SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII AGOOSTO 17, 2006

. Ergey ka socda Dowlada Itoobiya oo ku soo fool leh Magaalada
.
Beesha Direed oo furatey Maxkamad Islaami ah,,,
. Ciidamada Itoobiya ee qabsadey Deegaanka Balan- Bale oo halkaas ka ...
. Ururka SOWJA oo Siminaaar u qabtey Suxifiyiin ka kala socotey Qaybaha Warbaahinta ..
. OGEYSIIS: Dr Galayr oo la shiri doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK
.
Ogeeysiin Mudahraad ka dhici doona Sweden
. RAASHIN LOO QAYBIYEY DADKA KU NOOL XERYAHA MAGAALADA MUQDISHO. 
. Bosaso: Dab wax yeelo u gaystay xero qaxooti oo Bosaso ku taala


Ergey ka socda Dowlada Itoobiya oo ku soo fool leh Magaalada

 

Waaa saacadaha soo socda Magaalada Baydhabo soo gaari doono ergay ka socda Dowladda itoobiya kaasoo la sheegay in halkaas u imaanayo in uu dhamaystiro khlaafaadka yar yar ee u dhexeeya Mas’uuliyiinta sar sare ee Dowlada fedaraalka, kaasoo ka dhashay Cidda loo Magacaabayo Golaha Wasiirrada , Ergegaan ayaa la sheegay in uu kulamo la yeelan doono Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxaana inta uu ergegaan joogo Magaalada Baydhabo lagu dhawaqi doonaa Xubnaha Wasiirrada ee Dowlada Cali Max’ed Geedi. Warka wuxuu intaa ku darayaa in Golaha Wasiirrada ee Dowlada Cali Max’ed Geedi ee u badnaan doonaan Ragga sida aadka ah ugu janjeera dhinaca Dowaladda Itoobiya. Dhawaan ayaa Wasiirka arrimaha dibada ee Dowladda Itoobiya uu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyey saddex Masuul ee ugu sarraysa, waxaana la isku afgartay in la dhiso Dowladda ka kooban 31- wasiir, warar ayaa waxay sheegayaan in khilaaf u dhaxeeya Mas’uuliyinta sar sare ee Dowladda fedaraalka ee keeni doonto in dib u dhac xoog leh ku yimaado ku dhawaaqista xubnaha Wasiirada ee Dowalada, khilaafka ayaa salka ku haya sidii Beelaha loogu qaybin lahaa tirada yar ee Wasiirada ee ay ka koobnaan doonto Xukuumada Cali Max’ed Geedi.

Ururka SOWJA oo Siminaaar u qabtey Suxifiyiin ka kala socotey Qaybaha Warbaahinta ..

Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta Ururka Sowja ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey Siminaar socday muddo laba maalmood ah oo loo qabtay Suxufiyiin ka kala socotay qaybaha warbaahinta waxaana Siminaarkaam maalgaliyey Hay’adda UNDP.

Siminaarkaan oo xiritaankiisa hadal koobanka ka jeedisay Gudoomiyaha Uurukaasi Qamar Salaad waxayna ugu horeyntii u mahad celisay hay’addii gacanta ku siisay taabagelinta siminaarkaasi ee UNDP waxaa kaloo ka hadlay Xoghayaha Sowja Shamso Cabdi Qayax waxayna sheegtay in Ururka Sowja loo aas aasay sidii uu aqoontooda uu kor ugu qaadi la haa Suxufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan Gabdhaha Suxufiyiinta.

Siminaarkaan ayaa waxaa xiray Gudoomiyaha daladda Xoriyada Hadalka Drs, Nuurto Shiikh Max’ed oo iyadu ugu baaqday ka qaybgalayaasha siminaarka in wixii ay ka faa’iidaysteen siminaarkaan ay u gudbiyaan inta aan fursada u helin Siminaarkaasi waxay kaloo u soo jeedisay suxufiyiinta Soomaaliyeed in wararkooda ay noqdaan kuwa runta ku salaysan, waxaana Siminaarkaan Casharo ka bixinaayey mudada labada maalmood ee uu socday Shariif Cali Shire,sidoo kale waxaa ka hadlay Fardowso Kuuriya oo ayadu si aad ugu dheeraatay sida ay u shaqeeyaan suxufiyiinta ka howl gasha Magaalada Gaalkacyo oo muddo halkaasi ku sugnayd.

Beesha Direed oo furatey Maxkamad Islaami ah,,,

 

Maalintii shalay ahayd ayaa Beesha Direed waxay furatay Maxkamad Islaami ah oo lagu Magcaabo Al-Nasri taasoo hoos tagi doonto Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah waxaa ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta oo uu horkacayey gudoomiyaha Golaha fulinta ee Maxaakiimta Shiikh Shariif shiikh Axmed. Shiikh Shariif oo ka hadlay xaflad lagu furayey Maxkamadaasi ayaa waxaa uu u mahad celiyey intii soo abaabushay furitaan Maxkamaidaas wuxuuna sheegay in Maxaakiimta islaamiga ah ay dagaalka uga galeen sidii ummadda soomaaliyeed looga badbaadil la ahaa dhibaatooyinka iyo nabdgalyo xumida.

 

”Itoobiya ma doonayso in ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatada ka baxdo, saddex Milyan ee Tigree ah baa waxay doonayaan in dhibaarto u gaystaan Malaayiinta ku nool Iatoobiya iyo Soomaaliya ”ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in Ciidamada Maxaakiimta ay sii xoojin doonaan amaanka Magaalada Muqdisho.

Maxkamadaan oo Gudoomye ka yahay Shiikh Maxmuud Ibraahim Suuleey wuxuu sheegay in Maxkamadaan loo aas aasay sidii Beesha Direed ay uga mid noqn la ahyd Maxaakimta islaamiga ah isla markaana ula jaanqaadi la hayd isbedalka diiniga ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaa Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ku soo biiraya maalin walba Maxkamado Islaami ah ee ay furanayaan Beelaha Soomaalyeed waxaana durraad Maxkamad Islaami ah furtay Beesha Jidle.

Ciidamada Itoobiya ee qabsadey Deegaanka Balan- Bale oo halkaas ka ...

 

Ciidamada Itoobiya ee soo galay deegaan Balan-Balle ee GobalKa GalGaduud ayaa waxay bilaabaan in ay dhibaatooyin u gaystaan dadka halkaas ku nool ayagoo kula kaca dil, dhac, kufsi, iyo ayagoo maalin walba ka qasha Xoolaha ee halkaas ku haystaan.

Maalintii shalay ahayd ayey Ciidamada Itoobiya soo xir-xireen Odayaal ka tirsan deegaan kuwaas oo damcay in ay kala hadlaan sidii Ciidamadaas ay uga bixi la haayeen deegaankooda hase yeeshee Odayaashaas ayaa Ciidamada Itoobiya waxay ula dhaqaaqeen dhinacaa iyo Degmada Goday.Ciidamadaan ayey waxay bilaabaan in halkas ka qotaan dhufaysyo isla markaan waxay bilaabaan in ay xaar-xaartaan Garoon Diyaaradeed si halkaas uga soo degaan sahayda ay u baahan yihiin.

Dadka deegaan ayaa aad uga xumaaday xadgudubka ay Ciidamadaas maalin walba u geysanayaan, waxyna ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan sidii Ciidamadaas looga saari lahaa deegaankooda,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Bosaso: Dab wax yeelo u gaystay xero qaxooti oo Bosaso ku taala - Agoosto 16, 2006. 

Galinkii hore ee Arbacadii Agoosto 16 ayaa waxaa ka kacay xerada qaxootiga ee buulo eelay oo ku taala magaalada bosaso dab si xun u wax yeeleeyaya  dhamaanaba guryihii iyo agabkii kale ee yaalay halkaasi.

Qiyaastii 100 guri ayaa ku bas beelay xerada qaxootiga ee buulo eelay oo ku taala magaalada bosaso ee xarunta gobalka bari ahana caasimada ganacsiga puntland.

Meelaha dabku ka qarxay deegaannada ku dhow dhow ayaa la arki karayey dad ka guranaya qalabkooda si aanu dabku u saamayn, kuwaas oo aan weli haysan meel ay galaan xilli uu kulaylka magaalada Boosaaso uu meel sare marayo.

Daminta dabkan ayaa waxaa ka qayb qaaday qaybta dab damiska iyo booyadaha biyaha ee dawladda hoose ee magaalada Boosaaso, iyadoo sidoo kale ay gacan ka geysteen deminta dabkan dadweyne aad u fara badan oo mutadawiciin ah.

Hay’adda waddaniga ah ee SRWU oo inta badan ku hawllan arrimaha dadka ka soo bara kacay gudaha dalka, ayaa goobtaasi gaartey waxana ay guddoomiyaha hay’addaasi, Boosteeyo Siciid Yuusuf Boqor, ka codsatay in dadweynuhu ay kaalmo la soo gaaraan dadka aan haysan cuntada iyo meel ay galaan ee qaxootiga ah.

Sikastaba maahan markii ugu horaysey ee uu dab kakaco xera xaqooti oo waliba ku taala magaalada bosaso sanadkan kalia waa markii 2aad ee uu dab kakaco xero qaxooti ee isla magaalada bosaso.

Dadkii ayaa wali daadsan banaanka guriyihii maanta duhurkii ka gubtay walina majirto cid wax u qabatay iyada oo ay ka jirto magaalada bosaso kulayl iyo dabayl habeenkii ah.

Dadkan ayaa ah qaxooti ka soo jeeda gobalada bay, iyo bakool  ee koonfurta somalia tan iyo markii ay bur burtay dawladii somalia  ayay u soo jabeen in ay ku noolaadaan deegaanada Puntland oo nabada iyo kala danbaynta ku caanbaxay magaalada  bosaso ayaa ah meesha ay Puntland ugu badan yihiin qaxootiyada soo barakacay waxayna ku haystaan amaan, hooy, shaqo, iyo nolal iyo waxbarasho taasi oo aysan ka heleen meelo kale oo ka mid ah dalkii somalia . 

A.rizak koronto
Garowe Puntland


SOMALI RELIEF & DEVELOPMENT COUNCIL
GOLAHA SAMAFALKA & HORUMARINTA SOOMAALIYEED

Ref: G.S.H.S/004/06               Date: 16/08/2006      22/07/1427.H.   Muq.Somalia.

WAR BIXIN KU SAABSAN RAASHIN LOO QAYBIYEY DADKA KU NOOL XERYAHA MAGAALADA MUQDISHO. 

Golaha samafalka & horumarinta soomaaliyeed ayaa wuxuu deeq raashin ah gaarsiiyey xeryaha magaalada muqdiho.
Maanta oo taariikhdu ku tahay 15/08/06 / 22/07/1427.H. ayaa  Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed  wuxuu deeq raashin ah gaarsiiyey qaar kamid ah dadka dhibaateysan ee ku sugan xeryaha magaalda Muqdisho, waxayna kala yihiin  350 Agoomo ah kana tirsanaa  Agoontii hore ee Al-xarameyn,  90 Qoys oo ku nool isbitaalka Martiini ,  43 Qof oo ku jira xarunta Daryeelka dadka waalan ee Ahlukheyr. 

Raashinka uu goluhu gaarsiiyey goobahaas wuxuu ka kooban yahay Bariis, Bur, Sokor, Saliid iyo Baasto, waxaxayna kala yihiin,

1 -   68  loor  oo Bariis ah ,
2 - 100  loor  oo Bur ah,  (25 Kg)
3 –   50  loor  oo Sokor ah ,
4 –   34  caag  oo Saliid ah (3litres),
5 - 100  kartoon oo Baasto Ah.

Guddoomiyaha Golaha Samafalak iyo Horumarinta Soomaaliyeed
Sheekh Axmad Maxamad Suleymaan
Email:
kaalmeeye@hotmail.com

 


OGEYSIIS: Dr Galayr oo la shiri doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK

 
Waxaa lagu wargelinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London iyo guud ahaan waddanka Ingiriiska in maalinta Khamiista ah, saacaddu markey tahay 06:00 illaa 09:00 in Dr Cali Khaliif Galayr uu la hadli doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK kaddib markii uu safar kaga soo noqday magaalada Muqdisho. Goobta uu shirku ka dhici doono waa:
 
Hampstead Town Hall Centre
Inter Change
213 - Haverstock Hill
NW3 4QP
 
Wixii faahfaahin ah waxaad kala soo xiriiri kartaa Axmed Cawar, mobile number 07956221389.
Waxaa soo tebiyey:
Abshir Ahmed | abshir111@yahoo.com

URURKA ISBAHAYSIGA UMMADDA SOOMAALIYEED EE ISWIIDHAN

Ogeeysiin Mudahraad ka dhici doona Sweden

Waxaan ugu baaqeynaa dadka Soomalyeed ee ku nool dalka Sweden oo dhan in ay ka soo qeybgalaan mudaharaad lagu qabandoono magaalada Stockholm. 

 Mudaaharaadkaas waxaa looga soo horjeedaa faragalinta shisheeya ee arimaha soomaaliya gaar ahaan  ku xadgudubka dowladda Etoobiya oo si sharci dara ah ku soo gashay meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaalya. Waxaanan islam ar ahaantaas ugu baaqaynaa qaybaha kala duwan ee Soomaaliya in wax walba lagu dhameeyo wada hadal.

Mudaaharadku wuxuu dhacayaa maalinta Sabtida ah oo ay bisho tahay 19 Agoosto 2006, saacaduna waa 14:00. Basas ayaa ka baxaya xaafada Rinkeby, saacada 13:00 

  • Goobta lagu kulmayo waa HUMLEGÅRDEN, Tunnelbana ÖSTERMALMSTORG
  • Goobta mudaharaadku ku dhamaandoon waa Safaarada dalka Etoobiya horteeda.
  • Adress: meesha ay iska gooyaan Sturegatan iyo Karlavägen  
  • Wixii fahfaahin ah kala xiriir magacyada iyo telefoonada hoos ku qoran:
  • Maxmed Saadaq      0736909940 Cabdullahi Macalin                             0736811565
  • Maxamuud Cali                  0733844951  Cabdicasiis Cilmi (Cabdiyare)           0736864577
  • Cabdulqaadir Cukaashe  0735867947  Amina Said                      0739320625
  • Safia Aden Cali Dheeg        0736122257  Khaliif Haj Cali (GOOBE)                 0739139126
  • Sucdi Cali Ilaay               0762167935

Ururada wada qabanqaabiyey:

  • Somaliska Riksförbundet i Sverige
  •           Svensk-somaliska Riksförbundet
  •           Somaliska Islamiska församlingar
  •           Somali Diaspora föreningen
  • Svensk-somaliska nätverket för fred

KA SOO QAYBGAL WACAN

Abdul Nuur Makaran
abdul.nuur@rinkeby.stockholm.se
makaran10@hotmail.com
Tel: 00 46 70 470 23 33 Mobile

Dowladda Itoobiya oo u soo jeedisey Geeddi in uu dedejiyo magacaabista..
»
Golaha Maxaakiimta oo ogolaaday ka qaybgalka kulanka..
»Cabqi Qaybdiid iyo ciidamo uu wato oo u soo dhaqaaqay..
»Golaha Maxaakiimta Islaamiga oo digniin ka soo saaray in..
»Ururka SOWJO oo siminaar u qabtay Suxufiyiin ka kala..
»Dagaalo calculus oo lagu naafeeyey ciidanka gumaysiga..
»GAROOWE : Hay'adaha Diakonia iyo Contenberg oo dib..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI... Aug 16


Xaggee ku dambeysey Ballantii Gaagaab in Toos looga waraysan doono Telefishanka Soomaalida ee Minnesota?

Wariyayaasha Tv-ga:
Halkan ka dhegeyso weriyaha oo sheegay in uu baqday waraysigii wasiirka

Habeenimadii Isniinta (Agooso 14, 2006), sidii horay Soomaalida loogu sheegay, waxaa la sugayey in Wasiirka Maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) uu soo fariisto Telefishanka Somalida Minnesota si toos dadweynuhu ay su'aalo u weydiiyaan. Laakiin, markii la gaarey xilligii la filayey in wasiirku telefishanka soo fariisto ayaa waxaa shaashadii soo qaabilay weriyayaashii oo meeshii laga filayey hadalka ah: "hadana ku soo dhowaada wasiirka", ayaa mid ka mid ah uu sheegay in waraysigaasi uu baaqday, weriyaha oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri "Barnaamijyada aan caawa idiinku talo galay ayaa waxaa ka mid ahaa in aan idiin soo gudbino waraysi aanu la yeelan doono wasiirka maaliyadda ismaamulka Soomaalida ee Puntland..... .... nasiib darro.... ..... .... arrimo awgeed waa uu baaqday caawa anagoo mar labaadna jecel in aan idinka raali gelino duruufo jira awgeed." [Halkan ka dhegeyso hadalkii weriyaha.]. Telefishanku ma sheegin wax farriin ah oo uu wasiirku u soo faray Soomaalida Minnesota ee sugeysey in ay su'aalaha tooska ah weydiiyaan amaka dhegeystaan warbixin.

Puntland: Waxaa Nalaku Dhiiri Geliyaa in aan Dalka ka Go'no...
Wasiirka Maaliyadda DGPL ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dowlado iyo hay'ado ku dhiiri geliyey in Puntland.. Guji...

Nidaamka la qorsheeyey ayaa ahaa in muddo soddon daqiiqo ah uu wasiirku fadhiyo telefishanka halkaasna ay dadweynaha daawanaya si toos ah su'aalaha u soo weydiiyaan. Arrintaas oo aad uga duwan qaabka ay u shaqayso saxaafada Puntland ee ay wasiirdu xakumaan lagana siidaayo waxa ay rabaan oo qura, ama la weydiiyo su'aalaha ay rabaan oo keliya.

Waxay ahayd habeenkii Jimcada Agoosto 11, 2006 markii uu wasiirka maaliyadu la kulmay Soomaalida Minnesota, waxaan ahabeenkaas dadka loo sheegay in waqtigu uu wasiirka hadda ku yaryahay oo aan su'aalo la weydiin karin, laakiin uu telefishanka soo fariisan doono si su'aalo loo weydiiyo, ballantaas oo ahayd Isniin Agoosto 14, 2006, waana tan noqotay mid baaqatay.



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD