SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA APRIL 5, 2006

  • Caasha Axmed Cabdala “Cadde Muuse ayaa heshiis la soo galay Shirkado Maafiyo ah.
  • Cali Max’ed Geeddi “Afar Shaqsi Dowladdu u xaayirnaanmeyso.
  • Isbahaysiga SNA oo sheegay in ay dhexdhexaad ka yihiin kooxihii..
  • Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Jowhar ku soo fool leh...
  • Bashiir Goobe oo shalay warbixn siiyay Golaha Wasiiradda ...
  • Xaaladda deeganka Majiyahan oo shalay Degeneyd...
  • UNICEF oo ka digtay dhibaato carruurta Oromiya la soo deristay.
  • Xaalad colaadeed oo ka taagen Jaamacadaha Adis Ababa.

TACSI:

MARXUUM ABUKAR MAHDI MUUDEY  OO KU GEERIYOODEY LONDON...

ANNAGOO KALA AH

MAXMAUD CALI CALASOW "JAANI DHEERE"
YUSUF-GARAAD CUMAR AXMED
ING: MAXAMED NUR CADDE
PROF. MAXAMED CABDULQAADIR
PROF: MAXAMUD NUR CADDOW " PROF: GACAMEY"
DR CABDULLAHI XUSEEN MAALIN
DR MAXAMUD CARAB
ABUUKAR AFJIRIB
CABDULAAHI MAXAMUD XASAN "BARRE "
DR CUMAR MAXAMUD CABDULLE  
SHIIKH SHARIIF SHIIKH MUXAYADIIN CELI
CALI UGAAS CABDULLE
CAAQIL KOOGAAR
DR CABDULLAHI WARSAME NUR
DR MOHAMED CALI NUR
XAAJI QAROOFOW
COLNEL : JIBRIL CALI XUSEN
MAXAMED CALI GAAB
YUSUF XASAN MAXAMED "YUSUF YARE"
DRS . MINA XASAN SHIBIS
WAXAAN INNAGOO KA MURUGEYSAN HALKAN UGA TACSIYEYNEYNAA GEERIDII NAXDINTA LAHEYD EE KU TIMID MARXUUM ABUKAR MAHDI MUUDEY OO KUMAGAC DHEERAA "QASHOW MAHDI" OO XALAYTO (April 4, 2006) KU GEERIYOODAY MAGAALADA LONDON EE BOQORTOOYADA INGIRIISKA.

NAXARIISTTII JANNO EEBE HA SIIYO

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
yarisow70@hotmail.com

 


NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN

Haraaga Taalladii SYL ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Isha sawirkan: www.syl2.s5.com
 


SYL

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

  • C/qaadir Sakhaawadiin
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
  • Sayid Xirsi Nuur
  • Maxamuud Cusmaan Baarbe
  • Daahir X Cusmaan Sharmaarke
  • Xaaji Muxumed Xuseen
  • Khaliif Hundow Macalim
  • Muxumed Faarax Hilowle
  • Muxumed Cabdulle Xayeesi
  • Cusmaan Geedi Raage
  • Dheere X Dheere
  • Muxamed Cali Nuur
  • Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban oo SYL ka akhri halkan

Caasha Axmed Cabdala “Cadde Muuse ayaa heshiis la soo galay Shirkado Maafiyo ah.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdla ayaa si aad ah uga hadashay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Majiyahan ee Gobalka Sanaag kaasoo u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada maamul Gobaleedka Puntland kaddib markii dadka deegaanku ay diideen in halkaas wax shidaal ah laga qodo ama macaadin lag abaaro, waxa ayna sheegtay  Caasha Axmed Cabdala in tii wixii ka dhacay deegaankasi uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Cadde Muuse, waxay kalloo sheegtay in Cadde Muuse uu heshiis la soo galay shirkad si aad ah looga yaqaano oo ay ku tilmaantay in ay tahay Maafiyo kuna shaqeysata Musuq maasuq iyo wax is daba marin.

“Shirkaddu ma ahan Australian ee waa mid ku gabaneysa magacaasi, ee waa shirkad laga leeyahy wadanka Lubnaan oo soo xaalufisay dhamaan qaaradda Afrika iyo Qaaradda Aasiya” ayay tiri  Caasha Axmed Cabdala oo u soo jeediysay shacabka reer Majayahan in ay iska difaacaan kooxahaas burcadda ah oo doonaya in ay dhacaan hantidooda ma guurtada ah. 

Caasha waxay kalloo sheegtay in Cadde Muuse  uu yahay ninka dhibaatada ku haya shacabka Puntland, waxayna u soo jeedisay Cadde Muuse in uu faraha kala baxo arrimahaasi oo ah arrimo ay lahayd Dowladda Soomaaliyeed. 

Sidoo kale Cawad Axmed Cashara ayaa isna waxa uu sheegay in wixii dhibaato ah oo ka dhacay deegaanka Majayahan  uu mas’uuliyadeeda leeyahay Cadde Muuse waxa uuna u soo jeediyay inuu deg deg shirkaddaasi uga saaro Gobalada Puntland. Cawad waxa uu sheegay in caalamka ay ku jiraan shirkado aan sharciyeysan oo heshiisyo qarsoodi ah la gala shaqsiyaad aan aqoon sharciga lagu heshiiyo shirkadaha, isoo sheegay in loo baahan yahay mar kasta in la feejignaado shirkadahaasi burcadda ah oo caalamka sida weyn looga yaqaano doonayana in ay ka faa’iideystaan dowlad la’aanta ka jirta  Soomaaliya. 

Cali Max’ed Geeddi “Afar Shaqsi Dowladdu u xaayirnaanmeyso.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo la hadlayay ragga wararka dira ayaa waxa uu sheegay in Dowladda ay dhawaan uruurin doonto ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed si ay uga qayb-qaataan ammaanka guud ee dalka.

“intii aan la gaarin ciidamo Shisheeye waa inaynu mar hore aanu uruurinaa ciidamadeenii” ayuu yiri Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay in ay gacan ku siiyaan uruurinta ciidamada Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlayay hadalkii ahaa in dalka la keeno ciidamo shisheeye waxa uu yiri “arrintaasi waxaan umaleynaa in ay tahay mid lagu daalay, waxaanse soo jeedin lahaa in marka hore fiiro gaar ah la siiyo, ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed”.

Cali Max’ed Geedi ayaa wax laga weydiiyay sida uu arko wasiirada hubeysan ee weli ku sugan Magaalada Muqdisho  waxa uu ku jawaabay “Dowladdeeda u xayirnaan meyso afar ruux oo diiday in ay ka soo qaybgalaan shirarka dowlada uga socda Baydhabo”. 

Isbahaysiga SNA oo sheegay in ay dhexdhexaad ka yihiin kooxihii..

Isbahaysiga SNA ayaa iska fogeeyay in wax xiriir ah ay la leeyihiin labada Isbahaysi ee dhawaan dagaalku ku dhexmarya duleedka Magaalada Muqdisho.

“Isbahaysigu waxa uu dhex dhexaad ka yahay dagaalada dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana ka hor jeednaa wax la yiraahod dagaal iyo burbur” ayuu yiri Afhayeen u hadlay isbahaysiga SNA oo sheegay in xarunta madaxtoonyada kula kulmeen xubno ka tirsan isbahaysiga waxa loogu yeeray la dagaalanka Argagixisada.

Afhayeenku waxauu sheegay in uu aad uga xumaaday dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna u soo jeediyay in dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Muqdisho in ay  ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo isku soo dhawaanshaha bulshada. Dhawaan ayaa xubin ka tirsan Isbahaysigaasi oo lagu magacaabo Cabdi Shukri Cali Xirsi waxa uu kulan la yeeshay sarkiisha ciidamada ee madatoonyada Fillo Soomaaliya waxa uuna ka codsaday in ay taageeraan Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.    

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Jowhar ku soo fool leh...

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in maalmaha soo socda Magaalada Jowhar ku soo wajahan yihiin wafdi ka socda beesha Caalamka, oo isugu jira Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey.

Wafdigaas ayaa waxay u kuurgalayaan xaaladda deegaanada gobalka Sh/dhexe oo maalmahan ay soo wajaheen abaaro daran kuwaasoo dhibaato ku haya dad iyo duunyo.

Wafdigaasi ayaa waxay kalloo halkaasi u tagayaan sidii ay u soo eegi lahaayeen hay’adihii Dowladda ee halkaasi laga hirgeliyay intii ay Dowladdu ku sugneyd mudadii sanadka ahayd, iyadoo dhawaan uu heshiis dhex maray Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Gobalka Sh/dhexe.

Dowladda ayaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar ay dib ugu soo laabato kaddib markii ay sidaa isku afgarteen Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere kaasoo ka dhacay Magaalada Adis-Ababa ee Dalka Itoobiya.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Cali Max’ed Geedi uu ku soo fool leeyhay Magaalada Jowhar si uu halkaasi uga sii amqaado howlihii Dowladda, hase yeeshee waxay su’aale ka taagan tahay sida qaar ka mid ah Wasiirada ay u yeeli doonaan in Dowladdu ay ku shaqeyso Jowhar, waxayna sheegeen Wasiirada qaarkood in Dowladdu haddii ay ku laabato Jowhar uu jabayo heshiiskii ay Sanca ku gaareen Madaxwene C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah Guddoomiyaha Mareykanka. 

Dagaal shalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bay...

Maalintii shalay ahayd ayaa dagaal la isku adeegsaday  hubka culus iyo midka fudud waxa uu ka dhacay deegaanka Manaas oo 30-Km u jirta Gobalka Bay, waxaana dagaalkaasi la xaqiijiyay in ilaa iyo hadda ay ku dhinteen saddex ruux ayna ku dhaawacmeen saddex kale.

Dagaalkaan ayaa waxa uu ka bilowday ceel biyood oo ay isku qabsadeen labo beelood oo halkaasi wada degta, waxaana markii dambe soo kala dhex galay Odoyaal iyo waxgarad ka tagay Magaalada Baydhabo oo iyagu ku guuleystay in ay xabad joojin dhex dhigaan beelahaa.

Dagaalkaan oo saameyn ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa joojinta kalloo ka qayb-qaatay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo iyana ka tagay Magaalada Baydhabo.

Qaybo ka mid ah Dalka waxaa ka jira dagaalo goos goos ah oo u dhexeeya beelo Soomaaliyeed, kuwaasoo maalin walba ay ku dhintaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Bashiir Goobe oo shalay warbixn siiyay Golaha Wasiiradda ...

Bashiir Max’ed Jaamac (Goobe) oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee arrimaha qorsheynta ayaa shalay warbixin waxa uu siiyay Golaha  Wasiirada oo uu saabsan ammaanka goobaha ay dowladdu degan tahay ee Magaalada Baydhabo, iyo waliba Magaaladaas.

Waxa uu sheegay in ay diyaarinayaan 500 oo Askari oo suga ammaanka Magaalada Baydhabo iyo waliba sidii ay ula socon lahaayeen dadka soo galaya Magaalada Baydhabo, maadaama halkaasi ay degan tahay dowladda Federaalka labadeeda gole.

Col. Bashiir waxa uu sheegay in Hay’adda UNDP-da ay ka heleen qalab lagu baaro dadka marka ay galayaan goobaha dowladda iyo goobaha kale ee lagu qabto shirarka, waxa kalloo uu sheegay in Hay’adda UNDP ay weli ka sugayaan alaab kale oo la xiriirta dhinaca ammaanka.

Warbixinta Bashiir Goobe ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay golaha Wasiirada waxaana aaqiritaankii la isku afgartay in guud ahaan Ciidamada laga saaro Magaalada Baydhabo iyadoo lala kaashanayo Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle.

            Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan xaaladdeeda nabadgelyo ay aad u darneyd kaddib markii ay halkaasi ka dhaceen jidgooyooyin ay dhigteen kooxo maleeshiyo ah oo dhaqaale doon ah, sidoo kale waxa waxyeelo loogu gaystay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo qaarkoodba laga qaatay Moobeeladoodii iyo Gawaridoodi

Xaaladda deeganka Majiyahan oo shalay Degeneyd...

Wararka ka imaanaya Gobalka Bari waxay sheegayaan in deegaanka Majiyahan oo doraad ay ka dhaceen dagaalo u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamo ka socday Maamul Gobaleedka Puntland uuna dagaalkaasi ka dhashay kaddib markii shirkad sheegata Australian halkaas ka bilwoday in ay ka baarto shidaal iyo macaadin, taasoo ay si aad ah uga caroodeen dadka deegaanka oo sheegay in aan waxba lagala socodsiin.

Deegaankaas ayaa shalay ku baxay Odoyaal ka kala yimid gobalada Bari iyo Sanaag ayaa waxay lagu guuleystay in marka hore la joojiyo baarista macdanta, isla markaana laga wada hadlo waxa dagaalka dhaliyay iyo dadkii ku geeryoodya.

Dadka deegaanka ayaa waxay codsadeen in marka hore halkaasi laga saaro dhamaan ciidamada Puntland dibna loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen, hase  yeeshee maamul gobaleedka Puntland waxa uu sheegay in halkaasi ciidamada loogu diray si ay u ilaaliyaan shaqaalaha shirkadda oo iyagu wada baaritaan dhinaca shidaalka ah ama macdanta, waxa uuna maamulku sheegay in baaritaanku marka uu dhamaado ay heshiis la gali doonaan dadka deegaanka si loo soo saaro macdanta (ama shidaalka). 

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Barnaamijkii Radio Xoriyo

04 April March 2006 
  • Dhirbaaxooyin ciidammada xoreyntu u gaysteen kuwa gumaysiga. 
  • Dad rayad ah oo cadowgu waxyeelleeyay. 
  • Afewerki: Hawsha Qaramada Midoobey waa sidii xadka loo jeexi lahaa.
  •  UNICEF oo ka digtay dhibaato carruurta Oromiya la soo deristay.
  •  Xaalad colaadeed oo ka taagen Jaamacadaha Adis Ababa.
 ======================         
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya dhirbaaxooyin daran ugu gaysteen ciidammada saama-la-luudka ah eegumaystada Itoobiya.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 28/03/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku gubeen magaalada Farmadow baabuur xamuul ah oo rar u siday ciidammada gumaysiga fadhigoodu yahay magaalada Qabridaharre. Baabuurkani wuxuu ciidammada u waday raashiin iyo khamri markii ay ciidammada xoreyntu ku haleeleen magaalada Farmadow. Baabuurkan,oo taariggadiisu ahayd 4306, waxaa iska lahaa nin Tigree ah oo lagu magacaabo Wilde Girme.
 
26/03/06 dagaal mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen Barmiilka, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 8 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
25/03/06 dagaal ka dhacay Iimey-Bari waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 6 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
23/03/06 Siiqaley, oo ka tirsan degmada Abaaqorrow, waxaa lagu qaqabtay koox ka tirsana malleeshiyada Itoobiya ee Dabaqoodhiga loo yaqaano, waxaana laga qaaday 2 Qori, ka dibna waa la iska sii daayay.
 
21/03/06 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Gudhis waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
19-20/03/06 Laanqayrta, oo degmada Dhanaan ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 10 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
17/03/06 dagaal Baarguun ka dhacay oo dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo malleeshiyada Itoobiya ee Dabaqoodhiga loo yaqaano,waxaa lagu dilay 3 malleeshiyadaas ka tirsanaa, waxaana lagu dhaawacay 4 kale. Waxaa sidoo kale malleeshiyadaas laga furtay 3 Qori.
 
Dad rayad ah oo cadowgu waxyeelleeyay.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya, oo lagu yaqaano inay dadwaynaha rayadka ah ku gaydhadaan marka goobaha dagaalka lagaga awood roonaado ayaa dhibaatooyin kala duwan gaadhsiiyay dadwayne aan waxba galabsanin. 
 
Markii ay taariikhdu ahayd 15/02/06 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya magaalada Godey dhexdeeda ku kufsadeen oo waliba jidhdil xun u gaysteen gabadh lagu magacaabo Ruqiya Cabdi Muxumed.
 
Meesha lagu magacaabo Laaga-Hidda, oo ka tirsan gobolka Nogob, waxay dhawaan ciidammada gumaysiga Itoobiya ku hareereeyeen dadwayne isugu soo baxay munaasabad gaar ah. Ciidammada gumaysigu waxay bacad-joojiyeen oo six un ugu hanjabeen dadwaynahaas, ka dibna waxay ka qaateen 20 Qori oo dad shacab ahi lahaayeen.
 
28/03/06 waxay ciidammada gumaysigu jidhdil xun ugu gaysteen Barmiilka ninka lagu magacaabo Ibraahim-Madoobe Muxumed, oo ah mu’addinkii masaajidka Barmiilka.
 
Raashiin ay JWXO ku qaybisay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ah
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa beryihii denbe oo dhan kordhisay dadaalka ay ugu jirto in dadwaynaha tabaalaysan la gaadhsiiyo raashiinka samafal ahaanta loo bixiyo, oo beryihii hore ay ciidammada gumaysiga Itoobiya u tashan jireen, dadwaynihii loogu talagalayna aan waxba laga siin jirin.
 
Arrintaas ayay Jabhaddu guul wayn ka gaadhay, iyadoo raashiinka gaadhsiisay meelo badan oon hadda ka hor la gaadhsiinin.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 28/03/06 waxay JWXO ku qabisay magaalada Farmadow raashiin dhan 1248 Jawaan, iyadoo qofkiiba la siiyay hal Jawaan. Dadka aad u sii liitana looga badiyay intaas. Dadwaynaha ayaa arrintaas aad ugu riyaaqay, kuna tilmaamay naxariis Eebe u soo diray, isla markaana aad ugu bogaadiyay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya sida ay danta shacabkeeda heeganka ugu tahay.
 
Waxay sidoo kale Jabhaddu labo baabuur oo raashiin ah u qabisay dadwaynah aku dhaqan Malka-Afweyn iyo nawaaxigeeda. Hase yeeshee markii ay ciidammada Jabhaddu halkaas ka tageen wax yar ka dib waxaa ciidammo Itoobiyaan iyo malleeshiyo Dabaqoodhi ah isugu jira, kuwaasoo dadwaynihii ka soo uruuriyay raashiinkii la siiyay,isla markaana baabuurtooda ku gurtay. Waxay kaloo dadwaynaha ka dhaceen raashiin kale oo iyagu lahaayeen.
 
Magaalooyinka Bubi iyo Dhuurre waxay Jabhaddu mid walba ku qaybisay hal baabuur oo raashiin ah.
 
Dhinaca kale gobolka Nogob waxaa ka dillaacay cudur khatar ah oon horay loo arag, kaasoo ku dhaca Geela. Ducurkan oo neefka qaadaa aanuu ka kacaynin, waxaa la filayaa inuu ka yimid dhinaca gobolka Cafar.
Dadwaynaha ayaa cudurkan aad uga walwalsan, waxayna qayla-dhaan u dirsadeen maamul ku sheegga Kililka, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jiro waxaa mucaawano ah oo dadwaynaha la soo gaadhsiiyay.
 
Roobabkii ayaa meelo badan oo dalka Ogaadeenya ka mid ah si fiican uga curtay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu raxmaadku wada gaadhi doono dhulka oo dhan haddii Eebe idmo.
 
Afewerki: Hawsha Qaramada Midoobey waa sidii xadka loo jeexi lahaa.
 
Madaxwaynaha Eritereya Isayas Afewerki ayaa sheegay in hawsha ugu muhiimsan ee u taalla ergada Qaramada Midoobey ee Eritereya iyo Itoobiya UNMEE ay tahaya sidii loo astayn lahaa xadka u dhexeeya dalkiisa iyo Itoobiya, sidaas waxaa jimcihii u sheegay ergayga gaarka ah ee oxghayaha Qaramada Midoobey.
 
Madaxwayne Isayas Afewerki ayaa sheegay in ariinta manta ugu muhiimsan, markii horana ugu muhiimsanayd, ay tahay astaynta xadka, sidaas darteedna loo baahan yahay ina iyada xoogga la saaro. Wuxuu kaloo intaas ku daray in marka la eego heshiiskii Aljeris ku dhaxe maray Eritereya iyo Itoobiya uu awood buuxda u siiyay Guddiga Xadka Eritereya iyo Itoobiya EEBC inay asteeyaan xadka labada dal u dhexeeya.
 
Madaxwayne Isayas Afewerki wuxuu kaloo sheegay in haddii xadka la asteeyo iyadoo la raacayo go’aankii kama denbaysta ahaa ee labada dalba fulintiisa ku qasbanaayeen ee ka soo baxaya Guddiga Xadka Eritereya iyo Itoobiya EEBC, ay markaas fududaan doonto in xal loo helo dhammaan arrimaha kale ee la xidhiidha hawla hawlaha ergada Qaramada Midoobey ee UNMEE.
   
Xukuumadda Itoobiya ayaa wali la marinsiin la’yahay fulinta go’aankii ka soo baxay Guddiga EEBC, waxayan wali diiddan tahay iany ka tanaasusho dhulkii loo xukumay dalka Eritereya, sidaas darteed waxay ku adakaysanaysaa in labada dal marka hore ka wadahadlaan khilaafkooda xadka ku saabsan, iyadoo ujeeddadeeda ugu wayn ay tahay in loo soo celiyo magaalada Bademe oo loo xukumay dalka Eritereya, arrintaasoo ay Eritereya ku gacan saydhay.
 
Beesha caalamka ayaa iyaduna ku guul darraysatay inay xukuumadda ku qasabto inay u hooggaansanto qaraarkii caalamiga ahaa ee xalka loogu raadinayay dhibaatada labada dal dhextaalla.
 
UNICEF oo ka digtay dhibaato carruurta Oromiya la soo deristay.
 
Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ayaa ka digtay in carruurta ku dhaqan gobolka Oromiya ay la soo deristay dhibaato kale oo ka dhalatay roobabka gobolkaas ka billowday, ka dib markii labadii sano ee u denbeeyay ay gobolka abaaro xunxun ka jireen.
 
Afhayeen u hadlay Hay’adda UNICEF ayaa sheegay roobabka ka da’ay qaybo ka mid ah gobolka Oromiya ay la yimaadeen cudurrada ay ka midka yihiin shubanka iyo duumada, kuwaasoo dhibaato loo dhammaado soo gaadhsiin kara dadwaynaha gobolka ku dhaqan oo markii horaba aad u tabaalaysnaa.
 
Hay’adda UNICEF waxay aad uga digtay nafaqa xumo ba’an oo haysa qiyaastii carruur gaadhaysa 56,000 oo da’doodu 5 sano ka hoosayso, kuwaasoo ku dhaqan gobollada galbeedka xiga ee Oromiya ee xadka la leh dalka Kenya. Waxay kaloo Hay’addu sheegtay in xooluhu ay wali dhimanayaan.
 
Waxaa sidoo kale dadwaynahaas fara ba’an ku haya cudurka duumada oo ka dhalanaya biyaha jiifa waraha iyo galgalimaha ku dhaw meelaha ay dadku deggan yihiin.
 
Waxay kaloo Hay’addu ka digtay in bakhtiga xooluhu uu daasan yahay duleedka meelaha ay dadku deggan yihiin, ka dibna uu soo raacayo daadka biyaha ku soo ururaya meelaha laga cabbo. Qof kasta oo biyahaas ka cabba wuxuu khatar u yahay cudurka shubanka.
 
Xaalad colaadeed oo ka taagen Jaamacadaha Adis Ababa.

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Adis Ababa ayaa sheegaya in ay xiisad colaadeed ka taagan-tahay Jaamacadaha Adis Ababa qaarkood, taas oo ay sabab u tahay xaalada siyaasadeed ee sii murgeysa ee wadanka Itoobiya.
Xiisadahan colaadeed ee ka socota Jaamacadaha ayaa waxay u badanyihiin  qalalaaso la xidhiidha Ururada mucaaradka ee hubaysan iyo kuwa aan hubaysnayn.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Jaamacadaha Addis Ababa ay ku hardamayaan taageerayaasha xisbiga CUD iyo sirdoonka TPLF. Halka Jaamacadaha Jimma,  Alemaayaa , Ambo iyo kuwo kale  ay hadheeyeen rabshadaha ay wadaan taageerayaasha Ururuka mucaaradka ee Oromada ee hubaysan .

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro iska hor imaad aan weli dhalin  gacan ka hadal oo u dhaxeeya Ardeyda Jaamcadaha dhigata dhexdooda, kaas oo la xiriira djinaca diinta.
Iska hor imaadka Ardeyda ayaa ka dhashey kadib markii Ardey dhigta Jaamacad Awasa oo ah dadka aaminsan diinta Masiixiga oo in mudo ah isticmaalayey Kitaab Quraan ah oo uu akhrisan jirey, ayaa Jaamacada laga eryey mudo dhan 2 sano, taas oo Ardeyda Muslimiinta ah ee dhigata Jaamacadaas ay u arkaan in uusan Ardeygaasi gelin dambi intaas le’eg oo waxbarashada lagaga eryo  mudo dhan 2 sano.

Waxaa kale oo soo baxaya warar tibaaxaya in Jaamacdda Adis Aaba lagu arkay kitaabka Quraanka ah oo lagu dhajiyay gidaarka musqulaha maalinimadii Isniinta.  Taas oo dhalisay in Ardadii muslinku billaabeen in ay ka soomaan cuntada Jaamacadda, islama markaana wada hadal la yeeshan madaxa Jaamacadda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaaa aad looga cabsi qabaa in culayska noocan ahi ku faafo dhammaan Jaamacadaha  Itoobiya, halkaana uu ka soo baxo iska hor imaad diimeed oo u dhexmara Ardeyda dhexdooda, iyadoo aad looga baqayo in dawladda Itoobiya maamuli kari weydo rabshado diimeed, maadaama ay la il darantahay  kuwii siyaasadda.
 
Radio Xoriyo
 
 04 April 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2006

Musharaxa Yaasiin Abuukar Cariif oo isaga oo ku sugan Mareykanka la soo xiriiray Kooxaha K/cagta
Hotel Ramadaan waxaa ka dhacday Xaflad qado ah oo loo sameeyay 24-ka Kooxood ee iyagu ka qayb-qaadanaya doorashada.. Guji... Apr 4


Dagaal ka Dhacay Deegaanka Majayahan
»Xubnaha "Isbahaysiga Argagixisada" oo wada olole…
»Max’ed Dheere “Khilaafkii Dowlada waa dhamaaday”
»Muuse Suudi iyo Cabdi Qaybdiid oo ku kulmay Kaaraan
»C/llaahi oo guddi u magacaabay xiisaddii Waajid...
»Caamir Muusaa oo uga digay hogaamiyaasha Soomaaliya...
»Malaaqyada iyo Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Apr 4

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD