SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Doorashadii golaha wakiilada somaliland ,guusha mucaaradka ee aqlabiyada golaha iyo dareenka shacbiga


Aadan y. Qodax    

FAALLO: Aadan Yuusuf Qodax 
Email: qodax28@hotmail.com ama

HARGEYSA
Oct 8, 2005

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa



XISBIGA UDUB

Dahir Rayale (UDUB)

XISBIGA KULMIYE

A. Siilanyo (KULMIYE)

XISBIGA UCID

Faysal Cali (UCID)

29kii September 2005 ,waxay ahayd maalin shacbiga Somaliland siweyn ufaraxsanaayeen una dareereen doorashada xubnaha golaha wakiilada somaliland . waxay ahayd maalin shacbiga somaliland haysteen fursad ay kudoortaan cida ay u arkaan in ay katalinayso aayahooda iyo mustaqbalkooda.

Doorashadan oo dhacday iyadoo laga soo gudbay bil loolan adagi dhexmaray xisbiyada mucaaradka ee kulmiye iyo ucid iyo xisbiga talada haya ee udub oo loolan adag kugalay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka somaliland , taasoo aad moodaysay in axsaabta mucaaradku isbahayteen , tusaale ahaan markasta oo uu khudbad jeediyo mid kamida hogaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad mid mid waliba odhan jiray dadweynaw doorta oo codkiina siiya xisbiyada mucaaradka ah ee ucid iyo kulmiye si dalkiina waxloogu qabto , halka xisbiga talada hayaana uu intaa waday difaac , tusaale ahaan gudoomiye kuxigeenka xisbiga udub ahna madaxweyne kuxigeenka somaliland wuxuu socdaal tuulo ilaa tuulo ah kumaray gobolada somaliland isagoo meelkasta oo uu tago dadka khudbada uu ujeediyaa ahayd in dadku ay doortaan musharixiinta udub oo aanay dooranin mucaarad uu tilmaamay in aanay waxba uqabanayn .

Hadaba maxaa loolankaasi kudanbeeyay 29 september? markii loo dareeray doorashada waxaa markiiba soo ifbaxay guuldarada soo gaadhay xisbiga udub , halka guul lama filaana uusoohooyay xisbiga ucid oo hore loogu haystay xisbi aan awood badan lahayn.

Natiijooyinka hordhaca ah ee ay soosaareen komishanka dooroshooyinka somaliland ayaa muujinaya in axsaabta mucaaradka ahi hantiyeen aqlabiyada kuraasta wakiilada ee 82ka ah taas oo guul iyo rayn rayn u ah guud ahaan shacbiga somaliland .

waxaa akhristaw rumawday halhayskii dadweynaha ee ahaa sacabka utuma xisbiga udub codkiinana siiya KULMIYE iyo UCID , taas oo macneheedu tahay in xisbga UDUB sixoog leh u isticmaalay hantida umada balse inta laga cunay , codkiina lasiiyay cidii masiirka umadan katalinaysay oo ah baarlamaan mucaarad ah oo xalaal ah oo laxisaabtama xukuumada rayaale ee seetada goosatay taas oo ah riyo ay shacbiga somaliland kutaamayeen oo rumawday , waayo waxaa war war weyni kataagnaa in doorashada uu kushubto xisbiga UDUB , taasina inkastoo ay kadhacday gobolka Awdal hadana aqlabiyada goluhu waxay gacanta ugashay labada xisbi ee mucaaradka ah.

Natiijooyinka hordhaca ah ee soo baxay ayaa muujinaya in 65% ay mucaaradku kuguulaysteen doorashadii wakiilada ee kadhacday somaliland .

jamhuuriyada somaliland oo goleheeda wakiiladu in tii ay jirtayba ahaa gole hab beeleed lagusoo xulay ayaa ahaa mid markasta oo xukuumadu hawl fulinayso si dhibyar ufulinjray iyagoo eegaya dantooda gaar ahaaneed .

maxaa hadaba looga fadhiyaa baarlamaanka lasoo doortay ?

waxaa laga sugayaa in ay dib u eegaan oo ay sharciyeeyaana dhamaanba heshiisyadii xukuumadu lagashay shirkado shisheeye ee aan sharciga ahayn , waxaa sidoo kale looga fadhiyaa in madaxweynaha kukhasbaan in uu dhiso xukuumada tayo leh wadatana barnaamij hore loogu marinayo bulshada somaliland taas oo ah hawl hor taala wakiilada ay shacbigu soodoorteen oo ah kuwo tayo iyo aqoonba leh .

ugu danmbayntii waxaa faaladani amaan ujeedinaysaa shacbiga somaliland ee sida xorta ah golohooda wakiilada udoortay , waana talaabadii lagu dhamaystirayay hanaanka dimuquraqadiyada ee jamhuuriyada somaliland .

waxaan sidoo kale usoo jeedinayaa shacbiga iyo hogaamiyeyaasha somaliya in ay iska daayaan hirdanka colaadeed kuna daydaan talaabada somaliland oo kudayasho mudan , hana ogaadaan in aanay ahayn wakhtigii dagaalka wax lagu xalin lahaa basle ay tahay wakhtigii xisbiyada iyo habdimuquraadi ah xukunka lookala riixan lahaa .

 alaa mahad leh

w/d : aadan yuusuf qodax hargaysa  somaliland
Email: qodax28@yahoo.com

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2005


MUSTAQBALKA MADOW EE DHALINYARADA SOMALILAND WAXA MASUUL KA AH XUKUUMADA RIYAALE

WEERARKII WAKIILADU LA BEEGSADEY RIYAALE,DIFAACII XUKUUMADA, IYO RIYAAQA XISBIGA KULMIYE.

Madaxweyne Rayaale oo Kabadbaaday Maamuus kaxayuubin.

"Waxaa Lanoodiiday Khayriyada Boorama , xataa waxaa ladiiday in aanu gaadhi saarno mikirifoon". faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.

"Madaxweyne rayaale intii uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga UCID.

Madaxweyne Rayaale oo saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta xukuumada iyo xisbiga kulmiye.

Xisbiga Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu... Guji... Apr 7

Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD