen,

Waxaana   laga  yaaba in  Cabdi  qaybdiid "Case kiisa" loo gudbiyo maxkamada dambiiyada caalamiga  ee Hague(International criminal court) Hadii danbigaas lagu helona  uu  mutaysankaro Xabsi  daaim.

 

Waxaa jira Ururo   Sheeganaya inay udoodaan xuquuqda aadanaha Kuwaasoo magacya beeleed wata, isla markaana Cabdi qaybdiid difaacaya iyaga oo iska indha tiraya  dambiga  uu  ka  galay  dadka  iyo  dalkaba, Marka mexey  ururadaani u  xasuusan waayeen boqolaalkii  qof  ee Rajidka ahaa (innocent people) kuwaasoo si bareere ah ay u  xasuuqeen Cabdi Qaybdiid  iyo  ragiisu, Marka run ahaantii talaabadaan ay qaday Sweden oo ay xabsiga  ku  dhigtay Cornelka waa talaaba  muhiim ah  marka loo  eego  waqtigaan iyo daruufaha jira  awgood  maaha Cabdi  qaybdiid keliya laakiin waa  in daba gal lagu samayaa dhaman qabqablayaasha dagaalka  waana   in  laqaadaa olole ka  dhan  ah xadgudubka(Anti-aggression campaign).

 

Ololahaas oo cunaqabatayn lagu  saarayo qabqablayaasha   dagaalka  Somaliyeed dadka  badanaana waxay aaminsanyihiin hadii aan layska  qaban hogaamiyaasha  hubaysan in  aan wax  horumar ah laga gaari Karin Somalia sidaas daraadeen  waa in  cunaqabatayn  lasaara hogaamiyayaasha hubaysabn gaar ahaan  waa  in Report yadooda  loo  gudbiyaa  maxkamadaha Denbiyada, Hadii aan taas lagu  dhaqaaqin oo dadka Criminals ka ah lagu  difaaco hanaan beeleed   Wax harumar ah oo laga  gaari  karo majiraaniin khilaafka  dheeraaday  ee Somalia.

 

Ugu danbayntii waxaan usoo  jeedinayaa  shacabka  somaliyeed  meel walba  ay  joogaan inay si wada jir  ah isaga qabtaan waxmagaratada calooshood u shaqaystayaasha ah caqabadna  ku  ah nabad ku wada noolaanshaha umada  walaalaha ah  ee Somaliyeed iyo  cid walba oo lidi ku ah horumarkooda.

 

 

                                Abdalle   Ibrahim   Osman(saajinka)      Political analyst.

                                 Abdallei@yahoo.com


Haku waana  qaateen ragii ku  xadgudbey  bulshada Soomaaliyeed xadhiga cabdi  qaybdiid:

waxaan salaan guud u soo tebinayaa dhamaan bahda wargeyska ku soo dedaaley iney bulshada somaliyeed meeley kala joogaanba u soo tebiyaan wararka kala duwan ee ka dhacaya aduunka baalihiisa salaan kadib.

waxaan halkan ku soo cabiri doonaa fekrad ahaan waxaan ka ogahey iyo waxaan ka tilmaami karo tulaase gaaban xadhiga cabdi xasan cawaale qaybdiid inuu yahay mid sharci ah iyo inuusan aheyn mid sharci daro ah.

1:ma runbaa dembiga lagu soo xidhey cabdi? waxaa muhiim ah in hadii cabdi qaybdiid lagu hayo dilkaas lagu soo oogey inuu dhacey wax cadeynaya lagu hayo hala soo taago maxkamad hadii aan waxba cadeyn dhab ah lagu heyn yaan la sharaf dilin ninkaas.

waxaase dad badan isl adhex marayan inu yahay ragii bur burka ka qayb qaadey dagaalo badan haduu ruux dagaalo ka soo qayb qaatana wuu soo gelayaa kiiska jira waxase iyana mudan cabdi qaybdiid inuu 7 sanee ugu dambeeyey xarunta muqdisho ka soo qayb qaatey amaanka caasimada iyo maxakamadaha   in badan uguna hurey dedaal badan amaanka xamar marka taasna yaan la dhaafin ruuxa wuxuu soo qaybtey haloo tix geliyo ee uma ku soo liibantey iyo wuxuu dhib geysteyba. 
xasuus muhiim ah khuseysa rag badan hadii dambiga lagu cadeeyo cabdi qaybdiid

2: in kuli maxkamad deg deg ah la soo wada taago ragan halkan ku qoran (Liiska magacyada oo ah 27 waxaa lagala xiriiri karaa qoraaga emailkiisa hoos ku qoran).
haku waana qaato xadhiga iyo jeelka loo taxaabey cabdi xasan cawaale qaybdiid qab qable kastoo umadda somaliyeed u  laaya si bilaa sharci ah kuli waxaa idin wada sugaya ragaas xadhigaas iyo inaad kuligiinba ku waartaan xabsi halis naftiina ku keena hadii rag badan moodeen inla moog yahay ama la hilmaamey: ku quuso qudhaanjo. weysha gowrac dibigu haku quustee.
hadii nin kastoo umadda dhiba la soo taago maxkamad la hor keeno sharciga waxaa bad baadaya umadda inta hadhey hadaanse waxba laga qaban waxaa sii dhiman doona bulshadda inta ka hadhsan intey hore u laayeen ragaasu ama jeel u dhigeen.


by c/casiis

cabdicasiis1971@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida maqaalada waxaa leh qorayaasha ku saxiixan


Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2005

MUQDISHO: warar ku saabsan Xariga Cabdi Qaybdiid ka akhri halkan... GUJI...
.Imaamka C/llaalhi khaliif Rooble “xariga Cabd Qaybdiid wuxuu cirka ku shareerayaa dib u heshiisiinta .
.Shaqsiyaad Soomaali-yeed oo u ololeenaya sidii loo .
.imaan Xasan Jiirow “xariga Cabdi Qaybdiid Wuxuu dhabar jab ku ..
.Cabdi Qaybdiid oo gaashaanka ku dhiftay Eedeymihii loo soo j..

.Banaanbax looga soo horjeedo Xariga Cabdi Qaybdiid ..
.Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay oo ka hadashey..

.Safaarada Sweden ay ku leedahay Nairobi oo laga dalbadey.
Akhri Halkan......

Col. Cabdi Qeybdiid oo ay Gacanta ku Dhigeen Ciidamada Booliiska Sweden
Xalay habeenimadii waqti-dambe ayaa Booliiska Dalka Sweden waxay qabteen Cabdi-Qeybdiid iyagoo amar ka helay Xeer-ilaaliyaasha Caalamiga ee Magaalada Gothenberg. Qeybdiid ayaa booqasho ku joogay Sweden... Guji... Oct 17


Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD