SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII April 4, 2006

  •  Deegaanka Majayahan oo uu ka Dhacay dagaal u Dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo…

  • Xubnaha Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo wada olole………

  • Max’ed Dheere “Khilaafkii Dowlada waa dhamaaday”

  • Muuse Suudi iyo Cabdi Qaybdiid oo kulan ku yeeshay Degmada Kaaraan

  • C/llaahi oo guddi u magacaabay xiisaddii Ka taagneyd Waajid

  • Caamir Muusaa oo uga digay hogaamiyaasha Soomaaliya...

  • Malaaqyada iyo Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo wada sidii nabad loogu soo dabaali lahaa…




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

  Deegaanka Majayahan oo uu ka Dhacay dagaal u Dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo…

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Majayaan ee Gobalka Bari ee Maamul gobaleedka Puntland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka dhaceen iska hor imaad dhex maray ciidamo ka socday maamul Gobaleedka Puntland iyo dad ku sugnaa deegaankasi.

Iska hor imaadkaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan labo katirsan ciidamada maamulka Puntland, iyo ugu yaraan shan dhaawac ah, waxaana la sheegay in maamulka laga gubey hal gaari, waxa uuna iska hor imaadkaani ka dhashay markii maamul Gobaleedka Puntland uu halkaasi ka bilaabay macdan baaris oo uu u xilsaaray shirkad la sheegay in ay tahay Australian.

Xiisadda halkaasi ka taagan ayaa dhacday ayadoo maalmahan la wadey waanwaan, waxaase la sheegay in ay arrinta sii cakirtey markii halkaasi ay ku baxeen ciidamo ka socda Maamul Gobaleedka  Puntland si ay gacan u siiyaan ciidamada kale ee halkaasi horey ugu sugnaa.

Xubnaha Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo wada olole………

Mas’uuliyiin ka tirsan Isbahaysiga waxa loogu yeeray la dagaalanka Argagixisada ayaa ka wada Magaalada Muqdisho olole ay ku doonayaan in ay kaga dhaadhiciyaan Beelaha iyo jufo hoosaadyada ay ka soo jeedaan in ay taageeraan howsha ay wadaan.

Muuse Suudi Yalaxow  oo ka mid ah xubnaha isbahaysigaasi ayaa habeen hore martiqaad u sameeyay Jufada uu ka soo jeedo, waxa uuna u soo jeediyay in ay taageeraan isbahaysiga isla markaana ay is garab taagaaan qorshaha uu wado. Kulankaas oo ay ka qaybgaleen shaqsiyaad kala duwan oo isugu jira Ganacsato, Culuma’udiin iyo Aqoonyahano ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan, markii inta badan xubnihii shirkaasi ka qaybgalay ay ku gacanseyreen hindisaha iyo soo jeedinta Muuse Suudi.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii shirkaasi ka qaybgashay oo warbaahinta u waramay ayaa ku eedeeyay Muuse Suudi in uu doonayo in uu xiligaan beesha geliyo fowdo iyo dagaalo sokeeye oo micno daro ah, waxayna sheegeen in aysan jirin wax ka khuseeya beesha isbahaysiga waxa loogu yeeray la dagaalanka Argagixisada.

Sidoo kale waxaa shalay beeshiisa kulan kula yeeshay Hotel Saxafi Cabdi Shukri Cali Xirsi oo ka mid ah xubnaha Isbahaysiga oo sidoo kale isna u soo jeediyay in ay taageeraan isbahaysiga isla markaana ay is garab taagaan howsha uu isbahaysigu ka wado Magaalada Muqdisho, balse natiijo wax ku ool ah lagama gaarin kulankaasi, iyadoo dadkii shirkaasi ka qaybgalay uu qofba si u arkay kulanka ay la yeesheen Cabdi Shukri Cali Xirsi, intii uu kulankaasi socday ayaa qaar ka mid ah dadkii ka qaybgalay kulankaasi waxay si xoogan u muujiyeen in aysan dooneyn dagaal ay la galaan Maxkamadaha Islaamiga aysanna dooneyn in dad ehelkooda ah laga horgeeyo. Nin ka mid ah raggii iyagu qaybglay kulankaasi ayaa yiri “wixii shirar iyo wax cunid ah waa ka qaybgaleynaa, laakiin lagama yaabo in aan dagaal  u raacno Cabdi Shukri iyo shaqsiyaad kale midna”.   

Max’ed Dheere “Khilaafkii Dowlada waa dhamaaday”

Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo socdaal dhawaan ku tagay dalka Itoobiya ayaa shalay ku soo laabtay Magaalada Jowhar, waxa uuna ils markiiba kulan la qaatay xubnaha maamulkiisa waxa uuna u sheegay in khilaafkii u dhexeeyay isaga Dowladda uu dhamaaday.

“Khilaafkii Dowladda noo dhexeeyay aniga iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa uga heshiinay kulankii aan ku yeelanay Magaalada Adis-Ababa, waxaana kulankaasi shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha dibadda Siyuum Musfin” ayuu yiri Max’ed Dheere oo intaas raaciyay in Dowladdu dib ugu soo laabaneyso Magaalada Jowhar.

Max’ed Dheere waxa uu u sheegay xubnihii uu la kulmay in Deymihii ay Dowladda ku lahaayeen la bixin doono wixii Dukumunti lahaa, shacabka Jowharna la siin doono deyntii ay ku lahaayeen Dowladda, Max’ed Dheere wax faahfaahin ah kama bixin safarkii uu ku tagay dalka Itoobiya iyo ujeedadii uu aaday Magaalada Adis-Ababa.

Max’ed Dheere oo ka mid ahaa Isbahaysiga waxa loogu yeeray la dagaalanka Argagixisada oo ay ku jiraan hogaamiyaasha dagaalka ee Muqdisho ayaan ka hadlin waxa uu ka aaminsan yahay isbahaysiga mar haddii uu heshiis dhex maray isaga iyo Dowladda, sidii uu u aaday Max’ed Dheere dalka Itoobiya waxaa soo if baxaya in ay sii kala fogaanayaan kooxihii isbahaysiga, iyagoo qaar ka mid ah Isbahaysigu ay sheegeen in Max’ed Dheere uu danihiisa u aaday Dalka Itoobiya isla markaana aysan waxba ka quseyn Isbahaysiga.       

Muuse Suudi iyo Cabdi Qaybdiid oo kulan ku yeeshay Degmada Kaaraan

Habeen hore ayaa xarunta Muuse Suudi uu ku leeyahay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Kaaraan ayaa waxaa kulan ku yeeshay Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo kooxihii Muqdisho u magacaabeen taliyaha ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo sidii Cabdi Qaybdiid uga mid noqon lahaa waxa loogu yeeray isbahaysiga la dagaalanka Argagixisda.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Cabdi Qaybdiid uu noqonayo nambarka 11-aad ee ku biira isbahaysigaasi, waxaana dhawaan ku soo biiray Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere .

Muuse Suudi ayaa waxa uu wadaa qorshe ah in ciidamada Isbahaysiga ay is ticmaalaan deegaanada ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Cabdi Qaybdiid ee Koofurta Muqdisho.

C/llaahi oo guddi u magacaabay xiisaddii Ka taagneyd Waajid

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaa in Madaxweyene C/llaahi Yuusuf u magacaabay guddi soo baara xiisaddii ka taagneyd deegaanka kaddib markii ciidamo laga keenay xerada Kongo ay halkaasi ku dileen in ka tirsan deegaanka.

Guddigaan oo isla shalay gaaray magaalada Waajid ayaa markiiba kulan la yeeshay Odoyaasha iyo Waxgaradka deegaankaasi, iyagoo wax ka weydiiyay qaabkii uu shilkaasi u dhacay.

Warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii laga keenay xerada Kongo uu iyana ka dhintay hal qof, kaddib markii ninkii horey u dhintay ay is rasaaseen dhex martay, iyadoo ninkaan dambe uu u geeryooday dhaawicii soo gaaray, waxaana la sheegay in haatn xiisaddu ay degan tahay.

Caamir Muusaa oo uga digay hogaamiyaasha Soomaaliya...

Xoghayaha guud ee Jaamacadca Carabta Caamir Muusaa ayaa uga digay Hogaamiyaasha Kooxaha Soomaaliya in ay sii wadaan dagaalka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Caamir Muusaa waxa uu sheegay in aysan jaamacadda carabtu aysan u dulqaadaneyn in shacabka la gumaado isla markaana la sii kordhiyo dhibaatooyinkii ka jiray dalka.

“waa in la joojiyaa dagaalka, dhibaatooyinka, dirirta iyo xasaradaha ka oogan dalka Soomaaliya” ayuu yiri Caamir Muusaa, waxa uuna intaa raaciyay in adduunyadu aysan ka aqbaleyn qabqablayaasha Soomaaliya in ay sii kiciyaan dhibaatadii  haysatay shacabka maskiinta ah.

Xoghayaha Guud Jaamacadda Carabta Caamir Muusaa, waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay fadhiga ka kacaan isla markaana ay dadaal u galaan sidii ay isaga hor wareeji lahaayeen qaybqab-layaasha dagaalka ee in ka badan 15-sano kor taagnaa.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay wadamada Jaamacadda Carabta in ay dedejiyaan  kaalmadey ugu talagaleen dalka Soomaaliya, isla markaana ay Dowladda ka caabiyaan sidii ay u hanan lahayd amniga dalka. 

Malaaqyada iyo Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo wada sidii nabad loogu soo dabaali lahaa…

 Iyadoo maalmahan sii xumaaneysay ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa waxaa shalay shir albaabadu u xirnaayeen yeeshay malaaqyada, Xildhibaanada iyo Mas’uuliyinta kale ee Digil iyo Mirifle ee ku sugan Magaalada Baydhabo, kulankaas ayaa waxaa go’aan adag looga qaatay waxa laga yeelayo maleeshiyoo-yinka ku soo gurya noqonaya Magaalada gudaheeda.

Weriyaheena Magaalada Baydhabo ayaa arrintaasi ka wareystay Malaaq Max’ed Ibraahim Garoore oo ah Guddoomiyaha Guddiga Malaaqyada Beelaha Digil iyo Mirifle iyo sidoo kale taliyaha xerada Daynuunaay Col. Axmed Cumar Cusmaan kana tirsan abaanduulayaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa ugu horey sheegay in ciidankii dhamaantood laga saaray magaalada Baydhabo isla markaana la qanciyay loona sameeyay waxyaabihii ay tabanayeen, isagoo sheegay in dhawaanna tababar loo bilaabi doono si ay uga qayb-qaataan ammaanka guud ee dalka, sidoo kale Malaaq Max’ed Ibraahim Garoore ayaa sheegay in 28-Isbaaro laga qaaday inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Buur-Hakaba, waxa uuna sheegay in go’aan adag ay ka qaateen in dib ay ugu soo laabtaan Isboorooyinkaasi, waxa uuna sheegay in qofkii dib ugu soo laabta la dili doono aanna la duugi doonin.    

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: April 4, 2006

Max’ed Dheere oo ku soo laabtay Jowhar kaddib markii ay isa soo khilaafeen Geeddi..
»Saraakiil ka tirsan CRD oo Gaalkacyo kula kulmay Odoyaal..
»Qaar ka mid ah Gobalada dalka oo uu ka curtay Roobab..
»Baydhabo oo laga qaaday 18-Jidgooyo..
»Xuseen Cusmaan “Qanyare waxba lagama weydiinayo amiga
»Ciidamadii ku xareysnaa Waajid oo dilay nin deegaanka ah
»Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Kismaayo...
»Tartankii S.Y.L. MN oo Soo Gabagaboobay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... April 3

WARBIXIN: GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA SOOMAALIYA…