SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Qaab Nololeedka Magaalada Leicester iyo Xaaladda Soomaalida Degan...

Mahad idilkeed waxa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana nabigeeni Muxamed ayey korkiisa ahaatay. 

Magaalooyinka ay dadka Soomaaliyeed ee Qurbaha usoo qaxay, ay aadka u degan yihiin ayaa waxa ka mid ah, magaalada Leicester, oo ah magaalo ka tirsan magaalooyinka Ingiriiska. Haddaba waxaan maanta halkan kusoo gudbinayaa, qoraal ka hadlaya, Leicester waa magaalo nooc ma ah, Halkee ku taalaa, Soomaalida degan iyo qaabkey u nool yihiin, dhanka wanaaga ah iyo dhanka kaleba. 

Ugu horeynti, Leicester waa magaalada 11aad, xaga weyninka dalkan UK, waana magaalada ugu weyn East Midland. Tirada dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa illaa 300,000 oo qof. Waa caasimada gobolka Leicestershire. Waxa u dhow magaalooyinka Birmingham. Notthingham iyo Northampton. Leicester waxa ku yaala illaa labo Jaamcadood iyo Collegyo aad u fara baddan.  

Waa magaalo ku caan baxday isdhexgalka iyo dhaqamada kala duwan ( Integration & Multicultural ). Arintaas iyada ah waa tan soo jiidatay dad baddan oo ka kala yimid dunida daafaheed, gaar ahaan dadka Asiatiga ah, oo runti ah qowmiyadaha ugu baddan dadka Ajnabiga. Leicester waxa degan bulsho aad u tiro baddan oo Muslimiin ah, oo asalkoodi ka yimid Gobolka Gujarat ee dalka India. Dadkaas oo ah bulsho aad wax u bartay, shaqeystana, dhaqaale fara baddan ku leh magaaladan. Waxa ay magaaladan ka dhiseen Masaajidyo iyo iskuulo muslin oo aad u fara baddan. Waxa aad Leicester ku arkeysaa Masaajidyada ugu quruxda baddan Ingiriiska. Waana dad aad iyo aad isugu duuban.  Runtiina waa dad ku dayasho mudan qaab nololeedkooda iyo sida aya isaga dabireen waddankan oo ay ku yihiin Ajnabi. 

Dhanka Soomaalida, marki ugu horeysay Soomaalida waxa ay soo degeen magaalada Leicester sanadihi sagaashamaadki, dadka ugu baddan ee yimidna waxey yimaadeen kadib 2001, waxaana yimid dad ka kala yimid intooda baddan Yurubta kale, sida Holland, Sweden, Norway, Denmark iyo Findland, oo heysta dhalashada  waddamadaas , kuna degay halkan sharciyadooda ay kala yimaadeen waddamadaas. 

Soomaalida degan Leicester wax walbaa waa laga helaa dhan wanaagsan iyo dhan xunba. Dhanka wanaaga, waxa jira soomaali aad iyo aad u tiro baddan oo shaqeysta, waxbarta, ganacsada. Waxaad ku arkeysaa meelaha ay ishu qabanayso sida iyagoo wax ka wada basaska gaadiidka dadweynaha, qaar baddan oo wata tagaasi ay iyaga leeyihiin, waad ku arkeysaa goobaha waxbarashada sida Collegyada iyo Jaamacadaha. Waxey magaalada ku leeyihiin Communitiyo baddan, sidoo kale waxey ku leeyihiin illaa iyo saddex masaajid. Malacaamada Quraanka waa Maashaa Allaah. Shacaa,irka guud waa dad aad u muuqaal wanaagsan. 

Dhanka xumaanta ( Negative Side ) Leicester waxa ku baddan Mafrishyada Qaadka, oo runti la hartay dad baddan oo Soomaali ah, oo had iyo jeer iska dhex jooga. Sidoo kale caruuraheeni ayaa waayahan waxey ku soo

baddanayaan dhanka isticmaalka maandooriyayaasha, taasoo u horseeday in caruuro baddan ay galaan Xabsiyada. Waxaa suurto gal ah inay indhahaaga qabtaa wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo taagan meelo aan wanaagsanayn. Sidoo kale waxa aad noogu baddan goobaha fadhi ku dirirada oo aan wax wanaagsan aan inta baddan looga hadal illaa qabyaalad mooyee iyo siyaasadda Soomaalida oo meel ay usocoto aan la garaneyn. 

Si kastaba arintu ha ahaatee waxa jira dad aad iyo aad u kheyr baddan oo had iyo jeer isku daya inay toosiyaan khaladaadka kusoo badanaya magaalada, laakiin nasiib darro kama helaan gacan dadka waalidka ah iyo inta ay khuseyso arimahaas. Waxaad arkeysaa shirar badan oo maalin walba la abaabulo si looga hadlo arimaha caruuraheena, nasiib daro magaraneysid meel ay ku danbeeyaan. 

Isku soo wada duub, iyadoo qurbo uusan faa’iido laheyn, oo dad baddan ay ku dhumeen, oo u leexdeen dhanka xumaanta, kana tageen dhaqankoodi iyo diintood, ayaa haddana  Leicester ay tahay  magaalo deegaan ahaan wanaagsan, oo fursadaheedu uu baddan yahay, haddii laga faa’ideysanayo. Waxeyna u baahan tahay in leysku xirnaado sida bulshada reer Gujarat oo runti aad iyo aad faraha ugu dhigay dhallaankooda, iyagoo ka mira dhaliyay. Runti waa wax aad loogu farxo markaad aragto qaabka ay u nool yihiin, 

Waxaan qoraalkeyga kusoo afjarayaa, Soomaaliyeey aanu ku dayano, oo wanaaga kaga dayano Bulshada sameeyay horumarka la taaban karo. Aynu ka faa’ideysanao fursadaha qaaliga ah ee hareeraheen yaala. Waxa dhici doonta maalin aad u aayi doonto waqtiga aad dayacday. Ee ka faa’ideyso intaad waqtiga heyso, oo aad dhalin yar tahay. Mar walba ku dayo saaxiibka wanaagsan ee raadinaya Mustaqbalka wanaagsan. Iska ilaali saaxiibka xun.  

Waxa jirtay sheeko lagu qaadan jiray dugsiyada hoose ee aheyd:-

Odey wiilkiisi uga digi jiray inuu la saaxiibo saaxiibada xun xun, oo si uu  ugu tusaaleeyo u diray inuu soo gado dhowr Babaay, kuna soo daro xabad xun. Meel baa la dhigay oo labo maalmood ka diba ayaa la eegay mise gidigoo cudurki kii xumaa ayaa kuwada dhacay . markaas ayuu odeygi wiilkiisa ku yiri shalay markaad Babaayga keentay mid qura ayaa xumeyd, oo maantana gidigood ayaa wada xumaaday. Saaxiibka xun waa sidaas oo kale ee maandhe hala saaxiibin, saaxiib xun. 

Haddaba anigu waxaan oran lahaa madaamaa la joogo Qurbo, waalidku haka ilaaliyaan caruurahooda inay la saaxiibaan caruuraha xun xun. Runti cunugu ma garan karo laakiin waalidku wuu dareemi karaa., ee murtidaa hanoo noqoto cashar. 

Intaas ayaan kusoo gabagabeynayaa maqaalkeygi aan  kaga  hadlayay magaalada Leicester, oo runti wey dhici kartaa inaan aqoon daro darted uga tegay arimo baddan. Sidoo kale wey dhici kartaa inaanan la jecleysan waxyaabahaan ka hadlay, ee waxaan oranayaa wixi aan ku gafay halaga raali noqdo. Haddii aan waxa aan qoray ay sax yihiina waxey u sugnaatay Allaah, haddii aan wax khaldeyna waa nafteyda iyo sheydaan.

Wabilaahi Towfiiq 

Cabdixakiim Jaamac Jooje
EMail:
saicentadv@yahoo.com

Social development Adviser

Leicester UK

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 24, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD