SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

HARGEYSA: Wiil Gargaar Degdeg ah u Baahan....

Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuuni rabaani ahi kuwaas oo u baahan in lagula daalo dhakhtaro wadanka dabediisa ah, ka dib markii ay cadeeyeen dhakhaatiirtii wadanka joogtay inaanay waxba u qaban karin wadanka gudihiisii.

Xamse waxaa uu dhashay isagoo qoorta wax ka qaba markii danbe xanuunkii wuu fiday waxaanu sababay in wiilkaa yar uu madaxu balaadho. Qoyska Xamse ka dhashay waxa uu la mid yahay qoysaska badan ee saboolka ah ee ku nool dacalada wadankii Somalia ee burburay kuwaas oo aan lahayn awood dhaqaale oo ay iskaga dul qadaan wixii mashaakil dheerada ku soo kordha, iyagoo la baxaadega quutal daruuriga caadiga ah.

dhakhaatiirtuna waxay xaqiijiyeen in dalka gudihiisa aan waxba loogu qaban karin

Xamse waxa uu u baahan yahay cid kasta oo caawin karta laga bilaabo hal doolar ilaa wixii ka badan. Waxaa hadaba si raxariisleh looga codsanaya cidii caawin karta wiilkan yari inay la soo xidhiidhan tilifoonkan hoos ku qoran

0025224489678. Aabaha Xamse dhalay Ahmed Husein Ajab Awaale.
Cidii caawimo soo diraysaa ha ku soo shubto Accountka No.5351 Dahab Shiil.Hargaysa

Waxaa kale oo laga codsanaya jaaliyada wadamada Yurub/America/wadmada Carabta inay abaabulaan sidii wiilkan yar loo caawin lahaa iyo dhamaan jaaliyadha wadamada kale ee caalmkaba
JAZAAKUMU -LAHAAH


0025224489678. Aabaha Xamse dhalay Ahmed Husein Ajab Awaale.
Cidii caawimo soo diraysaa ha ku soo shubto Accountka No.5351 Dahab Shiil.Hargaysa

Qoraalkan kala xiriir:
Khadar Jama: khadar_114@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2006