SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
QUUDHSI - DIID

GABAYGII QUUDHSI DIID 

Gabaygan waxaa tiriyey halyeyga caanka ka noqday Soomaaliya oo dhan ee ay Abwaanadu magaciisa kusoo daraan maansadooda marka ay ka sheekeynayaan dulmi diinimo iyo hanweynaan. Wuxuu kaloo Abwaanku caan ku yahay inkastoo aan maanta la sheegin oo si kale loo fasiro maahmaahda ay Soomaalidu wada taqaan ee ah: “Ayax teg Eelna reeb”. Abwaanku wuxuu ka tegey gabayo iyo suugaan badan oo aan maanta la hayn lana qariyey ama la min guuriyey. Waxaa inta badan la neceb yahay in la soo faago ama dibada la keeno Suugaantii Ayax dhowre iyadoo laga baqayo in ay soo baxaan ceebo fara badan. Ayax, Allaha u naxariistee, wuxuu ahaan jirey nin aan gaban oo aad u necbaa isku xadgudubka. Wuxuu ahaa nin aad u han weynaa oo ka dhashay qowmiyadaha laga tira badnaa ee ku noolaa Agagaarka Mudug. Wuxuu yaqaanay xuquuqdiisa, wuxuuna wax walba ka hormarin jirey inuu ilaasho sharftiisa iyo reerihiisa. Sababta uu gabaygan caan baxay u tiriyeyna waxay ahay Godob uu ka sheeganeyey Reer ay oodwadaag ahaayeen oo ku xad gudbay. Qisadiina waxay u dhacday sidan: 

Ayax Mohamed Dhowre Dagaal oo ka dhashay qowmiyada Yibraha ayaa wuxuu la degi jirey oo ay isku quud iyo qaaraanba ahaayeen Jilib hoose oo ka tirsan Cumar Maxamuudka Majeerteen oo la yiraahdo Reer Hassan Samatar.  Labada Reerba xoolahoodu isku meel bay daaqi jireen, isku ceelna way ka cabi jireen oo waxay ahaayeen Reero isla duula oo ceeshoo milix ah. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhulkoo Eebe barwaaqo ka muujirey ayaa waxaa labada Reer oo lo’doodii isku jirto soo arooriyey wiil la oran jirey Cali Gaas oo uu Ayax Dhowre adeer u ahaa. Lo’ biyo aragtay lama celin karee, iyadoo qamaam ah ayay marba wiilkii yaraa dhinac u dhaaftay. Wuxuu ku dhibaatooday celcelinteedii markaasuu markii danbe ul ku halgaaday. Waxay ushii ku dhacday oo ay lug baabahda ka dhigtay sac uu lahaa Yusuf Seed oo ahaa Reer Hassan Samatar. Reer Dagaal ayaa sacii qashay maadaama uu tabcaamay oo aan la kabi Karin.  

Yusuf Seed wuxuu qaan u sheegtay Reer Dagaal kuna dacwooday inay usoo magdhabaan saciisii uu wiiku ka jabiyey reer Dagaalna ay qasheen. Reerihii uu ka dhashay Yusuf seed ee ahaa Reer Samatar Khalaf ayaa u soo jeediyey Yusuf Seed in uu iska samro maamaada waxa dhibkaa geystay ay yihiin Reer Dagaal gaar ahaan Reer Mohamed Dhowre oo ay Bahwadaag yihiin, ha yeeshee Yusuf waa samri waayey. Ayax ayaa Arrintii la yaabay wuxuuna goostay inuu sacii bixiyo laakiin Niman Reer Cigaal ah oo ka mid ah Reer Samatar Khalaf-ka ayay arrintii la xumaatay markaasey 10 adhi ah siiyeen Yusuf una sheegeen inuusan wax danbe u qabsan una raadsan Reer Dagaal.  

Maalmo ka dib ayaa waxaa Magaalada Gaalkacayo safar u aaday wiilkii uu Ayax adeerka u ahaa ee Cali Gaas waxaana arkay Yusuf Seed oo ahaa ninkii saca lahaa. Wuxuu dacweeyey wiilkii una sheegay Odayaasha in wiilkan laga siiyo saciisii uu ka jebiyey. Wiilkii yaraa ayaa u sheegay Odayaashii in Yusuf Seed la siiyey 10 ari ah oo uusan ku lahayn wax mag ah. Yusuf Seed wuu inkiray arrintii, waxaana lagu go’aamiyey inuu Cali Gaas dhaarto. Dhaartii ka dib ayaa Yusuf Seed waxaa loo xukumay 10 adhi ah oo kale oo laga rabo inay bixiyaan Reer Dagaal. Ayax ayaa arrintii maqlay oo aad uga xumaaday. 

Muddo yar ka dib markii ay dhacday dhacdadaas hore ayaa waxaa ay 2 dumar ahi oo uu midi qabo Mohamed Xaaji Cali Barre midna uu qabo Carre caws gurasho u doonteen banaanka ka baxsan deegaanka. Labadii dumar ahaa ayaa waxay soo heleen Rati buubaal ah oo baadi ah oo duurkaas iska wareegaaya oo baxsad ahaa. Waagaas oo ahayd waagii Gumeystuhu uu dhulka kala boobayey ee soohdimaha la jeexayey ayaa waxaa jirey xeer ahaa in Xoolihii reeraha kale gala aan dib loo celin oo xoolahaasi baadi ma ahayn. Labadii gabdhood ayaa awrkii soo kaxeeyey waxayna kusoo beegmeen gurigii Ayax Dhowre oo markaa ugu kooneeyey guryaha. Waxay gurigii ka cabeen caano iyo biyo maadaama ay soo daaleen awrkiina xeradii Ayax bay uga tageen.  

Ayax awrkii wuu ku dhaqmay oo wax badan buu raranayey. Waayo danbe ka dib ayaa wuxuu Mohamuud maqlay Reerkii uu ka dhashay ee Reer Hassan Samatar ahaa oo ku sheekeysanaya awrka. Mohammuud markiiba waa lagu kacay oo wuxuu wiil uu dhalay u diray Ayax si uu awrka uga soo ka xeeyo. Ayax ayaa markii uu dhegeystay wiilkii ugu jawaabay in ay aabihii ka wada xaajoon doonaan. Wiil Ayax dhalay oo wada hadalka awrka maqlayey ayaa ratigii la baxsaday oo soo iibsaday. Mohamuud oo xanaaqsan soona maqlay in awrkii la iibsaday ayaa soo istaagay gurigii Ayax una sheegay inuu awrkii soo celiyo. Ayax aad buu uga xanaaqay gardaradaas qaawan wuxuuna Mohamuud u sheegay inuu wax xoog looga qaato ama gar looga helo mooyee uusan si kale ku bixinayn awrka. Odayaashii Reerka ayaa Mohamuud dejiyey laakiin Mohamuud cid qabata waa la waayey. Buuq iyo ilaaq badan ka dib ayaa waxaa lagu go’aamiyey in la dhaarto oo Gaalkacayo la aado loona tago Qaaligii caanka ahaa ee Qaalli Uusle. 

Wuxuuna Mohamuud Qaaligii u sheegay in rati ay naagtiisu lahayd isaguna uu wakiil uga ahaa uu Ayax wiilkiisu iibsaday, haatana uu doonayo ratigiisii. Ayax arrinkii waa mari weydey, wuuna diiday in waxa uu Mohamuud sheegayaa ay run tahay. Qaaligii ayaa ku amray in Ayax uu dhaarto, sidiibuuna Ayax ku dhaartay. Markii arrinkii dhamaaday oo la soo kala dareeyay ayaa wuxuu Ayax Dhowre go’aan ku gaaray inuusan dib danbe Deegaan, Quud iyo Qaaraan uusan ula noqon Reer Hassan Samatar. Wuxuuna go’aansaday inuu ka guuro oo uu Reerihiisa meel kale oo ka cadaalad iyo dadnimo wanaagsan uu raadsado. Ayax intuusan guurin ayuu tiriyey gabaygan caanka ah ee uu ku cabirayo sababta ku keliftay tegitaanka iyo sida uusan u qaadaneynin quudhsi iyo in lagu xad gudbo. 

Abwaan Ayax Dhowre wuxuu yidhi: 

  1. Indhowaydba waataanan qirin qaaradii gabaye

  2. Waa ka qatanaa meerkan iyo qabadkii dayreede.

  3. Marka addinka qaarkiin gam'aa laygu soo qubaye

  4. Sida Qawdhan iyo Gooni baan uga qiseeyaaye

  5. Qammaam iyo sidii Weerar baan ugu qurxeeyaaye

  6. Qaraabooy i maqal caawa waan soo qadimayaaye

  7.  

  8. Qubi waa qormada Reer Xasan ah qawl aan maqashiiyey

  9. Qodob kalena waa duniyadii Qab aan ka faaleeyey

  10.  

  11. Qubi waa qormada Reer Hasana qawl aan maqashiiyey

  12. Nimanyohow qumaati iyo qalooc kala qiyaas roone

  13. Waxba lama qarshee hadal rag waa la isu qeexaaye

  14. Fardo kala quluub bay nin rag ah qar uga tuuraane

  15. Qoomaari orodkay sidii qumanyo roortaaye

  16. Quluubtii dad oo kala go'daa waysu quruntaaye

  17. Dadse heedhe way qoonsan jiray tan iyo qaabiile

  18. Qooraha waxaa looga simay waysku wada qayre

  19. Qawaaniinku waa inuu nin raggi ahi kula quwoodaaye

  20.  

  21. Qawaaniinku waa inuu nin raggi ahi kula quwoodaaye

  22. Rabbi labaduu kala qaadayaa qurux ma yeeshaane

  23. Waxse qoonsimaadkeen ka dhacay qaadistii sace

  24. Qarankeen waxuu jabay markii qaali lays badaye

  25. Naftaa laga qalbaday ruux yamiin qoorta loo suraye!

  26. Waa kaa qamuunyada debnaha qooni kaga taal-e

  27. Maxuu qumiyey Maxamuud hadduu qoomamays yahaye

  28.  

  29. Haddaanse Yuusuf Dhuux i qasbi karin ina qisaasaynin

  30. Oo aan geel la Qaadiyo idiin la iga qaadaynin

  31. Haddaan aniga qool iyo hogaan la igu qabanaynin

  32. Qoloyari ninkii iga damcaa wow quluub xumo-e

  33.  

  34. Qoloyari ninkii iga damcaa wow quluub xumo-e

  35. Qaalmo iyo geel aanad qabin adigu ii qaabil

  36. Dabadeedna ii kala qorshee waa qiso adduune

  37. Hadaanse talo rag wada qaybsanoo mid iska qoondaysto

  38. Oo qaydka wiil yari dhufsado lagu qasaarowye

  39.  

  40. Qodob kalena waa duniyadii qab aan ka faaleeyey

  41. Qoonkii Wadaadkaba beryaa Eebe qoonsadaye

  42. Afarta qablood iyo mar bay dunida qaateene

  43. Kuman qoora goo iyo lug bay col u qarqaareene

  44. Rag towxiidka qiraaya bay ka qarjaf-siiyeene

  45. Qorax saacad joogtiyo barqaa qaamadkood galaye

  46. Cirkaa lagaga soo qayey rasaas gaal ku soo qubaye

  47. Dabadeedna qoys lagama arag toban qof mooyaane,

  48.  

  49. Majeerteen qaraabiyo tol iyo qaraqareyn waaye

  50. Cali-Geri quwiyo xooliyo iyo waayey quruxdiiye

  51. Qaashkii ku dhacay Aadan buu qaaxadii jaraye

  52. Qabaalkii furee bay lahayd waa yar qawlalaye

  53.  

  54. Qurrux iyo waxii Cali ka dhacay qabax dharaareede

  55. Salaasiin qur-go'ay lagama simin qayd maraykanahe,

  56. Qarka Ina- Baluun baa lafaha qalax la moodaaye

  57. Waxa Ceel Cadaadi uga jaray qaalin dabadeede

  58. Qab-qab dhaafey bay labo qabiil qaran ku weydaaye

  59. Qaabiilba haabiil markuu qoonsaduu dilaye

  60. Qooqii Suryare loo dilaa qoodha goys dhigaye

  61.  

  62. Qooqii Suryare loo dilaa qoodha goys dhigaye

  63. Qalbi malahid sheydaan hadduu qaalib kaa yahaye

  64. Waa qowrar low kaaga jabay hadalka qaarkiise

  65. Qardoofo iyo nimaan qaadan bay qaci ka joogtaaye

  66. Qayaad iyo colaad Bah-Hararsame mar isu qoonteene

  67. Gabdhahiina nimankii qabaad kala qatawdeene

  68. Waxaa qiraala inaad uumiyaha kala xorowdeene

  69. Qabkaad Mudug la joogtaan rag waysku qaldamaysaane

  70.  

  71. Quruun buu awoowgiin lahaa qoon u raaciyahe

  72. Qolqolkiina nimankii fadhiyey qoysna laga waaye

  73. Qaan sheegad buu kaaga tegay qoonkii Reer Amar-e

  74. Gumasoor shalaa laga qur-jaray qalanjahoodiiye

  75. Qardhacna lagama siin kolay ku tahay qaalin moordiyahe

  76. Waxa Wadal-Moggana kaaga qumay waa ku qoonsadaye

  77. Qabkii Ina-Xaliimoo kalaad iga qodaysaane

  78. Ninkii qayrkii loo xiirayoo qoystay baan ahaye 

  79.  

  80. Haddaan qaranka Reer-Diini tagiyo qolo kale u meero

  81. Qallax iyo haddaan Ari-cad dego qaali baan noqone

  82. Xaajada qumaatiga ayaa la igu qaataaye

  83. Mar haddii qalooc hadalku galo waa qaraarahaye

  84. Kolka awrka maan soo qabsado quusashaan ahaye

  85.  

  86. Dadkoose kula qasaariyo cidoo kula qaraamaada

  87. Qaalmahatan geela ah iyo dharkoo qaadashiyo hooya

  88. Qaydhiga qardhaasaha leh oo dabin la soo qaato

  89. Diraacdiyo aroortii barnida lagu qaxweeynaayo

  90. Feegaare malab jooga iyo herein lebenkeeda

  91. Qunba subaga baabuur iyo qadow la heenseeyey

  92. Waayeelka taladuu qatalay qodobka loo aaso

  93. Qaatooyda dirireed hadday qaylo kore yeedho

  94. Dhalinyaro qamaam waalan oo qalabka boobaysa

  95. Waxaan adiga kugu quudin jiray qolo kalaan siine

  96.  

  97. Qalanjaha maroodiga ninkii waayo lagu qaybshay

  98. Oo toban haruub oo qar jaran Eebe kaga quudshay

  99. Tolankiyo qamuunyada ninkii labadaba u quuray

  100. Oo qaar dambeedkiyo candhada feerka kaga qaaday

  101. Qunba subaga baabuur iyo qadow la heenseeyey

  102. Oo caanahuu qubay ilmadu qoysay baad noqone

  103.  

  104. Qabiltiyo nikaax naagahaa qaata meherkiiye

  105. Qabaanimo ninkii iga damciyo ii qasaal marada

  106. Qadertaa  Illaah iguma qaban qoodhay iyo xeradaye

  107. Waaryaan aniga xaajo aan i qaban la igu soo qaadin!.

  108.  

  109. Walleese niman qabaayiil ahaan qoonsi kala waayin

  110. Wallee geel nin laga qaaday baan orod qashlayn waayin

  111. Wallee qodaxi nimay saydhay baan qoombin laga waayin

  112. Wallee nimuu Illaah quudiyaan cidi ka qaadaynin

  113. Wallee nimuu Ilaahay qadshaan qolo wax siinaynin

  114. Wallee naag qab weyn iyo rag baan qiro heshiinaynin

  115. Wallee qoys basari leedahaan waana qurux yeelan

  116. Wallee milicdu nimay qabatay baan dhididku qoyn waayin

  117. Wallee nimaan quraan dhiganin baan qaalli noqon waayin

  118. Wallee qaaxo nimay hayso baan soo qufaci waayin

  119. Wallee reer qorfiyo hawd degaan oonku qaban waayin

  120. Wallee naag qabow kaa heshaan qabasho kaa deynin

  121. Wallee tuug la daba qayliyaan qoobka rogi waayin

  122. Nin qasaare galay baan Wallee qoomamo ilaawin

  123. Wallee nimaan is qabanoow wanaag igama sii qaadid 

Waxaa tirirey Abwaan/Halyeey iyo Geesigii Ayax Dhowre Dagaal

Waxaa soo gudbiyey C/Rahman Eelaay eediran@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE EELAY...

Faafin: SomaliTalk.com |  April 4, 2005

LINK: www.somalitalk.com/quursi


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD