SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
Wararkii: August 1, 2006
  • IGAD oo maanta ka shiraysa Arrimaha Soomaaliya.
  • Ogaadeenya: Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
  • Maraykanka oo Itoobiya ka dalbay inay faraha kala baxdo Soomaaliya.

Fikradda Dowladda Maraykanka ee ku Aaddan Soomaaliya.....

Dowladda Maraykanku waxa ay DFKMG iyo Maxkamadaha Islaamiga ugu baaqday in ay dib u bilaabaan wada hadalkii Khartuum.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka, Tom Casey, oo ka hadlayey arrimaha Soomaaliya ayaa yiri: "Dowladda Maraykanku waxa ay taageereysaa hirgelinta dowlad shaqayneysa oo ay ka mid yihiin dhammaan qaybaha Soomaaliya." Waxana uu intaas ku daray "Sidaas waxaa lagu gaari karaa oo keliya in la yeesho wadahadal guud oo ay ka qayb qaataan dhamman qaybaha Soomaalida sida bulshada rayidka ah, haweenka, ganacsatada, hoggaamiye dhaqameedka, iyo Maxaakiimta Islaamiga & Hay'adaha Federaalka ee Kumeelgaarka ah".

Fikradda guud ee USA ee ku aaddan Soomaaliya ka dhegeyso: Halkan..... (Real Player) | ama Halkan...... (MP3).

IGAD oo maanta ka shiraysa Arrimaha Soomaaliya.

 
NAIROBI: August 1, 2006: Wadamada xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD ayaa ku yeelanaya magaalada Nairobi saacadaha soo socda shir ay kaga arrinsanayaan isbadalada ka soo cusboonaaday dalka Soomaaliya oo ay ugu weyn tahay Ciidamada la sheegay in ay leedahay dowlada Itoobiya ee ku sugan Meelo ka mid ah Dalka Soomaaliya sida uu saxaafada u sheegay xubin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibada ee Dalka Kenya. 
 
Shirkan oo ah mid qodobo badan kaga badalan shirarkii IGAD ee Caadiga ahaa ayay ku eegi doonaan wadamadan Ciidamo suga ammaanka dalka Soomaaliya oo horay ay u codsatay dowlada Soomaaliyeed ee Hadda Fadhigeedu yahay Gobolka bay ee magaalada Baydhabo.sidoo kale waxaa lagu soo qaadi doonaa Sii waditaanka wadahalada Midawga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowlada oo baaqday shir u bilowday oo la filayay in bishii hore ee July bartankeeda lagu qabto khartuum wajigiisi labaad,balse C/llaahi Yusuf uu ku Gacan seyray kadib markii ay dowladiisa ku eedaysay in Maxkamduhu jabiyeen xabad joojin lagu heshiiyey.
 
Arrimaha looga hadlayo shirkan oo aad u badan  ayaa waxa kale oo ka mid ah Iscasilaada Wasiiro ka mid ahaa Gollaha Wasiirada ee Dowlada iyo Saameynta ay ku yeelan karto Dowlada ay dhiseen wadamada IGAD sidoo kale dhibaatada ay keeni karto haddii la aan la helin wadahalo toos ah oo dhex mara Maxkamdaha iyo dowlada Soomaaliyeed.
 
IGAD waxa uu walwal dhexdooda ah ka haystaa sida ay ka yeeli doonaan Khilaaf dhexdooda ah oo ku wajahan ciidamada dariska ah faragalinta ay ku hayaan gudaha Soomaaliya,waxa ay dad badan saadaalinayaan in dowlada Itoobiya ay ku adkaysan doonto xaqqa ay u leedahay in ay difaacdo Dowlada Soomaaliya ee ay hogaamiyaan Ragga lagu tuhmayo in ay gacan saar weyn la leedahay ee C/llahi Yusuf Axmad Iyo Cali Maxamad Gedi.
 
Shirkan oo lagu waddo in isla maantaba la soo gabagabeeyo ayaa laga sugayaa in laga soo saaro qodobo dhowr ah muhiimna u ah xal u helitaanka xaaladaha ka jira wadanka Soomaaliya.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com



Ogaadeenya: Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay.

 
Kenya oo qabanaysa kulan degdeg ah oo Soomaaliya ku saabsan.
 
 Maraykanka oo Itoobiya ka dalbay inay faraha kala baxdo Soomaaliya.
 
 
 
================================
 
Muddooyinkii u denbeeyay waxaa ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya dhex maray dagaallo dhawr ah oo khasaare ba’an loogu gaystay ciidammada saama-la-luudka ah ee gumaysatada Itoobiya. Sidoo kale toddobaadkan meesha lagu magacaabo Qollaji, oo ka tirsan deegaanka Fiiq, wuxuu dagaal adag ku dhex maray ciidammo ay leeyihiin mid ka mid ah beelaha deegaankaas dega iyo ciidammada Wayanaaha, iyadoo ciidammada Wayaanaha halkaas askar badan lagaga laayay; Wararkaas iyo kuwa kale waxaa goor dhawayd Ogaadeenya nooga soo diray wariyaha RX Darwiish Dalmar;.....
 
Kenya oo qabanaysa kulan degdeg ah oo Soomaaliya ku saabsan
 
Dowladda Kenya ayaa ku baaqday in dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ay isugu yimaadaan kulan degdeg ah oo arrimaha Soomaaliya lagu falanqeeyo. Kulankan ayaa daruuri sii noqday, ka dib markii dhawaan magaalada Baydhabo lagu dilay wasiir ka tirsan dowladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo eedaymaha ay is-waydaarsanayaan dowladda iyo Golaha Maxkamadha Islaamiga Soomaaliya.
 
Sargaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada ee dalka kenya ayaa sheegay in kulankan ay isugu iman doonaan dalalka xubnaha ka ah ururka IGAD, kuwaasoo ka arrinsan doona wixii laga yeeli lahaa arrinta Soomaaliya ee sii murgaysa.
 
Dhinaca kale dalka Masar ayaa beeniyay eeddii uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya u soo jeediyay ee ahayd inuu taageero Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya, wuxuuna hadalka ra’iisal wasaaraha ku tilmaamay wax laga xumaado oon la qaadan karin.
 
Dowladda Masar ayaa sheegtay inay tahay arrin lala yaabo oon marnaba laga filaynin in ra'isal wasaaraha Soomaliya uu ku eedeeyo dalal ay Masar ku jirto inay doonayaan inay minja-xaabiyaan xukuumadda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo in dowladda Masar ay ka mid tahay dowladaha sii hurinaya colaadda Soomaaliya.
 
Sargaal sare oo u hadlay dowladda Masar ayaa sheegay in dowladda Masar ay dadaal dheeri ah u gashay sidii nabad iyo xasilooni looga hirgelin lahaa dalak Soomaaliya, iyadoo dowladda Masar ay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ku boorrisay inay raacaan toobiyaha wadaxaajoodka, si heshiis dhaxal-gal ah loo gaadho.
 
Dowladda Masar ayaa hadalkan soo saartay, ka dib markii ra'isal wasaaraha Soomaliya uu dhawaan eedeeyay dalalka Masar, Liibya iyo Iran, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay teegaaraan waxa uu ugu yeedhay argagixisada Soomaaliya.
 
Maraykanka oo Itoobiya ka dalbay inay faraha kala baxdo Soomaaliya.
 
Dalka Maraykanka ayaa mar kale ka digay faragalinta ay dalalka dariska ahi ku hayaan arrimaha Soomaliya.
 
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay uga digayso dalalka deriska la ah Soomaaliya inay faraha la galaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxayna  dalka Itoobiya uga digtay inay faraha kula sii jirto arrimaha Soomaaliya.
 
Haweenayda arrimaha Afrika uga gacan-yaraysa xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Jendayi Frazer ayaa tidhi mar ay la hadlaysay warfidiyeennada; Maadaama oo Itoobiya lagu eedeeyay inay Soomaaliya faragalin ku hayso, waxaan si cad Itoobiya uga codsanay inay faragalinta joojiso, waxaanan weydiisanay quwadaha dibadda ah inay is-xakameeyaan oo bulshada soomaaliyeed fursad u siiyaan inay mustaqbalkooda go’aan ka gaadhaan.
 
01August 2006.
Axmed Gaal-Eri       
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Diyaarada Jubba Airways oo noqotey Diyaaradii ugu horeeysey oo ganacsiga ah oo 11-sano kaddib...
»C/llaahi Yuusuf oo soo dhaweeyay Kalsoonidii uu ka helay..
»Ma dhabbaa in Ciidamada itoobiya ay ka Bexeen Qaybo..
»Banaanbax lagu taageerayo Geeddi oo ka dhacay..
»London: Mudaaharaad looga soo Horjeedo Itoobiya...
»Garaad Jaamac iyo safarkiisii beerta nabada...
Wararkii oo dhan ka akhri halkan.... July 31

Range Resources oo si Qarsoodi ah dad ugu dirsatay Degaanka Buruc...
 Shacabkuna ay Arrintaas ka digeen...
Akhri... July 31

Ra'iisul Wasaare Geedi oo ka Badbaadey in Xilka laga qaado kadib markii …
88 xildhibaan ayaa u codeyey in xilka loo daayo, halka 126 xildhibaan u codeeyeen in xilka laga qaado...
AKhri July 29

Ra'iisul wasaare Geeddi oo Eedeeyey Masar, Liibiya iyo Iiraan...
»
Cabdalla Deerow muxuu aaminsanaa intii aan la dilin..
»Ma dhabaa in Madaxweyne C/llahi uu habeen ku soo baryey
»Maxkamadaha Islaamiga ah oo u digay dadka ku ganacsada..
»Cali Max’ed Geeddi oo kulamo gooni gooni aha la leh.
»Warar ku saabsan Xaaladda Magaalada Byadhabo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... July 30

Golaha Wakiilada DGPL oo Madaxtooyada Puntland dib ugu Ceshay Xeer Oranayay
in Garsoorku uu hoos-yimaado Wasaarada Caddaalada Akhri

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD