SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

"Madaxweyne rayaale intii uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga UCID.


Aadan y. Qodax    

Warbixin: Aadan Yuusuf Qodax 
Email: qodax28@hotmail.com ama

April 17, 2005

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa


Xisbiga siyaasiga ah ee UCID ayaa war-war kamuujiyay xaalada guud ahaan somaliland marayso wakhtigan waxaana uu sidaas xisbigu kusheegay shir jaraaid oo uu qabtay afhayenka xisbiga UCID eng. naasir cali isagoo kawaramya socdaal 10 maalmood qaatay oo xisbigoodu kusoomaray gobalada saaxil,togdheer.sanaag iyo sool waxaanu sheegay in xaalada guud ee goboladaasi ay tahay mid liidata oo gaajadii iyo saboolnimadiiba baahday , xaalada nabadalyo ee gobolada bari ayuu kutilmaamay afhayeenku mid kufadhida is afgarasho dhexmartay beelaha wada dagan oo aan sal adag lahayn xisbiga UCID oo warbixin dhinacwalba leh oo dheerayd kadib waxaa uu soojeediyay aragtida xisbigooda ee guud ahaan xaalada dalka oo uqornayd sidan:

" waxaa xaqiiqo noqotay in laba sanno kabacdi markii loo doortay madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa hogaanka dalka bishii abril 2003 awoodna loosiiyay in uu dhiso dawlada qaran oo kooban oo tayo leh kana xor ah beelnimo in uu iska dhaga tiray magacaabayna dawlada kakooban 47 xubnood oo waxay kuslaysantahay aanay jirin islamarkaana waxaa uu xukunkii kusoo ururiyay koox yar oo badankoodu hore uqaban maamul heer qaran khibradna aan lahayn kooxdaasi waxay awoodii iskugu keeneen in ay go,doomiyaan madaxweyanaha yagoo kafogeeyay dareenka shacbiga iyo xaqiiqda dalka kajirta kooxdaasi waxay madaxweynaha tustay in xisbiyada mucaaridka ahi aanay dalka wax talo ah kulahayn ayna yihiin cadaw kujahaysan isaga. maamulka madaxweyne rayaale in tii uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay uu daciifay dhaqaalihiina xaalufay , musuqmaasuqiina baahay dakadii berbarina ay soo xidhmayso ,shirkadihii wadaniga ahaana ay kaceen sida shirkadaha diyaaradaha iyo dhismaha , waxkadhaca mooyee waxna kumaysookordhin dalka , waxaa kale oo soo yaraatay sumcadii sharaftii iyo haybadii aan kuhanan lahayn aqoonsiga caalamiga ah tiiyoo uu maamulka rayaale dhaawacay magaca somaliland kulahayd dhawrista xuquuqda bani aadamka iyo dimuquraadiyada islamarkaana uu dhantaalay hanashada iyo sugida xuduudaha somaliland.

intaas waxaa kasii daran intii uu xilka hayay in uu soo fayday soona baneeyay degmada laascaanood sababtayna in maleeshiyada puntland si hawlyar ay kuqabsato , waxaa kale oo dhacday in nidaamkii iyo kala danbayntii dawladnimo ay dabacday oo cidina cid ka amarqaadan maxkamadihiina ay noqdeen goob xaraash .

waxaa kale oo beryahan danbe soo ifbaxday in wasiiradii madaxweyne rayaale ay nabadgalyadii dalka khal khal galinayaan iyagoo isticmaalaya cago juglayn iyo awood sheegasho sidii arintii foosha xumayd ee lagula kacay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee hargaysa iyo maalintii xisbiga UCID kahadlaayay burco dhaqan xumidan oo astaan u ah maamulada fashilmay .

waxaa uu xisbiga ucid ugu baaqayaa madaxweyne rayaale in uu raali galin ( apologise) degdeg ah kabixiyo falakan falalkan islamarkaana uu talaabo sharci ah kaqaado cidii kamasuulka ahayd . hadaba dhacdooyinkan iyo qaarkale oo badan waxay kutusayaan in maamulkani jiritaanka iyo nabadgalyada somaliland aanu danaynayn islma rkaana uu meel kaga dhacaayo karaamada shacbiga somaliland ee usoo halgamay dalkooda si ay ugaadhaan horumar iyo cadaalad , hadaanu nahay xisbiga UCID waxaanu kaxunahay in madaxweyne rayaale uu cadaystay in uu umada usheego balanqaadyo aanu fulin sida wafdigii wasiirada ahaa ee kaimanaayay DJIBOUTI ,iyo xafiiskii jibouti ee ay kafuranayeen hargaysa darajadii ciidamada , idaacadii iyo TV gii weynaa , weftigii AUda ee xaqiiqo raadiska ahaa iyo waftigii konfur africa, waxaa kale oo xisbiga UCID ogaaday in madaxweyne rayaale xafiiskiisa fadhiisto sadex maalmood oo kaliya todobaadkii taas oo keentay in wasiiradiisa intooda badani kudaydeen oo aanay kasoo xaadirin xafiiskooda wax hawl ahna aanay umada uqaban ugu danbayntii waxaa madaxweyne rayaale maamulkii dalka kusoo ururiyay magaalo madaxda dalka ee hargaysa ".

soojeedin:

waxaa xisbiga ucid ugubaaqayaa madaxweyne rayaale in uu shacbiga usameeyo dawlada kasoobaxda waajibaadka qaran ee loo igmaday,islamarkaan uu fuliyo balamihii badnaa ee uu shacbiga uqaaday , waxaa aanu madaxweynaha uga digaynaa in hadii aanu waxkabadalin hab dhaqankiisa in dalku galidoono mugdi iyo qalaaase uu isagu masuul kanoqondoono .

waxaanu ogaysiinaynaa madaxweynaha in shacbiga somaliland iyo xisbiyada qaranku ay qanac kataagan yihiin , dulqaadkiina kayaaranayo , loona dulqaadanayn intaa waxkabadan in ladaawado dalkii oo siidumaya . waxaa xisbiga ucid u muuqadatay in awoodii loo igmaday madaxweyne rayaale ay gacmo kale laweheliyaan aanu una madaxbanaanayn go,aamadiisa , waxaa xisbiga ucid sixoogle ucanbaaraynayaa caga juglaynta iyo cabudhinta ay lasoo baxday xukuumadu laguna tirtiraayo xuquuqdii muwaadinka laguna jabinaayo dastuurka ,waxaana udanbaysay dhacdadii loogu diiday dhalinyartii mujaahidiinta in ay shir kuqabsadaan huteelka mingsing . ugu danbayntii waxaa xisbiga ucid kuboorinayaa shacbiga somaliland in ay ilaashadaan midnimadooda iyo nabadgalyadooda"

warbixin: Aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland
Email: qodax28@hotmail.com ama 
Email:

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: Somalitalk.com | April 17, 2005

Xisbiga Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu... Guji... Apr 7

Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD