SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?


Aadan y. Qodax    

Fallo: Aadan Yuusuf Qodax 
Email:

Maarso 11, 2005

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa


Marka laga hadlaayo xukuumad iyo shacbigeeda waxaa jira xaq dastuuri ah oo midiba midka kale kuleeyahay ,tusaale ahaan xukuumadu waxay xaq uguleedahay shacbigeeda waajibna ku ah in ay bixiyaan cashuuraha ,una hogaansamaan awaamiirta kasoobaxda xukuumada ,waxaa sidoo kale jira waajibaad balaadhan oo shacbigu kuleeyihiin xukuumadooda oo ay tahay in xukuumadu sideeda ugudato ugana soobaxdo waxaana kamid ah in shacbigu helaan caafimaad ,waxbarasho ilaa heer jaamacaqdeed ah ,shaqooyin, cadaalad ,biyo nadiifa ,nabedgalyo buuxda , i.w.m.

Hadaba su'aasha taagani waxay tahay midiba midka kale waa xukuumada iyo shacbiga Somaliland eh maka helay wixii uu waajibka ugulahaa ? , waxaa hadaba jirta in shacbigu sidiisaba uhogaan sanyahay awaamiirta dawlada islamarkaana ay bixiyaan wixii waajib ah sida cashuuraha , iyadoo habayataatee aadan arkaynin qof shicib ah oo ay xukuumada iskuhaystaan cashuur bixi ,ama hadaan sikale u iraahdo sameeya amar diido oo kahoryimaada xukuumadiisa.

Dhinaca kale hadaynu eegno waajibaadka xukuumadu kuleedahay shacbiga waxaa kabalaadhan ka ay shacbigu ku leeyihiin xukuumada oo aynu kor kusoo sheegnay balse aan jecelahay in aynu mid mid usooqaadano si aynu sifiican ugu fahano bal in dadawaynaha Somaliland dhab ahaantii helaan waxaa ay xaqa ugu leeyihiin xukuumada.

(1) Caafimaadka :-

Adeega caafimaadku waa qodob dastuuri ah oo muwaadin kastaa xaq uguleeyahay in uu kahelo xukuumadiisa . isbitaalka ugu weyni Somaliland waxaa uu kuyaalaa Hargaysa wuxuuna ujiraa madaxtooyada Somaliland ilaa 200 oo talaabo ,xaalada uu kusugan yahay isbitalkuna waa mid runtii qofkasta oo damiir lihi ka argagaxayo , marka laga bilaabo qolka gargaarka dagdaga ah (emergency room) ilaa waadhka qofka bukaanka ah lajiifiyo ,waxaad arkaysaa sida axmaqnimada leh ee dhakhaatiirka iyo kalkaaliyaasha caafimaadka ee isbitaalka kashaqaysaa uwaydiinayaan lacag laaluush ah isla marka qofka lakeeno hadaanad bixinina aan waxba loogu qabanayn qofkii sakaraadka ahaa ,marka aan xaqiiqada laiska in dhatirayna waa waajib saraaran xukuumada Somaliland in ay kafaalo qaado caafimaadka muwaadinkasta , marka hadaba uu sidaas yahay isbitaalkii ugu waynaa ee dalku ee kuyaalay caasimadu sideebuu noqonayaa xaalka adeega caafimaad ee degmooyinka iyo tuulooyinka fog fog, waxaad hadaba ku arkaysaa tuulooyinka qaarkood oo aan maray mar aan safar kutgay magaalada ceerigaabo ee gobolka sanaag MCHyo ama xanaanada hooyada iyo dhallaanka kuwaas oo ay hirgaliyeen haayadaha caalamiga ah ee wadanka jooga , hase ahaatee kuwaasi maaha kuwo waxbadan kaqabankara baahiyaha caafimaad ee deegaamadaas kajira ,waxaana siweyn lootabayaa kaalintii xukuumada oo aan habayaraatee jirin.

(2) Waxbarashada :-

Waxaa waxbarashada Somaliland lagasoobilaabay meel hoose , kadib dagaaladii kadhacay wadanka . bilawgii waxbarasha Somaliland ee sanadkii 1991kii ilaa maanta waxaa lagaran karaa horumarka wanaagsan ee runtii lasameeyay ,cidase halkaa soogaadhsiisay waxbarasha ayaa ah haayado caalami ah iyo macalimiintii sida mutadawacnimada leh uga hawl galay in waxbarashada meel hoose lagasoo bilaabo .

Hadaba kaalinta ugabanaan xukuumada yaa ah in macalinku helo mushahar kufilan ardaygana aan wax lacag ama fee ah aan laga qaadin sida uu dhigayo dastuurka Somaliland ,waxaa maanta macalinka Somaliland mushahar uqaataa $40_50 , maana aha mushahar sinaba ugu filan macalinka marka la eego xaalada dhaqaale xumo ee wadanka kajirta ,waxay taasi keentay in macalimiintu ushaqaynwaayaan si hagar la,aan ah oo waxay macalimiintu kudoodayaan in intii dawladnimada lahelaayay wadankuna kujiray dagaalada sokeeye ay iyagu kusoowadeen mutadawacnimo ,balse hada ay tahay in xukuumadu uqorto mushahar kufilan .

Waxay taasi keentay in macalimiintu kusoorogeen ardayda lacag ama fee aanay bixin Karin qoysaska maantu oo laga warhayo xaaladooda dhaqaale . Dhinaca kale waxaad arkaysaa sida arkaydii dhamaysatay dugsiyada sare ee dalku ay u awoodi waayeen in ay galaan jaamacadaha laga aas aasay dalka sida jaamacada AMOUD & jaamacaad HARGAYSA,iyadoo aad arkayso sida ardaydaasi 95% ay ufadhiyaan maqaaxiyaha ,iyadoo markaad waydiiso maxaad ugaliwayday jaamacada ay ardaydu kuugu jawaabayaan mabixinkarni feega jaamacada oo semistarkii yahay $150-200 (qaybaha kaladuwan ee jaamacada), waxaanay tani niyad jab weyn ku abuurtay arday badan oo siiwadan lahayd waxbarshadooda.

(3) Shaqooyinka:-

Cisbitaalkii u Horeeyay ee Dhimirka oo Boorama laga Furay


Waxaa qiyaaso dhawaan lasameeyay tilmaamayaan in dadka Somaliland 15% ay subixii udareeraan shaqooyin ,shaqooyinkaas oo ubadan dhismaha .shaqo la,aanta oo ah dhibaatada koowaad ee maanta dalka haysata waxay dadbadan kadhigtay sidii wax waalan ,iyadoo dhakhaatiirka xaga dhimidhku ama waalidu in waalida kusiibadanaysa bulshada ay kow katahay shaqo la,aatu. Xukuumada imika katalisa Somaliland ee uu madaxweynaha kayahay daahir rayaale kaahin , waxay laba sanno kahor balan kuqaaday in ay abuuri doonto shaqooyin wakhtigaas oo ahaa wakhtigii ololaha doorashada madaxtinimadu kasocday Somaliland , hase ahaatee waxay taasi noqotay mid gabi ahaanba lagu guul daraystay .

Waxaa sixad dhaafa ugu soo badanaya suuqyada boqolaal dhalinyaro ah oo bilaa camal ah , tani oo keentay in dhallinyaradu isugu yimaadaan maqaaxiyaha siweyna uhadal hayaan siyaasada taas oo ay kukaliftay shaqo la,aantu.

Shaqo la,aanta oo aan waxlaga qaban waxay keeni kartaa in shacbiga iyo xukuumadu isku dhacaan taas oo ubaahan in xal laga gaadho lagana fikiro sidii loo abuurio lahaa fursado shaqo.

(4) Cadaalada :-

Iskuqabsiga dhulka oo ah dhibaato maanta khatarteeda leh oo badi kataagan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland mararbadana sababay dhimasho iyo dhawac ,ayaa labadii sanno ee udanbeeyay gaadhay meel aad uxaasaasi ah ,iyadoo dhibaatadaas siibadanaysa ee dhinaca dhulka ay dadweynuhu eedeeda saaraan cadaalad darada karaagan maxkamadaha iyo dawladaha hoose ee Somaliland ,taas oo macneheedu tahay in markii lawaayay garsoor cadaalad ah in ay bateen tirade dadka sida baadilka ah ugu qabsada dadka kale hantidooda iyagoo maanka kuhaya oo og in aanu jirin garsoor si cadaalad ah runta ugu sheegaya.

Waxyaabaha layaabka leh ee aad ku arkayso Hargaysa waxaa kamid ah baloodh dhul ah oo oo leh laba sharci oo iskumid ah iskumeelna kasoobaxay oo iskumasuul kusaxeexanyahay oo lakala siiyay laba qof oo dhul iskuhaysta , taas oo ay adagtahay in ay kalabaxaan kol hadii labada dhinacba haystaan sharci uu dhulkaasi leeyahay .

Waxaa hubaal ah in hadii mas uuliyiinta dawladaha hoose iyo maxkamaduhu daacad ahaan lahaayeen sharcigana ilaalin lahaayeen in ay aad uyaraan lahayd in la arko dhul laisku haysto .

Sikastaba ha ahaatee inagoo maanka kuhayna dhibaatooyinkaas bulshada kahaysta waxyaabahaas aynu soo sheegnay sida caafimaadka ,waxbarashada ,cadaalada, shaqola'aanta, iwm, ayeynu kajawaabi karnaa su,aasha ah ‘maxaa sababay in kalsoonidii shacbigu kuqabeen xukuumada madaxweyne rayaale burburto’ , hadaba marka akhriste bulshadu waydo caafimaad, waxbarasho tayo leh, cadaalad, shaqooyin, iwm miyaanay cida eeda lihi noqonaynin xukuumada shacbiga talada uhaysa oo ay tahay in ay dib isugu noqoto waxna kabadasho nidaamadooda ee ay bulshada uhayso .

Dhinaca kale waxaa xusid mudan oo aad waxbadan ka ogaanaysaa maamul xumada kajirta Somaliland ,markaad akhrido bogaga fariimaha akhristaha ee wargaysyada kasoobaxa Hargaysa , waxaad maalinba maalinta kadanbaysa ku arkaysaa wargaysyada cabashada xad dhaafka ah ee dadweynu kacabanayaan dhibaatooyinka kahaysta arimaha bulshada .

Waxaad sidoo kale ku arkaysaa saxaafada masuu liyiin katirsan xukuumada iyo xisbiga talada haya ee udub oo sikulul udhaliilaya xukuumada ay katirsanyihiin , aan tusaale usoo qaato wasiir kuxigeenka wasaarada macdanta iyo biyaha somaliland Yuusuf Ciise Ducaale talaabo oo sikulul udhaliilay xukuumada uu katirsanyahay isagoo waraysi siiyay Somaliland T.V ,wuxuu sheegay in xukuumada uu katirsanyahay aanay ahayn mid tayo leh oo umada waxuqabankarta hadiibuu yiri la iga yeelayana waxaan kutalin lahaa in aynu iscasilno oo meesha ubanayno cid umada wax uqabankarta .

Xukumada Riyaale Daacad ma ka tahay in la qabto Doorshada Baarlamaanka... Guji...

Hadaba cabashada dadweynaha Somaliland ee siibadanaysaa waxay keeni kartaa guul darana ku tahay xisbiga talada haya ee UDUB , iyadoo waliba ay soo dhawdahay doorashadii golaha wakiiladu ee ay kutartamidoonaan sadexda xisbi qaran ee KULMIYE ,UCID.iyo UDUB.

Guntii iyo gaba gabadii faaladaydani waxay kula talinaysaa xukuumada talada haysa ee madaxweye rayaale in ay wax kaqabato cabashada dadweynaha ee arimaha bulshada si xisbiga talada hayaana uga badbaado guul daro kaga timaada doorashada golaha wakiilada ee fooda inagu soo haysa .

Falladii: Aadan Yuusuf Qodax 
Email:

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: Somalitalk.com | March 11, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD