SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

ALLA HOOYO, ALLA HOOYO HA IGA DHIMAN, ALLA!!!!! 

Bal magaca eeg. Waa Qaybdiid! Waa waxba kuuma ogoli! Waa anigaa wada raba, anigaa iska leh, anigaa ku xukuma, anigaa ku leh!. Waxaa argagax kugu ridaya cajalad laga soo duubay Dagaalkii Sokeeye ee lagu buunbuuninayey Mooryaantii kufsiga, dilka, dhaca iyo boobka ka soo bilowday Xamar ilaa Gedo iyo Kismaayo. Waxaa Mooryaantaa hogaaminayey Jenaraal Caydiid, waxaase inta badan hogaanka hoose hayey niman uu ka mid ahaa Korneyl Qaybdiid. Waxaa wax laga naxo ah sida marka ay shirarka isugu yimaadaan Odayaasha Beelahiisu ay cadaawada, afxumada iyo nacaybka u muujinayaan. 


Col. Qaybdiid

Waxaa sidii ummadda loo soo baabi’inayey lagu soo nastay Beerihii quruxda badnaa ee Dhoobeyda ku yaalay. Waxaa ay indhihii kala tageen Mooryaantii oo aan weligood arag dhir cagaaran iyo beero baaxadaas leh. Waxaa uu Jeneraal Caydiid Shir ku qabtay Beeraha dhexdoodii si uu Ganacsatada beeshiisa uga helo dhaqaale uu dagaalka ku sii wado. Wuxuu amray in martida lagu casumo Janna adduun iyo waxaysan weligoodba arag. Meeshii la filayey in babaay, canbe, tufaax, qare, canuuni, roman, moos, bagal iyo kable, raasow iyo xabuub kala nooc ah loo keeno ayaa waxaa la soo hordhigay suxuun ay afkaa ka mareyso ciid ama bacaad. Waxaana uu Jeneraalku amar ku bixiyey in la toogto cidii cuni weyda. Ganacsatadii sharafta lahayd ee ka dibiray dhiiga iyo dheecaanka masaakiinta ayaa hungurigii qalalay oo u qaatay in Jeneraalku waashay: “Jeneraale, yakhey ma halxiraalaa waxani!” ayay iyagoo tartaraya yiraahdeen. Janaraalkii baa isagoo gawsaha iyo bishimaha isla dhacaya yidhi: “ Walle qofkaan cunin isagaa la cunayaa!”. Arrinku farahuu ka baxay! Ganacsatadii baa falaxal codsaday oo bisinka u qabtay ciidii! Markey gacantii dhex maquuriyeen ee ay afkii ku sii wadaan ayaa firinbi ka dul yeedhay: Jooji!  

Waa sheekadii Wiilwaal mid la mid ah markii uu Wadaadadii imtixaanayeye, halkanaa laga soo guray alaab la sii diyaariyey oo dhareerku kaa qubanayo adigoon cuninba. Ganacsatadii baa hamuun darteed isku qaaday casiirkii, qudaartii, faakihadii iyo wixii Eebe ugu tala galay dadkii iska lahaa ee iyagu adoomada ka ah beerohoodii, kana shaqaynaya xafladan bilaa ajar la’aan. Waa dadyowga Jareerta, Banaadiriga, Biyamaalka iyo Tunida oo markaa iyaguba ay u arkayeen inay ku badbaadayaan iska sii jeedinta Mooryaanta haraadan maadaama aysan hubeysnayn. Hal cabaar ah markii ay si miir la’aan ah u cunayeen Shaydaan Barigii(Alla Bari), ayaa firinbi ka dul ciyey: Jooji! Jeneraalkii baa hadalkii qabsaday: “ Waxaan filayaa inaad garaneysaan sababta ay ciiddu hunguriga u dhaafi wayday iyo sababta uu macmacaankani idiinku siibtay. Anigu waxaan idiin wadaa inaad degtaan dhulkan indhaha iyo qalbiga u fiican oo aad yeelataan, kana soo guurtaan dhulkii qaraxa ahaa ee indhaha iyo qalbiga u darnaa. Waxaa idiin sheegayaa inaad keentaan wixii lacag ah ee aad haysaan si dagaalka loo wado oo cadowga na dilooday aanu wadanka uga tirtirno sidii Ajuuraankii”! Ganacsatadii baa markeliya ku wada qayliyey: “Illaah baanu ku dhaaranee, waxaad doontid na weydii! yuusan soo noqon cadawgani! Guuleyso! Mujaahid!”.  

Halkaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay khudbado saacado soconaney. Waxay Mooryaantii ka qaateen casharo iyo muxaadarooyin aysan weligood ilaaweyn. Waxaa ay Madaxyaweyntii iyo Ugaasyadii ay u sheegeen Mooryaantii in waxaan Beeshooda ahayn ay yihiin cadowgooda doonaya inay beerahan iyo nimcadan ka qaataan. Waxaa bilaabatay in la gumaado, la xasuuqo, la kufsado dadkii masaakiinta ahaa ee magaalooyinkaas deganaa iyo cidii kale ee laga awood roonaado. Waxaa loogu sheekeeyey inay yihiin Mujaahidiin la dagaalamaya Cadowga Ummada Soomaaliyeed, furihii Janadana uu qoorta u suran yahay. Waxaa beelihii aan hubeysnayn halkaas uga bilaabatay cadaabtoodii dunida. Waxaa barqo cad laga adimay masaajidadii lays lahaa waa lagu baxsanayaa, waase looga daba tegay oo lagu gumaaday, laguna kufsaday. Illaa manta aanu joogno ayay weli ka socotaa dhibaatadii dadka masaakiinta ah lagu hayey oo aysan jirin cid wax ka qabata. 

Akhristow markii wax walba la diirtay ayaa waxaa loo yimid Reer Banaadiri ah oo ay Mooryaantu ku dirqisay inuu ka iibsado Qori AK. Ah. Waxaa uu Maskiinkii is yidhi bal tijaabi in qorigani dhacayo iyo in kale. Waxaa uu isagoo gariiraya cirkaa u tuuray xabad qudha. Hal cabaar ah markii la joogay ayaa loo keenay meyd dhiigu ka da’ayo, waxaana loo sheegay inuu qorigii soo celiyo diyadii ninkana keeno. Soomaaligii Banaadiriga ahaa ayaa qayla ku dhuftay: “Yaakhey aniga qoriga kor aaba u ridee see wax u jiraan”. Waxaa lagu yidhi: “ Xabaddii aad kor u riday ninkan bay ku dhacday”. Banaadirigii baa isagoo ashahaadanaya yidhi: “ Ani waaba yaabee qabiilkaan ama beeshaan samadana ma joogaan!”. Waa kaa xoog badni iyo anigaa ku qabsaday oo aad ii shaqayneysaa!.  

Col. Cabdi Qeybdiid oo ay Gacanta ku Dhigeen Ciidamada Booliiska Sweden
Xalay habeenimadii waqti-dambe ayaa Booliiska Dalka Sweden waxay qabteen Cabdi-Qeybdiid iyagoo amar ka helay Xeer-ilaaliyaasha Caalamiga ee Magaalada Gothenberg. Qeybdiid ayaa booqasho ku joogay Sweden... Guji... Oct 17, 2004

Haddaba Mooryaantaas dhibaatooyinkaas iyo kuwa aan la soo koobi Karin masaakiinta u geysatay ayaa waxay ka amar qaadan jireenaa Korneel Qaybdiid iyo kuwii la midka ahaa. Cajaladan meel walba martay ee ay Beelaha Ummaddii xaalufiyey duubeen si ay isugu amaanaan ayaa waxay maanta ka dhacday meel walba oo dunda ah, waxaaba laga heli karaa oo lagu iibiyaa Maktabadaha. Qofkii fiirsadaaba isagoo aan is ogeyn ayuu wixii uu habaar yaqaano ku tuurayaa Mooryaanta aan arxanka lahayn. Waxaase Mooryaanta ka daran kuwii khudbooyinka beenta ah u akhriyey una sheegay inay yihiin dad jihaad kula jira cadow. Korneeladan oo wax ku soo bartay canshuurtii laga qaaday dadkan ay baabi’inayaan ee kufsanayaan ayaa waxaa maanta soo qabtay nabsigii ay ka galeen Ummadda Masaakiinta ah ee ay waagii horena xidhi jireen, dulmin jireen, markii danbena ayba xasuuqeen. Cajaladani waatii miirka ka qaaday Hooyada Waayeelka ah ee ilaa iyo haatan la taaheysa dhibkii uu Qaybdiid u geystay wiilashii 4-ta ahaa ee la baroomiyey. 

Akhristow Hooyo masaakiin ah oo waayeel ah oo degan carrigan Mareykanka ayaa wiilkeedii weyday jaan iyo cirib meel uu dhigay. Way ka quusatay oo iska sabirtay! Illaahow wax khayr qaba iigu bedel ayay tidhi markii ay weydey cid u sheegta raq iyo ruuxba. Hooyadii oo meeli go’day oo wiilkii ay ku tiir iyo tacaba beeshay aysan meelna ku ogeyn ayaa maalin soo booqatay guri lagu daawanayo Cajalad Baas oo halaag uu ka dhex socdo. Waa cajaladii ay USC-du ka duubtay jihaadkoodii ay ku eryanayeen cadowgoodii. Dadka cajalada daawanayaa afka isku dari maayaan oo intaa subxaanalaah!, bismillaah!, laailaaha ilalaah! Ayay ku hayaan dhibaatada meesha ka socota iyo hadalada foosha xun ee arxanka daran ee ay ku hadlayaan Odayaasha, Suldaanada iyo Hogaamiyayaasha Mooryaanta.  

Waxaa la soo gaaray dagaalkii ay kooxo Wadaada ahi dhufeys ka dhigteen Buundadii Araare si aan Kismaayo loogu gudbin. Waxaa dagaalkaa ay Mooryaantu ku qabteen 4-wiil, waxaana hogaaminayey Korneyl Qaybdiid. 4-tii Wiil ayaa layku xiray oo la istaajiyey banaan ah. Waxay ahaayeen wiilal da’yar oo ka ugu weyni uu jirey ilaa 22 jir. Waxaa ku jirey wiilkii ay Hooyadu weydey oo ay markaa ka aragtay cajalada isagoo gardaduub loo xirayo! Hooyadii baa laga waayey waxaan ka ahayn: “ Alla waa wiilkeygii, Alla waa wiilkeygii! Alla waa wiilkeygii! Alla waa isagii! Alla waa isagii!” Waxaa laga qabqabtay Telefishenkii iyadoo dooneysa inay dhunkato oo hab siiso, miirkeedii baa tegey oo waxay moodeysaa inuu hor taagan yahay! Deriskii oo dhan baa soo baxay maadaama Hooyadii ay miir doorsoontay markii uu Qaybdiid ku amray in la baroomiyo cadowga! BAB, BABA, BABAA, BABAAAAAA!  

Akhristoow wiilashii baa la bilbilay oo sidii maro dabeyli marba dhinac u wado uu jirkoodii uu u babaday! Wuxuu jirkoodu u kala kacayey sare, hoos, bidix iyo midig! Waxaad moodeysaa in inta lugaha la qabtay sidii laan loo lulay! Subxaanalaahiye dadkii meesha fadhiyey oo dhan baa mar keliya iska ilmeeyey oo cajaladii oo dhamaan halkaa lagu damiyey! Waxaa dadka badidiisii beerka iyo wadnaha gooyey Hooyadan wiilkeedii weydey ee haatan ka dhex aragtay cajalada isagoo la bilbilayo! Wiilashaasi waxay ka soo jeedeen guud ahaan Gobolada Boosaaso iyo Sool! 

Akhristow, haddaanu anagu xumaanta iska qaban weynay oo aanu isu gargaari weyney, waxa wanaagsana is fari weyney ogow inuu Eebe Weyne Caadil yahay. Hawshii aanu seegnay ayaa waxaa noo qabanaya dadyow iyagu aad u qadariya dhibaatooyinka loo geysto Bini’aadamka oo qof walba wixii uu geystay ka gudaya. Weli dhibaatadii waa jirtaa, dadka dhibka wadana waa joogaan oo weliba waa dhex dabaalanayaan. Cidina waxba kama qaban karto oo nin walba Beeshiisa ayaa la duuban. Laakiin Beelo aan nala dhaqan, diin iyo dadba ahayn ayaa Eebbe Weyne ka adeejin doonaa inta hadhay oo ilaa iyo maanta Ummadda Masaakiinta ah dhibka ku haya! Wallee Dagaal Oogow Aakhira war baa kuu jira Adduunkana ma baxsataan! Ama dad kalaa idin qaban ama aano ayaad u dhiman ama buufis iyo waalaad ku noolaan!! 

NINKII QEYRKIIS LOO XIIRAYOW ADNA SOO QOOYSO!!!

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18,2005

GABAYGII QUURSIGA...........


Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17



»CIR-MAAXIYAAL SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»
Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii hore  ee somaaliya & qab qab layaasha  maanta jooga | Jamal
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD