SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara ee Baarlamaanka Kenya

  • Faarax Macallin: Soomaalidu waa Midoobi doontaa, xabashiduna waa kala goo go'i doontaa
  • Faarax Macallin: "Nabadda Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto"

Warbixintii: SomaliTalk.com | Dec 3, 2006


Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo habeenimadii Axad (Dec 2, 2006) lagu qabtay magaalada Minneapolis ayaa si weyn loogu taageeray musharaxnimada Mudane Faarax Macallin Dawaara uu u sharaxan yahay xubin ka noqoshada Baarlamaanka dalka Kenya. Xafladiina waxay u dhacday sidan:

Ugu horayn waxaa munaasabada lagu furay wacdi oo qaybgalayaashii la xuusiyey in aysan kedin qafladda adduunku ee ay markasta xusuusnaadaan Allaha abuuray.

Cusmaan Ducaale:

Kaddib waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Cusmaan Ducaale oo ah gabayaa Soomaaliyeed oo aad looga yaqaan gobolka Minnesota, waxana uu soo jeediyey gabay Guubaabo ah, waxana uu Faarax Macallin xusuusiyey in "Soomaaliya aan cidna u maqnayn, ceelna u qodnayn", hadalkaas oo dulucdiisu ahayd guubaabo sidii ummada Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa.

Shaafi Xaashi Cabdi:

Kaddin madasha waxaa lagu soo dhoweeyey Shaafi Xaashi Cabdi waxana uu durbadiiba madasha xusuusiyey in Faarax Macallin uusan ahayn nin matala hal-beel ama hal-qabiil ama Soomaalida Woqooy Bari Kenya oo Keliya, balse uu yahay nin metela dhammaan Geeska Afrika. Waxa kale oo madasha xusuusiyey sida ay muhiimada u leedahay in Soomaalidu bartaan dadka qiimaha leh ee ku dhex jira isla mar ahaantaasna ay dadkaas u ixtiraamaan. Waxana uu markaas dadkii kulanka isugu yimid weydiiyey in ay "diyaar ma u tihiin in aan taageerno musharaxnimada Faarax Macallin", waxayna hal dadkii oo dhami yiraahdeen "Haa, diyaar ayaan u nahay in aan is garab taagno". Sidaas ayaa reer Minnesota ku garab istaageen musharaxnimada Faarax Macallin.

Prof. C/Qaadir Xuseen:

Waxaa kaddib madasha ka hadlay Prof. C/Qaadir Xuseen, oo isaguna dadweynaha xusuusiyey wax qabadkii Faarax Macallin, waxana uu xusay sida uu uga qayb qaatay wax u qabadka Soomaalidii kusoo qaxday Kenya, gaar ahaan sida uu ugu dadaaley wax u qabadka xeryaha Qaxootiga ee DHADHAAB (IFO, XAGARDHEER, DHAGAXLEY).

Cabdalla (reer Rochester):

Waxaa kale oo madasha ka hadlay Cabdalla oo ah oday Soomaaliyeed oo matalayey Soomaalida ku dhaqan magaalada Rochester ee gobolka Minnesota, waxana uu xusay qiimaha uu Faarax Macallin ku dhex leeyahay bulshada ku dhaqan Geeska Afrika, waxana uu yiri "Aan Garab Istaagno qofka Soomaali wax u qabanaya". Cabdalla waxa uu sheegay qiso uu uga sheekeeyey oday Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Maxamuud Maalin-Guur, qisadaas oo ahayd:

Maxamuud Maalin-Guur ayaa yiri: "Waagii Leegadu (SYL) ku jirtey halgankii gobanimo doonka ayaan tagnay gobolka Soomaalidu degto ee Soomaali Galbeed (Ogaadeenya) dadweynihii ayaan ku dhex wareegney si aan lacag uga soo ururino lagu taageerayo Leegadii. Lacag ayaan soo ururinay, waxaana ku soo ridney sanduuq aan dusha kaga soo qornay magaca Leegada. Gaari ayaan soo raacnay, waxaa gaariga saarnaa 50 qof, markii aan soo mareyney meesha la yiraahdo Qurac Joome ayaa waxaa na heshay Shufto jid-gooyo ah, dadkii oo dhan ayey gaarigii ka soo dejiyeen si ay u baartaan, aniga oo sanduuqa wadey waxaan iri waan xanuunsanayaa gaariga kama degi karo, markaas ayaa waxaa la ii soo diray ninkii shuftada watey ku xigeenkiisii oo la yiri ninka gaariga saaran soo baar, markii uu ii yimid ayaan ku iri 'waxaan wadaa sanduuqan oo inta aanfuray ayaan tusay lacagta ku jirta, waxaana ku iri lacagta waxaa leh Leegada Gobanimo Doonka Soomaaliyeed, ninkii dib inta uu u noqday ayuu soo kaxeeyey ninkii watey shuftada oo waxa uu ku jiri bal kaalay arrintan ninkani sheegayo ila arag, markey ii yimaadeen ayaan ku iri sidii oo kale in lacagtan ay leedahay Leegadu, markaas ayuu ninkii shuftada watey waxa uu yiri 'lacagtaan qaadan meyno waayo waxaa lagu xoreynaa dalka, lacagtii leegada sidaas ayey shuftadii uga tageen, waxayna qaateen oo keliya lacagihii ay ka heleen 50-kii qof ee kale ee gaariga saarnaa".

Halkaas waxa uu Cabdalla dadweynaha ku xusuusinayey in xilligaas xitaa shuftadu aysan hunguriyeyn jirin lacagtA lagu xoreynayo dalka. Maanta haddaba, ayuu yiri, waxaan soo taabanay guntii, waxaana uu xusay sida cilmigii loogu soo laabtay. Waxana uu halkaas shacabka ku xusuusinayey in maanta uu jiro halgan kii Leegadii la mid ah ayna tahay in laga qayb qaato. Waxana uu Faarax Macallin xusuusiyey in ay dhiiri geliso in intaas oo dad ah oo madasha soo camiray ay isaga garab taagan yihiin.

Jaamac Khaliif:

Kaddib madasha waxaa lagu soo dhaweeyey Jaamac Khaliif oo ah musharaxii madaxweynaha ee dawladii lagu soo dhisay Kenya. Ugu horayn waxa uu sheegay qiimaha uu leeyahay qof wax bartay oo ku kalsoon diintiisa Islaamka. Waxana uu madasha xusuusiyey in Faarax Macallin uu u taagan yahay wax u qabadka ummada. Kaddib waxa uu xusay xaaladda ay hadda Soomaaliya mareyso, isagoo sheegay in dhowaan qaraar la hor keenay Golaha Ammaanka, kaas oo uu sheegay in ay tahay in ummaadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ka mudaharaadaan, waxana uu yiri "Waxaan ku baaqaynaa in la dhigo mudaharaadyo". Waxana uu yiri Muslim ayaan nahay, argaggaxiso ma nihin, diinteena cidna uga haybasan meyno.

Cabdirisaaq Lafoole:

Kaddib waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Dr. Cabdirisaaq Maxamed Aaden (Cabdirisaaq Lafoole), waxana uu sheegay in haddii la siin lahaa fursad ah in uu sheego sida uu la jeclaan lahaa in ay Soomaaliya ahaato waa: Soomaali oo dhan oo midaysan (shanta qaybood: NFD, Soomaali-Galbeed, Jabuuti, British-Somaliland, Italian-Somaliland) oo uu madaxweyne u yahay Islaamcii Cumar Geelle (Madaxweynaha Jabuuti), ra'iisul Wasaarena uu ka yahay Faarax Macallin Dawaara (musharraxa Baarlamaanka Kenya). Kaddib waxa uu dadweynaha xusuusiyey in aysan ka gabban sheegida xaqa, isagoo halkaas si xeel dheer uga hadlaya waxa uu madasha xusuusiyey in jihaadka rasmiga ah uu yahay in qofku uu hadal xaq ah ka ag yiraahdo meel ama maamul uu ogyahay in uu ciqaab ku mutaysanayo haddii uu sidaas sheego.

Dr. Nuur Faarax:

Dr. Nuur Faarax oo madasha ka hadlay waxa uu yiri muddo 14/15 sano ah ayaan soo dagaalameyney, hadda waxaa soo baxay IFTIIN, waxa keliya oo aan ku heshiin karaana waa KITAABKA QURAANKA. Waxana uu markaas guubaabiyey dadweynaha Soomaaliyeed.

Cabdifataax Cali Cabdi

Maxamed Wardheere iyo Murshid oo madasha daadihinayey ayaa magarafoonka waxay ku wareejiyeen Cabdifataax Cali Cabdi, kaddib markii uu dadweynihii madasha ka soo qayb galay iyo soo qabanqaabiyashii u mahadnaqay, waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay: Dr. Xuseen Mataan, Maxamuud Cashuur, Xaashi Xamare, Cabdi Xaabsade, Muno Xaaji Cabdi, Amaal Maxamed, Suldaan Cabdiqani Cali Saafi, Idris Cabdi, Maxamed Ismaciil, CabdiBashiir, Caade, Carab, iyo intii ka qayb qaadatay qabanqaabada xaflada iyo dumarkii xaflada keenay cashada. Mahadnaqaas ka dib waxa uu waxa uu madasha ku soo dhoweeyey Faarax Maxallin Dawaara.

Faarax Maxallin Dawaara

Faarax Macallin waxa uu markiiba sheegay in Soomaalidu ay yihiin hal-QOYS: Hal Diin (Islaam, Sunni), hal Af, hal suuran (isku midab). Waxana uu sheegay in Soomaaliya ay burburiyeen arrimaha ay ka mid yihiin: (1) Dadaalkii ay Soomaalidu ugu jirtey midaynta dhammaan Soomaaliya - soo mideeyaan NFD, S/galbeed:Ogaden, Jabuuti - markaas ayaa Soomaalida loo tashaday, waxaan ahaan jirney dad aaminsan qaran midaysan (supper-Nationalist: Soomaali-midaysan), ilaa la inaga dhigay kuwo oggol qaybinta dalka (sub-nationalist:). (2) Herdankii adduunka, gaar ahaan Hanti-Goosadka iyo Hanti-wadaagii. Waxaan noqonay Hanti-goosad aan wax dan ahni inoogu jirin, kaddibna hanti-wadaag aan sidaas oo kale wax dan ahi inoogu jirin.

Asagoo halkaas sharraxaad dheeraad ah ka bixinaya waxa uu yiri: Waxaa la rabaa in Soomaalida lagu mashquuliyo si aan looga hadlin fikirka midaynta Soomaalida. Waxana uu Faarax Macallin halkaas dadweynaha ku xusuusinayey dhibaatada haysata Soomaalida in ay tahay isku dayga la rabo in laga suuliyo hab fikirka ah wax la yiraahdo Midowga Soomaalida oo dhammaanteed xor ah, si aan taas loo helina Soomaalida lagu mashquuliyey dhibaato daba dheeraata. Halkaas isagoo ku xeel dheeraada waxa uu yiri: "Soomaalidu waa Midoobi doontaa, xabashiduna waa kala goo go'i doontaa".

"Libaax nin aan aqoon iyo wiil yar ayaa lax ka rita" ayuu ku maahmaahay Faarax Macallin. Dulucda hadalkaas isagoo faahfaahinayana waxa uu yiri: Xilligii uu bilaabaney qarnigan 2000 ayaan imid kulan ballaaran oo lagu qabaney Maraykanka, anigoo shirkii jooga ayaa nin Islaamka Maraykanka deggan ah uu i weydiiyey meesha aan ka imid, waxaan ku iri Kenya, markaas ayuu igu yiri waxaad u egtahay Soomaali, waxaan ku iri Soomaali ayaan ahay, wuxuu igu yiri burburkii Soomaaliya waa ka naxnay, laakiin anaga haddaan nahay Muslimiinta Maraykanka waxaa na xoreeyey Soomaalida, markii ay dalkan yimaadeen marka ay salaadu soo gasho ayey meesha ay joogaan salaadii ku xiranayaan, marka ay dadku fiirinayaana marka ay salaada ka baxaan ayey ku oranayeen 'maxaad naga fiirineysaa'... aad ayaa hadalkaas loogu qoslay... asagoo hadalkiisii sii wata Faarax macallin waxa uu yiri: hadda maahmaadii Libaaxa nin aan aqoon ayaa lax ka rita ayaa taagan, Itoobiyana waa jabi doontaa.

Faarax Macallin waxa uu madasha xusuusiyey in "wax aan loo dhidin dheefteeda la helin" - isagoo xusaya maahmaahda afka Ingriiska ah ee "No Gain Without Pain".

Waxana uu markaas xusay arrinta salka u ah dhibaatada haysata Soomaalida, taas oo ah dagaalka muddada dheer u dhexeeyay Soomaalida iyo Itoobiya. Colaadaas oo ah mid gaamurtey oo bariga Afrika, waxana uu xusay halgamaagii Axmed Gurey ee Xabashida baday in ay hilibka ceeriin cunaan. Haddaba xilligan la joogo dhibaatada Soomaaliya waxaa xidid u ah dhulka la gumeyso, ayuu yiri. Waxana uu hadalka ku adkeeyey oraah la macne ah: "Hal qaarkeed qalan yahay, qaarka kale nabad kuma seexdo" - oo ah Soomaalida oo qayb la gumeysto qaybta kale loo ogolaan maayo in ay nabad ahaadaan.

Faarax Macallin waxa uu si xeel-dheer u xusay khiyaanooyinka ay xabashidu adeegsatey si dhibaatadaas Geeska Afrika ay iyadu raad ugu yeelato. Ugu horayn waxay gumeystayaashii la gumeysatay dhul, dhulkaas oo ay ilaa hadda gumeysato. Xilligii la sameeyey midowga Afrika, waxay 1945 Afrikaanka ka dhaadhicisay in xarunta Midowga Afrika laga dhigo Addis-Ababa.

"Nabadda Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto" ayuu yiri Faarax Macallin. Waxana uu xusay in ay jiraan xeelado ah aan xorriyaadi dhicin looga hortegeyo taas oo ah in lakala qaybiyo dhulka Soomaaliyeed ee hadda midaysan, in la sameeyo Somaliland iyo Puntland, oo markaas loo sameeyo baarlamaano hoos yimaada Itoobiya. Muddo ka dibna la yiraahdo Afrika oo dhan ayaa midoobeysa, halkaasna lagu baab'iyo hab fikirkii Midowga Soomaalida.

Faarax Macallin oo ka hadlaya kuwa hadda soo wada Itoobiyaanka waxa uu yiri: "Rah ayaa hadlay, oo wuxuu yiri: Biyo haddey nafaqo leeyihiin lugahaygaa laga arki lahaa", marka "Haddii Itoobiya nafaqo leedahay halaga fiiriyo sida ay yihiin dhulka ay hadda gumeysato".

Waxana uu Faarax Macallin Soomaalida xusuusiyey in hadda ay Xabashidu liidato, lagana guulaysan doono. Waxana uu ku baaqay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay dalkii ku laabtaan oo la dagaalamaan Xabashida.

Faarax Macallin oo ka hadlayey sababaha la sheego in lagu diidan yahay maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya in ay ka mid yihiin:

