SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARK APRIL 6, 2006

  • Barre Hiiraale oo bixiyay lacag Magdhow ah oo gaareysa..

  • Heshiis laga gaaray xiisaddii ka taagneyd Waajid

  • Saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda oo ka shiraya sidii….

  • Qaramada Midoobey oo sheegtay in Soomaaliya u baahan tahay lacag Gaaraysa…

  • Isbaaro taalay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo oo lagula Wareegay.

  • Cabdi Siyaad “wax kulan ah oo Isbahaysiga SNA la yeeshay…..

  • Markab laga leeyahay wadanka Kuuriya oo lagu qafaashay….

 


NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN

Haraaga Taalladii SYL ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Isha sawirkan: www.syl2.s5.com
 


SYL

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

  • C/qaadir Sakhaawadiin
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
  • Sayid Xirsi Nuur
  • Maxamuud Cusmaan Baarbe
  • Daahir X Cusmaan Sharmaarke
  • Xaaji Muxumed Xuseen
  • Khaliif Hundow Macalim
  • Muxumed Faarax Hilowle
  • Muxumed Cabdulle Xayeesi
  • Cusmaan Geedi Raage
  • Dheere X Dheere
  • Muxamed Cali Nuur
  • Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban oo SYL ka akhri halkan

Barre Hiiraale oo bixiyay lacag Magdhow ah oo gaareysa..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaanyo ee Gobalka J/hoose waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd guddoomiyaha Isbahaysiga Dooxadda Jubba uu bixiyay lacag magdhow ah oo la siiyay rag lagu laayay magaalada Kismaayo oo taageersanaa ninkii ay Barre Hiiraale sida aadka ah isku hayeen Magaalada Kismaayo ee Col. Cabdi Cigaal. Lacagta magdhowga ah ee uu bixiyay Barre Hiiraale ayaa waxa ay gaareysaa 512-Milayan oo Shillin Soomaaliya ah, waxaana la siinayaa Magdhowgaasi eheladii iyo qaraabadii ay ka geeryoodeen sadeed nin oo dhawaan ku dhintay iska hor imaadyo dhex maray taageerayaasha Col. Cabdi Cigaal iyo Col. Barre Hiiraal.

Lacagtaas magdhowga ah waxaa qaaday odoyaal iyo waxgarad uu ka soo jeedo Barre Hiiraale, waxaana odoyaashu ay sheegeen in ay sii wadi doonaan wada hadalada u dhexeeya labada Korneel iyagoo sheegay in ay horey loogu heshiiyay dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen in marka hore magdhow laga bixiyo raggii ku dhintay iska  hor imadka, in la qaybsado maamulka Gobalka, in si cadaalad ah iyana loo qaybsado kheyraadka iyo canshuuraha ka soo xarooda Gobalka Jubba Hoose. Hesiiska hordhaca ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay dadweynaha ku nool Magaalada Kismaany oo iyagu ka cabsanayay in mar kale uu dagaal ka dhaco Magaaladaasi, sidoo kale waxaa dhawaan la filayaa in la isku daro maleeshiyooyinkii kala taageersanaa Barre Hiiraale oo ah Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Dowladda Federaalka iyo Col. Cabdi Cigaal kuwasoo la dejin doono Magaalada Kismaayo duleedka xero ku taal.

Heshiis laga gaaray xiisaddii ka taagneyd Waajid

Wararka ka imaanaya Magaalada Waajid ee Gobalka Bakool, waxay sheegayaan in xiisaddii maalmahan ka taagneyd Magaalada Waajid ee Gobalkaa inteeda badan la xaliyay kaddib markii ay arrintaani dhex galeen guddi uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u magacaabay arrintaan.

Guddiga oo shalay kulamo la yeeshay odoyaal iyo waxgarad ka tirsan ama uu ka soo jeedo ninkii dhawaan ay Magaalada Waajid ku dileen ciidamadii laga keenay xerada Kongo ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii loo qaboojin lahaa arrintaasi, iyadoo Odoyaasha iyo Waxgaradka ay sheegeen in wixii loo soo go’aamiyo ay qaadan doonaan, taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen guddigii dhex dhexaadinta.

Madaxweynaha ayaa horey u sheegay in uu bixin doono wax kasta oo lagu soo afjarayo xiisaddaasi, taas oo ay si aad ah u soo dhaweeyeen Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beelaha Digil iyo Mirifle.

Saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda oo ka shiraya sidii….

Saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda oo kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa la filayaa in maanta ay Magaalada Nairobi ay kula kulmaan mas’uuliyiin ka socota urur  Gobaleedka IGAD.

Kulankaasi ayaa la iskula soo qaadi doonaa sidii loo fulin lahaa go’aanadii dhawaan ka soo baxay madaxda IGAD oo dhawaan kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi, iyadoo qodobka ugu muhiimsan ee la isla soo qaadi doono uu yahay sidii Soomaaliya loo keeni lahaa ciidamo shisheeye oo gacan siiya Dowladda Federaalka.

Urur Gobaleedka IGAD ayaa isagu waxa uu doonayaa in saddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda ay isku mowqif ka istaagaan arrimaha keenista ciidamada, si urur Gobaleedka IGAD ugu fududaato in Qaramada Midoobey in Soomaaliya laga aado cunaqabateynta hubka.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa isagu si aad ah uga soo horjeeda in Soomaaliya la keeno Ciidamo nabad ilaalin ah waxa uuna ku xiray in marka hore ogolaansho laga helo Golaha Baarlamaanka, sidoo kale Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa shaaca ka qaaday maalintii doraad ahayd in marka hore caalamka uu gacan ka siiyo sidii loo uruurin lahaa ciidmadii xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qaramada Midoobey oo sheegtay in Soomaaliya u baahan tahay lacag Gaaraysa…

Qaramada Midoobey ayaa digniin culus ka soo saartay abaaraha iyo biyo la’aant ka jira dalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dad gaaraya 2-Milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin Geeri, haddii aan gargaar deg deg ah lala soo gaarin dadkaasi oo xoogooda ku nool Koonfurta Soomaaliya.

“Haddii aan la helin 320-Milyan oo Doolar waxaa bil kasta dhimanaya 10-Kun oo qof, sidoo kale haddaan Roob Alle keenin, waxaa sii kordhaya dhimashada dadka iyo xoolaha” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay qaramada Midoobey.

Ilaa iyo Hadda Qaramada Midoobey wax gargaar ah oo la taaban karo oo ay gaarsiisay dadka ku tabaaleysan gobalada Dalka Soomaaliya ma jiran, hase yeeshee shacabka Soomaali-yeed ayaa sanadkaan muujiyay karti iyo dadaal dheeraad ah kaddib marki gurmad baaxad weyn leh ay la gaareen dadku dhibaatadu ka soo gaartay abaaraha iyo Biyo la’aanta.   

Isbaaro taalay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo oo lagula Wareegay.

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Bay waxay sheegayaan in maalintii shalay ahyd Isbaaro tiil inta u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo oo loo yaqaanay Isbaarada Qardho ay kooxdii Dableyda ahayd ee horey u joogtayu kala wareegeen koox kale oo dabley ah oo xoog ku muquunisay.

Isbaaradaasi oo ahayd mid si aad ah loogu dhibi jiray dadka, ayaa markii ay dableyda kale la wareegtay aysan waxba iska bedelin oo sidii ayaa Gawaarida isaga kooshta Muqdisho iyo Baydhabo looga qaadayay lacagihii.

Kooxdii Isbaarada lagala wareegay ayaa iyana haatan wadda abaabul ay ku dooneyso in ay dib ula soo noqoto isbaaradeedii, waxaana markii uu dagaalkaasi dhacayay halkaasi ku dhaawacmay labo ka mid ah maleeshiyooyinkii horey u joogay halkaaso.

Odoyaasha deegaanka ayaa dadaal ugu jira sidii loo qabooji lahaa xasaradaasi, waxayna wada hadal la leeyihiin labada kooxood ee ku dagaalamay isbaaradaasi.

Kal hore ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu kala iibsaday Isbaaro tiilay duleedka Magaalada Muqdisho, taasoo laga bixiyay lacag aad u fara badna oo la siiyay kooxdii horey u haystay, waana arrintii ugu yaabka badneyd ee dhinaca isbaaryooyinka ee ka dhacda dalka. 

Cabdi Siyaad “wax kulan ah oo Isbahaysiga SNA la yeeshay…..

Cabdi Siyaad Xasan Sabriye oo ah ku simaha guddiga sare ee Arrimaha gudaha SNA ayaa si kulul u beeniyay warar maalmahan ay faafinayeen saxaafadda oo ahaa in xubno ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ay filo Soomaaliya kulan kula yeesheen saraakiil ka tirsa Isbahaysiga SNA, waxa uuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayd.

“Isbahaysiga SNA waa Isbahaysi nabadeed, wuxuuna dhex dhexaad ka yahay dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Cabdi Siyaad oo sheegay in isbahaysigu SNA uu aad uga xumaaday dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, isagoo u soo jeediyay kooxaha dagaalamaya in ay gacan ka hadalkooda ku dhameeyaan wada hadal iyo is afgarad.

“Isbahaysiga SNA waxa uu ka soo horjeeda wax la yiraahdo dagaal, mowqifkiisuna waa nabad in lagu wada noolaado” ayuu yiri Cabdi Siyaad oo taageerayaasha SNA u soo jeediyay in ay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo isku soo dhawaanshaha shacabka.   

Markab laga leeyahay wadanka Kuuriya oo lagu qafaashay….

Iyadoo maalmahan ay kordhayeen weerarada lagu hayo Maraakiibt isaga gooshta xeebaaha Soomaaliya ee isugu jira kuwa ganacsiga iyo kuwo Mucaawinada aya maalintii shalay waxay koox dabley ahi ku afduubteen xeebaha Soomaaliya Markab laga leeyahay wadanka Kuuriya.

Markabkaas oo ilaa iyo haatan aan la garaneyn meesha la aaday ayaa haddana warar waxay sheegayaan in Markabkaasi loo weeciyay dhinaca deegaanka Xarardheere oo horey loogu haystay Markab laga lahaa wadanka Hindiya oo rar keenay dekedda Ceel-Macaan.

Odoyaal iyo Ganacsato ayaa dhawaan u ambabaxaya deegaanka Xarardheere si ay u soo furdaamiyaan Maraakiibta halkaas lagu haysto, maadaama mid ka mid ah maraakiibtaasi uu ka tagay dekedda Ceel-Macaan uuna u kireysnaa ganacsato Soomaaliyeed oo badeecooyin keenay dekedda Ceel-Macaan.  

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2006

Caasha Cabdala “Cadde Muuse ayaa heshiis la soo Galay Shirkado Maafiyo ah...
»
Cali Geeddi “Afar Shaqsi Dowladdu u xaayirnaanmeyso..
»Isbahaysiga SNA oo sheegay in ay dhexdhexaad ka yihiin..
»Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Jowhar ku soo fool leh
»Bashiir Goobe oo warbixin siiyay Golaha Wasiiradda ...
»Xaaladda deeganka Majiyahan oo shalay Degeneyd...
»UNICEF oo ka digtay dhibaato carruurta Oromiya la soo..
»Xaalad colaadeed oo ka taagan Jaamacadaha Adis Ababa
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 5



Dumarka Soomaliyeed iyo "Quixtar:
Qormadan waxa ay ku saabsan tahay dumar Soomaaliyeed oo ka warbixinaya waxay kala kulmeen "Quixtar".. Ka Akhri halkan ama Halkan...

 

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD