SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII APRIL 15, 2006

  • C/llaahi Yuusuf  “Mudo 15 maalmood ah ayaad.haysatan..

  • Ra’isul Wasaare Geedi oo ku soo jeeda Magaalada..

  • Xaaji Xuseen Shabaab “Madaxweyne C/llaahi Yuusuf balantii ayuu iiga baxay”

  • Musharax C/llaahi Aabow “Usha waxaa loo dhiibtaa nin aad ka qaadan karto”

  • Shahaadada Dalladda SAFE oo laga  Aqoonsadey Dalka Suudaan...

  • Dowladda Federaalka oo dooneysa in ay xiriir dhow la yeelato..

  • Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo Beeniyey warar sheegayey..

  • Dowladda Mareykanka oo laga codsaday inay Faraha kale baxdo..

  • Beelaha Geeladle iyo Dabarre oo uu dhex..


Ra’isul Wasaare Geedi oo ku soo jeeda Magaalada..

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uu u dhaqaaqo dhinaca Magaalada Jowhar si uu halkaasi mar kale kulan ula soo yeesho Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe  Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere si halkaasi looga sii ambaqaado wixii natiijo ah ee ka soo baxay kulankii Madaxweyne C/llaahi uu la yeeshay Max’ed Dheere kaasoo la xiriiray khilaafkii soo kala dhex galay labadooda.

Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa waxa uu soo qiimeyn doonaa lacagaha uu Max’ed Dheere ku sheeganayo Dowladda Federaalka taasoo gaareysa 9-Milyan oo Doolar, sidoo kale waxa uu Ra’isul Wasaaruhu soo qiimeyn doonaa xaaladda Magaalada Jowhar maadaama horey loogu heshiiyay in Dowladdu ay dib ugu laabato Magaalada Jowhar uuna halkaasi ku shaqeeyo Ra’isul Wasaare Geedi yo Golihiisa Wasiirada, hase yeeshee waxaa su’aale ka taagan tahay waxa laga yeelayo qolooyinkii diidanaa in Dowladdu ay ku laabato ama ay degto Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe. 

C/llaahi Yuusuf  “Mudo 15 maalmood ah ayaad.haysatan..

C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa maalintii khamiista ahayd kulan la yeeshay Siyaasiyiin, Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii loo sugi lahaa ammaanka Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka hadlay kulankaasi, iyagoo hadalkooda ku cabiray sida ugu wanaagsan ee loo sugi karo ammaanka Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa qudbad kulul ka jeediyay kulankaasi, waxa uuna hoosta ka xariiqay in aan loo sii dulqaadan doonin Isbaarooyinka, qulqulatooyinka iyo falalka ay ka gaysanayaan maleeshiyooyinku Magaalada Baydhabo, waxa uuna sheegay in mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle ay haystaan mudo shan iyo taban maalmood ah in ay ku sugaan amniga Baydhabo, haddii ay ku sugi waayaana la qasbi doono.

“Waxaad haysataan 15 maalmood haddii aad shan iyo tabankaas bari wax u qaban weysaan amnigaa Magaalada Baydhabo waan idinku qasbeynaa, waxaana idiin keeni doonaa dad aadan rabi, ee armay idiin roontay in aad adinku is qasabtaan, inta aan la idin qasbin” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf  oo intaas raaciyay “waa la idinkala wareegi doonaa gacan ku haynta Magaalada, haddii aadnan wax ka qaban mudo kooban gudaheed,” Sidoo kale Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa iyaguna hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay sugida amniga Baydhabo.

Xaaji Xuseen Shabaab “Madaxweyne C/llaahi Yuusuf balantii ayuu iiga baxay”

Xaaji Xuseen Axmed Shabaab oo ah ganacsade ka soo jeeda beesha Nuux Max’uud ayaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka J/hoose, wuxuuna shirkiisa Jaraa’id uga warbixiyey marxaladihii uu soo maray kurisigii uu ka geeriyooday Islaankii beesha NM Islaan Max’ed C/llaahi Xiddig oo sanad & bar ka hor ku xijaabtay Kismaayo.

Xaaji Xuseen wuxuu sheegay in markii la laabay tacsidii Islaan Max’ed C/llaahi Xiddig waxgaradka qeybaha kala duwan ee beesha & todobada nabadoon ee jufooyinka beeshaasi ay go’aamiyeen in kursigaasi uu isagu buuxiyo, uuna aqbalay soo jeedintii waxgaradka beeshiisu u soo jeediyeen.

“Anigu mar dhow ayaan Baydhabo ka soo noqday iyadoo tegisteyda Baydhabo ay aheyd mid daba-taagneyd socdaal aan horay ugu tagnay Jowhar aniga & 4 oday oo wakiil ka ahaa Jufooyinka beesha NM & nabadoonka guud ee beesha, waxaana xilligaasi aan Jowhar kula kulanay madaxweyne C/llaahi Yuusuf & ra’isul wasaaraha Prof. Geeddi, labadooda ayaa na qaabilay, warqad waxaan wadnay ay saxiixan yihiin 10-ka nin oo ugu sareeya beesha, markii aan qaabilnay madaxweynah afkaan uga sheegnay wixii farriin ahaa qoraal-na waan ugu gudbinay, madaxweynaha wuxuu yiri “waan idinka qaadanay farriintiina, wuxuuna inoo sheegay in uu taageero la garab istaagayo guddoonka ay waxgaradka beesha NM guddoonsadeen in uu aan anigu buuxiyo kursigaas, wuxuu yiri baarlamaanka wuu kala maqan yahay, marka aad maqashaan meesha la isugu yeerayo ee uu ka dhacayo fadhiga baarlamaanka imoow adigoo u imaanaya in lagu dhaariyo, haddii aad doontana waad joogi kartaa oo xildhibaanada hadda Jowhar ku sugan baad la degeysaa, kadib waxaa la sheegay in Baydhabo la go’aamiyey, arrintii baan ku baxay anigoo Kismaayo ka kicitimay, Baydbabo markaan tagnay waxaa la i yiri kurisigaad meesha u fadhidid odayga wiil uu abti u yahay ayaan maqalnay in uu siiyey, markaan u tegay madaxweynaha waxaan u sheegay in aan ahay ninkii Jowhar ay odayaashu ugu keeneen, waxaana ku iri “Madaxweyne waxaan maqlay in wiil abti loo yahay la siiyey kursigaasi, wuxuuna si kaftan ah ii yiri, “Abti yaa kuu ah” waa la ii yahay baan iri laakiin halkan ragga ii ah ma joogaan, odaygu wuxuu yiri kursigaan ma kuu dhaarinayo aniga madaxweynaha ah ayaana kaa qabsaday, waxaan ku iri jufadii kursigaan iska laheyd haddii ay igu magacowday qaabkeed iiga bedeleysaa adiga, wuxuu igu yiri “waan kaa bedelayaa” aniguna nin madaxweyne ah in aan la mudaco way ila qurxoonaan weyday, marka Baydhabo sidaa baan uga soo tegay, markii aan dib ugu soo laabtay Kismaayo qeybaha kala duwan ee beesha haddii ay ahaan laheyd waxgaradka, aqoonyahanada, haweenka & culumaa’udiinka intuba waxey go’aansadeen in ay banaanbax ku muujiyaan cabashada & cadaalad darrada lagu sameeyey, waana mowqif ay beesha ka mideysan tahay, kuna diidan tahay in kursigaasi sida ay beesha horay u go’aamisay uu noqdo, waxaana mar waliba jecelnahay in aan ka fogaano waxyaabaha khilaafka & iska hor keen dadka walaalaha ah abuuri kara, qabiilku xumaan bey ka qabeen, guddoomiyaha baarlamaanka & xidhibaanada waxaan ka codsaneynaa in arrintaas wax laga qabto oo sida uu qabiilku u doortay loo daayo haddii wax laga bedelayana lagu soo celiyo qabiilka” ayuu yiri Xaaji Xuseen Shabaab, wuxuuna sheegay in aysan ogolaan doonin shaqsi aysan beeshu dooran in uu kursigaasi buuxiyo.

Musharax C/llaahi Aabow “Usha waxaa loo dhiibtaa nin aad ka qaadan karto”

            Maalintii shalay ahayd ayaa musharax C/llaahi Aabow oo degan Gobalka Sh/hoose gaar ahaan Degmada Afgooye waxa uu qado halkaasi ugu sameeyay 25 kooxood ee dhawaan dooranaya madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxayan qadadaasi ahayd mid uu Musharax C/llaahi Aabow ku soo bandhigayay waxqabadkiisa ku aadan haddii loo doorto gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxa uuna sheegay in haddii loo doorto xilkaasi uu dib u soo nooleyn doono k/cagta Soomaaliyeed oo waayadaan uu hoos u dhac ku yimid.

            “Usha waxaa loo dhiibtaa ninka aad ka qaadan karto, anigu waxaan ka mid ahay adinka hadaad xilkaasi ii magacoowdaan waxaan ballanqaadayaa in aan oofi doono wixii balmo ah ee aan horey u wada galnay” ayuu yiri C/llaahi Aabow oo ah Shaqsi horumar dhinaca k/cagta ah gaarsiiyay Degmada Afgooye, maadaama uu halkaasi ka dhisay Garoon K/cagta ah, isla markaana uu degmadaasi ka soo saaray ciyaartooy fara badan.

Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid aha Cali Xuseen Kaariye (Cali Goobe) oo insa u soo jeediyay kooxaha Soomaaliyeed in ay doortaan in ay is dhihi karaan K/cagta Soomaaliya kor u qaadi karaa, isagoo tilmaamayin C/llaahi Aabow uu yahay nin ka soo bixi kara xilkaasi, waxaa kalloo ka hadlay Guddoomiyaha Kooxaha C/llaahi Xaaji, waxa uuna u soo jeediyay kooxaha in ay xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta u soo xulaan rag khibrad u leh ciyaarta K/cagta, si loo helo wax saxa K/cagta, isla markaana K/caga ka soo saara mudiga iyo dhibaatada, waxaa kalloo ka  hadlay Abuukar Istuufo oo insa ka mid ah taagerayaasha Soomaaliyeed, waxa uuna C/llalahi Aabow ku tilmaamay in uu yahay nin u qalma u loo doorto xilka Guddoomiye ku xigeenka  

Shahaadada Dalladda SAFE oo laga  Aqoonsadey Dalka Suudaan...

Munaasabad loogu mahadcelinayay dunida Carabta gaar ahaan Dowladda Suudaan ayaa lagu qabtay Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho, munaasabaddaas oo ay ka soo qaybgaleen wakiilka Safaaradda dalka Suudaan u fadhiya Soomaaliya Xaydar Ibraahim Yaxye, Madaxa Xafiiska Raabidada Islaamka ee Soomaaliya Karam Max’ed Karam, Wakiilka Jaamacadda Niileyn ee Suudaan Khaalid Max’ed C/llaahi, Guddoomiyaha Dalladda SAFE C/raxmaan Macallin Axmed (Ablaal), Wakiilo ka socday UNESCO , Dalladda FPENIS iyo martisharaf kale.

  Munaasabaddan oo ay soo qaban-qaabisay dalladda Waxbarashada ee SAFE ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka soo jeediyay Guddoomiyaha Dalladda C/raxmaan Ablaal oo ka warbixiyay ujeedadii munaasabadda, waxa uuna sheegay in ay ku saabsan tahay aqoonsiga Dowladda Suudaan ay aqoonsatay shahaadda Dugsiyada SAFE, waxa uuna u mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Dalka Suudaan, wuxuuna ku baaqay in la sii daayo ardaydga la afduubtay C/raxmaan Macallin si shuruud la’aan ah, ugu dambeyntiina waxaa halkaasi ka hadlay wakiilka Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Xaydr Ibraahim Yaxye oo sheegay in ay si weyn u garab taagan yihiin dalladda waxbarashda Ee SAFE isla markaana ardayda dalladdaas ay siinayaan Jaamacad, waxa uuna u mahadceliyay mas’uuliyiinta SAFE. [WARAR DHEERAAD OO KUSAABSAN SAFE KA AKHRI HALKAN

Dowladda Federaalka oo dooneysa in ay xiriir dhow la yeelato..

Waxaa dhawaan la filayaa in Ra’isul Wasaare Geeddi uu ambabaxo dalka Talyaaniga si uu halkaasi kulamo ula yeesho Dowladda cusub ee ka dhalatay wadanka Talyaaniga oo uu hogaamiyaha ka yahay Romano Borodi kaddib markii uu dhawaan doorasho uga guuleystay Ra’isul Wasaarihii hore ee wadanka Talyaaniga Barlesconi oo xiriir dhow la lahaa Dowladda Federaalka. Ra’isul Wasaara ayaa la filayaa in uu u soo hambalyeeyo Ra’isul Wasaaraha cusub, isla markaan uu u sii wado xiriirka Soo jireenka ah ee ka dhexeeyay Shacabka Talyaaniga iyo kuwo Soomaaliyeed. Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Geeddi uu martiqaad horey uga helay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga kaasoo la xiriira sidii Dowladda Talyaaniga ay u sii laban-laabi lahayd deeqda ay siineyso Dowladda Federaalka, hase yeeshee martiqaadkaasi meesha ayuu ka baxay iyadoo Dowladda Federaalka ay si weyn uga naxday guusha uu gaaray Ra’isul Wasaaraha cusub ee Romano Barodi. Lama oga in Dowladda cusub ay halkaasi ka sii wadi doonto mashaariicidii ay horey ugu balanqaaday Dowladda Federaalka, kaasoo la xiriira sidii dib loogu soo nooleyn lahaa kaabayaashii Dowladda Federaalka, Dowladda cusub ee ka dhalatay Talyaanig waxay shacabka Soomaalyeed uga fadhiyaan sidii ay ula imaan lahayd waji cusub oo ka duwan kii hore maadaama Dowladdii Barlesconi dhowr jeer lagu eedeeyay in ay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya isla markaana ay la kala safan tahay kooxaha dowladda, waxaana taas la dareemay markii dowladda federaaku ay u kala qaybsaneyd ama ay kala deganeyd Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. 

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo Beeniyey warar sheegayey..

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Fedeaalka ayaa si kulul u beeniyay warar sheegayay in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Dowladda Itoobiya ay ka soo gudbeen Xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan gobalada Bakool iyo Hiiraan, waxayna mas’uuliyiinta Dowladda ku tilmaameen wararkaasi kuwo la doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana jalaafo loogu dhigo Dowladda Federaalka.

“Markii aan hubinay wararkaasi isla markaana aan la xiriirnay Gobaladii la sheegay in ay ka soo galeen ciidmaada Itoobiya ayaa waxaa noo caddaatay in warkaasi uu ahaa mid la been abuuray” ayuu yiri Afhayeen ka tirsan Dowladda oo ka codsaday Saxaafadda wararkaasi noocaas oo kale ah ay iska hubiyaan isla markaasna ay la soo xiriiraan dowladda.

Mar aanu la xiriirnay Gobalka Bakool ayaa wax ka weydiinay in ay jiraan wararkaasi, hase yeeshee dadka deegaanku waxay noo caddeeyeen in aysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo soo dhaafay xuduudda.

Dowladda Mareykanka oo laga codsaday inay Faraha kale baxdo..

Aqoonyahano Soomaali-yeed oo ku nool cariga Mareykanka ayaa warqad qoraal ah u diray Dowladda Mareykanka oo ay kaga cosadanayaan in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya, maadaama aysan Soomaaliya ku sugneyn wax la yiraahdo argagixiso.

“Aad baan uga xunnahay in Dowladda Mareykanka ay la xiriirto dambiilayaal dagaal oo shacabka Soomaaliyeed mudo 15 sano ah dhibaato ku hayay” ayay ku yiraahdeen qoraalkood oo intaa raaciyay “Dowladda Mareykanka waxaa ka fileyneyn in ay dadaal u gasho sidii Maxkamad loo soo taagi lahaa raggaasi, balse waxay siisey abaalmarin oo ah in ay shacabka sii laayaan”.

Qoraalkaan ka soo baxay aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa Dowladda Mareykanka waxay ugu soo jeediyeen in ay diyaar u yihiin in ay geeyaan dalka si ay u soo eegaan goobaha ay ku tuhunsan yihiin kooxaha argagixisada ah.

Ugu dambeyntii qoraalka waxaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad soo maray dagaalo sokeyee iyadoo dadka qaarkood ay doonayaan in ay si kale uga faa’iideystaan dagaalkaas sokeeye, waxayna ka codsadeyn dowladda Mareykanka in ay faraha kala baxdo, isla markaana ay waxay uga baahan tahay Soomaaliya ay kala xiriirto Dowladda Federaalka.

Beelaha Geeladle iyo Dabarre oo uu dhex..

Wararka naga soo gaaraya Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay waxay sheegayaan in uu iska hor imaad uu dhex maray Beelaha Geeladle iyo Dabare oo wada dega deegaankaasi.

Iska hor imaadkaan oo ka dhacay gudaha Magaalada Diirsoor ayaa waxaa ku dhintay ilaa 6 ruux, waxaana ku dhaawacmay 7 ruux, waxa uuna dagaalkaani uu daba joogay aano qabiil oo waayadaan u dhexeysay labada beelood.

Odoyaasha iyo Waxga-radka labada beelood ayaa ku guuleystay in ay kala dhex galaan kooxihii dagaalamay, iyadoo maanta la filayo in kulan dib u heshiisiin ah ay isugu yimaadaan labada beelood.

Dagaalkaan oo saameyn ku yeeshay Magaalada Diinsoor gaar ahaan Ganacsigii iyo isku socodkii ayaa haatan xaaladdu u egtahay mid degan, kaddib markii ay labada dhinac aqbaleen heshiiskii ay wadeen odoyaasha labada beelood, ma ahan markii ugu horeysay oo iska hor imaad uu dhex maro labadaan beelood.   

Siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifel oo maanta..

Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa la filayaa in ay maanta ka arrinsadaan xaaladda Magaalada Baydhabo kaddib markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu ka codsaday siyaasiyiintaasi in ay mudo shan iyo toban maalood ah u howlgalaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Baydhabo, maadaama maalmihii la soo dhaafay xaaladda nabagelyo ee magaaladaasi cirka isku shareertay.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee siyaasiyiintu ka arrinasanayaan waxaa ka mid ah sidii maamul loogu sameyn lahaa Gobalka Bay isla markaana loo uruurin lahaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa jira cadaadis kaga imaanaya Odoyaasha iyo Waxgaradka oo iyagu ka cosaday in si dhaqsi leh looga saaro Magaalada kooxaha maleeshiyooyinka ah ee nabadgelyo xumida ka wada Magaalada Baydhabo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Digil  iyo Mirifel ayaa waxaa dareen xoog leh ku abuuray hadalkii Madaxweynaha ee ahaa in mudo shan iyo taban maalmood ah kaddib ay ka wareegi doonto howlaha ammaanka Magaalada Baydhabo. 

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com



Sawirkan waa burburka dhismihii Baarlamaanka hore ee Soomaaliya, (Sawir qaade: Muuse Maxamuud Jiisow, 2006)
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya


ISha saiwkan: www.swan.ac.uk
Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo Maraykanka kula Taliyey in uusan Taageerin Qabqablayaasha Dagaalka Soomaaliyeed
  • Aqoonyahano Somali American ah oo Warqad Cabasho ah u Gudbiyey Sen. Norm Coleman .....

Minnesota, USA April 14, 2006

Shalay oo ay bisha April ahayd 13 waxaa xafiiska Senator Norm Coleman booqasho ku tagay aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka cabanaya warar sheegaya in dawladda Maraykanka taageero siisay dagaal oogayaal Soomaaliyeed.


Senator Coleman

Aqoonyahanadaasi waxay xafiiska senatoorka (St. Paul, Minnesota) u gudbiyeen warqad cabasho ah oo ay ku muujinayaan dhibaatada ay geeysteen dagaal oogayaasha kuwaas oo hub culus la dhacay caruur iyo maati badan ayadoo uu socdo qax iyo barakac meelo ka tirsan Muqdisho.

Aqoonyahanadaasi oo kala ah Dr. Cabdulqaadir Aadan iyo Drs. Zainab Xassan, Drs. Xaliimo Yarey, iyo Gabyaa Cusmaan Ducaale waxay sheegeen in isbahaysiga sheeganaya inay "argaggixiso" la dagaalayaan in ay ayaga naftigooda argaggax ku hayeen shacabka Soomaaliyeed muddo 16 sano ah.

Aqoonyahanadu waxay sheegeen in haddii ay dawladda maraykanka la safato dagaal oogayaasha oo ka weecato dawladda sida sharciga loo soo doortay ee ku meel gaarka ay noqon doonto qalad weyn iyo kala dilka labada shacab ee saaxiibada ah waa Soomaalida iyo shacabka maraykanka.

Aqoonyahanada waxay Senatoor Coleman oo ka mid ah guddiga arrimaha dibadda oo ansixiya kharashka dawladda, madaxna ka ah guddiga baarista iyo dabagalka senate, ka codsadeen inuu baaritaan ku sameeyo warar sheegaya in dawladda Maraykanka hub iyo saanad siisey dagaal oogayaasha kuwaas oo loo isticmaali karo in lagu laayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Aqoonyahanada waxay senatoorka kula taliyeen in dawladda Maraykanka taageerto demoqraadiyadda iyo dawladda Soomaaliyeed intii ay taageeri lahayd dagaal ooheyaal.

Websiteka Senator Coleman: http://coleman.senate.gov/

Waxaa soo tebiyey:
Cali Cigaal
egal777@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2006

AP oo Saxday War ay Hore u sheegtay::

Wakaaladda wararka ee AP (Associated Press) ayaa ka laabatay warkii ahaa in Sarakaal Maraykan ah uu sheegay in Maraykanku ay taageerayaan maleysiyada Soomaaliyeed ee la dagaalamaya Islaamka Xagjira, waa sida warku u dhigay'e, oo ku dagaalamaya gacan ku haynta Caasimada Wadanka aan Sharcigu ka jirin. Waxana ay wakaaladda AP sheegtay in ay warbixintaas si khalad ah usoo werisey, warkaas oo ay markii hore daabacday April 9, 2006, waxa ay saxday April 12, 2006.  Waxana ay wakaaladda AP tiri: XAQIIQADII, Sarkaalku waxa uu yiri waxa keliya oo Maraykanku la kulmay waa hoggaamiyayaal Soomaaliyeed oo aad u kala duwan si la isugu dayo in dalka lagala dagaalamo Argagixisada Caalamig ah... Qoraalkii AP ay arrintaas ku saxday hoos ka akhri isagoo af ingiriisi ah iyo isha warka.


Correction: Somalia-New-War Story

By Associated Press
9:14 AM PDT, April 12, 2006

NAIROBI, Kenya -- In an April 9 story about U.S. involvement in Somalia, The Associated Press erroneously reported that a U.S. official said the United States was backing Somali militants fighting Islamic extremists for control of the lawless nation's capital. In fact, the official said only that the U.S. had met with a wide variety of Somali leaders in an effort to fight international terrorists in the country.

Source: AP website: http://hosted.ap.org/dynamic/stories/S/SOMALIA_NEW_WAR_CORRECTIVE?SITE=OHDEF&SECTION=HOME&TEMPLATE=DEFAULT
and Yahoo News: http://news.yahoo.com/s/ap/20060412/ap_on_re_af/somalia_new_war_corrective_1
and  http://www.latimes.com