  1. Dilka Qisaasta: Waxa uu hadalkaas Faarax Macallin ka yiri: Maraykanka waa laga fuliyaa dilka dadka, gaar ahaan waxa uu xusay gobolka Texas oo uu yiri xilligii uu madaxweyne Bush gobolkaas barasaabka (governatooraha) ka ahaa isaga ayaa saxiixi jirey qof kasta oo la dilaayo.
  2. In ay Maxkamaduhu ay yihiin Islaam: hadalkaas waxa uu ka yiri: Saaxiibka ugu weyn Maraykanka waa Israel, waxana loo yaqaan Jewish State, taas oo ah dalkii diinta Jewish-ka, marka maxaa Soomaaliya loogu siidayaa Maxkamadaha Islaamiga? Sow ma aha diinta Islaamka? - Waxa kale oo uu xusay in dalka Zambia in loogu yeero Zambiyadii Christianka ahayd, marka maxaa lagu diidayaa maxakamduhu in ay qaataan magaca Islaamka?
  3. Xuquuqda Dumarka: Waxa uu hadalkaas ka yiri: Waxaa la yiraahdaa Islaamku xuquuq ma siiyo Dumarka, laakiin xaqiiqadu waxay tahay dumarka ayaa xuquuqda ugu badan leh Islaamka dhexdiisa, dumarku waxay dhaxlaan ninkooda, wiilkeeda iwm, maalkeeda iyagoo gooni u leh, ninkaana waxaa laga rabaa in uu maalkiisa ku quudiyo. Halka reer Galbeedka ay yihiin 50-50 in ay bixiyaan quudinta guriga --- aad ayaa halkaas loogu qoslay....

Intaas markii uu yiri, waxa uu Faarax Macallin sheegay in arrinka meesha yaal uu yahay : Kitaabka Diidney. Taas oo aan cidna laga yeelay ama looga haybasaneyn. Waxana uu yiri "bal eega waxay dhehi jireen Soomaaliya mukhaadaraad ayaa lagu cunaa, intii ay Maxkamaduhu qabsadeen waxaa laga mamnuucay QAADKII, markaas ayaa waxaa la bilaabay dadkii ayaa "xorriyadii ama Freedom-kii" laga qaaday. Bal eega, ayuu yiri, in Maraykanka uu mamnuuc ka yahay Qaadku.

Waxa uu xusay qiso ka dhacday Kenya, taas oo dhex martay Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliyeed iyo Itoobiya. Qisadaas waxay ahayd ayuu yiri sidan:

Itoobiyaan joogey Nairobi ayaa u yeeray rag ka tirsan Maxkamadaha oo iyaguna joogey Nairobi in ay wada hadlaan, Maxkamadihii waxay Itoobiyaankii ku yiraahdeen "idinkaa dan wata ee idinku noo imaada oo nagula kulma halka aan doorano". Itoobiyaankii inta ay isku laabteen ayey yiraahdeen, waayahay ee aan ku kulano Hoteel, markaas ayey Itoobiyaan diyaariyeen qayb Hoteelka ka mid ah, oo wax aay doonaan ay ku xirteen. Maxkamadihii waxay yiraahdeen Hoteelka haddii aan idinkula kulano waa in ay ahaato meel aan anagu dooranay. Itoobiyaankii inta ay isku laabteen ayey taas aqbaleen. Markii ay kulmeen ayaa Itoobiyaankii waxa ay yiraahadeen haddii aad maxkamadaha tihiin ogaada in aan idin burburin doono, oo aan haysano ciidan xoog badan. Markaas ayaa Maxkamadihii waxay yiraahden: Idinkaa burburuya, wax aad cid ka qaadi kartaana ma jiraan, waxayna Itoobiyaanka xusuusiyeen in ay jiraan dad dhan oo Soomaali ah oo deggan dhul baaxad weyn oo xabashidu gumaysato iyo in ay jiraan dad badan oo Muslimiin ah oo deggan Itoobiya sida qowmiyadda Oromada, iwm. Markaas ayaa Itoobiyaankii dib u laabten oo inta ay waraysi ugu dhaqaaqeen Jaajuusyadoodii ayay waxay yiraahdeen 'waxaa soo laabtay Soomaalidii dhibka badnayd ee hore". Waxaa meesha ka baxay kuwii ay markasta isaga yeeran jireen oo waxay rabaan ka fushan jireen.

Waxana uu Faarax yiri "Soomaalidu waa dad muwaadiniin ah", waxana uu sheegay in uu ku dadaalayo in Soomaalida la isaga dhex baxao, markaas wey heshiinayaan.

Waxa uu markale ku celiyay cawaaqibka ay la kulmaan dadka xabashida miciinka bida, isagoo taas ka hadlayaana waxa uu yiri: Qofkii raba in uu ogaado in Xabashi ay nafac leedahay, ha weydiiyo Cumar Xaaji Masalle, oo ah ninkii xabashida keenay Gobolka Gedo, kaas oo aan maanta Gedo tegi kari. Waxana uu yiri: Cumar Xaaji Masalle waa saaxiibkay, laakiin waa in taariikhda laga run sheego.

Faarax Macallin waxa uu la dardaarmay Soomaalida deggan Maraykanka, waxana uu xusuusiyey in ay ku dadaalaan waxbarashada, oo bartaan cilmi nafac leh, markaas ayey iyaguna wax is tarayaan, narsina ugu noqon karaan Soomaalida deegan dalkii. Dalkaan Maraykanka waad deggan tihiin ee wax ka qabsada, waxana uu xusuusiyey maahmaahdii ahayd "Meel ama ka muuqo ama maqnaw."

Waxana uu xusay haddii loo doorto xildhibaan baarlamaanka Kenya in uu xoogga saari doono aqoonta (waxbarashada), iyo in uu kobcinta Xoolaha (Suuqgeyn, wershedeyn, kobcin). Waxana uu sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay in uu guulasan doono.

Ugu dambayntii waxa uu dadweynihii madasha isugu yimdi uga u sheegay qiso ku dhacday isagoo da'yar, waxana uu yiri:

Waxaan dhigan jirey ay dhigtaan 1200 oo arday, waxaa Soomaali ka ahaa 9 arday oo keliya. Maalintii dambe ayaa ardaydii loo kaxeeyey meel, markii aan meeshii tagnay ayaa waxaa is raacay aniga iyo mid ka mid ah ardaydii Soomaalida ahaa oo aan saaxiib ahayn, markii cabbaar la joogey ayaan isku qabanay lacag naga dhexeysey waxa aan ku samayn lahayn, markaan ku heshiin weyney ayaan kala qaysanay, labadanadiina waa kala dhirifnay ama kala xanaaqney, markaas ayaa midba dhinac u dhaqaaqay, cabbaar markii aan socdey ayaan garabka ku dhftay mid Kiinyaati ah oo aad xoogweyn, inta uu i qabtay ayaa kor ii qaaday isagoo i ceejinaayo. Saaxiibkaygii aan kala xanaaqney markii uu cabbaar sii socdey ayuu gadaal soo eegay isagoo is dhehaaya bal eeg meesha aan sii marayo, markaas ayuu arkay anigoo oo derbi ku calaqan oo lugaha ka firig-firig siinaya ama firxanaaya, markaas ayuu soo qorday, aad ayuu xoogweynaa saaxiibkay ee inta uu nasoo gaarey ayuu ninkii i haytey feer ku bilaabay, oo iga fujiyey markaas ayaan ninkii anagoo wada-jir ah ayaan cayrsanay anigiina dhagax inta aa qaatay ayaan ka daba turay, isagoo dhiig leh ayuu naga cararay." Marka, ayuu yiri Faarax, sidaas oo kale ayaa Soomaali midba meel loogu ceejinayaa haddii aynaan midoobin.

Mar su'aal laga weydiiyey hay'adaha sida Qaramada Midoobey ee lacagaha badan adduunka weydiistey si ay wax ugu qabtaan dadka Soomaaliya ku dhibaataysan waxa uu yiri: Hay'adahaasi waxa ay u dhisan yihiin in aan weligeed fakhri laga bixin, waxana uu xusay sida wax kasta oo hay'adahaasi helaan ay badankeedu iyaga ugu laabtaan oo qiyaastii 25% oo keliya ama ka yar ay dadkii loo qoondeeyey gaarto (sidaasna 75% ay hay'adahaasi dib ugu laabato). Halkaas waxa uu Soomaalida ku xusuusiyey in ay iyagu  tashadaan oo aysan cidna wax ka sugin... AKHRI..

Waxaa isku doo dubaridey: SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD