SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Qalinjabintii jaamacad Culuunta...  Muqdisho





Waxaa sawiradan qaaday: Amiin Yuusuf

Dufcaddii ugu horeysa oo ka qalinjabisa Jaamacadda Culuunta iyo Tiknoolajiyada

Shiikh Shariif"Cid aan duulaan ku nahay ma jirto"

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Waxaa maalintii shalay ahayd (Aug 4) Machadka SIMAD ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta uuna horkacayay guddoomiyaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay madaxa Jaamacadda, waxa uuna sheegay in jaamacadaani ay ku shaqeyso qaab Online, wuxuuna sheegay in jaamacadaani ay ka furan tahay wadanka Yemen, isagoo sheegay in ay dufcadaani ay tahay dufacaddii ugu horeysay oo ka qalinjabisa Kulliyadan oo ka koobna 28 arday.

Xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa C/llaahi Nuure Ow Diine oo ku hadlayay magaca ardayda qallinjabineysay, wuxuuna sheegay in mudadii ay ku jireen Kulliyadda ay ka faa’iideen waxbarasho tayeysan, waxaa kaloo ka halday Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim oo ku hadlayay Golaha Maxaakiimta gaar ahaan qaybta waxbarashada, waxa uuna u mahadceliyay dadkii dadaalka geliyay waxbarashada soomaaliyeed 16-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa kaloo hadalkii qaatay Axmed Sheekh C/llaahi oo ku hadlayay madaxa Dalladda FPENS, waxa uuna sheegay   in loo baahan yahay in kor loo qaado waxbarashada soomaaliyeed, lana badiyo  madaarisa wax lagu barto.

Waxaa kaloo xafladdaasi ka hadlay Prof. Ibraahim Caddow oo sheegay in waxbarashada Soomaaliyeed la marin haabiyay xiligii Gumeysiga, isagoo sheegay in haatan loo baahan yahay in waxbarashada kor loo qaado maadaama wadankii nabad lagu soo dabaalay, waxa uuna kula dardaarmay bulshada soomaaliyeed in ay xajiyaan fursadd qaaliga ah ee ay maanta haystaa.

Waxaa kaloo ka hadlay Aadan Xerow oo ku hadlayay magaca Jaamacadda Muqdisho, waxa uuna sheegay in mudadii 16-ka sano ahayd bulshada Soomaaliyeed ay heleen faa’iidooyin fara badan oo dhinaca waxbarashada, Isgaarsiinta iyo Jaamacaha ah, taas oo uu sheegay in ay ku timid dadaadl dheeraad ah oo ay sameeyeen shacabka soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxa hadalka ka qaatay Sheekh Shariif oo ah Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta, waxa uuna sheegay in waxbarashadu ay tahay midda keliya ee bulshada Soomaaliyeed horumar gaarsiin karta.

“Waxaan maqalnaa Soomaaliya waxaan ku eegeynaa il taxadar leh, cid aan colaad u hayno ma jirto, ci aan ku duulaan nahayna ma jirto, waayo tabartaasi ma hayno, balse waxaa dagaal lagu jiraa Manhajka Ilaalhay adduunkaan u soo dejiyay” ayuuyir Sheekh Shariif oo u mahadceliyay intii soo qabanqaabisay xafladdaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 5, 2006



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD