SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
QUUDHSI - DIID

 Ayax Teg Eelna Reeb 

Gabaygan oo ay taariikhdiisa iyo sababtii loo tireyba ay la socoto gabaygii hore ee Guudhsi Diid ayaa waxaa isna tiriyey Halyey Ayax Mohamed Dhowre dagaal. Ayax markii uu guuray ee uu Ceel Mareexaan aaday ayaa waxaa loosoo diray nin ay aad saaxiibo u ahaayeen oo la oran jirey Cigaal Caymo. Waxaa la soo weriyey in markii lagu xadgudbayey Ayax uusan Cigaal joogin degaankaas oo uu ka maqnaa. Cigaal oo aad uga xun guuritaanka saaxiibkiis Ayax ayaa wuxuu u baqoolay Goboladaas Galgaduud iyo carro Mareexaan si uu ula soo hadlo Ayax una soo celiyo. Ayax tolnimada iyo la degida Beesha Reer Khalaf ka sokow wuxuu ahaa nin Dagaal yahan ah, Deeqsi ah oo aftahan ah. Wuxuu Ayax ahaa ninka keliya ee haddii Beeshaa Reer Khalaf gabay loosoo mariyo ka jawaaba oo gabayo jawaab celin ah oo uu ku difaacayo Beeshaas tiriya. Wuxuu ahaa nin kaalin lama ilaawaan ah kaga jirey Beeshaas iyo Deegaankeeda. Waxaa jirtay in niman ka mid ah Beesha Reer Hagar ee Dhulbahante ay gabay usoo tirisay Beesha Reer Khalf oo markaa wax ka jawaaba la waayey. Sidaa daraadeed waxaa laga fursan waayey in Ayax Dhowre lasoo sasabo si loosoo celiyo iyo weliba in gefkii laga galay laga xaalsiiyo oo ay Beeshu ceebtii ay gashay iska maydho.  

Markii uu Cigaal Caymo la kulmay Ayax Dhowre ee uu u sheegay ujeedadii uu u socday ayuu Ayax bareerihiisii cadaystay:” Saaxiib Cigaal nin qaali ah oo aan qaderiyo ayaad tahay, laakiin waa habeenkii xalay ahaa inaan dib danbe ugu noqdo meeshii laygu dulmiyey”. Cabasho, mana sheegasho iyo catow badan ka dib Cigaal isagoo fara maran ayuu tolkii ku soo noqday. Markii la weydiiyey Ayax Dhowre iyo waxay ku soo wada xaajoodeen wuxuu hadalkii kusoo gabagabeeyey oraahda maahmaahda noqotay ee ah: “ Ayax teg Eelna reeb”.  Maahmaahdan oo Soomaali badani u adeegsadaan Ayaxa Xasharaadka ah iyo dhibaatada uu ka tago marka uu meel ku habsado ayaa waxaa loo adeegsaday Minguurinta lagu sameeyo Suugaantii, Gabayadii iyo Maansooyinkii ay lahaayeen dadkan la gumeystay ee la takooray. Waa quudhi waa ku jirta maskaxda Isla Weynta in uu Yibir ama Midgaan wax macna leh tiraabi karo! 

Haddaba  diidmadii uu Ayax diiday inuu dib ugu noqdo Beeshii uu ka soo qaxay ee Reer Hussein samatar ayaa wuxuu halkaa ka tiriyey Gabay dheer oo uu bareerihiisa ku cadeynayo. Gabaygaas maanta waxaa laga hayaa inyar oo aan sidaa u badnayn. Maadaama Maansooyinkan iyo Suugaantan ay leeyihiin dad ay Soomaalidu u taqaano Dad u eke ayaan wax xil ah oo badan layska saarin, haddii la doonana Abwaan kale ayaaba la siiyaa magaciisa. Gabaygii uu ku diiday Cigaal raacidiisa iyo ku noqoshada Beeshaas intii laga helayna waa kan.

Wuxuu yidhi Abwaan Ayax Dhowre: 

  1. Jirkey I duubmay diiftiyo cirada deebta ka cadaatay

  2. Wax digniin ka badani waa da’daan ahye

  3. Cigaalow dadkii wada ogaa saad ka damacdeene

  4. Waa kaa gudboon yahay nafluhu Dir iyo Daaroode

  5. Dirham niman aan kuu quurahayn dahab haddaad siiso

  6. Deriskooda nacay Reerihii damaca waalnaaye

  7.  

  8. Aniguna dulmiga wow arkaa daahir iyo sharefe

  9. Nin la duubay hadalkiisii waa duug aan hareyne

  10. Waa dowgii uu Yusuf Cali iiga soo digaye

  11. Debec iyo wanaag baan ka helay deris Mareexaane

  12. Reer Diini oo idili waa ii dabaaldegaye

  13. Dirham niman aan kuu quurahayn dahab haddaad siiso

  14. Deriskooda nacay Reerihii damaca waalnaaye

  15.  

  16. Duufaani hadday idin gashoo laydin degel duugo

  17. Dumarkiyo carruurtaha haddaan ruuxna laga deymin

  18. Dubku uma naxo nimaan gacal iiga duxahayne

  19. Ana diidey weligey inaan dow lasoo maro-e

  20. Caawana waxaad iigu dudi waan duur garane

  21. Wax dhan baan dagaal iyo afxumo dirir ku taagnaaye

  22. Wax dhan baan waxaan ii dan hayn daf soo idhiye

  23. Iska diidey Reer Hagar haddaad cid u direysaane

  24. Dabeylahakan cellka ah waxaan loogu dacasoobin

  25. War dantaa raaco goortaan damcaan qolo ku duufaaye 

Waxaa tiryey Abwaan Ayax Dhowre Dagaal

Waxaa soo gudbiyey C/Rahman Eelaay eediran@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE EELAY...

Faafin: SomaliTalk.com |  April 4, 2005

LINK: www.somalitalk.com/quursi


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD