SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII APRIL 3, 2006

  •  Max’ed Dheere oo ku soo laabtay Jowhar kaddib markii ay isa soo khilaafeen Geeddi..

  • Siyaasiyiin ka tirsan beesh Cayr oo Nairobi kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Mareykanka…

  • Saraakiil ka tirsan CRD oo Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan beesha..

  • Qaar ka mid ah Gobalada dalka oo uu ka curtay Roobabkii Gu’ga..

  • Odoyaasha Digil iyo Mirifle oo shalay ku guuleystay in ay Baydhabo ka qaadaan 18-Jidgooyo..

  • Xuseen Cusmaan “Qanyare waxba lagama weydiinayo amiga Qaranka”...

  • Ciidamadii ku xareysnaa Waajid oo dilay nin ka tirsan deegaanka..

  • Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Kismaayo...

  • WARBIXIN: GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA SOOMAALIYA…

  • Tartankii S.Y.L. MN oo Soo Gabagaboobay 




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Max’ed Dheere oo ku soo laabtay Jowhar kaddib markii ay isa soo khilaafeen Geeddi..

Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo ah Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe ayaa shalay deg deg ugu soo laabtay Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe, kaddib markii uu dhowr maalmood ku maqnaa Magaalada Adis-Ababa. Max’ed Dheere ayaa waxaa uu halkaasi u tagay sidii uu kulan ula yeelan lahaa Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi kaddib markii uu Max’ed Dheere soo khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Dowladda Federaalka. Max’ed Dheere dhowr arrimood ayuu ku xiray heshiiska Dowladda, hase yeeshee Cali Max’ed Geeddi arrimahaasi waxay noqdeen kuwo u cuntami waayay, waxaana ka mid ah qodobadii uu soo jeediyay Max’ed Dheere in uu Geeddi ka isaga soo baxo Magaalada Baydhabo oo uu fariisin ka dhigto Magaalada Jowhar, waxaa kalloo ka mid ahaa in Geeddi uu ku dhawaaqo in Maxkamadaha islaamiga ay yihiin kuwo argagixiso ah iyo in uu xilka ka qaado Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cadde Gaabow.

Cali Max’ed Geeddi waxa uu Max’ed Dheere u sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay bixiso lacagihii uu ku lahaa Dowladda oo gaarayay ilaa 9-Milyan oo Doolar iyo sidoo kale waxa uu sheegay in ay Dowladdu tababaro siineyso ciidamada ku sugan Gobalka Sh/dhexe. Kulankaan waxaa soo qabanqaabiyay Dowladda Itoobiya oo dooneysa in ay soo afjarto khilaafka u dhexeeya Dowladda iyo Max’ed Dheere, hase yeeshee Max’ed ayaa la sheegay in uu ku qanci waayay wixii loo soo jeediyay, iyadoo markii uu ka soo degayay Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar uu diiday in uu wax war ah siiyo saxaafadda.

Max’ed Dheere waxaa Magaalada Adis-Ababa u raacay Wasiirka qorsheynta qaranka C/risaaq Jurile oo isna si aad ah u doonayay in la soo afjaro khilaafka u dhexeeya Dowladda iyo Max’ed Dheere, waxaana la filayaa in Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi uu Maanta soo gaaro Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay. 

Siyaasiyiin ka tirsan beesh Cayr oo Nairobi kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Mareykanka…

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka dhacay Maalintii shalay ahayd kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Mareykanka iyo siyaasiyiin ka socotay beesha Cayr.

Siyaasiyiintii ka socotay beesha Cayr ayaa waxaa ka mid ahaa Gen. Max’ed Nuur Galaal, Yuusuf Mire Seeraar, Xasan Dhimbil Warsame, Maxamuud Cumar Tootoow, Siciid Nuur Giriish iyo xubno kale, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo arrimo la  xiriira waxa loogu yeeray argagixisada.

Xubnihii ka socday Beesha Cayr ayaa waxa ay Dowladda Mareykanka u gudbiyeen in Soomaaliya aysan ku sugneyn wax argagixiso la yiraahdo, balse argagixisada ku sugan ay yihiin kuwii 15-ka sano dhibaatada ku hayay ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Maxkamadaha Islaamiga ah ay ku abuurmeen rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed kaddib markii qabiilooyinka Soomaaliyeed ay adkeysan waayeen dhibaatooyin-ka ay maleeshiyooyinka u gaysanayaan bulshada Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala shaqeyn doonaan sidii loola dagaalami lahaa waxa loogu yeeray kooxaha argagixisada ah. 

Saraakiil ka tirsan CRD oo Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan beesha..

Hay’adda CRD oo maalmahan ku holwneyd nabadeynta beelihii ku dagaalamay Gobalada Dhexe ayaa maalintii shalay ahayd saraakiil ka tirsan Hay’adda CRD waxayna Koonfurta Gaalkacyo kula kulmeen Odoyaal, Siyaasiyiin, iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Sacad, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii loo soo gebagabeyn ahaa heshiisiinta beelihii ku dagaalamay Gobalada Dhexe.

Kulankaan oo uu ka qaybgalay Wasiirka howlaha Guud iyo Guryeynta Cusmaan Xasan Cali Caato ayaa xubnihii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa madaxa Hay’adda CRD-da Jibriil Ibraahim Cabdule, waxa uuna sheegay in 15-ka bishan la furi doono wajiga labaad ee dib u heshiisiinta beelihii ku dagaalamay Gobalada dhexe, waxaa kalloo uu sheegay in dhawaan tababaro loo furi doono maleeshiyooyinkii ku dagaalamay Gobalada Dhexe.

Jibriil Ibraahim Cabdule waxaa kalloo uu sheegay in wadamada Norway iyo Sweden ay diyaar u yihiin bixinta wixii qarashaad ah oo lagu soo afjarayo dagaalkaas oo galaaftay dad aad u fara badan isla markaana barakiciyay tiro intaa ka badan.

Cismaan Caato oo ka hadlay kulankaasi waxa uu mahadceliyay ma’suuliyiinta Hay’adda CRD oo ay ka go’an tahay in dalka oo dhan lagu soo dabaalo nabad.

Qaar ka mid ah Gobalada dalka oo uu ka curtay Roobabkii Gu’ga..

Iyadoo abaar daran ay soo wajahday qaar ka mid ah Gobalada Dalka ayaa haddana shalay iyo doraad waxaa qaar ka mid ah Gobalada Dalka ka da’ay roobab si aad ah loogu diirsaday isla markaana farax gelisay bulshada ku nool gobaladaasi.

Deegaano ka tirsan Gobalada Bay iyo Bakool ayuu roobku biyo dhigay, sidoo kale  Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka da’ay roob socday mudo lix saacadood ah.

Haddii aan u dhaqaaqno dhinaca waqooyi ee dalka la magacbaxay Somaliland waxaana iyana ka da’ay roobab ay si aad ah ugu diirsadeen dadka iyo xoolaha, waxaana la Illaah laga rajeynayaa in 15-ka April wixii ka dambeeya ay si rasmi ah u bilowdaan roobakii Go’ga.,

Odoyaasha Digil iyo Mirifle oo shalay ku guuleystay in ay Baydhabo ka qaadaan 18-Jidgooyo..

Odoyaasha Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa shalay ku guuleystay in Magaalada Baydhabo gudaheeda ka qaadaan ilaa iyo 18 jid-gooyo oo ay dhigteen kooxo maleeshiyo ah oo dadka iyo gaadiidka ka qaadayay baad.

Jidgooyadaas ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in ay ahayd mid lagu raadinayay dhaqaale, kaddib markii  ciidamadaasi loo waayay wixii dhaqaale ahaa ee ay u baahnaayeen iyagoo ka soo gadooday xerada Daynuunaay, dhamaan odoyaasha ayaa waxay ciidamadaasi dib ugu celiyeen xerada Daynuunaay halkaas oo la filayo in dhawaan looga bilaabo tababar.

Jidgooyooyinkaan ayaa waxay qalqal geliyeen ammaanka Magaalada Baydhabo kaddib markii Magaalada ay ku soo bateen dhaca, boobka iyo dilka loo gaysanayo dadka, iyadoo dhawaan wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka laga dhacay gaarigiisii, ilaa iyo haatanna gaarigaas laguma guuleysan in dib loo soo celiyo, sidoo kale waxaa shalay dib u qabsoomay kulankii Baarlamaanka kaddib markii doraad jidgooyo loo dhigtay.

Xuseen Cusmaan “Qanyare waxba lagama weydiinayo amiga Qaranka”...

Wasiir ku xigeenka amniga Qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa ka hadlay halka ay marayaan howlaha amniga Qaranka, waxa uuna sheegay in intii ay joogeen Magaalada Baydhabo in ay ku guuleysteen in ay maleeshiyooyinkii halkaas ka saaraan, isagoo intaa raaciyay in ay waliba rajeynayaan in aysan dib u soo laaban.

“Gadoodka iyo jid googooyinka ay dhigteen Maleeshiyooyinka Magaalada Baydhabo ma ahan  mid siyaasad la xiriirta ee waa duruuf la xiriirta dhinaca maleeshiyooyinka” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka oo sheegay inay wadaan qorshe la xiriira ammaanka Dalka oo ay iska kaashanayaan wasaaradaha amniga gudaha, Gaashaandhiga iyo dhaqancelinta maleeshiyoo-yinka.

Wasiir ku xigeenka oo la weydiiyay sida ay noqoneyso howshaas mar haddii uu ka maqan yahay Max’ed Qanyare oo ah Wasiirka amniga Qaranka ayaa waxa uu ku jawaabay “Max’ed Qanyare waxba uma dhimi karo qorshaha ammaanka dalka, mar haddii uu ka maqan yahay howshaas angaa wadeyna, ma ahan wax ku xiran joogintaanka Max’ed Qanyare”.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay fikirka ah in ciidamo shisheeye la keeno iyo in kale, waxa uuna yiri “ciidamo shisheeye oo dagaalama in la keeno anigu ma qabo, laakiin kuwo hubka loo dhiibo waa loo baahan yahay, inkastoo go’aankas Baarlamaanku uu leeyahay”, wuxuuna intaas raaciyay “in dhawaan tababar loogu qaadi doono wadamada dibadda ah 231 askari oo lagu soo xulay habka 4.5-ka, kuwaasoo isugu jira saraakiil iyo layli Sarkaal, waxaana loo kala qaadi doonaa wadamada Suudaan iyo wadamo kale.   

Ciidamadii ku xareysnaa Waajid oo dilay nin ka tirsan deegaanka..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Waajid ee Gobalka Bakool waxay sheegayaan in Ciidamadii ku xareysnaa xerada Waajid dhawaana laga keenay Magaalada Jowhar ay halkaasi ku dileen nin ka mid ah dadka deegaanka.

Saddex askari oo ka tirsan Ciidamadaasi ayaa waxa ay heshiis la soo gaareen in ka mid ah dadka deegaanka iyagoo u sheegay in ay ka iibinayaan hub, hase yeeshee markii uu ninkaasi soo qaaday wixii lacag ahaa ee uu ku gadan lahaa hubkaasi ayaa mar ay la marayaan meel dhexe ayay dileen dabeedna ay ka qaateen wixii lacaga ahaa ee uu wadatay.

Dilkaan ayaa waxaa si weyn uga carooday dadka deegaanka oo iyagu soo jeediyay in gacanta lagu soo dhigo ciddii ka dambeysay dilkaasi, waxaana Magaalada Waajid u ambabaxi doono wafdi ka socda Dowladda Ku meel gaarka ah oo soo ogaan doona xaalka dilka ninkaasi.

Doraad ayaa xeradaas waxaa laga soo qaaday 70 –askari oo qayb ka ah ciidamo dhawaan loo qaadi doono Magaalada Mombassa ee dalka Kenya, halkaas oo ay ku soo qaadan doonaan tababar.

Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Kismaayo...

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ay ka dhaceen shaqaaqo uu ku dhintay hal qof, ayna ku dhaawacmeen saddex kale, kaddib markii iska hor imaad ku dhex maray suuqa Magaalada Kismaayo labo kooxood oo maleeshiyo ah.

Shaqaaqadaas ayaa waxay ka dhalatay kaddib markii koox maleeshiyo ah ay damacday in ay lacago ka dhaco suuqaasi, halka kuwa kalana ay ahaayeen kuwo difaacayay, waxaana markii dambe halkaasi yimid ciidamo ka socday isbahaysiga Dooxada Jubba.

Xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Kismaayo ayaa maalmahan ahayd mid ka sii dareysay, iyadoo Magaalada ay ku soo badanayeen kooxo maleeshiyo ah oo qalqal geliyay amniga Magaalada Kismaayo, kuwaasoo dhac iyo dil kula kaca bulshada ku nool Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubadda Hoose.   

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


WARBIXIN: GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA SOOMAALIYA…

Gudiga gurmadaka abaaraahu mudadii uu dhisnaa  waxaa u suurtogalay howlo badan oo muhiim ah kuwaas oo lagu daryeelayey bulshada tabaaleysan ee ay abaaruhu ku dhaceen waxaana si gaar ah loo xusi karaa qodobada hoos ku qoran ... AKHRI (PDF)


Tartankii S.Y.L. MN oo Soo Gabagaboobay 

Waxaan bishii February 10,  2006, ka bilowday Twincities, MN tartan loogu magacdaray SYL Indoor Soccer Tournament, oo lagu qabtay Plymouth Indoor Creek Center, tartankaas oo ay ka soo qayb galeen, sideed kooxood, oo lookala qaybiyey laba guruub, oo kala ah: 

Group A, Firdhis, St. Paul Team, Cedar Boys, Faa Cali Team.

Group B, Buulo Team, Hilaal Team, Eden Prairie, Shafici Team 

Waxaa group A, ku soo baxay kaalinta koowaad Firdhis, iyo kaalinta labaadna Faa Cali Team, Group B na waxaa ka soo baxay kaalinta koowaad Hilaal Team, iyo kaalinta labaad Buulo Team, waxaana la cayaaray cayaartii semi final ka. 

March 24, 2006

Firdhis Team iyo Buulo Team, waxayna ku dhamaatay Firdhis 6 Buulo Team 4. 

Hilaal Team iyo Faa Cali Team, waxayna ku dhamaatay Hilal 1 Faa Cali 1, waxayna noqotay in laysla tago rigoorayaal, oo ay guushii ay ku raacday kooxdii Hilaal team oo heshay 4 gool iyo Faa Cali team 3 gool. 

March 31, 2006

Waxaa cayaartii finalka ay ku dhexmartay labada kooxood oo kala ah, Firdhis Team iyo Hilaal Team, halkaas ooy markiiba ay gacanta sare ay yeealatay kooxdii ku cayaaraysay magaca Hilaal, kooxdaan oo noqotay, kooxdii ugu horeysay taariikhda gobolkaan Minnesota, gaar ahaan cayaaraha Soomaalida, markii ugu horaysay ka qayb gashay tartan xoogan oo timid Finalka, waxayna ubadan yihiin dhalin wadan ka timid sadexdii sano ee ugu dambaysay, marka loo eego kooxda Firdhis, oo badankoodu ahaayeen ragii gobolkaan dagistiisa ugu horeeyey, ayna ka dhex muuqday cayaar yahanka weyn ee Soomaaliyeed laguna magacaabo Cabdiraxmaan Cawaale Guuleed, loona yaqaano AAMAAN. 

Yaanan waxba warka kugu daaline, waxaa qaybtii koowaad ku soo gabagabowday 2 iyo 2, oo barbardhac ah, walow aad looga itaal roonaa kooxdii Firdhis, ku soo laabashadii qaybtii labaad, kooxda Firdhis kabtankooda Maxamed Rashiid, wuxuu iisheegay in uu ka badin doona Hilaal team, waxayna ku dhamaatay 6 gool ay yeelatay Firdhis iyo 3 gool ay yeelatay kooxdii Hilaal. 

Waxaa halkaas lagu bixiyo abaal marino, ay kala heleen ugu horeyn, laba nin aad ula shaqeeyey, abaabulaha koobkaan, oo layiraahdo, Cabdicasis Cali Warsame (Biixi)  dadku u yaqaanin, labadaan nin oo lakal yiraahdo Abdilatif Osman iyo Abu Jeylani oo la gudoonsiiyey abaalmarin howl karnimo, waxaa isna qaatay MVP, Abdirisaq yare oo ah cayoortoygii ugu fiicna dhamaan cayoortoydii halkaas isugu timid, una cayaaray kooxda St. Paul team, waxaa isna helay difaacii ugu adkaa Abdirashid Mohamud, oo u cayaaray Hilaal team, waxaa isna helay tababarihii ugu fiicna Xasan Waxar, oo ahaa tababarihii St. Paul, waxaa isna helay Adan Sheekh Sahal, ninkii ugu goolasha badnaa tartankaan, dhaliyayna 7 gool, una safnaa Firdhis, iyo koobkii kaalinta koowaad oo ay heshay Firdhis, iyo kii labaad oo ay heshay Hilaal team.

Diyaariye: Zaki Haji (Xaayow)
zakihaji@yahoo.com
Somalimedia mpls,mn

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2006

Geeddi iyo Max’ed Dheere oo isku mari waayay qodobo dhowr ah
»Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay magaalada kismaayo
»C/llaahi Yuusuf oo codsi u diray Dowladda Kenya..
»Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu qaadayo Suudaan..
»Shirkii G/Wasiirada oo baaqday kaddib dhallinyaro hubeysan
»Muqdisho: Qarax taayir oo sababay dhimasho..
»Iska hor imaad ka dhacay isgooyska Km4...
»Nin Meydkiisa Laga Helay Xeebta Magalada Bosaso..
»WAR SAXAAFADEED kasoo baxay SCG...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji.... Apr 2

Geeddi oo ka codsaday Mareykanka in ay xushmeeyaan Dowladiisa..
»Hay’adda CRD oo ka qaybqaadaneysa Nabadeynta G/Dhexe
»Madaxweyne C/llaahi oo dib ugu soo laabtey Baydhabo..
»Geeddi iyo Max’ed Dheere oo kulan ku yeeshay Adis-Ababa..
»Beelaha Digil iyo Mirifle oo si weyn isugu Khilaafsan qaybsiga
»Tartan loogu jiro Guddoomiya ku xigeenada G/Banaadir...
»Saddex qof oo aano qabiil loogu dilay Bu’aale...
»Hay’adda Khaliif Huudow oo warbixin soo saartay...
»Meles oo Eritrea ku eedeeyay qaraxyada dalkiisa ka dhaca
Wararka oo dhan ka akhri halkan... April 1

Shirkadda Xawaalada ee Global Money Transfer oo xustey Sannad Guuradeydii 4 aad