SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ISRAACA

War-murtiyeedka Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed

Pan-Somali Council for Peace and Democracy (ISRAACA)
Washington, DC 20004
 
Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed waxa uu cambaareynayaa dilka loo geystay Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq, wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya. Aad iyo aad ayaanu uga tiiraanyeysan nahay falkan dambiga ah, waxaanan uga tacsiyeynaynaa ehelka marxuumka iyo shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaanu aad uga welwelsan nahay dilalka siyaasadeed ee lala beegsanayo madaxda baarlamanka Soomaaliyeed, annagoo ku guubaabinayna Dowladda Federaalka kumeelgaarka Soomaaliyeed in ay wax ka qabato nabadgelyada Baydhabo, sharcigana lala tiigsado dambiilayaashii ka dambeeyey falkan waxashnimada ah.
 
Ururka Israaca waxa uu si weyn uga walaacsan yahay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, taasoo sii hurinaysa dabka ka holcaya Soomaaliya, waxaanan si weyn u cambaaraynaynaa tallaabada faragelinta tooska ah ee xukuumadda keli-taliska Meles Zenawi, taasoo ka soo horjeedda heshiiskii IGAD iyo beesha caalamka ee diritaanka ciidamada waddamada gobolka. Go’aankan gardarrada ah ee uu iskiis u qaatay Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi waa mid uu ku burburinaayo kuna sheeganaayo quwad milateri, isagoo shidaaya dagaal ku dhex mara iyaga iyo Eretreya dalka Soomaaliya. Arrinta la yaabka leh waxa weeyaan faragelinta mileteri ee Meles Zenawi maaha mid uu kula dirirayo dad mayal adag, balse waa khiyaano uu ku fulinayo danahiisa Geeska Afrika isagoo ku soo gabbanaya magaca la dagaallanka argagixisada caalamiga. Joogitaanka ciidamada Itoobiya ama ciidamo kale oo ajnabi ah ee dhulka Soomaaliya waxa ay caqabad ku tahay dadaalka heshiisiinta Soomaalida dhexdeeda iyo guud ahaan nabadgelyada gobolka. Israacu waxa uu ugu baaqayaa Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn uu ugala baxo ciidamada Itoobiya, islamarkaana uu xushmeeyo xornimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. Israacu wuxuu ugu baaqayaa Maraykanka iyo beesha caalamku in Itoobiya laga dhaadhiciyo in ay ka waantowdo falalka wax u dhimaya nabadgelyada gobolka Geeska Afrika.
 
Israacu waxa uu soo dhowaynayaa Nabadeynta magaalada Muqdisho ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed. Qaadista jid-gooyooyinka Muqdisho ee xannibay isu-socodka dadweynaha lix iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, iyo ku soo celinta sharciga iyo kala dambaynta goobaha ay maamulaan, waxa ay abuureen xaalad nabadgelyo, isu-socod iyo ganacsi. Dib u furista dekedda iyo garoonka caalamiga ah ee Muqdisho iyo isticmaalkooda ganacsi waxa ay soo celinaysaa haybaddii ay lahayd caasimadda Muqdisho.
 
Israaca waxa uu ugu yeerayaa Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah in ay khilaafkooda si nabadgelyo ah iyo wadahadal ugu dhammeeyo, la iskana daayo hadallada kulul iyo falalka dhaawacaaya dedaalka nabadeed ee lagu xallinayo mashaakilka Soomaaliya. Isticmaalka ereyada ay ka mid yihiin “Argagixisada” ama “Dabadhilifka Itoobiya” iwm waxa ay abuurayaan is-aamin la’aan, mana jirto faa’iido ay soo kordhinayaan. Dhinac walba waa in ay u shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada dabadheeraatay ee Soomaaliya. Waana in la iska ilaaliyo in khilaafku uu gaaro heer Itoobiya iyo Eritrea ay dalka ka dhigtaan meel ay ku dagaalamaan.
 
Israaca waxa uu taageersan yahay sii wadidda wada-hadalka Khartuum, waana aan soo dhowaynaynaa dedaalka Jaamacadda Carabta ee arrintan. Waxaanu ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka Ku meelgaarka Soomaaliya iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah in ay wadahadalka ka soo qayb geliyaan ururada bulshada, ganacsatada iyo haweenka, sidoo kalena lagu martigeliyo ka qaybgalka caalamka danaynaaya oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub iyo Maraykanka. Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah waa in ay dejiyaan ejendahooda wada-hadalka lagana hortago in danaha sisheeyuhu ay boobaan hadafka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ugu yeeraynaa beesha caalamku in la sameeyo koox indheergarad Soomaali ah oo ka qaybgala wadahadalladan, kuwaasoo ujeeddadoodu noqonayso ilaalinta danaha dadweynaha Soomaaliyeed, labada dhinacna ku hubsan doonaa mas'uuliyaddooda.
 
Israacu waxa uu ugu yeerayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay sii wadaan xannibaadda hubka ee Soomaaliya. Si nabad waarta loo helo waxaa lagu gaari karaa in la taageero wadahadallada nabadeed ee Khartuum ee laguma gaari karo in koox kooxda kale lagu hubeeyo. Israacu wuxuu ugu yeerayaa Gollaha Ammaanka in uu eego ku xadgudubka xannibaadda hubka ee Soomaaliya taasoo hurinaysa dagaalka sokeeye. Waxa aanu rumaysan nahay xayiraadda hubka in la qaado oo keliya marka wada-hadallada Khartuum ee Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ah iyo Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed ay ka dhalato dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.
 
Israacu waxa uu ugu yeerayaa Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah in aysan Soomaaliya gabbaad ka dhigan kooxaha iyo shaqsiyaadka argagixisada ah. Waxa ku jira danta ummadda Soomaaliyeed in aanu waddanku noqon bartilmaameedka dagaalka argagixisada caalamiga. Inta ka horreysa, hoggaamiyayaasha Dowladda Federaalka ku-Meelgaarka ah waa in ay iska daayaan eedaymaha aanan salka lahayn oo ay qaybo bulshada Soomaalida ka mid ah ugu yeerayaan argagixiso. Hadallada argagaxa ah ee Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ah waa in ay joogsadaan. Dhanka kale, haddii la xaqiijiyo in ay Soomaaliya joogaan argagixiso ajnabi ah, Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah waa in ay tillaabo xilkas ah qaadaan, lana kaashadaan beesha caalamka si shaqsiyaadkaas loo soo qabto loona xukumo.
 
Abukar Osman, Chairman of the Board
Email:
aabukar@yahoo.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2006


Fikradda Dowladda Maraykanka ee ku Aaddan Soomaaliya.....

Dowladda Maraykanku waxa ay DFKMG iyo Maxkamadaha Islaamiga ugu baaqday in ay dib u bilaabaan wada hadalkii Khartuum.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka, Tom Casey, oo ka hadlayey arrimaha Soomaaliya ayaa yiri: "Dowladda Maraykanku waxa ay taageereysaa hirgelinta dowlad shaqayneysa oo ay ka mid yihiin dhammaan qaybaha Soomaaliya." Waxana uu intaas ku daray "Sidaas waxaa lagu gaari karaa oo keliya in la yeesho wadahadal guud oo ay ka qayb qaataan dhamman qaybaha Soomaalida sida bulshada rayidka ah, haweenka, ganacsatada, hoggaamiye dhaqameedka, iyo Maxaakiimta Islaamiga & Hay'adaha Federaalka ee Kumeelgaarka ah".

Fikradda guud ee USA ee ku aaddan Soomaaliya ka dhegeyso: Halkan..... (Real Player) | ama Halkan...... (MP3).


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD