SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

MUSTAQBALKA MADOW EE DHALINYARADA SOMALILAND WAXA MASUUL KA AH XUKUUMADA RIYAALE


Aadan y. Qodax    

FAALLADII: Aadan Yuusuf Qodax 
Email: qodax28@hotmail.com ama

HARGEYSA
July 11, 2005

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa


 

Shacbi weliba oo aduunka ku nooli waxa uu leeyahay qayb firfircoon oo marwalba ku fikirta sida ay hore umariylahaayeen naftooda ta qoyskooda iyo ta dalkoodaba, Qaybtaasina waa dhalinyarada ay bulsho walba leedahay. marka hadaba la eego dhalinyarada somaliland ayaa maanta ku sugan xaalad uu qofka kasta oo somaliland ku nooli ka warhayo, taas oo ah mid xaataa mararka qaarkood dhalinyaradu ku odhanayaan inanka ama inanta dhalinyarada ee maanta jooga somaliland waxa xataa mustaqbal dhaama kakunool muqdisho oo marka lagayimado nabadgalyo xumada haysata aan waxbadan kawarwarin mustaqbalkiisa .

Basle marka aad eegto dhalinyarada somaliland iyo shaqo la,aanta haysata waxaad dareemaysaa in uu kusuganyahay xaalad ay muuqato in aanay jirin cid waxkaqabanaysa . Xukuumada hada katalisa somaliland waxay sibuuxda ugu guuldaraysatay in ay waxkaqabato shaqo l,aanta iyo waxbarasho la,aanta haysata dadkii dalkan bari hogaamin lahaa.

Waxaynu dhamaanteen kawarqabnaa miisaaniyada dawlada kaga baxda waxyaabo ay kamid yihiin taageero uraadinta xisbiga UDUB oo horeba codkii lasiiyay laqoomamaynayo , halka hadii ay miisaaniyada kubixiyaan waxyaabo ay kamid yihiin horumarinta jaamacadaha dalka ,ardaydana laga dhimi lahaa feega aanay qaadikarayn ee jaamacadaha dalka si ay usuurogasho in ardayda maqaaxiyaha fadhida ay waxbarashadooda usiiwataan taasoo xisbiga talada hayaana kuhelilaha taageerada uuraadinayo ee aanay sikale kuhelayn .

Kumanaan dhalinyaro ah oo aan shaqo hayn islamarkaana awoodi waayay in ay bixiyaan feega qaaliga ah ee jaamacadaha dalka ayaa aroorwalba ukalaha si ay siyaasada ugagasheekeeya an maqaaxiyaha kuna cabaan shaaha uu midiba midka uu wax kudhaamo ushubayo, taasoo keentay in ay dhalinyaradu mawqif iskumid ah kaqaataan in cida mustaqbalkooda madoobaysay tahay madaxweynihii markii ladooranayay kubalanqaaday shaqooyin iyo waxbarasho sare oo dadkan iyo dalkani helayaan, taasoo aan iswaydiiyo maanta muxuu xisbiga udub lashir imanaya oo uu codkudoonayaa kolhadii codkii hore ee lasiiyayba noqday halbacaad lagulisay. Hadaba dhalinyarada somaliland maanta waxay haysataa fursad ay codkooda kusiiyaan cid mustaqbalkooda calaamad su,aashu saarantahay ku iftiimisa , taasoo macneheedu tahay in aan codkaagu markale siimadoobayn mustaqbalkaaga oo aan lagugu dagin balanqaad aynu ognahay kii horeba halka uu kudanbeeeyay .

Ogaw ninka dhalinyarada ahaw in mustaqbalkaagu rajo leeyahay oo kaliya haddii golaha baarlamaanku ubato xisbiyada mucaaradka ah ,waayo iyaga ayaa ah kuwa xukuumada kukhasbaaya in ay dajiso barnaamij hore loogu marinayo mustaqbalka dhalinyarada . waxaad akhristaw ogtahay tirada dhalinyarada ah ee tahriibtay ee kudhimatay bada , waxaad sidoo kale ogtahay kumanaanka iswaydiinaya goorma ayuu isbadal imandoonaa ogawse in wali isbadalku maanta gacantaada kujiro oo aad haysato fursad aad isbadal ku keeni karto .

Guntii iyo gabo gabadii maxaa xal ah? waxaan su,aashan ubandhigay dhalinyaro badan oo reer hargaysa ah , waxaanay dhamaantood isku raaceen in loobaahanyahay isbadal maamul oo kadhaca dalka taasina ay ku imanayso in cokda lasiiyo xisbiyada mucaaradka ah ee UCID IYO KULMIYE .

W/Q: - Aadan Yuusf Qodax
Email: qodax28@hotmail.com 
HARGEYSA SOMALILAND
LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2005


"Waxaa Lanoodiiday Khayriyada Boorama , xataa waxaa ladiiday in aanu gaadhi saarno mikirifoon". faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.

"Madaxweyne rayaale intii uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga UCID.

Madaxweyne Rayaale oo saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta xukuumada iyo xisbiga kulmiye.

Xisbiga Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu... Guji... Apr 7

Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD