SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QARDHO

 

Kulan Cilmiyeed Dhowaan ka Furmi Doona Magaalada Qardho 

Degmada Qardho iyo qaar kale oo kamid ah magaalooyinka gobollada waqooyi bari ee  Soomaaliya waxaa diyaar garow adag loogu jiraa, qabashada nadwo diini ah oo haddii Alle idmo ka dhici doonta Masjidka Cumar bin Al-Khatdaab ee degmada Qardho. Kulan cilmiyeedkan oo furmi doona habeenka sabtidu soo galeyso ee taariikhdu tahay 10/07/1427H oo ku beegan 04/08/2006 ayaa haddii Alle idmo lagu wadaa in uu socdo inta u dhexeysa 10/07/1427H-17/07/1427H oo ku beegan 04/08/2006-11/08/2006. Kulan diineedkan ayaa ah kii saddexaad ee noociisa ah ee lagu qabto magalada Qardho. Tiro aad u badan oo dadweynaha magaalada ah ayaa si aad u xiiso badan u daneynaya kulan cilmiyeedkan si ay aqoon diineed uga kororsadaan.  

Ujeeddada laga leeyahay kulan cilmiyeedkan  ayaa ah:  

-         Gudashada waajibka culimada ka saaran faafinta iyo u caddeynta bulshada arrimaha diintooda.

-         Xallinta dhibaatooyinka iyo ka sixitaanka bulshada qaladaadka xagga diinta ah iyo in looga digo bidcada iyo dadkeedaba.

-         Gudasha waajibka bulshada ka saaran barashada iyo sare u qaadidda aqoontooda diineed, gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan degmada Qardho iyo nawaaxigeeda oo ah kuwa iyagu haatan nasiibka u yeeshay in ay usoo martiyeen culimaa’uddiin ula diyaar ah in ay ugu deeqaan waqtigooda iyo cilmigoodaba. 

Kulan cilmiyeedka waxaa dhinac socon doona siminaar loo qaban doono dhallinyarada iyo ardeyda wax ka barata iskuullada. Waxaa iyagana siminaar kaa la mid ah loo furayaa dumarka oo qaadan doona muxaadaraad iyo duruus kale oo wax ku ool ah. 

Kulan cilmiyeedka sanadkan ayaa cinwaankiisu yahay:-Fahamka saxda ah ee manhajka ahlussunnah waljamaacah, kaasoo ay culimadu ku falanqeyn doonaan mawaadiic bulshadu aad ugu baahi qabto ayna ka mid yihiin:-

-         Ku xad-gudubka diinta

-         Dulmiga iyo cidhib xumadiisa

-         Dhexdhexaadnimada Islaamku u dhexeeyo xadgudub iyo gaboodfal

-         Waajibnimada isku xukunka shareecada islaamka

-         Iyo kuwo kale oo badan.

Kulan cilmiyeedkan ka furmi doona Qardho ayaa mawaadiicdaa aynu kor ku xusnay iyo casharro kale oo diini ahba waxaa ka soo jeedin doona qaar kamid ah culimada waaweyn ee soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobollada waqooyi bari oo kala ah:- 

  • 1) Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

  • 2) Sheekh Aw-Axmed Xaaji C/raxmaan  

  • 3) Sheekh C/naasir Xaaji Axmed        

  • 4) Sheekh Axmed-Daahir Xasan Xuseen                                              

  • 5) Sheekh Daahir Aw-Cabdi                                                                

  • 6) Dr. C/qaadir Muxammad Cabdallah

  • 7) Sheekh C/laahi Cali Xaashi

Kulan cilmiyeedkan ayaa si toos ah looga baahin doonaa khadadka teleefannada Golis iyo Somtel, taasoo suurtagal ka dhigeysa in nadwada laga dhegeysto dhammaan degmooyinka gobollada W/bari ee Soomaaliya. Waxaa iyadana si toos ah u tabin doonta idaacadaha laga dhegeysto magaalooyinka waaweyn ee gobolladan. Waxaa sidaa si la mid ah nadwadan laga baahin doonaa qeybta telefishinka magaalada Boosaaso iyo shabakadaha internetka gaar ahaan qowladaha Paltalk-ga.

Qoraalkan kala xiriir:
Cabdiqani Maxamed
 
abdiqanim@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2006


Diyaarada Jubba Airways oo noqotey Diyaaradii ugu horeeysey oo ganacsiga ah oo 11-sano kaddib...
»C/llaahi Yuusuf oo soo dhaweeyay Kalsoonidii uu ka helay..
»Ma dhabbaa in Ciidamada itoobiya ay ka Bexeen Qaybo..
»Banaanbax lagu taageerayo Geeddi oo ka dhacay..
»London: Mudaaharaad looga soo Horjeedo Itoobiya...
»Garaad Jaamac iyo safarkiisii beerta nabada...
Wararkii oo dhan ka akhri halkan.... July 31

Range Resources oo si Qarsoodi ah dad ugu dirsatay Degaanka Buruc...
 Shacabkuna ay Arrintaas ka digeen...
Akhri... July 31

Ra'iisul Wasaare Geedi oo ka Badbaadey in Xilka laga qaado kadib markii …
88 xildhibaan ayaa u codeyey in xilka loo daayo, halka 126 xildhibaan u codeeyeen in xilka laga qaado...
AKhri July 29

Ra'iisul wasaare Geeddi oo Eedeeyey Masar, Liibiya iyo Iiraan...
»
Cabdalla Deerow muxuu aaminsanaa intii aan la dilin..
»Ma dhabaa in Madaxweyne C/llahi uu habeen ku soo baryey
»Maxkamadaha Islaamiga ah oo u digay dadka ku ganacsada..
»Cali Max’ed Geeddi oo kulamo gooni gooni aha la leh.
»Warar ku saabsan Xaaladda Magaalada Byadhabo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... July 30

Golaha Wakiilada DGPL oo Madaxtooyada Puntland dib ugu Ceshay Xeer Oranayay
in Garsoorku uu hoos-yimaado Wasaarada Caddaalada Akhri

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD