SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA APRIL 8, 2006

  • C/llaahi Yuusuf oo Gacan Qaaday Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe..
  • Wakiilka Ugaaska Beesha Cayr oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka..
  • C/raxmaan Baadiyow “waa ku ceeb madaxda Dowlada Federaalka..
  • Beesha Sacad oo go’aan adag ka qaadatay Xaaladda ka taagan..
  • Xus loo sameeyay maalinta caafimaadka Adduunka ee...
  • Madaxweyne Bush oo xukumaddiisu ay lacag ugu deeqdey Dowlado ay ka mid...
  • Cumar Xaashi Aadan “Ciidamo shisheeye waan loo baahan yahay laakiin..
  • Weerar  dhaawac geystey oo ka dhacay magaalada kismaayo
  • Zimbabwe oo diiday inay celiso Mingistu Xayle Maryam.



Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

C/llaahi Yuusuf oo gacan qaaday Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe..

Waxaa kulamo uga soceen labadii maalmood ee ugu dambeysay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya madaxda Sare ee Dowladda sida Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxayna kulamadaasi ahaayeen kuwo ay albaabadu u xirnaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadaasi si weyn loogu lafa guray habka ama qaabka ay Xukumaddu ugu shaqeyn karto Magaalada Jowhar iyo khilaafka meesha xun gaaray ee u dhexeeya Guddoomiyaha siyaasadda Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeebe (Max’ed Dheere) iyo Dowladda Federaalka ah, iyadoo inta badan laga wada hadalku uu ku saleysnaa sidii Dowladda dib loogu celin lahaa Magaalada Jowhar kaddib markii ay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Max’ed Dheere ay wada hadal ku yeesheen Magaalada Adis-Ababa, Waxaana kulan isaga yimid arrinkaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf,  Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isul waaare Cali Max’ed Geedi, iyadoo khilaaf ka taagan yahay qaabka loogu laaban karo Magaalada Jowhar, balse waxay Mas’uuliyiintu isku raaceen in goobaha Xukumaddu ku shaqeyneyso loo daayo Golaha Baarlamaanka.

Dhanka kale waxaa isna Magaalada Nairobi soo gaaray Max’ed Dheere oo ay kulan gaar ah wada yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna si rasmi ah uga heshiiyeen khilaafkii horey u kala dhex maray, waxaana Wasiirka Warfaafinta Dowladda oo wax laga weydiiyay kulanka Nairobi uu sheegay in natiijo wanaagsan laga gaaray oo uuna ku dhamaaday si afgarad ah iyo waji wanaagsan.

Wakiilka Ugaaska Beesha Cayr oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka..

Waxay shalay ku yeeshay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi kulan ku yeeshay Safiirka Mareykanka ee Dalka Kenya William Blemy iyo waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan Beesha Cayr oo uu horkacayo Wakiilka Ugaaska beesha Cayr Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur. Kulankaas waxaa la iskula soo qaaday arrimaha Magaalada Muqdisho iyo dagaaladii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, safiirka Mareykanka oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanku ay saaxiib wanaagsan la tahay shacabka ku nool Magaalada Muqdisho aysanna dooneyn in ay wax colaad ah dhex maraan Dowladda Mareykanka iyo Shacabka Muqdisho, isagoo sidood kalana ka codsaday Waxgaradka Beesha Cayr ee uu kulanku la qaatay in ay skaashi la yeeshaan Dowladda Mareykanka gaar ahaan Safaaradda Nairobi. Waxgaradkii shirka ka qaybgalay qaarkood oo ka jawaabayay su’aal uu safiirku weydiiyay suuragalnimada in Maxkamadaha Islaamka ee Magaalada Muqdisho ay xiriir la leeyihiin kooxo xagjir islaamiyin ah iyo in ay dhici karto in ay Qatar geliyaan danaha reer Galbeedka ee Geeska Afrika ayaa waxay sheegeen in Maxmadaha Islaamku ay yihiin maxkamado ay dhiseen beeluhu isla markaana ay awoodoodo ay ka hooseeyo sida ay reer galbeedku u buunbuuniyee, waxay kalloo sheegeen in Maxmadaha ay taageeraan ganacsatada, Beelaha, Aqoonyanada iyo siyaasiyiinta waaweyn ee reer Muqdisho sababtuna ay tahay in ay wax ka qabtaan Magaalada Muqdisho. 

C/raxmaan Baadiyow “waa ku ceeb madaxda Dowlada Federaalka..

             Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka mid ah  Maamulka Jaamacada Muqdisho oo hadda ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa ka waramay sida uu u arko maamul la,aanta ka jirta Magaalada Baydhabo iyadoo mas’uuliyiinta ugu saraysa DFKMG ay ku sugan yihiin waxa uu yiri.

             “Magaalo ay ku nool yihiin  kumanaan dad ah oo ay dowladuna ku sugan tahay, iyadoon wax maamul ah ka jirin waa ceeb, waxayna tusaale u tahay farsamo xumida DFKMG iyo mas’uuliyiinta Baydhabo in aysan awood saarin, waxaana lagama maarmaan ah in la sameeyo labo arimood oo kala ah, In la sameeyo maamul KMG ah oo aan sharci weyn loo fiirin, waxaa kale oo loo baahan yahay xubnaha DFKMG ee deegaanka ka soo jeeda in ay faraha kala baxaan maamul u sameynta deegaanka, mana aha markii gudoonka gobolka la sameynayo inay yiraahdaan igaa wasiiradii ah inagaana Gudoonka gobolka ka shaqaynayno, taasina ma soconayso”.

            Wuxuu sidoo kale ka hadlay maamul u sameynta Magaalada Muqdisho waxa una tilmaamay in sababihii ka hor istaagay maamul ay Muqdisho yeelato ay ugu wacneyd is jiidjiidsha siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan siyaasiyiinta Muqdisho, waxa uu sheegay in maamulka hadda loo dhisay Gobalka uu yahay isku day aad u wanaagsan, haddana waxay ku xiran tahay in uu guuleyso maamulkaan sida ay u taageeraan shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

Beesha Sacad oo go’aan adag ka qaadatay Xaaladda ka taagan..

Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay Beesha Sacad oo ka mid ah Beesha Habargidir, waxayna shirkaasi kaga hadleen arimihii ugu dambeeyay ee Magaalada Muqdihso, waxayna si gaar ah uga munaaqashoodeen abaabul dagaal oo ay sheegeen in rag ka mid ah beesha Sacad ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Xasan Maxamuud Jimcaale oo ka mid ah waxgaradkii ka qaybgalay shirkii shalay ayaa sheegay in beeshu ay gebi ahaanba ka soo horjeedo wax colaad iyo dagaal dhalin kar oo laga sameeyo Magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay in mas’uul ka tirsan beesha Sacad ay ka wadaan Magaalada Muqdisho abaabul dagaal oo ay ku kala gaynayaan beesha dhexdeeda, taasoo uu sheegay in aysan marnaba qaadan Karin, ayna ka soo hor jeedaan wax walba oo gacan ka hadal keeni kara.

Waxa uu sheegay Xasan Maxamuud Jimcaale in beeshu aysan wax shuqul ah ku lahayn Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayna doonayaan in ay nabad kula noolaadaan beelaha kale iyo dadka Muslimiinka ah ee ku nool Muqdisho, waxaana isla shirkii shalay lagu magacaabay Guddi ka kooban taban xubnood oo uu guddoomiye u yahay Axmed Cali Hilowle oo ka shaqeeya isku xirka beesha iyo ka hortaga wixii colaad ka abuuraya beesha gudaheeda.

Xus loo sameeyay maalinta caafimaadka Adduunka ee...

“Waa in aan wadajir ugu shaqeynaa Caafimaadka Bulshada” waa hal ku dhiga sanadkaan ee Hay’adaha ka shaqeeya Caafimaadka, haddaba xus ku aadan 7-da April Maalinta caafimaadka adduunka ayaa shalay agu qabtay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay Ha’adaha samafalka iyo wasaaradda Caafimaadka iyo dhakhaatiirta.

Xubnihii ka hadlay halkaasi ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka Prol. Cumsaan Maxamuud Dufle, Guddoomiyaha Ururka Takhaatiirta Soomaaliyeed C/casiis Xaaji Gacal, Wakiilka Xaafiiska Muqdisho ee Magaalada Muqdisho Maxamed Maxamuuf Fuje, waxayna dhamaantood sheegeen in ay ka go’antahay in ay Soomaaliya kala tacaalaan cudurada kala duwan ee ku habsaday.   

Cumar Xaashi Aadan “Ciidamo shisheeye waan loo baahan yahay laakiin..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo dhawaan saxaafadda u waramay ayaa sheegay in Xukumadda Federaalka ay muhiimadda koowaad u soo sheegay sidii dib loogu uruurin lahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maleeshiyaadka ah, haddiise ay dabooli waayaan ay Beesha caalamka ka codsanayaan ciidamo nabad ilaalineed ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Baydhabo ka dhawaajiyeen in ay markasta muhiim tahay in la helo ciidan shisheey oo nabad ku soo dabalida qayb ka qaata.

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ayaa isna sheegay in marka hore ciidamadii Xoogga dalka la uruuriyo lana howlgeliyo, iyadoo maleeshiyaadkana tababar la siinayo, waxa uuna sheegay in Ciidamo shisheeye haboon tahay in dalka la keeno, balse aan lagu darin kuwo wadamada xuduudda la leh Soomaaliya.

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay in muhiimadda kowaad ee ciidanka ay tahay in ay ilaaliyaan goobaha ay Dowladdu ku shaqeyneyso isla markaana muhiimka u ah Dowlada Federaalka, wuxuu kalloo sheegay mar uu u waramayay saxaafadda isagoo ku sugan Baydhabo in ay dhuuban yihiin ciidamadii Soomaaliyeed, balse ay u baahan yihiin in la howgeliyo.

Xildhibaanada Baarla-maanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa iyagu si weyn u iskula dhex marayay hadalkaa ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, inkastoo Xildhibaanadu ay ku kala aragti  duwan yihiin, balse in loo baahan yahay in dood laga yeesho arrinkaa.

Madaxweyne Bush oo xukumaddiisu ay lacag ugu deeqdey Dowlado ay ka mid...

Iyadoo abaar xoog leh ay ku dhifatay sanadkaan Wadamada Geeska Afrika taasoo ay macluul ugu dhinteen dad fara badan isla markaana ay xoolo badani ku le’deen ayaa waxaa soo baxayay qaylo dhaano kala duwan oo beesha caalamka ay ka soo jeedisay wax u qabashada dadkaasi tabaaleysan, ayaa Madaxweynaha Wadanka Mareykanka George W. Bush uu sheegay in xukuumaddiisu ay ugu deeqday 92-Milyan oo Doolar  Dadka ay abaaruhu ku hayaan Wadamada Geeska Afrika si wax loogu qabto.

“Deeqdaan waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay abaaruhu waxyeeleen ee ku nool gobalka Geeska Afrika” ayuu yiri Scott McClellan oo ah afhayeen u hadley Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka, isagoo ugu baaqay Dowladaha kale in ay qaadaan talaabo noocaas oo kale ah.

Deeqdaan waxaa qayb ka ah dhaqaale uu horey u qoondeeyay Golaha Congress-ka Mareykanka, iyadoo lagu wareejiyay US AID oo mareykanka ugu xil saaran dhanka isku dubaridka gargaarada.

Warbixin ku saabsan dagaalo dhex maray ONLF Ciidamada Xabashida...

            Jabhadda Wadaniga, Xoreynta Ogaadeeniya xafiikeeda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinadii ugu dambeeyay dagaal dhex maray iyaga iyo ciidamada Itoobiya , waxayna dagaaladaasi ka dhaceeen Jirka oo ka tirsan Gobalka Nogob, Qurac Meydka oo ka tirsan Gobalka Nogob, Qamuuda oo ka tirsan Gobalka Doolo, Dhagax Madow oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Waji Waaji oo ka tirsan Gobalka Qoraxey, Jaleeco oo ka tirsan Gobalka Doolo, Toon Ceelay oo ka tirsan Gobalka Qoraxay, Fiiq, Qurac Meydle oo ka tirsan Gobalka Nogob, wardheer oo ka tirsan Gobalka Doolo, Jinoole oo ka tirsan Gobalka Doolo, Yucub oo ka tirsan gobalka Doolo, Jiilqda oo ka tirsan Gobalka Godey, Haar Cad oo ka tirsan Gobalka Qoraxey, Fool Jeex oo ka tirsan Gobalka Qoraxey, Garbo oo ka tirsan Gobalka Nogob iyo Baraajisle oo ka tirsan Gobalka Qoraxey, waxaana ciidamada xabashida dagaalkaas looga dilay marka la isku daro 155 askri, waxaana looga dhaawacay 171 askari, waxaana laga gubay Gawaari fara badan, waxaana laga furtay hub iyo saanad, waxaana qoraalkaan na soo gaarsiiyay Cilmi Muxumad oo ka mid ah Saraakiisha ONLF.    

 Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Weerar  dhaawac geystey oo ka dhacay magaalada kismaayo
 
Hal qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii koox dabley ah oo taageersan col. Cabdi Cigaal ay soo weerartay xarunta idacaad ku taal magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen madaxda sarsare ee Isbahaysiga Dooxada Jubba. Kooxdan dableyda ah ayaa rasaas meel dururgsan kaga soo ridday rasaasta qaybta sare ee dhismaha idaacadda oo ay ku kulansanaayeen madaxda isbahaysiga

Rasaastii arbushka ahayd ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof oo ka tirsanaa ilaaladii madaxda Isbahaysiga Dooxada Jubba, kaas oo ay xabbaddu ka haleeshay caloosha iyo bowdada isla markaasna la dhigay isbitaalka magaalada, halkaas oo lagu dabiibayo.

Ma jiraan cid kale oo wax ku noqotay arrintaas, in kasta oo rasaas la is weydaarsaday, arrintaas ayaase waxa ay dhalisay kala shaki hor leh oo soo kala dhex galay maleeshiyada weerarka soo qaadday ee ay isku haybta yihiin col Cabdi Cigaal iyo kuwa kale ee Isbahaysiga Dooxada Jubba.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli Isbahaysiga Dooxada Jubba uu bixiyay dhammaan magtii dadkii ku dhintay dagaalkii dhex maray labadan maleeshiya, iyada oo sidoo kale la waday dadaallo badan oo lagu xallinayo qodobbadii ka harsanaa heshiiskii ay wada gareen col. Cabdi Cigaal iyo Isbahaysiga Dooxada Jubba, qodobbadaas oo ay ka mid ahaayeen in beesha Col. Cabdi Cigaal laga qayb geliyo maamulka isbahaysiga.

Si kastabase ha ahaatee waxaa deggan guud ahaan magaalada, in kasta oo mararka qaarkood la maqlayo maleeshiyaadka ku sugan xaafadda Guulwade oo xabbado kor u ridaya

cabdi khadar Nuur
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 8, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
07 April March 2006
 
Zimbabwe oo diiday inay celiso Mingistu Xayle Maryam.
 
Eritereya oo sheegtay in safiir u magacaabanayso Suudaan.
 
 Ciidamo Itoobiyaan ah oo sii daayay dad Kenya u dhashay.
 
Qaramada Midoobey oo ka digtay burbur ku yimaada dawlada Soomaaliya.
 
Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo wiil 15 jir ah ku dilay magaalada Awaare ee Ogadenya.
 
======================
 
  Dawlada Zembabwe ayaa ku gacan saydhay inay kaligii taliyihii hore ee Itoobiya Mingistu Xayle Maryam dalkiisii ku celiso, si maxkamad loo saaro. Baaqan ah in Mingistu Xayle Maryam dalkiisii lagu celiyo wuxuu ka ymid xisbiga mucaaradka ah ee dalka Zimbabwe ee lagu magacaabo Dhaqdhaqaaq Is-beddalka Dimuqraadiyadeed, oo madaxwaynah Zimbabwe Robert Mugabe ugu baaqay inuu yeelo sida madaxwaynaha Naigeria Olusengun Obasanjo oo Qaramada Midoobey gacanta u galiyay madaxwaynihii hore ee Laiberia Charles Taylor.
 
Wasiirka warfaafinta ee dawlada Zimbabwe ayaa sharraxaad ka bixiyay mawqifka dawladiisa eek u saabsan diidmada in Mingistu Xayle Maryam dalka laga saaro, wuxuuna sheegay in Mingistu Xayle Maryam uu dalka Zimbabwe qoxootinimo ku iymid, isla markaana uu heshiiska caalamiga ah ee Qaramada Midoobey dhigayo in qoxootiga la ilaaliyo.
 
Wasiirka warfaafinta ee Zimbabwe ayaa diiday in la isku soo qabto kayska Naigeria iyo midka Zimbabwe, wuxuuna sheegay in midda kaliya ee Charles Taylor iyo Migistu Xayle Maryam ay wadaagaan ay tahay in mid walba dalkiisii laga soo caydhiyay, balse ayna xukuumadda Itoobiya si rasmi ah Zimbabwe uga codsanin in la soo celiyo Mingistu Xayle Maryam.
 
Eritereya oo sheegtay in safiir u magacaabanayso Suudaan.
 
Dawlada Eritereya ayaa isniintii sheegtay inay sida ugu dhakhsaha badan danjire ugu magacaaban doonto dalka ay deriska yihiin ee Suudaan, tallabadaasoo Eritereya ku tilmaantay inay cadday u tahay in xidhiidhka labada dal dib loo soo nooleeyay, ka dib markii sannado badan ay labada dal kala go’naayeen.
 
Danjire ayaan u magacaabi doonaa dalka Sudaan, sida ugu dhakhsaha badan ayuuna halkaas u tagi doonaa, sidaas waxaa yidhi wasiirka warfaafinta ee dalak Eritereya Cali Cabdu, oo intaas raaciyay in tallaabadani ay tahay mid lagu hormarinayo in xidhiidhka labada dal mar kale caadi lagu soo celiyo.
 
Eritereya iyo Suudaan waxay xidhiidhka diblumaasiyadeed kala goosteen oo xidheen xadka u dhexeeya sannadkii 2002, ka dib markii dawlada Suudaan ay Eritereya ku eedaysay inay taageerto mucaaradka la dagaallama dawlada Suudaan.
 
Sannadihii u denbeeyay oo dhan wuxuu xidhiidhka labada waddan ku dhisnaa eedaymo ay isu jeedinayeen oo dal waliba uu midka kale ku eedaynayay inuu taageero kooxaha ku kacsan.
 
Diblumaasiyiin reer Suudaan ahaa ayaa iyaguna sheegay in la filayo in dalka Suudaan uu isaguna sida ugu dhakhsaha badan safiir ugu magacaabi doono waddanka Eritereya.   
 
Kooxo mucaarad ah oo bariga iyo galbeedka Suudaan ka socda ayaa wali fadhiyo ku leh magaalada Casmara, hase yeeshee dawlada Eritereya ayaa sheegtay in taageero siyaasadeed oo kaliya kooxahaas u fidiso, waxayna ku gacan saydhay eed ay Suudaan u soo jeedisay oo ah inay taageero millatari siiso.
 
Ciidamo Itoobiyaan ah oo sii daayay dad Kenya u dhashay.
 
Seddex nin oo u dhashay dalka Kenya oo seddex toddobaad ka hor ay meel xadka u dhaw ka afduubeen ciidammo Itoobiyaan ah ayaa la sii daayay. Seddexdan nin, oo ka mid ah dadka ku dhaqan nawaaxiga magaalada Mooyaale, ayaa qiyaastii 20 km guryohoodii u soo lugaynayay markii ay ciidammada Itoobiya sii daayeen.
 
Seddexdan nin ayaa booliska Kenya u sheegay inay ciidammada Itoobiya ay ku eedeeyeen inay hoy siiyeen ururka Oromada ee OLF. Seddexdan nin ee kiinyaanka ah ayaa lagu hayay xero millatari oo dhawr kiilo mitir u jirta xadka u dhexeeya Kenya iyo Itoobiya.
 
Maalintii isniinta ahayd waxaa xadka tegay saraakiil sarsare oo ka tirsan booliska Kenya, kuwaasoo wadahadallo la yeeshay masuuliyiinta ciidammada Itoobiya ee budhcadnimada ka sameeya xadka ay Kenya la wadaagto Itoobiya. Daba-yaaqadii sannadkii hore waxay sidoo kale ciidammada Itoobiya xadka ka afduubeen afar nin oo Kenya u dhashay, kuwaasoo markii denbe la soo daayay.
 
Qaramada Midoobey oo ka digtay burbur ku yimaada dawlada Soomaaliya.
 
Masuul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa ka digay in dawlada Soomaaliya ay burburi doonto dhaqaala la’aan darteed, waxaana ugu wacan iyadoo deeq bixiyayaasha caalamig ahi ayna bixinin lacago ay dawlada Soomaaliya ku maarayso dhibaatada ba’an ee ka dhalatay abaaraha dalkaas ku dhuftay, oo si wayn dhaawacay dhaqaalaha iyo nolosha dadwayne badan oo soomaali ah.
 
Masuulkan Qaramada Midoobey u hadlay ayaa beesha caalamka ku eedeeyay inay indhaha iyo dhagahaba ka daboolatay dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya, intii ka denbaysay sannadkii 1995, xilligaasoo ciidammadii Qaramada Midoobey laga soo saaray dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in intii xilligaas ka denbaysay ayna beesha caalamku wax la taaban karo u qabanin dalka Soomaaliya.
 
Masuulkan ayaa tilmaamay in abaaraha ba’an ee ku dhuftay guud ahaanba gobolka Bariga Afrika ay si wayn u sii dhaawaceen dalka Soomaaliya, iyadoo xoolihii noolaa ee dalka Soomaaliya ay 80% abaaraha ku dhammaadeen.
 
Qaramada Miidobey ayaa beesha caalamka ka dalbatay in si degdeg ah loola soo gaadho adduun gaadhaya 326 milyan oo doollarka Maraykanka ah, si wax loogaga qabto xaaladda qallafsan ee la soo deristay dadka soomaaliyeed, waxayna ka digtay in 80% dadwyanaha soomaaliyeed ka mid ah ay naftoodu khatar galayso haddii aan gargaar lala gaadhin, sababtuna ay tahay iyadoo noloshoodu ay ku tiirsanayd xoolaha nool oo kaliya.
 
Meelaha ay abaaruhu sida ba’an ugu dhufteen waxaa la sheegay inay yihiin gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya iyadoo dad aad u badani ay bil walba abaarta darteed u dhintaan. Hase yeeshee waxaa hadda la sheegayaa in gobolladii ay abaartu ugu darnayd ay roobab ka da’een, balse waxaa laga cabsi qabaa in roobabka laftoodu ay dhibaato soo gaadhsiiyaan nolosha dadka abaarta ka soo doogay oo aad u tabardaran.
 
Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in haddii beesha caalamku ayna dhibaatadan wax ka qabanin ay suuragal tahay inay sahayato dawlada Soomaaliya.
 
 
Warar hadda nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in wiil Yar oo arday ahaa da,diisuna ahayd 15 jir Lana odhan jiray Maxamed ay ciidanka gumaysiga itoobiya ku toogteen Badhtamaha Magaalda Awaare ee Ogadenya.
Wararku waxay intaas ku dareen in wiilkaas yar alle ha unaxariistee si ulakac ah ay u toogteen maalin cad,iyagoo aan ka baqaynin cid la xisaabtanta.

Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa in dad Shacab ah oo gaadhaya
 4 Ruux ay maalmahii lasoo dhaafay ku dileen ciidanka wayaanuhu Gobolka Nogob
Hasa-yeeshee
ilaa iyo hadda si saxa umahayo Magacyadooda,
 
Arrimahan ayaa caadi ka ah Ogadenya,hase yeeshee waxaa sii xoojiya,iyadoo dowlada gumaysiga itoobiya ay wadanka Ogadenya gaysay ciidan Cusub oo fara badan kadib markii meel kasta loogu sheegay inay fadhiyaan Cwxo oo ay cabsidiina kusii badatay,waxayna ciidamada gumaysiga itoobiya iyo Cxo fooda isku daraan maalin kasta gudaha Ogadenya,iyadoo ciidanka wayaanaha lagaga gacan roonaado goobaha la isku haleelo. 
 
 
07 April 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
 

“Walaashey si sharci darro ah saddex sano ugu xiran tahay xabsi dalka Yemen”
Sidaas waxaa tiri Sahro Xasan Axmed oo... Guji... Apr 7

Maanta iyo wararka Caalamka | Apr 7

Faysal Axmed Yuusuf oo Ka Hadlay Xaaladda Majayahan | Waraysi Idaacada Australia