SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Maxaa Hortaagan in idaacado madax banaan la keeno somaliland.


Aadan y. Qodax    

Qormadii: Aadan Yuusuf Qodax 
Email: qodax28@hotmail.com

Feb 10, 2005

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa


 
  
      Aan ku bilaabo maqaalkaygan hadalkii wasiirka dawlada ingiriiska u qaabilsan iskaashiga afrika Chris Morin markii uu qudbada ujeedinayey labada aqal ee baarlamaanka somaliland isagoo booqasho ku yimid somaliland sanadkii tagay dabaayaaqadiisii waxaanu yidhi(dimoqaraadiyadu maaha xisbiyo la samaysto balse waa in dalka aad u ogalaataan idaacado xor ah oo madaxbanaan), su aashu waxay tahay yaa hortaagan in la keeno  somaliland idaacado  madaxbanaan?jawaabtu waxay tahay in dawlada hada jirtaa ay tahay tan hortaagan in wadanka la keeno idaacado madaxbanaan iyadoo in badan ay soo codsadeen in loo ogolaado dad muwaadiniin ah inay keenaan idaacado madaxbanaan. Aynu is weydiino sababta  uu Rayaale iyo xukuumadiisu udiidan tahay in lafuro idaacado madaxbanaan? waxa hadaba iska cad  ee ay dawladu udiidan tahay waa arin xusbi gaara waxaana laga fekarayaa inay adeegsadaan xisbiyada mucaaradku sida ay udeegsadaan wargeysayada madaxa banaan waqtiga ololaha ama marka ay xisbiyadu dhaliilayaan dawlada,ee ay shacbiga usoo bandhigayaan dhaliisha xukuumada.

    Waxa iyana aad looga xumaado ah in radio hargeisa oo ah idaacada kaliya ee taala somaliland inkastoo badi aan laga dhagaysan wadanka hadana ay mamnuuc ka tahay in haba yaratee siidayso waraka ku saabsan xisbiyada mucaaradka waxa qofkasta oo dhagaysta radio hargeisa ka markhaatiya sida ay idaacadu ugu celceliso haddii iska daa cid kalee  urur dhallin yaro oo udub ahi ay xaflad qabsadaan,halka aanay siidaynayn haba yaraatee idaacadu iyadoo hadal haysa ama warka kusoo darta hadii xataa gudoomiyayaasha mucaarada ka ahi ay qabtaan shiraar jaraaid inkastoo ay iyagu marti     qaadaan radio hargeisa,waxa wax lala yaabo ah oo aad radio hargeysa aad kamqlaysa sida axmaqnimada leh ee ay ugu jawaabto marka xisbi  mucaarad ahi dawlada dhaliil usoo jeediyo,dhaliishaas oo ah astaanta dimoqraadiyada lagu yaqaano dadka horo maray,waxa ay ahayd in ay idaacadu siidayso wararka labada dhinacba ah(mucaaradka iyo dawladaba), hadaba halkee ama wadankee ayey ka dhacdaa cabudhinta noocan ahi ee la cabudhinayo xisbiyada mucaaraka oo iyagu haysta taageerada dadka 75%,somaliland wadamada ay sheekato inay sidooda dimqraadiyad ugu dayato waxaa kamida wadanka maraykanka . imisa idaacadood, television, wargeys oo madax banaan ayaa ka furan dalkaas?

    Dib u milicso markii ay socotay olalihii doorashada maraykanka ee john kerry iyo pr bush sidii idaacadaha iyo televisionada dalkaas ha ahaadaan kuwa dawlada iyo kuwa madaxbaane ay si isku  mida iyo waqti isku mida usiinayeen olalihi labada musharax ee ay dadka ugu baahinayeen taasoo tusaale cad u ah dimoqraadiyada dhabta ah oo ay tahay inay dawladu ku dayato,waxa kale oo xusid mudan inuu wadan kasta oo dunida marka laga reebo wadamada ay ka jiraan dawladaha kaliyetaliska ah ay ka jiraan warbaahin madax banaan gaar ahaan idacado.

 Aynu is weydiino faaiiido intee leeg ayey shacbiga uleeyihiin in loo fasaxo idaacado xor ah?,waa suaal qof kastoo maskax furani kajawaabi karo,in shacbigu helo idaacado madaxbaan oo baahiya fikradahooga, waayo imika dadku si cad ugama sheegi karaan idaacada dawlada waayo waxay baahisaa warar ugaar ah dawlada iyo danaheega gaar ah,dadku waxay uyaqaanaan  radio hargeysa (radio udub).

 Waxyaabaha shacbiga ubaahi karaan hadii loo fasaxo idaacadaha waxa kamida:

1.inay baahiso rayiga dadweynuhu ka qabaan kolba waxa ay tabanayaan sida waxbarashada ,caafimaadka, biyaha, i.w.m.

2.inay kala socdaan wararka gudaha oo dhinac walba leh sida wararka  mucaaradka iyo dawlada .

3.inay gashadaan xayeysiisayada meheradahoooga iyo ganacsigooda.

  Hadaba iyadoo ay jiraan baahida intaa leeg ee shacbigu uqabaan inay helaan war baahin xor ah oo ufulisa waxaas oo hawl ah miyaanay ahayn inay dawladu ufasaxdo muwaadiniinta doonayaan inay wadanka keenaan warbaahin xor ah oo tayo leh.

 Guntii iyo gunaanadkii maqaalkaygan waxaan usoo jeedin laahaa muwadiniinta jooga gudaha iyo dibadaba inaanay ka qancin oo ay xukuumada  ku qanciyaan inay shuruud la aan ku ogolaato warbahinta xorta ah si loo dhabeeyo dimoqraadiyada aynu afka ka sheeganayno, xukuumada talada haysaana aanay cabudhin doonista shacbiga iyo rabitaanka umada.

                  alaa mahad leh

qormadii: Aadan Yuusuf Qodax
hargeisa, somaliland.
qodax28@hotmail.com

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Feb 10, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD